SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK.COM | DAAHIR (BAASTO)

TAXANAHA TAARIIKHEED EE OGAADEENIYA

Wq. Daahir Maxamed Cali (Baasto) | ONLFSA@hotmail.com
Koonfur AFrica  | March 30, 2003 

Q.1aad | Q.2aad | Q.3aad | Q.4aad | Q.5aadQ.6aadQ.7aadQ.8aad | Q.9aad |

Qaybtii 5aad

DHAMMAADKII MUDDADII DOWLADDII KU MEELGAADHKA AHAYD EE ITOOBIYA

Markii ay soo dhowaatay taariikhdii ay ku ekeyd sharciyaddii maamul ee dowladdii kala guurka ahayd, ururradii sida sharciga ah u diwaan gashanaana ay u caddaatay in ayna shucuubtoodu helin xuquuqdii uu u ballanqaaday axdi qarameedkii addis ababa ayaa ururradu waxay gudagaleen in ay u gudbiyaan golihii wakiillada ee dowladdii ku meelgaadhka ahayd barnaamijkooda siyaasiga ah ee ku aaddanaa aaya ka talinta shucuubtooda.

Jabhadda waddaniga xoreynta ogaadeeniya (ONLF) iyadoo taas ka duuleysa ayey dowladdii dhexe ee itoobiya u gudbisay aragtideeda ku aaddan aayaha shacabkeeda, waxayna codsatay in laga qaado afti si ay u muujiyaan rabitaankooda maadaama ay tahay fursad maanta la gudboon. Dhanka kale baarlamaanka qowmiyadda soomaalida ayaa shirkiisii magaalada Jigjiga ee horraantii sannadkii 1994kii ku ansixiyey in afti laga qaado shacabka soomaaliyeed ee itoobiya gumeysato. Waxay jabhaddu u arkeysay codsigeeda in uu saxanyahay kol haddii ay EPRDF iska dardartay xuquuqdii uu ballan qaaday axdigii lagu dhisay dowladdii dhexe ee qoomiyadaha. Dhammaadkii shirkii baarlamaanka qowmiyadda soomaalida ee jigjiga lagu qabtay isagoo aan lagu kala ambabixin EPRDF waxay 22nd February sannadkii 1994kii weerar ku qaadday guddoomiyihii jabhadda ONLF Sh.Ibraahim Cabdalla Muxamed oo socdaal ku joogay magaalada wardheer iyagoo doonayey in ay qabtaan hase yeeshee waxaa dagaal difaac oo gacmaha laysla galay kala hor tagay shacabka reer wardheer oo ay taageerayaan cutub yar oo ka tirsan ciidanka xoreynta ogaadeeniya. 

Dagaalkaas oo ay ku naf waayeen tiro ka badan 50 qof oo reer wardheer ah wuxuu ahaa mid ayna u kala hadhin yar iyo weyn dadka magaaladu, taasina waxay argagax iyo filanwaa ku noqotay ciidankii gumeysiga ee halkaas joogay oo dagaalkaas ku waayey in ka badan boqol askari, waxaana halkaas ku fashilmay isku daygii ciidanka EPRDF ee ahaa qabashada halgame Sh.Ibraahim iyadoo ay badbaadday sharaftii dadkayaga. Weerarkan oo dhacay kaddib markii uu soo baxay go’aankii baarlamaanka waxa uu la midyahay weerarkii birqod ee dhacay 21st January sannadkii 1992kii maalmo uun kaddib shirkii garbo ee lagu dhisay hoggaanka jabhadda. Guuldarradii wardheer intii kadanbeysay EPRDF waxay billowday in ay kulamo kala duwan kula yeelato magaalooyinka addis ababa, harar, qabridahar iyo godey qaar ka mid ah qaybaha bulshada, kulamadaas oo ay uga gol lahayd in ay ku ogaato aragtida dadweynaha ee ku aaddan go’aannada jabhadda iyo baarlamaanka. Meles Zinawi oo ay usoo baxday inaan loo xiiso qabin aragtidiisa ayaa weerar ku qaaday xarumaha jabhadda waddaniga xoreynta ogaadeeniya (ONLF) ee ku yaalay gudaha dalka.

GO’AANKII DAGAAL GALIDDA ONLF EE 20TH APRIL, 1994

Weerarkii EPRDF Kaddib shir uu isugu yimid hoggaanka sare ee ONLF 20th April sannadkii 1994kii wuxuu ku dhawaaqay in ay jabhaddu halgan hubeysan la galeyso ciidanka itoobiya ee ay horseedka u yihiin qowmiyadda tirada yar ee tigreega ee aan caddaaladda, dimoqraadiyadda iyo nabad ku wada noolaanshaha midna garaneynin. Muddadaas lagasoo bilaabo waxaa dhacay iska hor imaadyo badan oo aan lasoo koobi karin, waxayna EPRDF qorsheysay dagaallo culus oo ay ku dooneysay in ay jabhadda dalka kaga saarto, si ay taasi ugu suuro gashana waxay billowday in ay isticmaasho tabihii jabhadda kuwo la mid ah oo ah nidaamka dhuumaaleysiga; way lugeysay, way guureysay oo baqooshay iyadoo ku talo gashay in ay ONLF kaga daaliso. Markii ay ku guul darreysatay qorshahaas waxay billowday tabo cusub oo ay ka mid yihiin in ay dadka reer guuraaga ah gabagabeyso si ayna jabhadda u kaalmeynin, waxaa kaloo ka mid ahaa tabaha cusub in ay ceelasha degto si ayna jabhaddu uga cabin, waxaasoo dhanna way ku guuldarreysatay waxaana daliil u ah muddo afar sano ah kaddib waxa gudaha Ogaadeeniya lagu qabtay shirweynihii labaad ee jabhadda waddaniga xoreynta ogaadeeniya kaasoo lagu beeniyey islaweynidii ciidankii Itoobiya oo awood kasta u diyaarsaday in uu hor istaago kulanka ay isugu imaanayaan xubnaha jabhadda oo ka kala imaanayey adduunka daafihiisa.

 Akhri Qaybta 6aad 

Q.1aad | Q.2aad | Q.3aad | Q.4aad | Q.5aadQ.6aadQ.7aadQ.8aad | Q.9aad |

Diyaariye: Daahir Maxamed Cali (Baasto)
ONLFSA@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | 2003

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY?
Qaybtii 2aad: Xagar Yare..
Faallo

Mayee Ogaadeenyadii Bay ku Darartay
Jawaab qoraalkii Xagar Yare .... WQ. Axmed Yaasiin 

Ogadenia Mise Somali Galbeed; 
Fashikii Ethiopia!??..... WQ.Cabdi Warsame

WAA MAXEY UJEEDADA UU (XAGAR YARE) KA LEEYAH
wq. maxamed Cabdi

Itoobiya: Qaansada maslaxadeena & Cawodgeenaba!  
wq.C/raxman Ceynte

XAFLAD LAGU XUSAYEY 18 GUURADII AASAASKII ONLF   


TAARIIKH KOOBAN SOOMAALIYA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO