SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya oo Canbaareeyey shir Madaxeedka Tobonaad ee Midowga Afrika 2008. 
  • Puntland oo loo soo bandhigay Dastuur Cusub
  • Qarixii labaad oo ay dadku dhinteen oo ka dhacay muqdisho

isbahaysi

Warsaxaafadeed ku saabsan shir Madaxeedka Tobonaad ee Midowga Afrika 2008. 
 

    Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya waxa uu canbaaraynaayaa shir Madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacayo dal jabiyay shruucda u taalla ururka kuna xadgudbay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya oo xubin ka ah ururka.

  Waxaa wax laga xumaada ah in madaxda Afrika ku kulanto Ethiopia  oo ku soo duushay dalka Soomaaliya, gumaad, burburin, barakicin iyo  boob hantiyeedba ugaystay shacabka Soomaaliyeed, arrintaas oo ka soo horjeeda axdiga & shuruucda midowga Afrika .

  Waxaa nasiibdara ah  in Ethiopia lagu ammaano qabsashada & danbiyada dagaal ee ay ka gaysatay Soomaaliya, taas oo micnaheeda tahay in lagu taageero ujeedooyinkeeda guracan ee ah in aysan Soomaaliya marnaba helin nabad iyo xasilooni.

  Buubuuninta kooxda Baydhabo & ku sheegista  wax aysan ahayn  xal uma aha shacabka Soomaaliyeed, ee xalku  waxa uu ku jiraa in uu shacabaka Soomaaliyeed ka tashado aayihiisa isga oo madax banaan,  iyadoo sida ugu dhakhsaha badanna caddawga dalka  ku soo duulay looga saarayo .

   Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya marnaba ma ogolaanaayo in ciidama shisheeye dalka la keeno  iyadoo aanay shacabka Soomaaliyeed  heshiis ku ahayn . wuxuuna ka dalbanayaa midowga Afirka  in uu joojiyo dibindaabyada looga soo maleegaayo shacabka Soomaaliyeed  shrarkiisa, waxaa uuna  ugu baaqayaa in ay dhowraan shuruucda ururka .

      Ugu danbayntii Isbahaysiga  waxa uu shacabka Soomaaliyeed  ugu baaqayaa in ay midnimadooda adkaykeeyaan cadawga dalka qabsadayna meel uga soo wada jeestaan. 

Asmara 02/02/2008 


Warar GooGoos ah:

Taliyihii Ciidanka Nabadsugidda Baledweyne oo La diley: Cabdi Aadan Qaasim, Taliyihii ciidanka sirdoonka Beledweyne, ayaa habenimaddii Axadu soo geleysey (Feb 3) lagu toogtey Beledweyne. Toddobaadkii hore ayey ahayd markii magaalada Belelweyne lagu diley taliyihii hore ee Ciidanka Nabadsugidda Gobolka Hiiraan, Axmed Cali Gaaboow.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ka dhoofay London: Madaxweynaha DFKMG ayaa habeenimadii Sabtida (Axad soo geleysey Feb 3) waxa uu ka dhoofay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu u joogey arrimo la xiriira caafimaad. Waxana uu tegi doonaa Addis Ababa ka hor inta uusan tegein Baydhabo oo xarun u ah DFKMG.

Sh. Aadan Madoobe oo Sheegay in ay dagaalamayaan: Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG, Sh. Aaden Maxamed Nuur "Aaden Madoobe" ayaa Sabtidi (Feb 2) waxa uu sheegay in ay DFKMG la dagaalami doonto waxa uu ugu yeeray 'Mucaaradka'. Hadaladda kulkulul ee ka soo yeeray afhayeenka baarlamaanka DFKMG ayaa ah kuwo aad uga duwan hadaladii uu hore u sheegay Gaashanle Sare Nuur Cadde, Ra'iisul wasaraha DFKMG.


Puntland oo loo soo bandhigay Dastuur Cusub

Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa [Feb 3, 2008] war saxaafadeed ka soo saaray dastuur cusub oo weli qabyo ah oo loo soo bandhigay in lagu dhaqo shacabk aku dhaqan Puntland, waxan auu warx=saxaafadeedkii Cadde Muuse u qornaa sidan:

Waxaan dadweynaha Puntland Ugu bushaaraynayaa in lagu tallaabsaday wadadii dimuqraadiyaynta Puntland oo xukuumadda Puntland ay u ballanqaaday shacabkeeda.
Bartamihii sannadkii 2007 waxaa si rasmi ah u howgalay guddiga dib-u eegista dastuurka DGPL.

Magacyada gudiga
1.Maxamed Xasan Maxamed guddoomiye
2.C/rashiid Maxamed Xirsi ku xigeen
3.Maxamed Cali Guuleed xubin
4.Maxamuud Maxamed idiris xubin
5.Saadiq Abshir Garaad. Xubin
6.C/qani Ismaaciil Cismaan xubin
7.Sh. Siciid Axmed Faarax xubin
8.Caasha Geelle Diiriye xubin
9.Khadiija Maxamed Jaamac xubin
10.Sahro Diiriye Muuse xubin
11.C/raxmaan Axmed Ismaaciil xoghayn.

Waqtigan la joogo waxaa la soo gabagabeeyey wajigii kowaad ee dibu eegista dastuurka DGPl waxaana maanta diyaar ah nuqul qabyo ah oo loogu talagalay in ay falanqeeyaan Mas’uuliyiinta Maamulada Gobolada iyo degmooyinka,hoggaamiye dhaqameedyada iyo wakiilo Bulshada Rayidka.

Wejiga labaad waxaa loogu talagalay inuu ka soo boxo nuqul labaad oo xambaarsan talada iyo aragtida dadka ka qaybgala barnaamijka wada tashiga oo laf dhabar u ah wejiga labaad ee dibi eegista dastuurka DGPL.

Xukuumadda DGPl waxay ka baaraandegi doontaa nuqulka labaad waxayna u gudbin doontaa golaha wakiilada si ay u meelmariyaan ugu dambayntiina loogu Bandhigo afti dadweyne.

Xukuumadda DGPL waxay ku tala jirtaa in bartamaha sannadkan ay geyiga Puntland ka dhacdo afti dastuur hadda gacanta lagu hayo.

Aftida dastuurka ka dib Puntland waxay u xuubsiibanaysaa nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyin xor ah oo dadweynuhu ay si madaxbannaan ugu dooranayaan Mas’uuliyiinta ay xilka u dhiibanayaa.

Puntland isla mar ayey gudanaysaa waajibaadka kala ah difaaca iyo xoraynta dalka,adkaynta nabadgelyada gudaha iyo Dimuqraadiyeynta.

Warsaxafadeed ka soo baxay Madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi


Qarixii labaad oo ay dadku dhinteen oo goordhaweyd [Axad Feb 3, 2008] ka dhacay isgoyska afarata jardiino ee magaalada muqdisho

Laba qof oo midkood uu yahay askeri ka torsanaa ciidanka dowlada federaalka KMG ah ayaa ku nafwaayey qarax goordhaweyd (Axad Feb 3) ka dhacay isgoyska afrata jardiino ee magalada muqdisho.

Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan isla markaana laga maqlayey inta badan xaafadaha magaalda muqdisho ayaa ka dhacay isgoyska afarta jardiino ee magaalada muqdisho waxaana ka soo baxayo warar is qilaafsan oo ku aadan sababata dhalisay qaraxaan oo ah kii labaad ee ka dhaca maanta magaalada muqdisho dadna ay ku nafwaayaan .

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa mid ka dhasahay waxyaabaha qarxa oo lagu soo qariyey shandad la dhigay meel u dhow halka askartu joogto halka wararka qaarkoodna ay sheegayaan in waxyaabaha qarxay uu watay wiil yar markii laga shakiyeyna isla markaana mid ka mid ah ciidanka halkaa fadhiisinka ku leh uu damcay in uu istaajiyo kuna amray in uu isbaaro dabadeedna uu is qarxiyey wiilkii yaraa oo ay wada dhinteen isagii iyo askarigiiba .

dadka joobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyey in wiil halkaa marayey ay ciidanku ku amreen in uu istago ka dibna isbaaro waxaase meesha ay isu bedeshay meel ay cirka isku shareereen boor .ciid iyo qiiq olol wata ka dib marki uu wiilkii gaanjada ka jaray bambadii uu watay halkaas oo ay ku nafwaayeen laba qof oo kala ahaa wiilkii yaraa iyo askarigii ma tirsanaa ciidanka fariisinka ku lahaa isgoyska afarta jardiino ee magaalda muqdsiho waana qaraxii labaad ee dad ay ku dhintaan mudo ka yar afar saacadood waxaana ka horeeyey qarax weyn oo saaka dhacay agagaarka xerada afisyooni halkaa ay gari bus ah miino kula kacday isla markaana ay ku naf waayeen ku dhawaad 10 qof oo u badnaa haweenka qaadka ka ganacsada .

qaraxa markii uu dhacay ka dib ayaa waxaa hakad galay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee isgoyska afarta jadiino waxaana xirmay ganacsigii waxaana qalqal galayt dadka deegaan inkasta oo ay mudo ka dib dib u furantay wadadii arintune ay cadi ku soo laabatay marka laga reebo dhaawaca iyo dhimashada

Muuse Maxmuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
0025215576666
002521653623


gabar xanuunsan

Caawi walaalka Muslimka ahoo gabar yar oo la xanuunsanay wadanaha

Iqra Maxamed Cilmi waa Gabar 9-jir ah oo la il daran wadna xanuun
Muuqaalka gabadhaasi markaad eegto waxaad dareemeysaa inuu wdane xanuunku saameyn ku yeeshay koritaanka jirkeeda.

Waalidka dhalay gabadhaan Bukaanka ah waxey la tacaaleen gabadhooda iyagoo u geeyay hadba dhaqtarka ay is yiraahdaan, laakiinse dhaqaatiirta soomaaliyeed ee taqasuska leh ee ka howlgal Cusbitaalada Muqdisho waxey sheegeen in xanuunka gabadhaas waxba looga qaban karin Cusbitaalada ku yaal Magaalada Muqdisho, loona baahan yahay in lagu soo daaweeyo cusbitaalada casriga ah ee ku yaal caalamka.

Hooyo Xaliimo Cumar oo dhashay Gabdhaan yar ee Iqra Maxamed Cilmi waa hooyo sabool ah oo aan awoodi karin kharashka lagu daweynayo gabadheeda.

Hadaba Walaalka iyo Walaasha Muslimka ah waxaa si naxariis leh la idinka codsanaya ianad dar Alle ugu soo kaalmeysaan gabadhaas yare e xanuunsanaysa.

Cidii danaynaysa inay kaalmeyso gabadhaan yar waxay la soo xiriiri kartaa Teleefoonadaan oo laga helo waalidka dhalay gabadhaas Tel: 002521-5152808 ama 002521-625490

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com 
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2008

Dagaallo lagu jabiyey ciidamada cadowga Itoobiya.
Dil iyo xidhay gumaysigu u gaystay dadwaynaha.

Mas'uuliyiin ka tirsan Isbahaysiga Dib u Xoreynta oo la kulmay Saraakiil ka tirsan ICRC

War Saxaafadeedka FSAU, 31 Bisha 1aad ee 2008 Natiijooyinka Falanqayntii Deyrta 2007/08 Kadib

Shir Soomaalidu K/Afrika ku Qabatay oo Buuq iyo Qaylo ku dhammaaday
.G/Awdal: Dadkii ku cayroobay Roobkii Barafka watey
.Muqdisho: Afahyenkii Gobolka Banaadir oo la diley...
.Boosaaso: Xaflad lagu qabtay Jaamacada Afrikada Bari

.Eng Cabaas: Ehlu-diinka oo kaliya ayaa wax lagu aaminikaraa
.K/Africa: Ganacsado dib ugu laabtad dukaamadoodii..
.Lafoole: Xarunta Agoonta oo la gaasiiyey $1500..
.Galkacyo: Golihii lakaladiray oo baaq soosaaray...
.MSF oo iskaga guurtay meel badan oo ka mid ah Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan...

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com