Waxyeelada Qaadka iyo Muxaadarada aabaa
qaatay!
Dhageyso:
Muxaadarada oo dhan (m3u) 1:45
ama qayb-qayb u dhageyso (qayb
kasta waa 20 daqiiqo qiyaas ahaan)
Sh. Mustafe Xaaji Ismaciil ayaa taariikhdu
markii ay ahayd 24 tii bishii luuliyo 2006 wuxuu
ka jeedinayey magaalada Birmingham ee dalka
Ingiriiska muxaadaro uu ku fara yaraystay oo si
cilmiyan ah uga waramaysay wax-yaaldada qaadka.
Halka muxaadaradu ka socotay oo ahaa masaajidka
Al-hudaa... waxaa buuxay rag Soomaaliyeed oo aad
u badan, kuwaas oo markii aan isha mariyey in
inta badan ay ahaayeen rag wawayn oo badidoodu
in kastaba ha le’ekaatee waayo aragnimo qaadka u
lahaa, intii muxaadaradu socotay waxaan dusha
kala socday dareenkii dadka meesha fadhiyey.
Dareenkaas ayaa ahaa mid kala duwan oo soo
jiidasho lahaa, waxaa mararka qaarkood kor u
kayey qosol aad arkayso inuu u markhaati furayo
Sheekha, marmarka qaarkoodna waxaa jiray baaqyo
dhexmarayey rag malaa iyagu is garanaya oo
mdasha fadhiyey, ilka cadayn, madaxruxid, eegmo,
yaxyax iyo yaab intaba way laheen dareenkii
ishaydu qabanay, kaas oo dadkii meesha fadhiyey
ay si aamusan isku dhaafsanayeen ama isugu
markhaati furayeen.
Sheekhu si cilmiyan ah oo dhinac kasta
taabanaysa ayuu muxaadaro ilaa laba saac ku dhaw
sonaysa uu kaga warramay qaadka. Dhinacyada ay
muxaadaradaasi taabanayso ayaa waxaa ka mid ahaa
taariikhda qaadka ilaa 700 sano oo Sheekhu
gaadhsiiyey, kimiko aahaan waxyaalaha ku jira ee
murqaanka keena, waxaa kale oo sheekhu ku
dheeraaday oo wax ka sheegay dhinaca dhaqaalaha,
akhlaaqada, caafimaadka, nabadgelyada iyo
dhaqanka siyaabaha u waxyeeleeyo qofka.
Haddaba marka aynu eegno siyaabaha iyo
dhibaatooyinka qaadku u saameeyo nolosha qofka
cuna iyo siyaabaha dadka iyagu aan cunin qaadku
u saameeyo, xaga nadaafadda iyo caafimaadka
guud, wax-qabadka, nolosha qoyska, waxyeelada
kale ee guud ahaan uu mujtamaca u gaysto marka
la eego waxaa la odhan karaa qaadku ma aha wax
caadi ah balse waa dhibaato wayn oo mujtamaceena
haysta una baahan in la isu taago oo si degdeg
ah wax looga qabto.
Sida Sheekha laftiisu uu hordhaca ka dhigay
inta aynaan mamnuucin waxaa loo baahan yahay ugu
horayn in kor loo qaado aqoonta dadku u
leeyihiin waxyeelada qaadka, kadib marka la isla
fahmo waxyeelada qaadka ayaa waxay suuro gelin
kartaa arintaasi in go’aan midaysan uu qaato
mujtamaca qaybihiisa kala duwan.
Tusaale hadaan soo qaadano markaan eegno
caafimaadka qofka iyo mujtamaca oo ah qayb
muhiim ah, qaadku wuxuu u gaystaa dhibaato aan
la qiyaasi karin oo isugu jirta dhanka maskaxda
iyo caafimaadka guud. Waxaa hoos u dhaca
caafimaadka dhinac kasta ee qofka qaadka cuna,
jidhka oo debca, cunto xumo, dadka qaadka cuna
oo ilkuhu waqti hore ka daataan, dalqada iyo
cunaha oo nabaro ku samaysman, kuwaas oo ugu
danbaynta isu bedela cudurka kansar, gaska
caloosha oo uu baab’iyo. Waxyeelada qaadka oo
aad u ballaadhan awgeed ma aha mid maqaal iyo
laba toona lagu soo koobi karo, balse arimaha
aynu soo sheeganay waxay ka mid yihiin
waxyeelada qaadka inta ilaa iyo maanta laga
ogaaday.
Dhibaatada qaadku ayaan ahayn mid had iyo
gooraale ku kooban dadka cuna oo keliy, balse
qaadku wuxuu waxyeelo ugaystaa mujtamaca intiisa
kele sida dadka meel kula nool dadka cuna oo ay
ka mid yihiin qoyska, qaraabada, shaqada iwm.
kuwaasoo si toos ah iyo si aan toos ahaynba u
saameeyo.
Waxaa had iyo gooraale qofka qaadka cuna soo
foodsaara dhibaatooyin joogta ah oo ay ka mid
yihiin:
Cunto xumo, lafa xanuun, daal joogto ah
nadaafad darro, isla hadal, shaki ama waxa loo
yaqaano (Paranoid) oo lagu yaqaan dadka
daroogada isticmaala iyo dhibaatooyin badan oo
aan halkan lagu soo koobi karin.
Qaadku wuxuu qayb ka qaataa fidinta cudurada
faafa sida Hebatetka ama Beer xanunka, Jabtida,
Qaaxada iyo cudurada kale ee faafa, waayo waxaa
dhacda in qofka oo aan is ogayn in arimahaas uu
faafitaankooda uu qayb qaato.
Dadka qaadka cuna waxaa hoos u dhaca
firfircoonidooda taas oo keenta in wax soo
saarkiisu dhinac kasta uu hoos u dhaco. Waxaa
laga yaabaa inaad aragataan dad badan oo marka
ay soo toosaan is dhooba meelaha qaadka lagu
cuno iyo agagaarkooda ama qaar kale oo
meelahaasi ay hoy u noqdaan.
Qaadku wuxuu wax yeelaa dhismaha jidhka, qofka
qaadka cuna waxaa isku furma muruqyada sida kuwa
caloosha.
Meelaha qaadka laga cuno waxaa ku bata dadka
waalan oo aan maskaxiyan caafimaad qabin, waxaa
ku yaraada ixtiraamka iyo muwaafaqada. Waxaa
caadi ah in qofka qaadka cunaa uu ka shakiyo wax
aan jirin iyo inuu isugu sheekeeyo waxyaalo
khiyaali ah, kuwaas oo dhamaan qayb ka qaata
kala xidhiidh furashada mujtamaca sida qoyska,
ururada, goobaha shaqada iyo meelaha lagu
madadaasho sida cayaaraha iyo horumarinta
mujtamaca.
Marxaladaha uu qofka qaadka cunaa soo maro waa
marcxalado si is daba joog ah isu daba socda oo
saameeya dadka cuna sida isaga oo ka soo
bilaabaya waxyaalaha musuqa iyo beenta,
asaraarka iyo dagaalada, caafimaadka,
waxsoosaarka, daryeelka iyo xidhiidhka qoyska oo
tartiib tartiib u soo yaraada.
Wuxuu qofka qaadka cunaauu yareeyaa cunnada,
waxaana ka xumaada nadaafada guud iyo urta
(Hygiene) qof ahaaneed. Dadka qaadka cunaa waxay
ugu danbaynta ku soo ururaan meelaha qaadka
lagu cuno, kuwaas oo ah meelo aan nadaafadooda
iyo noloshooduba aanay wanaagsanayn.
Dadka qaadka cuna oo marka ay qaad qabax
(addict) noqdaan waxaa ku adkaata in ay ka soo
baxaan masuuliyadaha saaran sida mas’uuliyada
qoyska, shaqada iwm. Dadkaa intooda badan ayaa
noqda dad culays ku ah humarka mujtamaca.
Qaadku wuxuu ka qayb qaataa fiditaanka
musuqmaasuqa, asaarka bulshada (unrest society),
beenta iyo xanta (spreading rumours).
Inta badan sida caadiga u ah dadka qaadka cuna
waxaa hoos u dhaca dhaqalahooda, taasina waxay
keentaa in ay dadka iska hor yimaadaan sida
qoyska iyo ehelada, meheradaha ay xidhiidhka la
leeyihiin iyo dadka qaadka iibiya intaba. Marka
dadka cunaa ay xaaladan soo gaadhaan wuxuu
bilaabaa inuu wixii suuro gal ah oo khiyaamo ah
uu sameeyo sida isaga oo musuq maasauq iyo
xatooyo samaynaya, haday u suuro gashana boob
iyo dhac samaynaya, wuxuuna gaadhaa heer uu
waqti badan ku lumiyo sidii uu kiilo qaad ah u
heli lahaa sida shaxaadka, sugitaan waqtiga
qaadku imanayo iyo isdaba maryeyn kale.
Intabadan dadka qaadka cunaa waxay si dhakhso
ah u baneeyaan goobaha shaqada, waxayna culays
ku noqdaan goobaha caafimaadka, dhaqaalaha iyo
nabadgelyada mujtamaca kadib marka ay si dhakhso
ah u baneeyaan goobaha shaqada iyo waxsoosaarka.
Qaadku wuxuu dowr muhiim ah ka qaataan kala
furfurashada mujtamaca iyo faqriga, sida qoyska
oo waxyeelada ugu horraysaa ay soo gaadho, wuxuu
abuuraa khilaaf iyo is maandhaaf aan loo
baahnayn, wuxuu wax yeelo u gaystaa da’yarta oo
welefta deetana qayb ka qaata dhaca, boobka iyo
dilka intaba.
Waxaa diyaariyey
Hassan Nuur
jointgroup@gmail.com
DAAWO: TAARIKHDII ANDULUS