SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Geeri Naxdin Leh

Aabihii Waxbarashada Gobolka Banaadir  

Dr.Maxamed Xaaji Cabdi 
 

Waxaa Ku geeriyooday magaalada Nairobi, aabihii Waxbarashada ee gobolada Banaadir, Dr. Maxamed Xaaji Cabdi. Maxamed Xaaji Cabdi waxaa lagu xasuustaa sidii uu hormuudka ugu ahaa horumarinta waxbarashadii Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Banaadir. 
 

Maxamed Xaaji waxa uu ahaa gudoomiyii Gudoonka waxbarashada gobolka Banaadir, sanadihii 1970 – 1982. Waxaa uu sidoo kale jagooyin sar sare kasoo qabtay wasaaradii waxbarashada. 
 

Maxamed Xaaji wuxuu ahaa muwaadin, u soo halgamay sidii uu ummadda soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba uga saari lahaa jahliga, sarena ugu qaadi lahaa aqoonta da’yarta soomaaliyeed. 
 

Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Cabdi, waxaa uu ummadda Soomaaliyeed uga tagay taariikh aan marnaba la iloobi doonin, gaar ahaan bahda waxbarashada. 
 

Waxaan mar labaad iyo mar saddexaadba tacsi u dirayaa dhammaan ummadda soomaaliyeed, meel walboo ay joogaanba, geeridaa ku timid halyeeygaa hormuudka u ahaan jiray Waxbarashadii Soomaaliya. Sidoo kale waxaan tacsi gaar ah u dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Dr. Maxamed Xaaji Cabdi. Reer Xaaji cabdi meel walboo ay joogaanba waxaan leeyahay Samir iyo iimaan Allaha idinka siiyo. Maxamed Xaaji Cabdi waa geesi ka tagay dhammaan ummadda soomaaliyeed. 
 

Ma dhinte waa Allaah, qof walbaa waa uu dhimanaya, laakiin marnaba ma iloowi doono Taariikhda uu ka tagay marxuum Dr. Maxamed Xaaji Cabdi. 
 

Tacsidan waxaa diraya Dhammaan shaqaalaha iyo maamulka hay’adda Somali Advice & Information Centre. 
 

Qalinkii: -  Cabdixakiim Jaamac Jooje

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 28, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS