SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK.COM | DAAHIR (BAASTO)

TAXANAHA TAARIIKHEED EE OGAADEENIYA

Wq. Daahir Maxamed Cali (Baasto) | ONLFSA@hotmail.com
Koonfur AFrica  | March 2, 2003

Q.1aad | Q.2aad | Q.3aad | Q.4aad | Q.5aadQ.6aadQ.7aadQ.8aad | Q.9aad |

QAYBTII 2aad

AASAASKII JABHADDII XOREYNTA S/GALBEED (WSLF)

Bishii jannaayo sannadkii 1976kii waxaa tuulada Yaaqbadhiweyn ee Afgooye ka xigta dhinaca wallaweyn ee koonfurta soomaaliya lagu qabtay shirweyne lagu aasaasay Jabhaddii xoreynta soomaali galbeed (WSLF), laguna dhisay gole dhexe oo ka kooban 25 xubnood xoghaye guudna uu u yahay C/Laahi Xasan Maxmuud wuxuu hoggaankii jabhaddu markiiba ku dhaqaaqay in uu howl galiyo naftood hurayaashii soomaali galbeed. Ciidanka jabhadda oo qabay cadho gaaxsan oo ku aaddan maamulayaasha itoobiya waxay howlgallo dagaal ka billaabeen gudaha dalka ogaadeenya iyagoo dagaalladii ay la galeen cadowga kasoo hoyiyey guulo la taaban karo, waxayna gacanta ku dhigeen inta badan dhulkoodii.

Dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo isticmaaleysa siyaasad ay ugu magacdartay taakuleyn ayaa galisay gudaha ogaadeeniya cutubyo ka tirsan ciidamadeeda qalabka sida sannadkii 1978kii, arrintaasoo dhabarjab ku noqotay guulihii ay gaadheen xaq u dirirkii soomaali galbeed, mugdina galisay wajiga qaddiyadda ee fagaarayasha caalimiga ah, miisaankii dagaalkana u baddashay su’aal xuduudeed oo ka dhaxaysa soomaaliya iyo itoobiya. Dhanka kale waxay faragalintaasi lumisay qaabkii maamul ee hoggaankii jabhaddii xoreynta soomaali galbeed (WSLF) oo u muuqday inuu yahay daawade sharaf leh.

Bishii Noofeembar sannadkii 1978kii ururrada bulshada soomaali galbeed shir ay codsadeen ayaa lagu go’aamiyey in wax laga baddalo tirada iyo tayada xubnaha golaha dhexe ee jabhadda xoreynta soomaali galbeed oo ay ku jiraan dad badan oo loo arkayey in ayna u qalmin masuuliyaddooda marka la fiiriyo heerkooda aqooneed iyo maamul taasoo cod buuxa lagu taageeray waxaana la kordhiyey tirada xubnaha golaha dhexe oo la gaadhsiiyey ilaa iyo 150 xubnood, wuxuuna hogaankaas cusub majaraha u qabtay halgan jaha wareersan oo uu hoos u dhigay kasoo bixiddii soomaaliya ee isla sannadkii 1978kii ay kasoo baxday dalka ogaadeeniya ee aan qaabeysneyn iyo mooralkii itoobiya ee ay badhi gantaalyeen bahda reer bariga ee ay hormuudka u ahaayeen quwaddii midowgii soofiyeetiga, kuuba iyo qaar ka mid ah waddamada carabta ee xulafada la ahaa gaar ahaan Yementii koonfureed iyo Liibiya kaas oo jiitamayey muddo sannado ah.

Sannadkii 1981kii waxaa la qabtay shirweyne kaddib markii ay sidaasi codsadeen shacabka dalka gudihiisa iyo ciidanka jabhadda oo uu ku dhacayey culeyska halganka. Haddaba guddigii qabanqaabada oo loo xil saaray in ay diraariyaan shirweynaha, meesha uu ka dhacayo iyo xeer nidaamiyaha shirka waxay u yeedheen qaybaha kala duwan ee bulshada sida aqoonyahanka, salaadiinta, culaa u diinka, ururka haweenka, ururka dhallinyarada iyo qaybo ka tirsanaa ciidankii xoreynta. Waxaa shirkaas lagu doortay gole dhexe oo ka kooban 51 xubnood oo uu ku jiro xoghaye guud oo loo doortay Maxamed Diiriye Cabdi (Uur-doox), waxaana la dajiyey xeer qaanuun ahaan, nidaam ahaan iyo halgan ahaanba qeexaya in ay jabhaddu tahay hay’ad siyaasadeed oo matasha shacab leh dhul iyo magac la ogyahay. Hoggaankii Uur-doox ma noqonin mid cimri dheeraada kaddib makii ay isaga iyo dowladdii soomaaliya isku khilaafeen aragtida siyaasadeed ee ku aaddan soomaali galbeed, waxaana laga codsaday in uu xilka wareejiyo. Inkastoo ay jireen dad badan oo kasoo horjeeday ama diiddanaa fikirka is casilidda haddana bishii Luuliyo ee sannadkii 1982kii ayuu xilkii dhiibay Maxamed Diiriye Uur-doox oo dhowr jeer oo hore xukuumadda soomaaliya ay u xidhay aragtida hadda masuuliyadda looga wareejiyey mid la mid ah.

Bishii Agoosto ee isla sannadkaas 1982kii waxaa si ku meel gaadh ah loo doortay Sh.C/Naasir Sh.Aadan-yare oo ka mid ahaa halgamayaashii ku caan baxay qaddiyadda guddoomiye ku xogeenna ka ahaa maamulkii ka horreeyey kan Uur-doox. Hoggaankii uu madaxda ka ahaa Sh.C/Naasir oo xog ogaal u ahaa aragtida meesha ka saartay ninkii uu baddalay ma uusan awoodin in uu ku tallaabsado isbaddal keeni karay isku dhac dhex mara isaga iyo wasaaradaha gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda ee Jamhuuraddii Dimoqraadiaga ee Soomaaliya kuwaasoo si toos ah looga maamuli jiray arrimaha jabhadda, waxayna arrintaasi sababtay iska hor imaad xoog leh oo ka dhex dhacay ururradii bulshada iyo hoggankii jabhaddii xoreynta soomaali galbeed.

  Akhri Qaybta 3aad

Q.1aad | Q.2aad | Q.3aad | Q.4aad | Q.5aadQ.6aadQ.7aadQ.8aad | Q.9aad |

Diyaariye: Daahir Maxamed Cali (Baasto)
ONLFSA@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | 2003

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY?
Qaybtii 2aad: Xagar Yare..
Faallo

Mayee Ogaadeenyadii Bay ku Darartay
Jawaab qoraalkii Xagar Yare .... WQ. Axmed Yaasiin 

Ogadenia Mise Somali Galbeed; 
Fashikii Ethiopia!??..... WQ.Cabdi Warsame

WAA MAXEY UJEEDADA UU (XAGAR YARE) KA LEEYAH
wq. maxamed Cabdi

Itoobiya: Qaansada maslaxadeena & Cawodgeenaba!  
wq.C/raxman Ceynte

XAFLAD LAGU XUSAYEY 18 GUURADII AASAASKII ONLF   


TAARIIKH KOOBAN SOOMAALIYA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO