2002: Arday Soomaaliyeed oo ka qalin Jebisey Dugsiyada Minnesota
IQRA WAXAY U TIMI
IN AY AADANUHU BARTAAN.
Odayga Suugaanta Mudane Sangub.
Akhyaareey maalin Wanaagsan! Kani waa sheriifOsman! Barnamijkuna waa kii
qalinjebinta! Waxaan galabta isu soo maray xarumo badan kuwan oo ay ka qalin
jebinayeen arday Soomaaliyeed oo farabadan dugsiyada sare ee Dalkan Maraykanka
gaar ahaan Gobolkan Minnesota, kan oo lagu tilmaamo in uu yahay imika kan ugu
badan ee ay Soomaalida degan dalkan Maraykanku degan yihiin….
Soomaalida degan gobolkan ayaa lagu qiyaasaa ilaa iyo
sideetan kun oo qof oo Soomaali ah, Somaalida gobolkan ayaa si aan caadi ahayn
oga muuqata dhamaan xarumaha ay bulshawaynta gobolku ku kulanto, hadii markaa ay
noqon lahayd kuwa waxbarashada, shaqada, iyo weliba meelaha markaa muhimada u
leh dadka e waqtiyada hagaagsan lagu qaato sida Maktabadaha, carwooyinka Iwm.
Dadka Soomaaliyeed ee Gobolkan ayaan marnaba lagu eedayn
karin sida ay qabaan dad badan oo reer Minnesota ah, haba yaraatee wax dadaal
xumo ama dhibaato ah tan oo ay u gaysteen dadka ay markaa Jaalka yihiin ee
Gobolkan ama hadii aan si guud u iraahdo Maraykanka oo idil, sidaasoo kalaa dad
badan oo iyaguna u dhashay dalkan Maraykanku sheegaan in ay Soomaalidu yihiin
dad aad iyo aad u firfircoon, xataa ay qaar badanu jeclaysteen in ay bal
Soomaalidu halka ay ka yimaadeen wax ka gartaan ama bartaan
Sidoo kale dad badan oo weliba Soomaali u badan ayaa
iswaydiiya sababta hadii ay Soomaalidu agab leeyihiin ay ugu dhacday dhibaatada
qarada wayn ee ku habsatay dalkooda, arintan ayaa gooni u ah in ay si joogta ah
isu waydiiyaan dadka iyagu u dhashay Soomaalida, taa waxaan marar badan is
iraahdaa aniga qudhaydu tanu shoow jawaab ma leh! Hadana mar kale is iraahdaa
sidaa ma ahane amaan inaga un isu darannahay oo dadka kale weliba ajaanibtu ha u
badnaadaane aan u roonnahay! Waa yartahay inta uu ruux Soomaali ahi uu xumeeyo
ama uu wax tari waayo xataa hadu arko isagii oo dhibaataysan rux ajnabi ah,
walaalkiisa Soomaaliga ahna waxaa laga yaabaa in uu ku yiraahdo waar waan ku
diliye Ashahaado!…..
“Marna madaxayga waa ay geli waysay Soomaalidu sida ay
yihiin, marka laga akhriyo dhan walba, hadii ay noqon lahayd dhaqanka iyo hidaha
facawayn ee ay leeyihiin, ama sida ay isugu xidhan yihiin ee ay qooys keliya u
yihiin inta aysan jirin wax nafci, dhaqaale ama Jaah leh oo dhexdooda yaala”.
Sidan waxaa ku waramay Mr.Mike Haerth Maamulaha Dugsiga Sare ee Roosevelt mar uu
lahadlayay Ardayda Dugsiga oo doonayay in ay bal wax ka ogaadan Dhaqanka
Soomalida iyo sida ay u noolyihiin.
Waxba yuusan hadalku ila baxsane waxaa dhawaanahanba socday
xaflado gaagaaban kuwan oo loogu dabaal degayay Qalinjebinta ardayda dugsiyada
hoose/dhexe iyo Sare. Kuwan oo ay ardayda Soomaaliyeed hormuud u ahaayeen mid ka
mid ah sanadihii lasoo dhaafay kadib markii
Nagi
Cabdulaahi Maxamed oo ardayad ka ahayd Dugsiga sare ee roosevelt ay gashay
qofka labaad ee Dugsiga oo dhan “Ardaydan oo kale ayaan lagu arag labadii sano
ee ugu dambaysay arday noocooda oo kale ah oo guushan oo kale usoo hoya
Jaaliyadaha ay ka yimaadeen, Al-xamdulilaahi waan ku farxsanahay dadaalkan,
welina kama daali doono in aan sii wadno dadaalka noocan amaba aan laba jibaarno
“Sidan waxaa ardayda edison kula hadlay Ayaan oo iyadu ardayad ka ah isla
dugsigaa.
Waxaan hadaba ka qayb galay mid ka mid ahayd xafladahaa
gaagaaban ee aan soo sheegay, tan oo lagu qabtay Dugsiga sare ee Roosevelt,
xafladan waxaa kasoo qayb galay macalimiin badan oo Dugsiyo kala duwan ka
socday, iyo weliba abwaanka wayn ee Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdulaahi
Sangub oo halkaa ka tiriyay gabayo isugu jiray guubaabo iyo ku dhiirigelinta
dhaliinyaraada cusub barashada Af-Soomaaliga.
Sangub oo aad loo jeclasytay gabayadiisaa ayaa markeliya
intuu labada dhinac dhugtay yiri “Horta yaanan iska burqanine ma I fahmaysaan,
oo waxaan ku hadlayaa ma idin gelayaan?”. Waxa kaloo uu waydiiyay Sangub
Ardaydii halkaa isugu timi su’aal la xidhiidhay Af-keena hooyo ee qaniga ah,
hadiise uu su’aashii soo jeediyay Sangub cid ka hoos qaaday ma uusan helin tanoo
buu yidhi igu dhalinaysa Niyadjab iyo welwel wayn oo aan u qabo sidii aad u
ilaalin lahaydeen dhaqankiina Suuban ee diinta laga miidhay.
Waxaa kaloo uu Sangub oga sheekeeyay Dhaliinyardii halkaa
isugu timi oo uu adeegsanayay goortii uu la hadlayay magaca “TEENAGE”, dhaqan
xumada uu qaar iyaga ka mid ah ku arkay goorta ay magaalada u daadegaan, “Mid
baad arki Quruxdeeda iyo sida Illaahay u qoray aad la yaabto, oo calooshii
dibada soo dhigtay, ama wejigeedii qurxoonaa biro iyo qadhaabado ku xidhxidhay,
war adeerayaaloow waxaasu waa ceeb ee inaga daaya”. Mar uu kala hadlay ardaydaa
arin la xidhiidha mustaqbalkooda waxa uu Sangub yidhi “Hada waxaad dhamayseen
waxbarashadii Dugsiga Sare, ogaada hada waxba ma aydnaan baran. Waxbarashadii
runta ahady hada ayay idiin bilaabanaysaa. Ha ka tegina ee aada waxbarashada
Kuliyadaha sare ee Dalka, hadii aydnaan sidaa yeelina waa ay adkaan doontaa in
aad noqotaan dad waxbartay, ama xataa haya xoogaagii yaraa ee ay ka
faa’iidaysteen Dugsiyada Sare. Qaarkiina isaga taga ama kuwiina isaga tegi doona
ee ku fekiraya in ay shaqaystaan, lacagta aad ku hamiyayso mid ka bdan baad heli
doontaa ee waxba ha degdegin wax baro iinshaa allah, lacag samee oo guurso waa
hamiga intiina badan ku jira, haday dhaliinyarooy taasi dhacdo isku daya in aad
Xajisaan oo aydnaan si fudud usii daynin hoowshaa hagaagsan waa Guurka e’…Waayo
beryahan dambe waxaad maqasheen wax loogu yeeray SINGLE MOTHER! Waaban yaabaye
Horta SINGLE MOTHER waa maxay?…
Maaweelo waano iyo tusaalayn isugu jirtay kadib ayaa lagu soo
dhaweeyay Mr.Mike Haerth Maamulaha Dugsiga Sare ee Roosevelt, Maamuluhu waxa uu
hadalkiisii ku bilaabay “Eray English ah oo uu waydiiyay Ardayda. Eraygaas oo ay
ardaydu macnayaal badan u sameeyeen, jiijiid dheer oo eraygaa loo gaystay kadib
waxaa la isku raacay in uu macnihiisu ahaa wax ka baxsan waxa banii’aadamka
awoodiisa ah, ama wax aan caadi ahay, “Waxaa idin la hadlay dad ka waawayn in la
tilmaamo, oo macalimiin leh, Suugaan yahanno leh, nooc walba isugu jira, anigu
sida runta ah Af-ka Soomaaliga kuma hadlo, hadana aad baan ugu raaxaysanayay
Suugaantii afkiisa ka deganaysay Mudane Sangub! Mahadsanid Yaakhay Sangub!” Aad
baa loola yaabay sida uu usoo boobay eraygaa “Mahadsanid Yaakhay”, oo uu
islamarkaana ugu soo daray Af-kii Ingiriisida ee ku hadlayay!
Intaa kadib waxaa hadalkii la waregay qaar ka mid ah
dhaliinyarada Dugsiga dhigata oo
ardayda qalin jebinayay usoo diyaariyay Shahaadooyin, kuwan oo ay kala jeedeen
mahadnaq ku jeeda howlkarnimadii ay muujiyeen mudadii ay dhiganayen Dugsiga Sare
ee Roosevelt, waqtigaa oo ay sheegeen ardaydii shahaadooyinkaa bixinayay in ay
aad usaacideeyeen walaalahooda Soomaaliyeed ee iyagu ku jira fasalada ka
hooseeya kuwaa imika ay ka qalinjebinayay.
Dhaliinyardii shahaadooyinkaa la siiyay waxaa ka mid ah
Saciido Anas, Sadiiq madaxa ardayda Soomaalida ee Roosevelt, Sulayman Cumar,
Cosob Maxamed, Fartuun Nuur iyo Khadra Cali.
Sidoo waxaa iyaguna halkaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay
qaar ka mid ah maaclimiinta Dugsiga sare ee Roosevelt oo ugu horeeyo Maamulaha
dugsiga Mr.Mike Haerth, Maxamed Cusman, Xassan Aways, Cabdulaahi Cilmi, Axmed
Nuur, Khadiija Cilmi, Maxamed Cusman.
Halkaa waxa kaloo isaguna ka hadlay macalin Maxamed Xassan, o
u sheegay in ay tahay in ay Dhaliinyaradu waxbarato si markaa ay mustaqbalka oga
shaqeeyaan sidii ay u midayn lahaayeen beeshooda Soomaaliyeed meelwalba oo ay
joogaan, hadaladii uujeediyay oo ay xamaasadi ka muuqatay ayaa ka mid ahaa “War
adeerayaaloow wax hala barto oo halaga shaqeeyo sidii aad mid keliya u noqon
lahaydeen, waan filayaa kuwa badan oo idin ku jira in aan u sheegay Sheekada
Odaygii caruurtiisa oga sheekeeyay Midnimada qiimaha ay leedahay, ee intuu Ulaha
isku duubay ku yiri caruurtii jebiya, goortii ay jebin waayeena, ugu dhiibay
xabadxabad ilaa ay markii dambe u fududaatay in ay xabadxabad u jebiyaan,
adeerayaaloow midnimaduna waa ay adagtahay, kala taga iyo tafaraaruqana waa
baaba’eena ee inaga jira, daadala Ilaahayna ha idin la jiro! waad
mahadsantihiin.
