SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Feb 1, 2008

  • Eng Cabaas: Waxaa la Ogaaday in Dadka Ehlu-diinka ah ay yihiin Dadka kaliya ee wax lagu aaminikaro Wadanka aysan ahayn Mutadarif sida ay ku sheegaan Nimanka Siyaasiyiintaa.
  • G/Awdal: Muuqaalka Roobabkii ay  Ku Cayroobeen dad aad u farabadan oo gargaar u baahan...
  • Shir Soomaaludu Cape Town ku qabatay oo Buuq iyo Qaylo ku dhammaaday iyo Soomli Ganacsiyadooda K/Afrika laga barakiciyey oo dib ugu laabtay dukaamadoodii
  • Afhayeenkii G/Banaadir oo la diley iyo Madaafiic Lagu Weeraray Maslax ee Muqdisho
  • Xarunta Agoonta wiilasha ee Lafoole oo Khamiistii la gaarsiiyay 1500-Dooalar oo aheyd deeq lacageed oo ay soo dhiibeen Jaaliyadda Soomaalida USA...
  • Qaar kamida golihii gaalcayo ee lakaladiray oo baaq soosaaray.
  • Hay'adda MSF ayaa iskaga guurtay meel badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Eng. Cabaas: Waxaa la Ogaaday in Dadka Ehlu-diinka ah ay yihiin Dadka kaliya ee wax lagu aaminikaro Wadanka aysan ahayn Mutadarif sida ay ku sheegaan Nimanka Siyaasiyiintaa.

Somalitalk.com | Boosaaso

Xaflada Xilwareejina oo lagu Qabtay Jaamacada Bariga Afrika ayaa waxaa ka hadlay Aqoonyahano badan oo Tilmaamay in ay Aqoonta la sheegayaa tahay in uu Qofka marka hore Diin ahaan Dhisan yahay.

Xafladaan ayaa ahayd mid ay Xilka ku wareejinayeen Maamulkii hore ee Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso oo ah Jaamcada ugu Weyn Gobolada ku bahoobay Maamulka Puntland, Jaamacada ayaa intii ay Dhisnayd oo ku dhow Mudo sagaal Sano ah ayaa waxaa hayay Xilkeeda iyo markii la dhisayayba Sadexda Masuul ee Maamulka Jaamacada ugu sareeyay oo kala ah Hormuudka Jaamacada Dr C/qaadir Maxamed C/laahi ku xigeenka Hormuudka Dr: Axmed Xaaji C/raxmaan iyo Madaxa Maamulka Jaamcada Dr: Yuusuf Cabdi Casiis, sadexdaa Mas,uul ayaa ku wareejiyay Xilkii Mas,uuliyiinta kala ah Dr: Maxamed Cabdi Aaden iyo Prof: C/qadir Shiino, Mas,uuliyiintii jaamacada Wareejiyay ayaa lagu tilmaamay kuwo ku dayasho mudan oo loo baahnaa in ay mas,uuliyadaa sii hayaan lakiin ayaga ay garteen in ay ku tijaabiyaan Da,yarta Aqoonta leh.


SawirkaBidix: Hormuudka Cusub Dr Maxmed Cabdi Aadan oo ka hadlaya Xaflada
SawirkaMidig: Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geele oo ka hadalaya Xaflada

SawirkaBidix: Beeldaaje Cali faarax oo ka hadlaya Xaflada.
SawirkaMidig: Eng Cabaas oo ka hadlaya Xaflada

Waxaa Xafladan ka soo Qayb galay Ma,uuliyiin ka kala socda HogaankaDhaqanka oo uu ka mid ahaa Beeldaaje Cali Faarax, Maamulka Dowlada oo ay ka mid yihiin Wasiir kuxigeenka Wasaarada waxbarashada Prof: Cabdi Goobe iyo Gudoomiyha Gobolka Bari Muuse Geele waxaa kaloo ka soo Qayb galay Aqoonyahano ay ka midyihiin Eng; Cabaas Jabriil oo sheegay in Xafladaa uu ka cadeynayo in Maamulka raga ka mida ay meel kasta la taagan yihiin Jaamcada Ummada ka dhaxeysa waxaa haya waa niman wadaada ah waxaa la door biday kan Illaahay iyo Diintiisa caynaya in la soo dhaweysto oo kii Diinta ku dhaqmayay oo wax hagaajinayay la yiraahdo waa Nin xun oo waa mutadarif Aniga Eng cabaas ahaan ayaa waxaan iri Macluumaad la soo ururinayay oo loo baahnaa in jaamacada ay iyada samayso in naloo diro markaan talo ahaan niraahno Jaamacada maa la siiyo la yiraahdo waa Mutadarif oo la xumeeyo kii dalka xumaanta soo galinayay oo Caruurtayada aan ka ilaalinayna laga dhigo Nin u wanaagsan dalka waa waxaan ku baabanay waa sida uu u yiri Eng: Cabaas.


SawirkaBidix: Hormuudkii hore Jaamacada Bariga Afrika Dr Cabduqaadirooo Xaflada ka hadlaya
SawirkaMidig: Kamaal Nidaam aadan oo ku hadlayay Magaca Ardaydii ka baxday Jaamacada Bariga Arfika Boosaaso

SawirkaBidix: Dr Axmed Xaaji oo la gudoonsiinayo Abaalmarino
SawirkaMidig: Dr Cabduqaadir oo la gudoonsiinayo Abaalmarino

Waxaa ayaga halkaa ka hadlay Maamulkii hore Jaamacada oo sheegay in ay intaa ku wadeen Jaamacada Baryo Dibadee iyo Mid Gudo oo aysanan Maamulka DGPL uusan waxba ku soo kordhin Jaamacada oo ah hay,ad soo saarta Aqoonyahano wadanka ka shaqeeya ayna yihiin Muwaadiniyiinta ay Cashuurta ka qaadato hay,adihiin la yiri waxaa jaamacada haya Dad aan isku guruub ahayn ee ha caawinina.


SawirkaBidix: Kuxigeenkii Hormuudka Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka hadlaya Xaflada
SawirkaMidig: Maamula Cusub Jaamacada Bariga Afrika Midig Hormuudka Jaamacada Maxamed Cabdi Aadan Bidix Prof Cabduqaadir Shiino

SawirkaBidix: Prof Gayre oo ka yimi maraykanka oo ka hadlaya Xaflada
SawirkaMidig: Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada DGPL oo ka hadalya Xaflada

Xubnihii Maamulka ka joogay oo ugu horeen hadlay Gudoomiyaha Gobolka Bari iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada DGPL ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in Madaxda Jaamacaada ay la garaacayaan Albaab walba lakiin ay maamula jaamacada looga baahan yahay in ay yiraahdaan meeshaan ayaa rabnaa in maamulka nala galo taasna hadii wax laga qaban waayo ay haboontahay in maamulka lagu eedeeyo.


SawirkaBidix: Madaxda Maamulka iyo Odayaasha iyo Aqoonyahano fadhiya Xaflada
SawirkaMidig: Xafladii oo la fadhiyo

SawirkaBidix: Gen Cali ISmaaciil oo ka hadlaya Xaflada
SawirkaMidig: Dr Yuusuf Cabdicasiis oo la gudoonsiinayo Abaalmarino

Xafladaan ayaa ahayd mid si qurux badan loo soo Abaabulay aydoo qudbadaha ay jeedinayeen Aqoonyahanadu iyo Odoyaasha ka soo qayb galay ay ahaayeen kuwo xiiso leh Xafladaa aayaa ku soo dhamaatay jawi wanaagsan aydoo Maamulkii hore lagu gudoonsiiyay Abaalmarino ay ku jiraan Shahaadooyin ka turjumaya Xiligii adkaa ay soo mariyeen Jaamacada Bariga Afrika Boosaaso.

SomaliTalk.com | Boosaaso


MUUQAALKA MASIIBADII KA DHACDAY G/AWDAL EE ROOBABKII AY KU CAYDHOOBEEN DAD AAD U FARABADAN EE U BAAHAN IN LOO GARGAARO.

Boorama[Harowo] waxa Talaadadii (Jan 29) galabtii ka ambabaxay magaalada Boorama gudi heer gobol ah oo siday Gar gaarkii u horeeyay ee la gaadhsiiyo dadka ay ku dhacday masiibadii roobabka barafka ah ee ka laayay wixii ay xoolo lahaayeen oo haatan ay ka fara madhan yihiin iyaga oo ay la soo daristay xaalad adag oo caydhnimo iyo barakac ah.


Hooyo Murugasan iyo arigii le'day

Gudidan oo isugu jira culimaaudiin, maalmihii u dambeeyayba masaajidada ka dhex ururinayay qaadhaanka tabarucaad ee loogu gargaarayo dadka tabaalaysan ee caydhoobay iyada oo ay ka qaadayeen qof kastaa waxa uu bixin karo lacag ama raashin, waxa kale oo ka mid ah gudidan oo hor kacay badhasaabka G/awdal Maxamuud Sh C/laahi qaybo kale oo ka mid ah bulshada, xisbiyada iyo maamulada degmooyinka ay masiibadani ka dhacday ee Baki,Lughaya iyo deegaano ka tirsan degmooyinka Boorama iyo Saylac.


Masuuliyiin qiimaynaha Tirada xoolaha le'day

Gurmadkan hada oo ah gargaarkii u horeeyay ee gaadhi doona dadkaa tabaalaysan waxa uu ka kooban yahay in ku dhow ilaa 300 kiish oo raashin ah oo isugu jira hadhuudh iyo sonkor, iyada oo 140 kiish oo ka mid ah uu ku deeqay gudoomiyaha G/awdal.

Marka la eego baaxada dhibaatada meesha ka dhacday oo ah wax aan baniaadanku cabiri karin gar gaarkan yare ee hadu maaha mid wax badan ka qaban karaya waayo kumanaan qoys ayaa caydh ku sugan oo ka fara baxay dhamaan wixii ay xoolo lahaayeen iyada oo qoys 7000 neef hore u lahaa aanay maanta haysan mid kaliya oo u nool, waxa taa u raaca xanuuno,indho la,aan iyo waali ay kaga tagtay xaaladan murugada leh ee la soo daristay.
Sidaa awgeed waxa ku waajib ah qof kasta oo inaga mid ah ama dalka gudihiisa ha ku noolaado , ama qurba joog ha ahaadee inuu damiirkiisu shaqeeyo oo uu ka qayb qaato taageertada ay dadkaa xaalada bani aadamino ee adag ku jiraa inooga baahan yihiin.

Sawirada Hooyo masiibadan ku caydhowday oo murugaysan iyo sawirada Xoolihii ku le'eday masiibadaas iyo masuuliyiin isku dayaya inay tirakoobaan xoolihii masiibadan ku dhintay oo 40.000 ka badan inta la ogyahay.


SOOMAALI GANACSIYADOODA K/AFRIKA LAGA BARAKICIYEY OO DIB UGU LAABTAY DUKAAMADOODII___ SHIR SOOMAALIDU CAPE TOWN KU QABSATAY OO BUUQ IYO QEYLO KU DHAMAADAY.

SAWIRADA SOOMAALIDA K/AFRICA: HALKAN KA EEG......

Ku dhowaad 60 soomali ah oo tobon iyo dhowr casho ka hor ganacsiyadooda lagu boobey magaalada Jeffrey's bay ee dalka K/africa ayaa lagu guuleystay in dib loogu celiyo goobihii ganacsiyadooda oo markii hore laga ceyriyey, walow eeysan jirin wax hanti ah oo dib loogu soo celiyey, sida uu ii xaqiijiyey gudoomiye kuxigeenka jaaliyada soomaalida dalkani qeybteeda Eastern Cape C/raxmaan Rabi, jaaliyada oo dadaal dheerad ah iyo wada hadalo u gasahay xalinta arrintani ayay suuro gal ku noqotey in dowlada iyo dadka deegaanka u ogolaadaan in soomaalidu eey dib u asaasato ganacsiyadoodii la baabi'iyay ee la boobay (intii awoodaasi leh).



Mudane Raabi oo lasoo xariirey somalitalk.com ayaa soo xigtey magaca gudoomiyaha soomalidii la barakiciyey Xaaji Diyaar, oo uu sheegay in uu u xaqiijiyey in eey dhamaadeen dhamaan wixii jirey oo eeysan wax dhib ah la kulmin labbo maalmood ka hor markii eey meesha ku noqdeen. soomaalidan ayaa la boobey tukaamadooda oo la barakiciyey, loona diidey in eey wax ganacsi ah halkaasi ku yeeshan markii uu nin soomaali ah toogasho ku diley nin dadka deegaanka ah oo alaabo ka dhacay dukaan uu joogey. rag soomaali ah oo arrintaasi loo xirxirey ayaa la sheegey in eey wali maxkamadi ku socoto walow aanan faahfaahin intaasi dhaafsiisan laga heynin.



Dhanka kale shir looga gol lahaa in jaaliyad mid ah loogu sameeyo soomaalida Cape Town ku nool ayaa fashil iyo fool xumo ku dhamaaday kadib markii sida la sheegey qabanqaabiyeyaashii shirka eey meesha ka iclamiyeen in shirkani uu yahay mid lagu caleemo saarayo nin banaan koox gaar ah eey kusoo ansixisay, arrintaasoo su'aalo laga keenay dadkii loo diidey in arrintaasi wax ra'yi ah laga dhiibto, taasi eey kaliftey in boqolaal kasoo qeyb galayaal ah ey markaliya buuq iyo qeylo afka furtaan oo uu shirkii gacanta ka baxo, illaa heer eey police-ka soo dhexgalaan , sida uu somalitalk.com u sheegey xadiis xaaji aadan oo saxafi joobjoog ahaa, marti sharaftii shirka kasoo qeyb gasahay ayaa ciidamada nabad sugida eey goobta si halhaleel ah meesha oga kaxeeyeen markii amnigooda loo baqay, sida eey wax u dhaceen habeenimadii arbacada ayaa shaxaafadu dalku eey ku tilmaamtey dad caraysan oo ra'yigooda la afgambiyey.

Balse qaar ka mid ah saxaafada soomaliya ka howlgasha oo halkani wakiilo u joogaan, gaar ahaan kuwooda ugu caanka san ayaanan ba soo hadal qaadin rabshada iyo fashilka uu shirka ku dhamaaday, taasina dad badan oo nala soo xariirey eey walaac ka muujiyeen dhexdhexaad la'aanta baraha qaarkood, waa sida eey hadalka u dhigeene.



Eeg sawirka oo weyn... Guji


Inta badan buuqa iyo isqabqabsiga ka dhasha samaynta jaaliyadaha ayaa aad ugu badan wadamada qurbaha oo eey soomaalidu ku nooshahay, hase yeeshee dalkani oo 10 kii sanno ee ugu dambeeyey lahaa jaaliyad SASA lagu magacaabo, ayaa tan iyo intii kacdoonkii maxkamadaha eey soo if baxeen oo eey jaaliydani si weyn ugu ololeysay, eey soo baxeen dad maal qabeeno ah iyo ganacsato ah oo maalgalin ku sameeya sameynta jaaliyado cusub oo ka duwan SASA iyadoo qabiil la adeegsanayo, taasina eey u dhaga qaadeen dad badan oo soomaali ah, illaa iminka ugu yaraan meel ayaa nidaamkaasi laga dhaqan galiyay, marka aad dhinac kale ka eegtane waxaa muuqanaysa in dadkani cusub ragga madaxda u ah lagu yaqaano taageerida DKMG, taasoo iftiimineysa is qabqabsigu uu ku salaysanyahay waxa soomaaliya ka jirra oo la'isku maandhaafsanyahay.

C/nasir Axmed Sh. bashiir (saxansoxo),
Email: southafrica@somalitalk.com,
Johansburg.


Warar GoosGoos ah:

Afhayeenkii G/Banaadir oo la diley:


Cabbaas Maxamed Nuur "Galeyr"

Rag ku hubaysan bastoolado ayaa XamarWeyne waxay Xalay (Feb 1, 2008) oo Jimce soo gelayey  ku dileen Cabbaas Maxamed Nuur "Galeyr" oo ahaa afhayeenka Gobolka banaadir oo jagadaas dhowaan loo magacaabay kaddib markii hore loo diley afhayeenkii hore.

Madaafiic Lagu Weeraray Maslax: Habeenimadii Jimcadii waxaa xerada maslax oo ay deggan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah lagu weraray madaafiic. Lama oga khasaaraha dhabta ah ee gaarey ciidamadaas.

Col. Nuur Cadde oo Addis Ababa Tegey:

Feb 1, 2008: Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Col. Nuur Cadde ayaa tegey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu kaga qayb gelayo shirka 10aad ee Ururuka Midowga Afrika.


Col. Nuur Cadde (Dhexda) - Addis Abaab, Feb 1, 2008 | Sawirka: Reuters

Dagaal ka Dhacay Diinsoor: Wararka ka imanaya Diinsoor ayaa tibaaxay in halkaas uu ka dhacay dagaal la isu adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan DFKMG iyo xoogagga ka soo horjeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya. Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay dagaalkaas.


Bidix: Soomaalida Australia, Midig: Soomaalida London, UK

Kulamo ay yeesheen Soomaalida Australia iyo Kulammo Dhallinyarada London, UK


Xarunta Agoonta wiilasha ee Lafoole oo Khamiistii la gaarsiiyay 1500-Dooalar oo aheyd deeq lacageed oo ay soo dhiibeen Jaaliyadda Soomaalida USA...

Sawirada Xarunta Agoonta ee Lafoole ka eeg halkan....

Xarunta Agoonta wiilasha ee Lafoole oo maanta la gaarsiiyay 1500-Dooalar oo aheyd deeq lacageed oo ay soo dhiibeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Mareykanka loo qeybiyay.


agoontii oo diyaar u ah in lacag la siiyo

Waxaa maanta Deeq lacageed loo qeybiyay Xarunta Dhalinta Agoonta ee Lafoole, iyadoo deeqdaas lacageed la gudooniiyay xarunta Agoonta Lafoole ay ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Mareykankao ay soo wakiisheen Xaawo Cilmi Faarax Weydow .


Agaasimaha Xarunta Dhalinta Agoonta ee lafoole CQaadir Yuusuf Kaariye

Deeqdaan lacageed ayaa xarunta Wiilasha Agoonta Lafoole soo gaarsiisay Agaasimaha Xarunta Dhalinta Agoonta ee lafoole C/Qaadir Yuusuf Kaariye (Awliyo) oo taleephonkiisu gacanta uu yahay 002521/5566175 jaaliyada deeqda soo dhiibey ee reer maraykan , waxaana deeqdaas lacageed la gaarsiiyay caruur gaareysa 250-caruur ah, 52- Ruux oo cuuryaamiin ahisu geyn gud 320 qof .



Xarunta Agoonta Wiilasha ee Lafoole ay deeqdaas ayaa waxaa si cadaalada ah ugu qeybiyay dadkii loogu talogalay inay gaarto deeqdaas lacageed ee ay soo dhiibeen Dad Muxsiniin ah oo Soomaali ah oo iyagu ku dhaqan Dalka Mareykanka gaar ahaan Minisota, Gudiyo isugu jira Culumaa'udiin, Waxgarad iyo Aqoonyahan.
Xeradaas ayaa sidoo kale waxaa ku jira Qoysas fara badan oo ku barkacay xaruntaas oo tiradooda lagu sheegay 5427-Qoys, mana jirto cid caawisa, iyadoo xaruntaas ay Hey'adaha Samafalka qaarkood geeya.


caruur iyo waayeel la siinayo lacag

dadka da.da ah ayaa waxaa ka mid ahaa faadumo xersi dhiblaawe oo mudo 5 shan sano ah sariir saaran waxaana ay ka jabtay bowdada iyada oo ah haweeney da.ah , iyo faadumo warsame faarax oo 80 jir ah iyada oo 10 sano ka hor indhaha ka dhacday mudo sanad ah ayey ku jirtaa xero qaxooti dadka soo barakacay ay ku jiraan ,

sidoo kale Xaruntaas waxaa xaruntaas OPD ka hirgelisay Hay'adda Muslim AID, iyadoo Hey'adda ICRC ay iyaduna dhinaca daawada ka taakulayso xaruntaas sida uusaxaafadda u sheegay Agaasimaha Xarunta Dhalinta Agoonta ee lafoole C/Qaadir Yuusuf Kaariye [Awliyo.


calaamada xerada lafoole

Agaasimaha Xarunta Dhalinta Agoonta ee lafoole C/Qaadir Yuusuf Kaariye [Awliyo] ayaa sheegay in dhalintaas agoonta ah aysan jirin cid gar gaarta, wuxuuna sheegay inay dhinaca Caafimaaka ay hada waxooga ka jiraan, xaruntaas ayaa waxa dhinaca Caafimaadka ka taakuleeyay ICRC iyo Muslim AID.


Qaar kamida golihii gaalcayo ee lakaladiray oo baaq soosaaray.

Xubno ka tirsan xildhibaanadii golihii deegaanka ee degmada Gaalkayo ee uu dhawaan M/weynaha Puntland kala diray, ayaa maanta soo saaray Bayaan aya kaga hadlayaan xaaladda nabadgalyada gobolka mudug, gaar ahaan degmada Gaalkacyo oo xarun u ah Gobolka Mudug.

Bayaanka ay soo saareen golihii hore ee deegaanku, ayaa marka hore lagu xusay kala eryiddii lagu sammeeyey, iyagoo sheegay in ay ahayd mid ka leexsan sharciga Puntland, hase ahaatee ay u hogaansameen si aan u ilaalino bay yiraahdeen nidaamka iyo kala danbaynta.

Qoraalada ay soo saareen xubnihii hore ee golaha deegaanka degmada Gaalkacyo, ayaa si Qoddo dheer ay uga hadleen sida ay lagama maarmaanka u tahay ilaalinta ammaanka iyo nabadgalyada gobolka, iyagoon aan meesha ka saarin jiritaanka xubno ka tirsan golihii hore in ay ku lug leeyihiin khal khalka dhinaca amniga ah ee laga dareemayo magaalada Galkacyo,.

Maxamed Xuseen Ciid oo ka tirsanaa xildhibaanadii la kala diray ayaa bayaankaasi saxaafadda u akhriyey, wuxuuna baaq u soo jeediyey golihii uu ka tirsanaan jiray, isagoo ugu baaqay in ay nabadda ka shaqeeyaan, isla markaana ay sugaan wakhtigooda, lana shaqeeyaan maamulka ku meel gaar ah ee sii wada howlihii degmada, wuxuuna baaqoodu ka danbeeyey iyadoo la hadal hayo in xildhibaanadii hore ay shaqaynayaan arrimaha khal khalka dhaliyey ee ka taagan gudaha gobolka.

Baaq xildhibaanadu waxaa uu ku soo beegmay iyadoo uu dhawaan M/weynaha Puntland General Maxamuud muuse xirsi Cadde, uu mar kale dib u dhigay dhismihii golaha deegaan ee degmada Gaalkacyo, muddo 4 bilood ah, isagoo ku micneeyey sababo ammaan darro awgeed.

bashiir camar cali
bashiir137@hotmail.cim

Hay'adda MSF ayaa iskaga guurtay meel badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Shaqaalihii hay,adda MSF ee ka howl gali jiray gobollada kala duwan ee gudaha Dalka Soomaaliya, ayaa intoodii badneyd iskaga baxay kadib markii ay soo food saartay cabsi dhinaca nabadgalyadooda ah, taasi oo lala xiriirinayo weerarkii dhawaan lagu qaaday shaqaalaha hay,adda ee ka shaqayn jiray gobolka J/hoose.

