Cumar Jamaal oo Waraysi Siiyay SomaliTalk, kana hadlay Dhallinyaradii aaddey
Soomaaliya
March 23, 2009: Cumar Jamaal, Somali Justice Advocacy Center, oo aan
la yeelanay waraysi ayaa ka hadlay dhallinyaradii Soomaaliyeed ee la waayey, oo
la sheegay in mid ka mid ah uu kusoo laabtay Maraykaanka.. (Dhagayso
ama Soo Rogo)
Waraysiga Cumar Jamaal:
Halkaan ka Dhagayso
ama Soo Rogo
Sh. Cumar oo Waraysi Siiyay SomaliTalk, kana hadlay Dhallinyaradii La
Sheegay in ay Aadeen Soomaaliya..
March 23, 2009: Sheikh Cumar, ah maamulka Masaajidka Abuubakar, oo aan
la yeelanay waraysi ayaa ka hadlay dhallinyaradii Soomaaliyeed ee la waayey, oo
la sheegay in mid ka mid ah uu kusoo laabtay Maraykaanka.. (Dhegeyso
ama Soo Rogo).
Waraysiga Sh. Cumar
Halkan ka Dhegeyso ama
Soo Rogo
Minneapolis: Mid kamid ah Dhallinyaradii la sheegay in ay aadeen Soomaaliya
oo kusoo Laabtay Minnesota
Warbaahinta qaar waxay sheegeen in tirada dhallinyarada Soomaaliyeed ee
soo laabtay ay yihiin "Dhawr"
- Tarjumadii: SomaliTalk.com | March 22, 2009
Qoraal ay Axad (March 22, 2009) daabacday Jariidadda Startribune ee ka soo
baxda Minneapolis ayaa shaaca ka qaaday in mid kamid ah dhallinyaradii
Soomaaliyeed ee la sheegay in ay Soomaaliya aadeen uu ku soo laabtay Minnesota.
Dhallinyaradaas oo la sheegay in ay taxaabteen (ama kaxaysteen) kooxaha xag jira
ee Soomaaliya si ay uga qayb galaan dagaaladda Soomaaliya.
Ninka dhallinyarada ah ee Maraykanka kusoo laabtay oo da'diisu tahay 22-jir
oo ah reer Minneapolis ayaa jariidadu magaciisa ku sheegtay Kamal (oo aan waxba
lagu darin) iyadoo dad kale soo xiganeysey. Waxayna jariidaddu xustay in uu
dhuumaalaysi ku jiro.
Cumar Jamaal oo Sabtidii u waramay Jariidadda ayaa sheegay in 22-jirka
markii hore loo kaxaystay jihaad, ka hor intii uusan is bedelin (qalbigiisa),
waxana uu oo soo laabtay bilihii dhawaa ee la soo dhaafay. Waxana uu sheegay in
uusan magaciisa sheegayn sababtoo ah ammaanka isaga iyo qoyskiisa, waana is
qarinayaan.
Jariidaddu waxay tiri Cumar Jamaal ma sheegin sababta ninkan (dhallinyarada
ah) uga soo laabtay Soomaaliya ama sida uu u maalgashaday safarkiisii (ama isaga
bixiyey safarkiisii Soomaaliya), laakiin waxa uu C. Jamaal yiri, ayey tiri
jariidaddu, "Wixii uu filayey ma ahayn waxa uu xaggaas ugu tegey... waxaan u
malaynayaa in uusan jeclaysan waxa uu halkaas ku soo arkay." ayuu yiri. Waxana
uu intaas ku daray in FBI ay ninkaas la kulantay si ay baaritaan ugu sameeyaan,
laakiin xabsi kuma jiro, waa sida warku u dhigay'e.
Warkii Jariidadda: Akhri:
Somali man's return to
Minn. has locals buzzing
VIDEO: Barnaamij ku saabsan Dhallinyarada Soomaaliyeed ee la sheegay in ay
ku laabteen Soomaaliya oo uu baahiyey TV-ga Aljazeera:
Waxaa barnaamijka ka qayb qaatay Xuseen Samatar (Minneapolis, Minnesota),
Maxamed Diini (Columbus, Ohio) iyo Jennifer Cooke (Washington DC).
Xuseen Samaatar, Jennifer Cooke, Maxamed Diini
Halkan ka daawo Video-ga
:::CNN:
FBI
planting spies in U.S. mosques, Muslim groups say
:::English:
Wararka laga qoray
Soomaalida oo af-Ingriisi ah
C/raxmaan Mukhtaar oo Waraysi siiyey SomaliTalk, kana hadlay warbixintii uu
siiyey Aqalka Senate-ka Maraykanka..
March 16, 2009: Cabdiraxmaan Mukhtaar, agaasimaha barnaamijka dhallinyarada
ee xarunta Brian Coyle Community Center oo ku taal xaafadda Cedar ee magaalada
Minneapolis, oo waraysi
dheer siiyey SomaliTalk ayaa ka hadlay warbixintii uu siiyey Aqalka Senate
guddiga qaabilsan Ammaanka Maraykanka. (Dhegeyso
ama Soo Rogo).
Waraysigii: C/raxmaan
Mukhtaar Dhegeyso ama
soo rogo.
FG: C/raxmaan Mukhtaar waxaa lagala xiriiri karaa: Email:
abdirahmanmukhtar@gmail.com
Arday Soomaaliyeed oo ka qalin Jebisey
Dugsiyada Minnesota |
150 Arday oo
dhiganeyey Jaamacada Minnesota |
habeenkii Showrka
Soomaalida Minnesota |
Habeenkii Ardayda
Jaamacadda Minnesota | 2003 iyo
Ardaydii Edison | Gabdhaha Soomaalida Minnesota oo Markale
Heer-sare kagaaray Waxbarashadooda
Cusmaan Axmed Sheikh oo Waraysi siiyey SomaliTalk iyo Masaajidka Abuubakar
oo Jimcadii Jawaab ka Bixiyey Hadalkii Laga soo jeediyey Aqalka Senate-ka
Maraykanka iyo Khubadii Salaada Jimcada ee Masjidka...
Cusmaan Axmed Sheikh, madaxa Riverside Plaza Tenants Association, oo waraysi
dheer siiyey SomaliTalk ayaa ka hadlay warbixintii uu siiyey Aqalka Senate
guddiga qaabilsan Ammaanka Maraykanka. (Dhegeyso
ama Soo Rogo).
Waraysigii: Cusmaan
Axmed halkan ka dhegeyso ama
Soo Rogo
Jawaabtii Masaajidka ee Jimcadii March 13, 2009:
Dhanka kale, Sh. Farxaan Hurre oo ka mid ah maamulka Masaajidka Abuubakar
ayaa sheegay in ay been ahayd hadallo uu soo jeediyey nin Soomaaliyeed oo
Arbacadii la hadlay Aqalka Senate-ka Guddiga Ammaanka Qaran u qaabilsan. (Dhegeyso
ama Soo Rogo).
Jawaabtii Sh. Farxaan
Hurre ee Masjidka Abubakar Dhegeyso ama
Soo Rogo.
Khudbadii Jimcada ee Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, iimaamka Masjid Abuubakar
Sidoo kale Sh. C/raxmaan Sheikh Cumar ayaa salaadii Jimcada (March 13, 2009)
waxa uu ka akhriyey khudbad dheer oo ku saabsan haddii been la sheego ciqaabta
Allah ee lala kulmo. (Dhegeyso
ama soo rogo)
Khudbadii Sheikh
Cabdiraxmaan Dhegeyso ama
soo rogo
Waxaa kale oo Masjidka Abubakar Jimcadii hadal kooban ka soo jeediyey
Congressman Keith Ellison.
Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2009
Guddiga Aqalka Senate-ka u qaabilsan Ammaanka Qaranka oo Kulan Dhagaysi
ah u qabtay Golaha Sanadka iyo Dad ka mida Soomaalida Maraykanka.... iyo Masjidka
Abuubakar oo Iska Fogeeyey Eedayntii Laga Akhriyey Senate-ka Maraykanka...
Arbacadii (March 11, 2009) ilaa maantay ayaa warbaahinta Maxaligaa iyo kuwa Caamaligaa waxaa
hareeyey arrin ku saabsan Dhalinyaro la sheegay in ay dib ugu laabeen Soomaaliya
iyo Kulan markhaati
dhagaysi ah oo Arbacadii uu qabtay Senator Joe Leiberman, guddoomiyaha guddiga ammaanka qaranka
ee aqalka Senate-ka
Maraykanka, kulankaas oo socday mudo saacado ah ayaa guddoomiyaha
xog-dhageysiga oo soo agaasimay ayaa hadalkiisa ku billaabay in ujeeddada kulanku
ay tahay sidii bal jawaabo dheeraad ah loogu heli lahaa su'aalaha badan ee ka
dhalanaya dhallinyarada baxay ee la sheegay in Soomaaliya cagaha dhieen, su'aalahaas ayaa waxaa
ka mid ahaa:
Tiro intee le'eg ayaa dagaalka aaday ?
Yaa marin-habaabiyey? Ma iyagaa iskood u
baxay mise waa la diray oo waa howl Qorshaysnayd ?
Kulankaas ayaa waxaa ka hadlay Osman Ahmed oo ku hadlay magaca waalidiinta
ilmaha ka maqan yihiin ama adeer u ah Burhan Hassan oo ka mida wiilasha maqan.
Waxa kale oo kulanka ka hadlay Abdirahman Mukhtar oo ka mid ah Madaxda
Dhalinyarada Xurunta Brian Coyle Center ee magaalada Minneapolis. Waxaa kaloo ka hadlay qaybo ka mida
laanta amaanka qaran ee maraykanka.
Warqaddii J. Philip Mudd
[Halkan ka eeg PDF]
Warqaddii Andrew M. Liepman
[Halkan ka eeg PDF] ,
J. Philip oo ka tirsan laanta ammaanka qaranka ee FBI-da, ayaa sheegay in
jaaliyadda Soomaalida Mareykanka lasoo dhex galay , haddana ay intooda badan
yihiin kuwa aan dhibaato la doonaynin Mareykanka, isla markaana aan laheyn
caddeyn muujineysa inuu jiro shirqool lagu weerarrayo bartilmaameedyo Mareykan
ah sidoo kale wuxuu yiri sida ay u badan tahay jaaliyadda Somalida ee Mareykanka
waa mid dooneysa inay bulshada qeyb ka noqoto, iyagoo qoysaskooda ku korsanaya
halkan, isla markaana si xad dhaaf ah u doonaya in dalkoodii hooyo uu mar uun
xasilo.
Waxaa isna warbixin ka akhriyey oo laga dhageystay Cismaan Axmed, oo sheegay in
uu adeer u yahay
mid kamid ah wiilasha la sheegay in ay Soomaaliya aadeen, oo la yiraahdo Burhan Xasan. Cismaan wuxuu
warbixintiisa ku sheegay in Burhan iyo dhallinyarada kale ee la la' yahay laga
ugaarsaday Masjidka Abubakr As-Saddique, oo uu Burhan Qur'an-ka ku baran jiray.
Wuxuu yiri: "wiilashan wax fikrad ah kama heysan Soomaaliya marka laga reebo midda
ay ku beereen macallimiintooda jooga masjidka Abubakar." Waxa kale oo uu
xusay masjid Addacwah oo ku yaal Minnesota.
Osman Ahmed
Cismaan ayaa Senate-ka u sheegay in ugaarsigu uusan masaajidda ku sinneyn, ee
xitaa ay jiraan iskuullo loo yaqaan Charter oo ay Soomaalidu maamulaan, xarumo-jaaliyadeed, goobo kale iyo shakhsiyaad isku
muujiya buu yiri inay jaaliyadda hoggaamiyaan, ama professarro yihiin, oo sida
uu hadalka u yiri marmarsiyo ka dhigtay la dagaallanka Ethiopia, si buu yiri ay
u faafiyaan waxa uu ku sheegay fikrado xagjiranimo ah.
C/raxman Mukhtaar
Ha yeeshee, C/raxman Mukhtar ayaa Muujiyey kana hor yimid aragtida Osman Ahmed
uu ka qabo mar uu ka hadlayey goobta iyo Idaacadda BBC da Qaybta Afsomaliga in
masaajidda iyo Goobaha kale ee jaaliyadda la beegsado in ay tahay mid aan
wanaagsanayn isla markaana ka fog xaqiiqada.
Prof. Ken Menkhaus
Waxaa kale oo kulanka ka hadlay prof. Ken Menkhaus oo si xeel dheer uga hadlay
dagaalaadii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya iyo duulaankii Itoobiya ku gashay
Soomaaliya 2006. Prof. Ken Menkhaus waxay Soomaalidu ku xusuusataa hadalkii uu
jeediyey Nov 2001 ee ahaa "Waa in aynaan ku xirnaan in aan akhbaarta keliya ka
qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxibadeen yihiin haddana waxay wataan
qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta."
Eeg qoralkii 2001.
Jawaabta Masaajidka
Dhinaca kale Maamulaha Masjidka Abubakar Saddiq Sh Farhan Hurre ayaa dhaliilay kulankaas,
waxana uu sheegay in ay wanaagsanaan lahayd in wax laga weydiiyo, sidaas waxa uu
ku sheegay war bixin uu siiyey
wargeyska Startribune oo ah Joornaal ka soobaxa Gobalkan Minnesota waxuuna sheegay in maamulka
masjidku mar walba u taagan yihiin warar ka ku tiri kuteenka ah ee saxda iyo
xaqiiqada ka fog in ay ka jawaabaan, waxaana masjidku marara badan ku celceliyey in uusan masjidka Abubakar Saddiq uusan
cidna dirin dirina doonin.
Warbixintii Startribune
Halkan ka akhr (www.startribune.com)..
Sidoo kale Khamiistii waxaa Radiyaha Minnesota ka hadlay ama su'aalo lagu
weydiiey Soomaali badan. Idaacadda NPR ayaa barnaamij yadeedu ka hadlayeen
Soomaalida waxaana muuqata in war baahinta maxaligaa ay xooga saarayso
Soomaalida ayada oo bogaga hore lagu arkayo warbiximo ku saabsan Soomaalida...
Halkan ka dhegeyso warbixintii NPR (http://www.npr.org/)
Warbixintii iyo Qoraalladii Aqalka Senate-ka VIDEO iyo Qoraalk
Eeg halkan....
Ustaad Dalboon
cdalboon@hotmail.com
Minneapolis, Minnesota
Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2009
|