Qaybihii dambe ee xafladahaa waxaa ay ka dhacayeen dhamaan
dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee gobolka, inkasta oo dugisyada ay ugu badan
yihiin Soomaalida un ay ahaayeen kuwii aan soo maray ama aan xafladahooda ka
qayb galay, hadana intaa waa ay ka badnaayeen ardaydii Soomaaliyeed ee ka qalin
jebinayay xarumaha waxbarshada ee gobolkan sida aan horay usoo sheegayba.
Kuwii ugu badnaa ee aan xadiray waa Qalinjebintii Ardayda
Soomaaliyeede waxa ay ahaayeen, sadexd xafladood oo waawayn oo iyagu lagu soo
gabagabaynayay kuwii tirada badnaa ee socday todobaadkan oo dhan, waxa ay ka
dhaceen Dugsiyada sare ee Roosevelt, Washburn iyo Edison.
Sida loo agaasimo xafladahan oo kale marka ay timaado in la
qabto ayaan si aan caadi ahayn, tan imikana waxaaba usii dheeraa kuwii ka
horeeyay ee sanadwalba oo lasoo dhaafay la qaban jiray, cidamadii amaanka oo
meelwalba tubnaa ha ugu daraado Dugsiga sare ee Edison iyo weliba xataa
dugisyadii sare ee aan tagay oo idil!.
Ardaydaii halkaa ku qalin jebinaysay ayaa indhahoodu farxad
iyo bashabash buxiyeen, kuwan oo aad dareemi karto sida xooga badan ee ay ugu
faraxsanaayeen marxalada ay guuxaysa, ardayda Soomaaliyeed ayaa iyagu la odhan
karaa waaba ay ka duwan yihiin ardayda dalkan ee ay isku dugsiga ka
qalinjebinayeen! Waayo waxaa hor taala duruuf adag tan oo ay la gudboontahay in
ay marka hore lafahooda ka talaabiyaan, kadibna usoo jeestaan sidii ay Ummadda
Soomaaliyeed ee walaalahood ah oga talaabin lahaayeen.
Hadaba hadii aan isku dayo in aan guud maro sidii loo kala
horeeyay ama loo kala darajo sareyay, aan iraahdo horta ardaydii Soomaaliyeed ee
ka qalin jebiyay Dugisidaya sare ee gobolkan waxaa lagu qiyaasay ilaa iyo 300 oo
arday, kuwan oo kala dhiganayay ilaa iyo 16toban ka mid ah dugisyada Sare ee
Gobolkan Minnesota.sida runta ah halka ay kaga jiraan ardaydani bulshadan aanu
la noolnahay ayaa ah mid aad u heersaraysa iyo weliba xiriirka labada beelood
waa Maraykanka iyo Soomaalidee oo aad uu hagaagsan.
Hadaan tusaale u soo qaato Dugsiga sare ee edison 27kii arday ee ugu sareeyay
dugsiga oo dhan, ardayga labaad waxa uu ahaa:
1. Abdicasiis Maxamed Cusman*
Waxaa kaloo soo raacay oo iyaguna isla kooxdan ku jiray
-
Shucayb Maxamed Ibrahin*
-
Ismaaciil Maxamed Ibraahin*
-
Cabdisamad M. Musse
-
Mustafe A. Artan*
Kuwan oo weliba qaar ka mid ahi ay ola jirtay in ay heleen
sharafka “National Honor Society”.
Waxaa iyaguna jiray arday badan oo ku jiray kooxda labaad
kuwan oo kala ahaa
-
Liban Artan*
-
Xasan Cumar Xaaji-Maxamuud*
-
Foowzia Maxamed Xaaji
-
Jibriil Macalin
-
Maxamed Axmed Saalax
-
Maxamed Cabdulaahi Sheekh
-
Luul Xasan Sooyaan
-
Nuuradiin Jibriil Yuusuf
Dugsiga Sare ee Roosevelt ayaa dadaal aan kaa ka yarayn
muujiyay inkasta oo ay inbadana ka badan yihiin ardayda wax ka barata Dugsigan
mid walba oo ka mid ah dugsiyada sare ee Gobolkan waa marka laga hadlayo ardayda
Soomaaliyeed.
