SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Deeq ay soo dhiibeen jaaliyadda muddulood oo la gaarsiiyey Kaamamka mirinaayo,iyo sheekh cali cabdulle iyo waliba isbitaalka keysaneey,.

Sawirada Halkan ka daawo....

July 27: Deeqdaan oo ay soo dhiibeen jaaliyadda soomaaliyeed ee Bristol ayaa waxa ay gaareysay 2.280$ ah waxaa la gaarsiiyey kaamamka ay kala ah, mirinaayo, keydsaneey,sheikh cali cabdulle

Deeqdaan oo ay soo dhibeen jaaliyadda Britain ayaa waxaa loo soo marsiiyey saraakiisha kala Axmed Nuur Fiidoow, C/laahi Maxamed Nuur ‘Shuuci’, Bile Faarax Salaad, Cumar Xaashi Sabriye iyo Cabdi Muxiidiin

Deeqdaan qaybinteeda ayaa waxa loo soo wakiishay madaxa maamulka isbitalka keysaneey Dr Cali yuusuf Maxamuud waxaana uu sheegay isagoo ku hadlayey magaca maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka in ay door lama ilaawaan ah ka cayaareen jaaliyadda soomalida ee UK, waxaa uu ilah uga baryey ajir iyo xasanaad inuu ilaah ka siiyo kuwa soo dhiibay sadaqada kuwa qaateyna waxaa uu ilaah uga baryey inuuuga dhigo manaafacaad wax tar u yeelata jirjooda iyo caafimaadkooda,

Deeqda ay soo dhiibeen jaaliyadda UK ee beelweynta Muddulood meelhii la gaarsiiyey waxaa ka mid aha kaamka sheelh cali cabdulle halkaas oo ay joogeen dad rafaadsan oo ay ka muuqato dhibaato aad u culus iyo gaajo aan yareyn, mar aan la kulmay dadka halkaas ku nool waxaa ay ii sheegeen in ay u baahnaayeen sadaqadaan oo nafu ay ku dabayareyd, waxaana dadkii lacagtaan u soo direy ilaah uga wada baryeen caafimaad buuxa iyo cimri dheeraad ah,

Labada kaam iyo isbitaalka keysaneey ayaa midkiiba waxaa la geeyey lacag dhan 760$ midkiiba , mana aha deeqdaani mid dabooli karta bahida halkaas ka jirta, arintan ayaa u muuqata faanoole fari kama qodna,

Goobaha la geeyey deeqdaan ayaa waxaa ka mid ahaa isbitaalka keysaneey, iyadoo isbitaalkaas ay yeelaan bukaano kor u dhaafaya illaa 100 bukaan, oo u badan kuwa qaba dhaawacyo.

Maha markii ugu horreysay oo jaaliyaddan ay dadkaas wax u soo dhiibaan, waloow aysan ahayn mid wax ka badali karta bahidooda, haddana waa isha kaliya ee quud darreynayaan oo ay wax ka rajeynayaan. Dadkaan ay la harteen dagaladda iyo gaajada.

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Bakaaro Somalia

0025215576666

002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  July 28, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS