SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mudaharaadyo wali kasocda qaarkamida deegaanada gobolka sanaag.

waxaa wali kasocda magaalada baran mudaharaadyo xoogan oo ay soo qabqaabiyeen dadka deegaanka kuwaas ayaa kasoo horjeeda qabsashada qaarkamida deegaanada puntland oo ay joogaan ciidama maamulka somaliland.

Mudaaharaadayaasha ayaa Watay Boorar Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Gawaari ay ku Xiran yihin Codbaahiyeyaal ayna ka Baxayeen Sawaxanka Heesaha Wadaniga ah Boorarka ayaa ku Qornaa Halkudhigyo Lagu Amaanayo Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya halka Kuwo Kalena ay Ku Qornaayeen Halkudhigyo Lagu Diidan yahay Kalagonynta Magaalada Hargeysa Ee Caasimada 3aad ee Soomaaliya ay Ka Wadaan Maamulka Daaahir Riyaale Kaahin oo Logag Soo Horjeedo Kalagpoogo’a Soomaaliya oo ay ka Mid yihin Kalageeye Doonimeyno, Doolarqaate Doonimeyno.

Mudaaharaadayaasha oo Dhaxmar marayay Gudaha Magaalada baran iyo Daafaheedaba ayaa Waxaa Meel Fagaare ah kula Hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Max’ud Saciid Nuur ,Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Axmed Muuse Suldaan iyaga uu Goobtaasna Goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Amniga DGPL Jaamac Xirsi Faarax Waxakale Ee Isaguna Halkaa Joogay Taliyaha Aaga Daraawiishta Ee Gobolka Sanaag C/laahi Cumar Cashuur .

Maal muhii ugu Dambeeyay ayaa Magaalada Baran Waxaa ku Soo Qulqulayay Dad Aad u Farabadan oo isugu Jira Ururada NGO-yada Ee Degmooyinka Kale Ee Gobolka Sanaag Sida Dhahar Buraan Xingalool Hadaaftimo iyo Meelo kale Oo Gobolka ah kuwaas oo Dhamantood isu soodiyaariyay in ay ka Qeybqaataan Mudaaharaad Balaaran oo Maalintoo Daraato aheyd loogaga Dhawaqay Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Ee Gobolka Sanag e ay ugu Dhawaaqday in lagu Qabandoono Magaalada Baran Ee Xarunta Gobolka Sanaag .

bashiir cumar cali/laasqoray
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 17, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.