MANKATO, MINNESOTA, USA | January 12, 2002
EGLISH.VERSION - CLICK
Safia Qanyare, oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhigata dugsiga sare ee Mankato East High School, Minnesota,
oo heer sare ka gaartey waxbarashada
Photo by Jeff Thompson, MankatoFreePress
|
"Saafiya Qanyare markii ay timid Ameerika sannaadkii 2000 wada-hadal kuma yeelan
karin luqada Ingiriiska, maanta oo ay meel sare kaga jirto dugsiga ay dhigato ee lagumagcaabo
Mankato East High School waxa ay fasaladeeda keentaa derejada ugu saraysa [A], iyadoo siwacan ugu hadasha una
akhrisa luqadda Ingiriiska, isla markaana qoraalkeedu uu aad u soo wanaagsanaanayo." sidaas waxaa warbixinta ku bilaabay wargeyska lagumagcaabo
mankatofreepress oo kasoo baxa magaalada Mankato oo katirsan gobolka ay Soomaalidu ku badanthay ee Minnesota.
Saafiya markii ay timid waddanka Maraykanka waxa ay bilowday fasalada ESL-ka si ay u barato luqada
Ingiriisiga. Waxayna wargeyska u sheegtay in ay caawintay walaaleheed oo ay isku mar luqadaas baranayeen isla mar ahaantaana ay iskula hadlayeen luqadaas si ay ugu
tababartaan.
Waxa kale oo Saafiyo wargeyska u sheegtay in macalinkeedii uu ka taageeray sidii ay si guul ah ugu dhexgeli lahayd dalkan
cusub.
Saafiyo iyo afar walaaleheeda ah iyo waalidkeed waxa ay ka yimaadeen Soomaaliya iyagoo soo maray Kenya, waxay
hal-bil deganaayeen magaalada St.Paul, kadibna waxay degeen Mankato.
Aabeheed in yar ayuu ka yaqaan luqada Ingiriiska. Hooyadeed waxba kama taqaan luqadaas Ingiriisiga, laakiin hadda ayey qaadataa fasalada barashada
luqada. ayaa wargeysku ku daray hadalkiisii.
"Aabahay waxa uu rabaa in luqadda Ingiriiska aan ku hadalo marka aan bannaanka kaga maqanahay guriga, laakiin marka aan joogno guriga in aan ku hadalo luqadanada si aanaan u dhumin ku hadalka luqadanada",
Saafiya Qanyare.
|
"Inkasta oo walidkeed ay siweyn ugu dhiiri gelinayaan barashada luqadda Ingiriiska, hadana Saafiyo waxa ay sheegtay in waalidkeed ay aad u rabaan in carruurta ugu
da'da yari aysan dhumin luqadoodii ay u dhasheen [Af-Soomaaliga]"
isagoo wargeysku ku daray in Saafiya ay tiri "
Aabahay waxa uu rabaa in luqadda Ingiriiska aan ku hadalo marka aan bannaanka kaga maqanahay guriga, laakiin marka aan joogno guriga in aan ku hadalo luqadanada si aanaan u dhumin ku hadalka luqadanada."Wargesyka oo warbixintiisii sii wata waxa uu sheegay in
6,900 arday ee degmada Mankato ay 235 kamida ku hadlaan luqad aan ahayn Ingiriiska. Taasoo
luqada ugu badan ee tiradaasi ku hadlaan ay tahay Af-Soomaaliga (70 arday), waxaana ku xiga Spanish (57 arday), Cambodian (28), Vietnamese (16) iyo Afrikaans (11).
Waxaana lagu qiyaasay in ardayda degmadu ay ku hadlaan 26 luqadood oo kala duwan.
Warku waxa uu intaas ku daray in dadka barta luqada ESL ay aad u kordheen, kuwaas oo
10,000 arday ahaa sannadkii 1988 haddana ay tiradaasi mareyso 46,000 arday. Luqadaha ugu badana waa Spanish, Hmong, Soomaali iyo Vietnamese.
Waxaana degmadu sheegtay in ay ESL-ka ay ku kharashgarayn doonto lacagdhan $260,000.
Aqoon La'aani Waa Iftiin La'aan!
|
Sida wargeysku ku waramay luqadda Af-Soomaaliga ayaa in badan ka kormartay luqada Spanish-ka marka laga hadlayo ardayda
degmada.
-Dhammaad faaladii wargeyska-
Ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarta Minnesota waxay dhowaanahaan kusifoobeen kuwa ugu tacliinta wanaagsan Soomaalida u soo dhooftay qurbaha. Waxay ahayd sannadkii
lasoo shaafay ee 2001 marka ay
ardayda Soomaaliyeed
Wacdaraha
markale ka muujiyeen heerka sare ee ay ka gaareen wax barashada. [AKHRI WARBIXINTII HORE].
Sannadkii 2000 wuxuu sidoo kale ahaa mid ay Soomaalida Minnesota ka soo hooyeen guulo wax ku oola oo xagga waxbarashada ah. Sannadkaas gabar soomaaliyeed oo lagu magcaabo Nagi Cabdulaahi
ayaa gashay darajada Labadaad ee Schoolkaa Roosevelt oo kamida iskuulada ay
soomaalida ugu badan dhigtaan, sidoo kale waxaa xiligaa iyaguna magaca sare u qaaday Xaawa Xussen Faarax iyo Maxamed Maxmuud Kaahin, oo labaduba helay darajo aan taa Nagi Cabdulaahi ka dhicin.
Fartuun Nuur, Minneapolis.
|
Tirada Soomaalida Minnesota oo lagu qiyaasay 30,000 - 45,000 waxaa dhigta jaamacada gobolkaas arday lagu qiyaasay 800 arday.
Soomaalida deggan qurbaha waxay derejada koowaad ee aqoonta siiyaan
Soomaalida Minnesota, iyagoo weliba lagu amaano dhaqanka suuban ee ay gaareen
gabdhaha Soomaalida Minnesota [badankooda], halka ay derejada koowaad ee gargaarka aadamino la siiyo Soomaalida Australia. Waxaa kale oo la amaanay Soomaalida Findland sida ay u xafidaan dhaqanka iyo luqada ubadka yaryar ee Soomaalida.
Guulahaas ay gaareen qaybo kamida ardayda Soomaaliyeed waxaa dhinac socda in ay jiraan in badan oo dhallinyaro Soomaali ah oo jooga Woqoojiya W/Ameerika aysan wax baran.
Waxaana ugu badan kuwa da'doodu ay tahay dhawr-iyo-tobanka oo loo yaqaan "Teen-Age" una badan wiilal.
Kismayo, Soomaaliya
Ciidda ay carruurtani ku fadhiyaan waxaa dhici karta in uu ku hoos jiro Batrool qaali ah!.
|
Arintaas waxaa laga dareemi karaa labada magaalo ee Soomaalidu ugu badanyihiin oo kala ah Toronto iyo Minnesota xaafadohooda lagu kala magcaabo Cedar iyo Dixon, oo u dhigma xaafada Islii ee Nairobi marka laga hadlayo sida ay Soomaalidu ugu badanyihiin, taas oo marka aad qoysas badan lakulantid kuu sheegaya in ay wiilasha dhawr-iyo-toban jirrada ku kari waayeen waxbarasho ama in ay iskuulada dhigtaan.
Marka aad eegtid sawirka ubadka Soomaaliyeed ee ku sugan Soomaaliya oo ay ka muuqato daryeel la'aanta, iyadoo aanba la gaarin waxbarasho, halka kuwa wax kasta oo ay u baahanyihiin diyaarka loolayahay laakiin laga waayey uun in ay iskuulka ku tagaan saacado kooban.
Soomaaliya oo 11 kii sano ee ugu dambeeyey ma lahayn dawlad dhexe oo daryeesha ubadka yaryar, kuwaas oo badankoodu aysan hadda waxna qorin waxna akhriyin.
SOMALITALK | NEWS | Janaayo 12, 2002
FAAFIN: SOMALITALK.COM