SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dagaalo qaraar oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaya dagaalka looga horjeedo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka, waxaana saakay dagaal aad u qaraar uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo socday mudo ku dhow labo saacadood.

Dagaalkaan ayaa waxa uu ka dhacay gobo ay ka mid yihiin Isgoyska Towfiiq, Carafaat, Warashadda Baastada iyo Xayle Bariise, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Afhayeen u hadlay Maxaakiimta Islaamiga ah oo iyagu sheegay in ay ka dambeeyeen dagaalkaas ayaa waxa uu sheegay in dagaalkaasi ay khasaare xoog leh gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka, waxaa kale oo uu sheegay in ay la wareegeen Isgoyska Towfiiq iyo Carafaat ayna isku riixeen Ciidamada Dowladda iyo Itoobiya dhinaca warshadda Baastada, waxa uuna Afhayeenku qiray in dhinacooda ay ka dhinteen ilaa iyo labo ruux, hase yeeshee mas’uul u hadlay dowladda federaalka ayaa waxa uu sheegay in ay iska caabiyeen weerarkii ay soo qaadeen wax uu ugu yeeray kooxaha nabad diidka ah, isagoo sheegay in ay ka dileen dhowr qofood oo uu sheegay in ay qaarkood ugu tageen goobihii lagu dagaalamay, basle wararkaasi wax xaqiijinaya ilaa iyo hadda lama hayo, waxay sidoo kal madaafiic ay goobahooda ugu tagtay dad rayid ah, waxa uuna madfac ku dhacay Waxaracadde ku geeriyooday saddex halka ay labo kalana ay ku dhaawacmeen, waxayan dhamaantood ka koobnaayeen hal qosy.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo saakay la duqeeyey.

Tiro Hoobiyayaal ah oo gaaraya ilaa iyo 6 hoobiye ayaa waxay ku dhaceen garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana Hoobiyayaashaasi qaar ka mid ah ay bartanka u galeen Garoonka Diyaaradaha oo xiligaasi ay ku sugnaayeen Diyaarado.

Jihooyinka laga soo tuuray hoobiyayaashaasi ayaa ilaa iyo hadda la garaneyn, lama garanayo sababaha loo duqeeyey Garoonka, balse wararka ayaa waxay sheegayaan in Garoonka loo duqeeyey kadib markii ay ka soo degayeen ciidamo lagu soo tababaray wadanka Uganda oo Soomaali ah, kuwaas oo soo qaatay tababar 9 Bilood.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca ciidamada Uganda ee gacanta ku haya garoonkaasi, waxayna madaafiicdaani walwal ku abuurtay dadkii rayidka ahaa ee ka baxay garoonkaasi, maadaama Garoonka uu yahay Garoon ay ka soo degaan dhowr diyaar oo kuwa rayidka ah maalin walba.

Ciidamada ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku ekeeyey….


Ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ku taalay magaalada Baydhabo gaar ahaan Xaafadda Mursal, waxaana goobtaasi ku sugnaa markii la weerarayey ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka waxayna ahayd bar koontarool oo lacag looga qaado Gawaarida, inkastoo aan la xaqiijin khasaarihii ka dhashay dagaalkaasi ayaa haddana wararka aanu ka heleyno waxay sheegayaan in bartaas ay la weereegeen Ururka Al-Shabaab, waxa uuna dagaalkii markii dambe ku faafay gudaha Magaalada Baydhabo.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda hase yeeshee afhayeen u hadlay Ururka Al-Shabaab ayaa waxa uu sheegay in ay halkaasi ku dileen dhowr qofood oo ka mid ah ciidamadii halkaasi ku sugnaa kuwa kalana ay dhaawaceen.

Waa markii labaad oo todobaad gudihiisa weerar lagu qaado gudaha Magaalada Baydhabo, todobaadkii hore ayay ahayd markii weerar hoobiyayaal ah lagu qaaday xerooyinka ay degan yihiin Ciidamad Itoobiya kuwa Dowladda Federaalka.

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Ergayga Gaarka ah ee Qarammadda Midobay oo ammanay horumarka  ilaa iyo hadda laga garay heshiskii  Jabuuti... Akhri... July 17

Ururka Naafada Kalkaal ee Finland oo deeq lacag ah soo gaarsiiyey Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Martiini

Mudaharaadyo wali kasocda qaarkamida deegaanada gobolka sanaag.

Faafin: SomaliTalk.com |  July 17, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS