CADDAYN KU WAJAHAN LAHAANSHAHA SHABAKADDA WARBAAHINEED EE CODKA
NABADDA (VOP).
Waxaan halkaan uga mahadcelinaynaa dhaamaan qeybaha kala duwan ee
bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Soomaaliyeed ee
Muqdisho kaalintii taariikhiga ahaa ee ay ka qaateen weererkii lama
filaanka ahaa ee lagu soo qaaday xarunta Idaacadda Codka Nabadda ee
Muqdisho taariikhdu markay ahayd 21/01/2008 oo ku beegnayd maalinimo
Isniin.
Hadabba waxaa lagama maarmaan noqotey in si cad oo aan mugdi ku jirin
loo cadeeyo lahaanshaha Idaacadaan oo aan ka furnayn oo kaliya magaalada
Muqdisho, oo markii ugu horeeysay laga yagleelay xarunta Gobolka Mudug
ee Gaalkacyo,waxaana sidoo kale faracii xigay loo sal dhigay Magaalo
madaxda gobolka Barri ee Boosaaso. Dhamaan goobaha ay ka howlgasho waxay
ku caan baxday hufnaan, howl karnimo iyo u danqasho danaha shacabka
Soomaaliyeed oo ay halkeeyeen dagaalada naxariis daradda ah ee aan loo
meel dayin.
Hadafka Shabakadaan warfaafineed ay beegsanayso waa sidan:
1- Illaalinta lama taabtaanka ummadda Soomaaliyeed ee muqadiska ah.
2- Dhiiri galinta dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed iyo taageerida
Nabadda.
3- Adkayta xabagta isku haysa bulshada Soomaaliyeed.
4- Cod siinta dadka cod laawayaasha ah ee Soomaliyeed.
5- Dhowridda xaqa iyo xuquuda saxaafada iyo suxufiga.
6- Kor u qaadista heerka aqooneed ee qeybaha kala duwan ee bulshadda.
7- Isu soo dhawaynta bulsha waynta Soomaaliyeed oo ku kala baahsan dalka
gudahiisa iyo dibadiisaba.
CADAY IYO BARRI KA AHAANSHO XUUB SIREED
Soomaalidu waxay ku maahmaadaa “Si xun wax u sheeg sixiroole waa ka
daran yahay”; waxaa si aan isleeyahay waxay ahayd khalad saxaafadeed loo
baahiyey iyaadoo sharuucda aasaasiga ah ee saxaafadda u degsan ee lagu
hubiyo wararka waliba kuwa xasaasiga ah ee keeni karo dhib naf iyo
maalba leh la raacin, ayaa waxaa qaar ka mid ah boggaga wararka lagu
baahiyo ee shabakada caalaminga ah ee loo yaqaan “website” amaba
“Internet” lagu baahiyey in Idaacada Codka Nabadda ee Muqdisho ka hana
qaaday uu leeyahay nin lagu sheegay inuu yahay af hayeenka Madaxwaynaha
DFKM ah , laguna magacaabo “XUUB SIREED”.
Hadabba waxaan halkaan ku cadaynaynaa sidaan horeyba u cadaynay annaagoo
waliba aad ugu xun in warkaas uu ka soo baxo bahda saxaafada oo aan
annaguba ka mid nahay,
In aanan xitaa aqoon caadiya isu lahayn ninkaas la sheegay oo uusan wax
shaqo, talo, fakir, maamul iyo hantiba ku lahayn Shabakadaan caanka ka
dhex ah bahda saxaafadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba.
YAA LEH MULKIYADDA IDAACADDA CODKA NABADDA FARACA MUQDISHO
Waxaana Idaacadaan leh labba aqoonyahan Soomaaliyeed oo saxaafadda
Soomaliyeed iyo barbaarinta dhalaanka Soomaaliyeed mudo u soo
halgamaayey lana kala yiraahdo:
1- Prof. Axmed Cali Axmed iyo
2- C/xakiim Axmed Guuleed oo horeyba muqdisho uga aasaasay Idaacada
Quraanka Kariimka (IQK) ee Xarunteedu tahay Suuq Bacaad.
Intaa ka dib waxaan rajeynaynaa in waxii ku tiri ku teenta ahaa iyo
wararkii horey u baxayba aysan sal iyo raad toona lahayn, waxaana
bahwaynta saxaafada Soomaaliyeedna uga mahad noqaynaa is garab istaagii
ay na garab istaageen iyo siday noogu naf hureenba.
Wallaalihii sida xun wax loogu sheegayna waxaan filaynaa inay haatan
bayino cad haystaan iyo inaysan dabinkaan oo kale mar bambe dib ugu
dhicin oo ay tan ku tusaale u qaataan.
ALLAA Mahad Leh.
Waxii faahfaahin kala soo xidhiidha:
Abdulhakim Ahmed Guled Co-owner of VOP Network.
ATLANTA GA, USA
guledhakim@yahoo.com