Ka bixitaanka shaqaalaha hay,adda MSF ay ka baxeen dalka, ayaa ka danbaysay kadib markii maalinnimadii Isniinta aheyd ee aynu soo dhaafnay la weeray qaar ka mid ah shaqaalaha hay,adda MSF ee ka howl gali jiray magaalada Kisamaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, weerarkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah shaqaalaha hay,adda, halka sidoo kale uu geeriyooday wariye u shaqaynayey idaacadda Maxaliga ah.

Magaalooyinka Gaalkacyo, Beledweyn iyo Kismaayo ayaa ka mid ah meelaha ay iskaga hayaantay Hay,adda MSF oo ah hay,ad ay ku bahoobeen dhakhaatiirta aan xuduuda laheyn, kuwaasi oo ka shaqeeya u gar gaaridda dadka tabaalaysan.

Magaalooyinka ay ka howl gali jireen shaqaalaha hay,adda MSF, ayey ku lahaayeen xarumo caafimaad oo waa weyn, kuwaasi oo lagu daryeelo dadka isla markaana caruurta lagu quudiyo, waxayna ka bixitaankoodu uu walwal ku abuuray boqolaal dad ah oo si joogto ah ugu xirnaa xarumaha hay,adda, mana jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay maamulada iyo dawladda toona, kaasi oo looga hadlayo ka bixitaanka hay,addu ay ka baxday qaar ka mid ah gobollda dalka.

Wakhti dhow ayey aheyd markii shaqalaha hay,adda MSF ay dib ugu soo laabteen magaalooyinka Jowhar iyo Gaalkacyo, iyagoo haatan ka horna sidaan oo kale ugu baxay sababo la xiriira ammaankooda, waxaana sidoo kale dabayaaqadii sanadkii 2007 labo ka mid ah shaqaalahooda lagu afduubatay magaalada Boosaaso, kuwaasi muddo ka badan hal todabaad ku qafaalnaa dhul buuralay ah oo aan ka fogayn isla magaalada Boosaaso.

bashiir cumar cali/bosaaso
bashiir137@hotmail.com


Ciidamada Burundi Oo Fariisimo Cusub Ka Samaystay Xarumo Kamid ah Meelihii Ay Baneeyeen Ciidmada Ethiopia.

Ciidamada Amisom Gaar ahaan kuwa wadanka Burundi ee ku sugan casimada Muqdisho ayaa fariisimo Cusub ka dhigtay deegaanada jaamacadaha , Siliga amerikanka ,iyo weliba saldhiga galbeed ee degmada wadajir Halkaasoo saaka lagu Arkayey Iyagoo u daad guraysanaya Qalabka Milatari ee ay wataan.

Xarumahan ay Ciidamada Burundi u guureen ayaa waxaa Hore ugu sugnaa Qaar Ka tirsan Ciidamada xukuumada Ethiopia kuwaasoo iskaga Guuray Shalay subax waaberigii iyadoo aan la ogayn halka ay saldhiga ka dhigteen ,inkastoo warar hoosaadyo sheegayaan inay fariisimo cusub ka samaysteen duleedka caasimada Muqdisho halka qarkoodna xoojiyeen ciidamadii hore ugu sugnaa xaruntii hore ee ciidanka asluubta soomaaliyeed.
Ciidamada Burundi oo aan wadan wax baabuurta dagaalka iyo kuwo kaleba ayaa saaka waaberigii socod ka bilaabay agagaarka garoonka weyn ee caasimada (aadan cadde Airport) islamrkaana socoddkooda ku tegeyey xarumaha ay fariisimada ka dhiganayeen kuwaasoo askarigiiba uu ku hubaysnaa Qoryaha garabka lagu qaato iyo weliba Saanadiisa .

Guuritanka ciidamada Amisom ee Burundi ayaa kusoo Beegmaya xili ay ciidamada Ethiopia ay shalay Habeenimadii baneeyeen fariisimo ay ku lahaayeen meelo kala duwan oo kamid ah Magaalada muqdisho .

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Akhri: Kulamo ay yeesheen Soomaalida Australia iyo Kulammo Dhallinyarada London, UK
 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 1, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com