TAXANAHA
TAARIIKHEED EE OGAADEENIYA
Wq. Daahir Maxamed Cali (Baasto)
| ONLFSA@hotmail.com
Koonfur AFrica | March 20, 2003
Q.1aad
| Q.2aad
| Q.3aad | Q.4aad | Q.5aad | Q.6aad | Q.7aad | Q.8aad |
Q.9aad |
Qaybtii
4aad
AASAASKII
JABHADDA WADDANIGA XOREYNTA OGADENIYA (ONLF)
Kaddib markii uu hoos u
dhacay muuqaalkii siyaasadeed iyo dhaqankii halganeed ee Jabhaddii
Xoreynta Soomaali galbeed (WSLF), ayaa waxaa milkiilaha qaddiyadda oo ah
shacabkayaga dulman usoo baxay muuqaal hor leh oo ah in la badbaadiyo
halganka oo foodda la galay waji cusub oo khatartiisa leh, kaasoo ahaa in
ay xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre oo ahayd tii jahawareerka galisay
halganka billowday in ay heshiisyo ka dhan ah qaddiyadda la gasho Mangistu
Haile Mariam, waxaana dareen laga simanyahay noqotay u howl galidda
isbaddal lagu beegsado waxa la doonayo. Iyadoo taas laga duulayo ayaa la
aasaasay Jabhadda waddaniga xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) 15th August
sannadkii 1984kii oo markiiba u howl gashay in ay buuxiso kaalinta
hoggaamineed ee shacabka.
Jabhadda oo muddo ku
dhow lix sano dalka dibaddiisa ka wadday halgan siyaasadeed oo ay
adduunweynaha kaga dhaadhicineyso qaddiyadda Ogaadeeniya iyo heerarkii
ay soo martay waxay gudaha Ogaadeeniya gashay sannadkii 1990kii kaddib
markii ay soo bexeen ifafaalayow muujinaya in ay burbureyso dowladda
mangistu, waxayna shirkii ku meel gaadhka ahaa ee ugu horreeyey ee ay ku
yeelatay gudaha dalka ku go’aansatay in ay ka qayb gasho shirkii loogu
magac daray shirweynaha nabadda iyo dimoqraadiyadda ee lagu qabtay
magaalada addis ababa bishii July ee sannadkii 1991kii laguna dhisay
dowladdii ku meel gaadhka ahayd ee baddashay maamulkii mangistu. Intaas
kaddib waxaa bishii January ee sannadkii 1992kii magaalada Garbo ee
gobolka Nogob lagu qabtay shirwenihii koobaad ee jabhadda waddaniga
xoreynta ogaadeeniya, waxaana lagu dhisay gole dhexe oo ka kooban 45
xubnood oo uu xoghaye guud u yahay Sh.Ibraahim Cabdalla Muxamed, waxayna
ka qaybgalayaasha shirkaas dhiirri galiyeen in laga qayb qaato
dimoqraadiyadda ay itoobiya ku baaqday inta ay daacad ka tahay.
Shirweynaha addis ababa
waxaa lagu sixiixay axdi qarameed ay ku qanceen qodobadii ku qorraa ka
qaybgalayaasha shirka yididiilo weynna galiyey ummadihii kusoo jirey
halganka hubeysan ee muddada dheer soo jiitamayey. EPRDF oo ahayd
ururkii ugu awood roonaa ururradii dowladda ku meelgaadhka ah ku dhisay
addis ababa lana doonayey in ay la timaaddo aragti siyaasadeed iyo mid
maamul oo ay ka muuqato dabacsanaan iyo niyad wanaag ay ku qanci karaan
dadyowgii ku hoos jiray maamulkii itoobiya ayaa u leexatay danaheeda
gaarka ah, waxayna muddo yar kaddib lasoo baxday waji iyo dhaqan ka
baddalan wixii laysla ogaa ee meesha la wada dhigtay, ugu horreyntiina
waxa ay wax kama jiraan ka dhigtay Axdigii addis ababa:
1- Waxay hor
istaagtay hay’adihii samafalka caalamiga ahaa ee doonayey in ay wax
u qabtaan dadyowgii ay baabi’iyeen maamulladii hore ee dalka soo
xukumi jiray.
2- Waxay boob ku
billaabeen hantidii ay laheyd dowladda ee taallay xafiisyadii maamulka,
iyagoo u raray xagga deegaankooda sida Cagafcagafyadii, Matoorradii
biyaha, gaadiidkii wasaaradaha iyo wakaaladaha iyo qalabkii xafiisyada
ee maamulka dowladda.
3- Waxay gobollada
dadkoodu dagganyihiin u leexiyeen mashaariicdii horumarineed iyo dib u
dhis ee loogu tala galay dadyowgii uu sida gaarka ah dhibku ugasoo
gaadhay maamulladii isdaba joogga ahaa ee uu mingistu ugu danbeeyey,
mashaariicdaasoo ay ku deeqeen waddamo badan oo daneynayey isbaddalka
ka dhacay itoobiya.
4- Waxay billaabeen
in ay dadka suuqa ku toogtaan maxkamad la’aan iyagoo sabab ka
dhiganaya waxyaabo aan sharciga waafaqsaneyn.
Arrimahaas aan soo
sheegnay iyo kuwo kale oo badan oo ay EPRDF ku tallaabsatay waxa ay
nuxurka ka qaadeen axdigii lagu dhisay dowladdii kala guurka ahayd ee
mellas zenawi madaxda ka ahaa, waxaana si degdeg ah isu baddalay
dareenkii shucuubta ee ku aaddanaa axdi qarameedkaas.
Jabahadda Waddaniga
Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) oo muujineysa dulqaad siyaasadeed waxay
indhaha ka laabatay dhammaan xadgudubyadaas aan soo sheegnay si ay u
hanato dareenka shacabkeeda oo qaar badan oo ka mid ah dhagaha looga
buuxiyey waxyaabo runta ka fog, arrintaasuna waxay kalliftay in ay
jabhaddu xaqiijiso laba qodob oo muhiim ah iyadoo waliba hor istaagyo
badan kala kulmeysay dhinaca hogganka sare ee TPLF, waxayna labadaas
qodob kala ahaayeen: waa kan horee waxay ku guuleysteen hirgalintii iyo
meel marintii ololihii doorashada. Iyo qodobka labaad oo ahaa dhismihii
baarlamaannada heer qoomiyadeed iyo heer deegaan. EPRDF oo u arkeysay ku
guuleysashada ONLF ee labadaas qodob ee aan soo sheegnay in ay tahay
arrin ka hor imaaneysa maslaxadeeda gaarka ah waxay intii awooddeeda ah
ku dadaashay in ay minjo xaabiso maamulkii baarlamaanka qoomiyadda
soomaalida ee ay jabhaddu hoggaamineysay, arrintaasuna waxay saldhig u
noqotay is faham la’aan dhex marta maamulkii qowmiyadda iyo golahii
wakiillada dowladda dhexe ee ay awooddiisa hayeen Melles iyo kooxdiisa.
Akhri
qaybta 5aad..............
Q.1aad
| Q.2aad
| Q.3aad | Q.4aad | Q.5aad | Q.6aad | Q.7aad | Q.8aad |
Q.9aad |
Diyaariye: Daahir Maxamed Cali (Baasto)
ONLFSA@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | 2003 |