Maanta waxaa Tobonkii arday ee ugu sareeyay dugsiga ama helay
waxa lagu magacaabay “Gold Cord” sadex ka mid ahi ay ahayeen Gabdho
Soomaaliyeed, kuwan oo weliba qaar iyaga ka mid ah waa gabdhahaa Soomaaliyeede
ay heleen “National Honor Society”., kuwan oo aan astaan oga dhigay “*”, Waxay
kala yihiin.
-
Anisa Cabdulqaadir Cilmi*
-
Safiya Xirsi Warsame*
-
Fowsiya Cabdil-Caziiz Yusuf
Ardaydii galay kooxda labaad qudhood waxaa ku jiray Arday
Soomaaliyeed kuwan oo kala ahaa..
1. Qadro Cbadulaahi Cabdi
2. Farxiya Axmed Cabdulaahi
3. Mabruka Axmed Cabdulaahi
4. Muna Sheekh Abuu
5. Maxamed Cawil Cali
6. Maxamed Cusman Cali
7. Libaan Cabdi Caraale
8. Xaawa Axmed Xasan
9. Daahir Yusuf Hasan*
10. Basra abuubakar Jibriil*
11. Ibraahin Cabdulaahi Maxamed
12. Amal Maxamuud*
13. Said Cali Maxamuud
14. Sacdiya Cabdulqaadir Muumin
15. Mukhtaar Maxamed Muse
16. Saleebaan Maxamuud Cumar
Dadaal aan yarayn kadib Ilaahay waa uu u fududeeyay, halkii ay higsanayeenna
waa ay gaareen Ilaa iyo imika, waxase ardaydu intooda badan ay iswaydiinayan
ayaa ah maxaa xiga! Sidee baaynuse oga soo bixi karnaa Kuliyadaha waxbarashada
Sare, tan oo ay u dheertahay sidii loogu gurman laha dadkii iyo dalkii aanu ka
nimi ee ay bahaladu qaybsadeen.
Siday dooniba ha noqotee xafladahaasu waxa ay ahaayeen kuwa aad loosoo
qorsheeyay, ardayda Soomaaliyeed ayaa sidoo kale soo hoyay guulo la taaban karo
oo waawayn mar hadii ay ka gudbeen marxalado dhoowr ah oo runtii aad u adkaa.
Isla todobaadkan waxaan soo maray xaflad qalin jebin tii iigu
yaabka badnayd ee aan xaadiro abidkay…Waxay ahady mid loo samaynayay Arday
qudhoodu Soomaali ah..laakiin kuwii aan kasoo sheekeeyay kun iyo koow jeer ka
yar yar…Qaybtii ay ka qalin jebinayeen ayaa ahayd Dugsiga kasii hooseeya
xanaanada caruurta, xafladan oo runtii aan markii hore u malaynayay in loo
qabanqaabiyay dad dugsiyo waawayn ka qalin jebinaya sida kan Sare, Jaamacadaha,
IWM.
Waxaa iga yaabisay sida loo agaasimay xafladan..hadana waalid
walba oo uu xil isaga saaray in uu kasoo qayn galo xafladaa loo samaynayay qalin
jebinta ubadkiisa…caruurtan ayaa da’doodu u dhaxaysay 5 ilaa iyo 6jir, waxay u
gudbeen xanaanada caruurta tan oo ay sanada dambe oga sii gudbi doonaan Fasalka
Koowaad ee Dugsiga Hoose..
Wargelintan waxa ay ku jeeda ardayda Sawiradoodu uu
qoraalkan kusoo baxay, hadii aad jeclaan lahaydeen in aad heshaan Copy
sawiradiina ah fadlan lasoo xidhiidh producer@tvs.com adiga oo soo sheegaya
sawirkaaga Nambarkiisa, sawirkaaga nambarkiisana waxaad ku ogaan kartaa adiga oo
dulsaara falaarta yar ee shaashada Computer-kaaga ka muuqata ama aad u adeegsato
maamulka Computer-kaaga goorta aad isticmaalayso, kadibna waxaa sawirka dushiisa
kaaga muuqanaya Astaanta ama nambarka uu sawirkaasi ku leeyahay SomaliTalk
Memory Albums.ser, tan ayaa inoo fududaynaysa in aan si sahlan ku helno
sawirkaaga kadibna aan kuusoo dirno.
Ugu dambayn waxa bahda SomaliTalk iyo dhamaan sahqaalaheeda
jooga daafaha dunida oo dhan ay tahniyad u dirayaan dhamaan ardayda Soomaaliyeed
meelwalba oo ay dunida ka joogaan, gaar ahaan kuwa maanta ka qalin jebiyay
dhamaan heerarka kala duwan ee waxbarashada, hadii markaa ay noqon lahayd
kuliyadaha waxbarashada sare, Jaamacadaha, Dugsiyada sare, Dhexe iyo weliba
hoose. Waxaanu leenahay ku gaara sanadan teeda kale barwaaqo, bash bash, nolol
wacan oo wanaagsan, cimri suuban oo cibaado eebbe lagu ladhay, iyo tan dambe waa
aakhire oo aad heshaan tii qaboobayd Al-firdoows…Nabadeey.
SheriffOsman
Minneapolis, Minnesota.
editor@somalitalk.com
Gabdhaha Soomaalida Minnesota oo Markale
Heer-sare kagaaray Waxbarashadooda
Sidoo kale eeg Sannadkii 2001 iyo ardayada Som.Minnesota
June 20, 2002 | Xuquuqda Qoraalkaan waa xafidantahay |
SomaliTalk.com
WARBIXINADII HORE EE SOOMAALIDA MINNESOTA
Gabdhaha Soomaalida ee dhigta Dugsiga Sare ee Mankato oo
waxbarashada guul ka gaarey
Warbin uu wargeyska Mankato kadiyaariyey gabar Soomaaliyeed oo guul kagaartay
waxbarashada AKHRI.HALKAN
Shirweynihii Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn Looga Soo
qaybgalay
Warbixintii shirkii Soomalida ee Xalay laguqabtay Minneapolis oo lagu tilmaamay
kii ugu ballaaraa oo lagu qabto meel kabaxsan Soomaaliya..
AKHRI.HALKAN
AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA
Dhibaatooyinka hor leh ee Soomaalida qarnigan waxaa kamida Afkooda oo...AKHRI.HALKAN
Ardayda Soomaaliyeed oo Mustaqbalkoodu ifayo
Ardayda Soomaalidu heerkee bay kaga jiraan Xarumaha Waxbarashada Gobolkan
Minnesota?...
GUJI.HALKAN
Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000
Dadkii ugu magaca dheeraa sannadkaas waxaa kamid ahaa
Nagi
Cabdulaahi Maxamed,
Guulihii ay gaareen Ardayda Soomaalida Minnesota sannadkii 2001
GUJI.HALKAN
Warbixintii gabdhaha Soomaalida Minnesota lagaqoray sannadkii 2000
GUJI.HALKAN
SUUQ_WEYNAHA SOOMAALIDA MINNESOTA: Karameel waa suuq aad uweyn oo ay
leeyihiin Soomaalida Minnesota ee
Soo booqo maanta
HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA
Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka, oo
kuyaal gobolka Minnesota, ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cusurka
halista ah ee kaadi-sonkorowgu, Taas oo dhakhtarku uu sheegay in ay sabab u
tahay cuntada xayrtu kubadantahay ee cunto Ameerikaanka looyaqaan iyo iyada oo
Soomaalidu aysan samayn jimicdiga jirka, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto
kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....
Kismayo,
Soomaaliya
Ciidda ay carruurtani ku fadhiyaan waxaa dhici karta in uu ku hoos jiro Batrool
qaali ah!.Faafin: SomaliTalk.com |