- Warshadii Kaluunka ee Laasqoray oo la xidhay ka dib Kalluun yaraan
Deegaankaasi ka jirta...
- Safiiro ay magacawday Madaxtooyada DFKMG...
- Dagaalo Faraha Lagaga Gubtay Oo Laysu Gabal Dhacsaday Oo Ka Soconaya Magaalada
Muqdisho
- Sh,Cabdirixiin Muudeey :Ethiopia Haku Dhex Dhexaadiso Waa Waraabe Hilib Ku
Raro .
Dagaallo Faraha Lagaga Gubtay Oo Laysu Gabal Dhacsaday Oo Ka Dhacay Magaalada
Muqdisho
Dagaalo Faraha laysula tegey oo Bilowday barqanimadii Sabtidii [Maarso 1, 2008] magaalada muqdisho,
gaar ahaan deegaano kala duwan oo ay mid yihiin wadada dheer ee jidka
sodonka islamarkaana laysu gabal dhacsaday iyadoo laysu adeegsanayo Hubka
noocyadiisa kala duwan .
Dagaalkan oo gaystay Qasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa u dhexeeyey kooxaha
kasoo Horjeeda Ciidamada shisheeye iyo weliba siyaasada dowlada KMG ah iyo
ciidamada xukuumada ethiopia ayaa la sheegay inay ku dhinteen 4-qofood oo
isugu jira dad rayid ah iyo weliba ciidamada ethiopoia oo 2 kamid ah yihiin
ciidamada ethiopia .
Sida ay saxaafada u xaqiijiyeen Goob joogayaal ku sugmnaa
aagaga dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada thiopia lagaga xoog
roonaaday dhinaca ciidamada dhulka islamrkaana ay kadib adeegsadeen Qoriga ka
dhaca Taangigaga tasoo ay soo buux dhaafiyeen deeganada baar ubax ,black sea iyo
agagaarka NBC oo ahaa meelihii dagaalka xoogiisu ka socdey .
Goob joogayaasha ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay inay arkayeen agagaarka
baar ubax oo ay yaalaan dhaawaca iyo dhimashada qaar ka tirsan ciidamada Ethiopia
oo ay Qaadan kari Waayeen Ciidamadu waloow ay adeegsanayeen madaafiicda ka
dhacda Qoriga Taangiga islaamrkaana ay kooxaha dagaalka kala soo horjeeday
Ciidamada Ethiopia ay iska caabin xoogan ku sameeyeen Ethiopianka oo usoo Gudbi
waayey dhinaca suuqa weyn ee bakaaraha .
Waxaa weli soconaya (galabnimadii Sabtidii) Rasaasta teelk teelka ah oo ka dhacysay meelihii ay isku fara
saareen ciidamada Ethiopia iyo kooxaha wax iska caabinta tasoo ay isku
gabal dhacsadeen islamarkaana aysan jirin Cid xaqiijin karta Goobaha sida loo
kala haystey taasoo uu dagaalku galay xili habeenimo ah.
Dagaalada ka soconaya magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa kusoo Beegmaya
xili ay marba marka kasii dambeeya uusii kululaanayaan dagaalku taasoo laga
dheehanayo meelaha qaarkood kooxaha wax iska caabinta ee kasoo Horjeeda dowlada
KMG ah iyo weliba Ciidamada Ethiopia oo Hubkooda banaanka kula dagaalamaya
islamarkaana ay soo ban dhigayaan Qoryaha iyo Tikinikada ay wataan .
yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
Warshadii Kaluunka ee Laasqoray oo la xidhay ka dib Kalluun yaraan
Deegaankaasi ka jirta...
Laasqoray:- Sida ay sheegeen Maamulka warshada Kalluunka ee Laasqoray waxa la
xidhay warshadaasi ka dib markii uu gabaabsi galay Kalluunkii, Maamulka ayaa
sheegay inay sababtaasi awgeed ay u xidheen warshadaasi,iyaga oo sheegay inay
Fasaxeen Shaqaalihii ka shaqayn jiray warshadaasi.
Cali Fara Dheere oo ka mid ah hawlwadeenada warshada Laasqoray ayaa warbaahinta
u sheegay inay xidheen warshadaasi isla markaan la furidoono xiliga ugu horaysa
ee la helo Kalluun, Cali Fardheere waxa uu sheegay inay mudo wadeen uruurinta
Kaydi ah Kalluun kaasi oo hadhaw dib loo farsamayn lahaa Balse xitaa kii kaydka
ahaa uu gabaabsi galay.
"Warshadii waa xidhantahay Shaqaalihii badi waa Fasaxnaya marka laga reebo
Ilaalada gaarka ah ee Warshada,waayo mudo ayaanu ka dhursugaynay Kalluunka balse
waxa uu noqday mid gabaabsi galay"Saas waxa yiri Cali Faradheere.
Maamulkaasi warshada Laasqoray waxay kaloo sheegeen inaanay sanadkaba warshadu
soo saarin Kalluunkii badnaan ee lagu yaqaanay taasi oo ay ku til maameen inay
ka danbaysay Kalluunkii oo yaraaday.
Kaluun yaraantaasi ayay waxay ku eedeeyeen inay log wayn ku leeyihiin Doonyo
Carbeed oo ka jilaabta xeebaha Deegaanka Laasqoray kuwaasi oo sharci daro
Kalluunka uga jilaaba xeebahaasi iyaga oo hadhawna Dalka dibadiisa u iib geeya,
in ta badan Doonyahaasi waxa wakiil ka ah dad deegaanka Sanaag u dhashay kuwaasi
oo aan Garanayn dhibta ay leedahay Khayraadka Dalkiisa ee uu Gacmihiisa ku
dhoofinayo.
Hadaba Shabakada Laasqoray ayaa uguur kashay inay wax wayn ka ogaadaan
xaalada ka jira xeebaha Deegaanka Laasqoray,anaga oo dad badan ka dhegaysany
warbixno waxana noo soo baxaday inay Xeebta Laasqoray haatan ku sugan yihiin 32-
Doonyood oo ah kuwa doonaya inay Ka jilaabtaan khayraadka xeebahaasi ku jira
kuwaasi oo Masuul ka yihiin Shakhsiyaad yar oo deegaankaasi u dhashay.
Waxa jira Dadaal dheer oo bilaabeen waxgaradka deegaanku kuwaaso oo doonaya inay
wax ka qabtaan dhibaatadaasi ay wadaan kuwa aan aqoonta saasi u fog lahayn,
waxay sheegeen waxgaradku inay gacan bir ah ku qabanayaan kuwa doonaya inay
dabar jaraan khayraadka Bada.
Warshada Kalluunka soo saarta ee Laasqoray Tuna Fish ayaa waxa horaantii
sanadkii aan soo dhaafnay la wareegay Ganacsato cusub kuwaasi oo kala wareegay
kuwii horay warshada u maamuli jiray, kadib markii uu soo kala dhex galay
Khilaaf daba dheeraaday oo mudo soo jeetamayay ayaa lagu taliyay inay Gacantooda
ka wareejiyaan warshada.
Maamulka cusub ee hataan Gacanta ku haya warshada ayaa la sheegayaa inaanay wax
saasi oo la taaban karo ku soo kordhin warshada oo ay wali yaaliin qalabkii lagu
hirgaliyay markii la taagay warshadaasi horaantii sanadkii 2001, iyaga oo markii
ay warshada la wareegayeen sheegay inay wax wayn ka bedelayaan qalabka iyo
Shaqada warshada labada.
Jaamac Ayaanle Feyte
Somalitalk.com
Feyte37@hotmail.com
Safiiro ay magacawday Madaxtooyada DFKMG...
madaxtooyada DFKMG dalka Somalia ee magaalada Muqdisho ee Villa Somalia xafladaasayaa
lagu soo magacaabay afar dal safiiro Dawlada Somalia
ufadhiyi doona kuwaas oo kala ah Turkey,Qatar,Sudaan & Switzerland.
Magacyada safiirada afarta Dal ee maanta la magaaabay:-
- Gen: Ismaaciil Qaasim Naaji Taliyihii hore ee ciidanka Dawlada KMG ah hadana loo
magacaabay safiirka Dawlada Somalia ufadhiyi doona Qatar.
- Yuusuf Bari Bari Safiirka UN-ka ufadhiyi doona Dalka Somalia gaar ahaan Geneva
Amp ee Switzerland.
- Prof: Mahdi Abuukar safiirka Dalka Somalia ufadhiyi doona Sudan.
- Hilaal Maxamed Aadan safiirka Dalka Somalia ufadhiyi doona Turkey-ga.
Hadaba safiiradan uu magacaabay madaxwaynaha DFKMG Somalia C/laahi Yuusuf
Axmed ayaa waxa la sheegay in ay si dhaqso leh ugadan doonaan shaqadooda iyadoo uu madaxwaynaha
DFKMG
C/laahi uu kula dardaarmay inay kasoo baxaan waajibaadka ka saran dalkooda una
taagnaadaan danta umada.
Sh,Cabdirixiin Muudeey :Ethiopia Haku Dhex Dhexaadiso Waa Waraabe Hilib Ku
Raro .
Sh. Cabdi-Rixiin Muudeey Oo kamid ahaa masuuliyiintii Golaha maxaakiimta u
Qaabilsanaa Qaybta warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay Waraabe Hilib ku raro
tahay hadalka kasoo baxay Xukuumada Ethiopia ee oranaya Waxaanu Heshiisiin
doonaa kooxaha soomaaliya isku haya .
Sheekha ayaa ayaa xusay inay ethiopia tahay dhibaatada ku kala dfhex jirta Umada
soomaaliyeed islamrkaana hadii ay ka dhex bixi lahayd ay umadu Heshiin lahayd
waa siduu hadalka u dhigaye isagoo intaasi raaciyey inay Ethiopia wadanka
Gugihiisa ku hayso shacabka xasuuq Balaaran.
Sidoo kale Cabdirixiin Muudeey ayaa Xukuumada Ethiopia ku eedeeyey Inay tahay
dhibaatada keliya ee wadanka soomaaliyeed la degi la, yahay hadii ay maanta Tiri
waxaanu heshiisiin doonaa kooxaha isku haya wadanka soomaaliya waxay ka dhigan
tahay Waraabe Hilib ku raro oo Areerina Dacay Uga dhig.
"Ethiopia iyadu dhibaatada dadka iyo dalka soomaaliya hakala tagto Dadka
soomaaliyeed iyagaaba heshiin kara oo Gogol isugu Filan " ayuu yiri Sh.C/rixiin
Muudeey.
Sheekh cabdiraxiin Muudeey oo ahaa madaxii warfaafinta Golaha maxaakiimta
islaamka soomaaliyeed oo la hadlayey saxaafada ayaa Gaashaanka ku Dhuftay
Hadalka kasoo yeeray Xukuumada Ethiopia ee Oranaya Gogol ayaanu isugu yeeraynaa
Kooxaha isku haya siyaasada soomaaliya .
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya Xili ay magaalada caasimada ah ee muqdisho iyo
meelo kale oo kamid ah Gobolada dalka soomaaliya ay ka jiraan dagaalo u dhexeeya
Kooxaha Diidan Joogitanka ciidamada Ethiopia iyo weliba siyaasada dowlada KMG ah
iyo Ciidamada isaku Dhafka ah ee dowlada FKMG iyo Ethiopianka .
yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
Barnaamijkii Radio Xoriyo
01 March 2008.
Dagaallo si wayn loogu jabiyay ciidamada cadowga Itoobiya.
Dhibaatooyinka Wayaanaha loo gaystay labadii bilood ee tagay.
Dhibaatooyin uu gumaysigu dadwaynaha u gaystay
Khasarooyin iyo Aqallo ciidamada gumaysigu gubeen.
Xafiiska HAD jwxo ee Norway oo la kulmay W/arimaha dibada ee Norway.
Gudoomiyayaasha unugyada jwxo ee Maraykanka oo kulan isugu yimid.
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Shirqoolada Gumaysiga)Q2aad
======================
Dagaallo si wayn loogu jabiyay ciidamada cadowga Itoobiya.
Wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay
dagaallo badan oo si wayn loogu naafeeyay ciidammada gumaysiga, kuwaasoo
meelo kala duwan ka dhacay. Dagaalladu waxay u dheceen sdatan;
28/02/08 dagaal ka dhacay Dhuurre, oo ka tirsan Qabridaharre, waxaa
ciidammada gumaysiga loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la
haynin. Dagaalkani wuxuu ahaa weerar gaadmo ah oo loo gaystay ciidammada
gumaysiga oo geyigaas hawlgal u tegay.
Sidoo kale 28/02/08 dagaal ka dhacay War-gaadsan, oo degmada Gunagado ka
tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari.
Isla 28/02/08 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Gafuuro-xun, oo
Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3
kalana waa lagaga dhaawacay.
27/02/08 dagaal ka dhacay Qoboley, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari.
26/02/08 magaalada Galaalshe waxaa isku dilay sargaal ka tirsan
ciidammada gumaysiga. Sargaalkan ayaa is-dilay, ka dib markii uu ka
biya-diiday hawgal ciidan oo loo diray.
25/02/08 weerar ciidammada gumaysiga loogu gaystay meesha lagu magacaabo
Huuraalayowga, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga
loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Sidoo kale 25/02/08 dagaal isaguna ka dhacay Maygaag-wayne, oo Fiiq ka
tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 9 askari, 4 kalana waa
lagaga dhaawacay.
Isla 25/02/08 dagaa adag oo isaguna ka dhacay Gabro-gosololey, oo
Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 25 askari,
27 kalana waa lagaga dhaawacay.
24, 25 iyo 27/02/08 seddex dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo
Dhanqa, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7
askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 24/02/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammo
gumaysigu leeyahay oo hawlgal u joogay La-helow, oo ka tirsan gobolka
Doollo, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
20/02/08 dagaal ka dhacay Qudhac-maydal, oo Fiiq ka tirsan, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 4 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Sidoo kale 20/02/08 Bullaale waxaa isku dilay askari ka tirsan
ciidammada gumaysiga ee halkaas ku sugan. Askarigan ayaa is-dilay, ka
dib markii uu u adkaysan kari waayay dhibaatada ka haysata dagaallada ay
Wayaanuhu kula jiraan CWXO.
19/02/08 Gujufka, oo Dhagaxmadow ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari inta la ogyahay.
17/02/08 dagaa ka dhacay meesha lagu magacaabo Qaali-xasarad, oo
Dhagaxbuur dusheeda ah, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5
askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
16/02/08 dagaal ka dhacay Raybada, oo Sagag ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 1 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
13/02/08 dagaal ka dhacay Dhaqaya-boor, oo Nusdariiqa u dhaw, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari.
Isla 13/02/08 dagaa isaguna ka dhacay Lix-irridoodka Shilaabo, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 5 kalana waa lagaga
dhaawacay.
10/02/08 Laas-galool, oo Dhagaxbuur ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Dhibaatooyinka Wayaanaha loo gaystay labadii bilood ee tagay.
Ciidammada Wayaanaha ee ka hawlgala dalka Ogaadeenya ayaa mar kastaba
dhibaatooyin kala duwani ak soo gaadhaan dagaalka ay kula jiraan CWXO,
iyadoo six un loogaga itaal-roonaado dagaal kasta oo ay la galaan CWXO.
Qaar badan oo ka mid ah saraakiisha ciidammada Wayaanaha ayaa iyagu
is-dila ama ku dhinta xabbad dhexdooda ah, ka dib markii dhibaatooyinka
dagaalka ka soo gaadha ay u dakaysan waayaan, ka dibna ay iyagu isku
cadha baxaan.
Afhayeen u hadlay CWXO ayaa noo sheegay in labadii bilood ee u denbaysay
dagaallada dhexmaray CWXO iyo kuwa gymaysigu ay gaadhayaan 252 dagaal,
oo 54 ka mid ahi ay ahaayeen weerarro mir ah oo CWXO ku qaadeen kuwa
gumaysiga.
Ciidammada gumaysiga waxaa dagaalladaas lagaga dilay inta la ogyahay 823
askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 688 askari. Waxaa ciidammada
gumaysiga labadaas bilood dhexdooda laga gubay 4 gaadhi oo Uuraal ah oo
ay ku dhinteen askaratii saarnayd oo isu gayn gaadhaya in ka badan 200
oo askari.
Dhinaca kale waxay ciidammada gumaysigu labadaas bilood dhxdooda dileen
ugu yaraan 47 qof oo shacab ah oo aan waxba galabsanin. Waxaa iyagana
aan la haynin meel ay ku denbeeyeen 75 qof oo shacab ah. Waxay muddadaas
dhexdeeda u taxaabeen dadwayne rayad ah oo kumayaal gaadhaya.
Dhibaatooyin uu gumaysigu dadwaynaha u gaystay
Ciidammada nolol-diidka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala
duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya, meelo kala duwan oo
Ogaadeenya ka mid ah.
25/02/08 Gabro-gosololey, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada
gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Cabdi Cumar Amaadin.
Waxaa sidoo kale la waayay oo la filayaa inay ciidammada gumaysigu la
tageen Maxamed Xuseen-dheere oo isaga iyo labo Awr oo uu watayba la
la’yahay.
Khasarooyin iyo Aqallo ciidamada gumaysigu gubeen.
Isla taariikhdan kor ku xusan waxay deegaankaas ciidammada gumaysigu ku
gubeen 10 Aqal, waxaana kala lahaa dadka kala ah;
1- Maxamed Xaashi Boos
2- Faadumo Maxamed Xaashi
3- Hooyo Faa’isa Col-haye
4- Cumar Aw Yuusuf
5- C/risaaq Maxamuud
6- Maxamed Amiin Xasan
7- Ruqiya C/risaaq
8- Xasan C/llaahi Hurre
9- Axmed Cabdi Dhigane iyo
10- Hooyo 80 jir ah oo magaceeda aanaan haynin
Waxay ciidammada gumaysigu Aqalladaas ku dhex gubeen Xoolo ay tiradoodu
gaadhayso 53 Neef.
26/02/08 Abeesaale waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala
ah;
1- Axmed Maxamud Cabdi
2- Sugra Faarax
3- C/llaahi Cabdi
4- Amaal oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin oo iyada 3000 oo Birna ka
dhaceen
5- Mukhtaar Cabdi oo isagana 1000 Bir ka dhaceen iyo
6- Faarax Cabdi oo 800 ay ka dhaceen.
25/02/08 Laag-qudhac, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu
qoryo kaga dhaceen labo nin oo shacab ah, oo kala ah;
1- Yuusuf Bari oo ay 1 Qori ka dhaceen iyo
2- Ilma Xaashi Cabdi oo ay iyagana 1 Qori ka dhaceen.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu Aqalkeedii ka gubeen Bishaaro
Muxumed Cabane.
24/02/08 degmada Gunagado waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
dadka kala ah;
1- Rooda Xasan Nuur iyo
2- Hodan Maxamed
Isla taariikhdan waxay ciidammada gumaysigu magaalada Galaalshe ku
xidhxidheen seddex qof oo shacab ah, waxaanan magaciisa helnay
Muxumed-xubi Sh Cali.
23/02/08 Jugle, oo Dhanaan ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ka
qaqabteen dadka kala ah;
1- Qalinle C/raxmaan Axmed iyo
2- C/raxmaan Na’iib. Labadan nin waxaa lagu xidhxidhay magaalada
Dhanaan.
21/02/08 Gunagado waxay ciidammada gumaysigu u gaysteen dhibaatooyin
isugu jira dhac hantiyeed iyo jidhdil ninka lagu magacaabo Xasan Daahir
oo ay ka dhaceen lacag gaadhaysa 20,000 oo Bir, isla markaana ay jidhdil
ba’an u gaysteen.
15/02/08 Dhagaxbur waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen nin shacab oo
lagu magacaabo Cabdi Shukri Cumar Xasan.
12/02/08 Sagag waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Suleekha Deeq Wali iyo
2- Cali Maxamed Hurre
01 March 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu
yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa
Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari