SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Siyaad Cali oo Shaqo ka Bilaabay Xafiiska U. S Senator Amy Klobuchar.

Xafiiska Senator Amy Klobuchar ayaa waxa ay soo saareen press ay ku sharaxayaan in ay qaateen qof Soomaali ah xafiiskooda, qofkaas Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Siyaad Cali, kadib markii ay Soomaalida degan gobalka Minnesota ay sii kordheyso tiradoooda maalinba maalinta ka danbaysa. Soomaalida degan gobalka Minnesota ayaa waxa ay u noqotay guulweyn, si wacana u soo dhaweeyey in qof Soomaaliya uu ka shaqeeyo xafiiska Senatorka gobalka Minnesota. Qoraalkii ay soo saareen oo ku qoran af-Soomaali iyo af-English labadaba waa kuwan halkan ku lifaaqan.

Af-Soomaali:

Siyaad Cali oo Shaqo ka Bilaabay Xafiiska U. S Senator Amy Klobuchar. Minneapolis, Minnesota- Senatarada Maraykanka ee Amy Klobuchar waxay aad ugu faraxsan tahay in Siyaad Cali uu ka mid noqday Shaqaalaheeda Minnesota, khaasatan dhinaca laanta socdaalka iyo danaha jaaliyadaha.

Siyaad wuxuu la taliye hore uga ahaan jiray waaxda horumarinta Shaqada ee Owatonna, Minnesota, wuxuu macalin ka yahay kuliyada Riverland Community College ee Owatonna, wuxuu hore u noqday Wakiilka Xuquuqda Aadanaha ee Owatonna, wuxuu kale oo ka mid ahaa gudida Sare ee Cisbitaalka Magaalada Owatonna ee Minnesota, wakhtigaas ka horna wuxuu ka soo shaqeeyey Iskuulada Dadweynaha ee Minneapolis.

Senator Klobuchar waxay tidhi waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Siyad ka mid noqday shaqaalahayga Senateka.“ Siyaad wuxuu soo kordhinayaa khibrad iyo aqoon balaadhan oo ku aadan ummadaha kala duwan ee gobolka Minnesota, ayey tiri Senator Amy Klobuchar “ Senator ahaan waxaan rabaa in dhamaan dadka reer Minnesota ay fursad u helaan fursadaha dowlada, Siyaad na wuxuu iga caawinayaa arintaasi si ay u suurto gasho.”.

Shaqadiisi ugu horeysay wuxuu dhawaan soo qaban qaabiyey kulan dhexmarey Senator Amy Klobuchar iyo Madexweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Mahdi iyo Hogaamiyayaal ka tirsan Jaaliyada Soomaalida ee Minnesota. Senatoradu waxay uga mahad-naqday Jaaliyada Soomaalida taageeradoodii iyo Saaxiibtinimadoodaba. Waxay Madaxdu ka wada hadleen xaalada hadeer ka taagan Soomaaliya. Waxay Senator Amy Xaqiijisay inay ka go’an tahay inay Senatorada kale kala shaqeyso sidii loo xoojin lahaa talaabooyinka Dib-uheshiinta si ay Soomaaliya ugu soo celiso Nabad-gelyo iyo deganaan.

Siyaad Cali wuxuu haystaa in ka badan todoba sanadood oo ah khibrad xaga Shaqada iyo Shaqaalaha, Waxbarashada, iyo Arimaha ummadaha kala duwan. Wuxuu ka baxay Jaamacada Osmania University, Hyderabaad, Hindiya wuxuu ka qaatay Shahaadada Becholar taas oo ah, Ganacsiga iyo Computerka, Wuxuu kale oo uu qaatay Shahaadada masterayda Jaamacada Budelkhan University oo ku taal Jhansi, Hindiya wuxuu ku qaatay Ganacsiga, ka dibna wuxuu master kale ka qaatay Jaamacada Pune, University ee ku taal Pune, Hindiya, wuxuu qaatay shahaadada loo yaqaan MBA ama maamulka iyo maareynta, ka dibna wuxuu mastertiisa sadexaad ka qaatay Jaamacada Minnesota Universoty ee ku taal Minneapolis, Siyaad Cali wuxuu rajaynayaa inuu dhawaan la kulmo dhamaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyadaha ee gobolka Minnesota, wuxuuna kala hadli doonaa arimaha khuseeya sida Waxbarashada, Horumarinta dhaqaalaha, Caafimaadka, iyo sidii la isugu dheelitiri lahaa sugida amniga iyo cadaalada waaxda socdaalka.

Siyad Cali waxaa lagala xidhiidhi karaa Xafiiska U.S. Senator Amy Klobuchar ee Minnesota, Telefoonka 612-727-5220, ama e-mailka: Siad_Ali@klobuchar.senate.gov ama Faxka 612-727-5223


Af-English:

Senator Amy Klobuchar Hires Siad Ali for Staff Minneapolis, MN – U.S. Senator Amy Klobuchar is proud to announce that Siad Ali has joined her Minnesota staff as a constituent advocate focusing on immigration casework and community outreach.

Ali was most recently a career counselor at the Work Force Center in Owatonna and an adjunct faculty member with Riverland Community College in Owatonna. He also served on the Owatonna Human Rights Commission and the Owatonna Hospital Board of Trustees. Earlier, he was a Bilingual Educational Assistant for the Minneapolis Public Schools.

Klobuchar said staff.“Siad brings a tremendous wealth of experience and knowledge about the diverse communities in our state,” Klobuchar said. “As Senator, I am committed to making our government more accessible and responsive to all Minnesotans, and Siad will help me make that happen.”

As one of his first official duties, Ali recently arranged a meeting between Senator Klobuchar and former Somali President Ali Mahdi Mohamed, along with leaders of Minnesota’s Somali community. Klobuchar thanked the community for their support and friendship. They discussed the current situation in Somalia and Klobuchar reaffirmed her commitment to work with her Senate colleagues to support a reconciliation process that will bring peace and stability to Somalia.

Ali has more than seven years of experience in the employment, education and diversity fields. He holds a bachelor’s degree in commerce and computers from Osmania University, Hyderabad, India; a master’s degree of commerce from Bundelkhand University, Jhansi, India; a master’s degree in business administration from the University of Pune, India; and a master’s degree in education from the University of Minnesota in Minneapolis.

Ali said he looks forward to meeting with community members throughout the state to discuss issues of concern, including educational opportunity, economic development, access to health care and achieving a balance between security and fairness in immigration.

Ali may be reached at Senator’s Klobuchar Minnesota Office by phone at 612-727-5220, by e-mail at Siad_Ali@klobuchar.senate.gov , or by fax at 612-727

 

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 2, 2008

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com