SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 

Xiriirka kubadda cagta ee FIFA oo dayactir ka billaabay garoonka kubadda cagta ee cons stadium.

Sawirada Halkan ka daawo.... GUJI...

July27: Mas’uuliyiin ka tirsan laba gole ee dowladda iyo madaxda xiriirka guud ee kubadda cagta ee soomaliya ayaa maanta dhigay dhagaxii ugu horreeyey, howl dhisme ah oo lagu dayac tirayo garoonka Kubadda Cagta ee Cons stadium.

Garoonkaan ayaan helin wax dayactir ah tan iyo xilligii ay billowdeen dagaladda dhiiga badan ku daatay ee lahu hoobtay,

Waxaa munasaabadda dhagax dhigida waxa ka soo qayb galay Wasiirka warfaafinta dhalinyada iyo sportiga Axmed C/salaam X Aadan. Iyo wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta Nuur Iidoow Beyle, Wasiirka Sportiga ee dowlad gobaleedka puntland ahaana cayaartooy hore oo ka tirsanaan jiray naadigii LLPP ee Jeenyo Saciid Qoorsheel, Guddoomiye ku xigeenka duqqa magaaladda muqdisho xagga arrimaha bulshada Maxamed Cusmaan Cali ‘dhagaxtuur’Madaxa dayactirka Cons Stadium Inj C/salaam, waxaa kaloo ka mid ahaa Guddoomiyaha Xiriirka soomaaliyeed ee kubaddacagta Saciid Mugaambe, xogyaha xariirka soomaaliyeed ee kubadda cagta,

Cabiqani Saciid Carab Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olympic-kada soomaaliyed Aadan X yabaroow Wiish, Guddoomiya degmadda C/Casiis, Marwo Sacdiyo Axmed Gacal

Waxaa ugu horeyn halkaas ka hadlay Cabdiqani saciid carab oo waxaana hadalka uu soo dhaweeyey Md Guddoomiye ku xigeenka duqqa magaaladda muqdisho xagga arrimaha bulshada Maxamed Cusmaan Cali ‘dhagaxtuur’ oo u mahadceliyey guud ahaanba masuuliyinta dowladdaka soo qayb galayaasha taasoo uu sheegay ineey ku faraxsan yihiin haddii ay yihiin maamulka gobolka oo uu rabitaankoodu yahay hay’adaha kala duwan ee qaranka in ay gacan ku siinayan gudashada waajibaadkooda shaqo.

kulanka dhagax dhigga dhismamaha Garoonka Cons stadium ayaa waxaa ka hadlay wasiirka howlaha guug iyo guriyeynta Nuur Iidoow Beyle,,waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kazoo qayb galka xaflad taasoo uu ku macneeyey in muddo dheer inaan laga sameyn garoonkaas wax dayac tir ah,waxaana uu sheegay isagoo qoslaya ineey soo celin doonaan kooxihii magaca dalka kulahaan jirey waayadii hore oo kale, waxaa uu u hambalyeeyey dadkii ka soo shaqeeyey dhismaha lagu soo nooleynayo garoonkaas bilcdiisa iyo gudashada waa jibaadkiisa shaqo.

Waxaa kaloo munaasbada dhagax dhigga garoonka ka hadlay wasiirka warfaafinta, dhalinyarada iyo Sportiga Axmed C/salaam X Aadan oo awalan u mahadceliyey xariiradda kala duwan ee ciyaaraha iyo waliba maamuladda kala duwam ee dowladda, waxaana uu amaanay xariirka kubadda cagta ee FIFA oo iyagu suurto galiyey, waxaa uuna dardaaran adag u soo jeediyey saxaafadda isagoo kula taliyey ineey shaqadooda maalmeed ineey ku darsadaan dhinacyada qurxoon ee soomaliya iyo dhismayaasha la wado, oo aysan ku koobnaan oo kaliya dhibaatadda dalka ka jirta ineey ka bixiyaan sawir oo qura,

Lama sheegin lacagta ku baxaysa dhismaha garoonkaas inta ay la eg tahay, iyo waliba muddada ay qaadanayso dhismaha garoonka Cons Stadiu, waxaasela soo hadal qaaday in dhaqaalaha ku baxaya dhismaha garoonkaas ineey bixineyso Xariirka FIFA.

Si kastaba ha ahaatee garoonkaas ayaa Waxaa shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay taratanka Ciyaaraha fudud ee koobka Janaraal Daa'uud, iyadoo furitaankaasi tartankaasi ay ka soo qeyb galeen mas'uuliyiin Isborti, iyo marti sharaf kale.

Tartankaasi ayaa waxaa ka qeybgalaya kooxaha ay ka mid yihiin Bil Kheyr,Barwaaqo, Heegan, Jubba iyo shabeelle, waxaana tartankaasi kooxaha ay ku tartami doonaan oradada kala ah: 400 Mitir, 800 Mitir, 1500 Mitir, 3000 Mitir,100-ka mitir iyo 2oo Mitir, sidoo kale waxaa la ciyaari doonaa Boodada Hoose oo wiilal iyo Gabdho ah.

Garoonkaanm ayaan helin wax dayac tir ah muddo dheer kaasoo dhidabada loo taagay muddo haatan laga joogo

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Bakaaro Somalia

0025215576666

002525907666

 

Deeq ay soo dhiibeen jaaliyadda muddulood oo la gaarsiiyey Kaamamka mirinaayo,iyo sheekh cali cabdulle iyo waliba isbitaalka keysaneey.. Akhri July 28

Imaamka Masjidka nabiga (NNDH) oo July 26, 2008 khudbad ka jeediyey Masjidka Shaafici ee Johannesburg halkaas oo ku dhawaad labbo kun  Soomaali ah kasoo xaadireen.. Akhri

Aabihii Waxbarashada Gobolka Banaadir   oo Geeriyoodey

 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 28, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS