Barnaamijkii Radio Xoriyo
02 February 2008.
Dagaallo lagu jabiyey ciidamada cadowga Itoobiya.
Dil iyo xidhay gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
Gumaysiga oo suxufiyiin Ogaadeenya tegay u hanjabay
Ururka isku xidhka Dhalinyarada Ogadenya(Ogaden Youth Network ) oo kulan ku
yeeshay magalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.
======================
Dagaallo lagu jabiyey ciidamada cadowga Itoobiya.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan
oo lagu jabiyay ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi
waxay u dheceen sidatan;
31/01/08 dagaal ka dhaacay Haar-cad, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 31/01/08 waxaa weerar gaadmo ah lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay
oo hawlgal u tegay Wabi-buur, oo ka tirsan degmada Ceel-ogaadeen, waxaana la
gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
29/01/08 Sagalo, oo Fiiq ka tirsan, waxaa weerar gaadmo loogu gaystay kolonyo
baabuur ah oo ay wateen ciidammada gumaysigu, waxaana weerarkaas lagaga dilay
inta la ogyahay 9 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay
28/01/08 dagaal ka dhacay Toon-jaleelo, oo ka trisan degmada Wardheer, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay.
27/01/08 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex-maray meesha lagu magacaabo
Dooxa-yare, oo ka tirsan degmada Wardheer, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 10 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 13 askari.
Isla 27/01/08 dagaal adag oo isaguna ka dhacay Tog-guduud, oo ka tirsan
Wardheer, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 25 askari, 16 kalana waa
lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 27/01/08 ayaa weerar mir loo gaystay ciidammada gumaysigu ee
fadhigoodu yahay magaalada Dhagax-madow, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
26 iyo 27/01/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan
Barmiil, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
18/01/08 dagaal ka dhacay Qayd, oo Garbo ka tirsan, waxaa ciidammada Itoobiya
lagaga dilay 5 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay. Isla ciidammadan ayaa mar
kale lagu weeraray Qayd markii ay taariikhdu ahayd 20/01/08, waxaana lagaga
dilay 2 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 18/01/08 Qarjajabo, oo Fiiq ka tirsan, waxaa weerar mir loogu gaystay
ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u joogay, waxaana loo gaystay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Dil iyo xidhay gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa dhibaatooyin kala duwan u
gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Dhibaatooyinka ayaa isugu jira dil
iyo xidhay iyo waliba dhibaatooyin kale.
29/01/08 Laasa-caano, oo Wardheer ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku
dileen nin rayad ah oo lagu magacaabo Cabdi-wali Aw Cali Muxumed. Waxay sidoo
kale ninkan ka dhaceen hanti aan faahfaahinteeda la haynin.
28/01/08 Xabaa-tulli, oo degmada Qabridaharre ka tirsan, waxay ciidammada
gumaysigu ku dileen labo nin oo rayad ah oo ayna wali noo suuragalin inaan
magacyadooda helno. Nimankan ayaa maydadkooda la kala helay 28 iyo 30/01/08.
11/01/08 Kala-jeex, oo degmada Qallaafe ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku
dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Xasan Daahir Cali Gabbal.
Waxay sidoo kale xidheen nin la yidhaahdo C/llaahi Dakharre. Waxay isagana 5000
oo Bir ka dhaceen Ina Qalbi Nuur Shide oo magaciisa hore aanaan haynin.
31/01/08 waxaa magaalada Fiiq ka dhacay bannaanbax ay sameeyeen haweenka iyo
carruurta magaalada ku dhaqan, kuwaasoo si aan baqdinin ku jirin u cabbiray
dareenkooda diiddan gumaysiga iyo dhibaatooyinka uu ku hayo. Bannaanbaxayaashan
ayaa kud hawaaqayay hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin “dooni mayno Dabaqoodhi”
“dooni mayno gumaysi raac”.
30/01/08 waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen magaalada Nus-dariiqa, oo gobolka
Qorraxey ka tirsan, sheekhii imaamka ka ahaa masaajidka magaaladaas oo magaciisa
aanaan wali helin.
28/01/08 magaalada Qabridaharre waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen Ina Axmed
Naaje oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin.
27/01/08 magaalada Dhuxun waxaa ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad shacab
ah oo ay ku jiraan odayaal waayeel ah. Waxayna dadkaasi kala yihiin;
1- Aqbal Yuusuf Daahir, oo 80 jir ah
2- Sarreeye oo 60 jir ah oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin
3- Nuur-deex
4- Shariif Xasan Shariif C/qaadir
5- Shariif Nimcaan Shariif C/qaadir iyo
6- Axmed Geelle Mursal
26/01/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Garbo ku xidheen ninka lagu
magacaabo Sayid Cismaan Kuusow.
23/01/08 waxay ciidammada gumaysigu Aqallo shacabku leeyahay ku gubeen meesha
lagu magacaabo Raybada, oo degmada Garbo ka tirsan. Aqallada uu cadowgu gubay
waxaa kala lahaa;
1- Nuur-deeq oo ay ka gubeen 2 Aqal iyo
2- Ilma Ciilmooge oo ay iyagana ka gubeen 1 Aqal.
Markii ay taariikhdu ahayd 13/01/08 waxaan idiin soo tabinay in ciidammada
gumaysigu ay gubeen tuulada Saliidda, dadwaynahana ay hanti ka dhaceen. Wararka
dib naga soo gaadhay ayaa sheegaya in ciidammada gumaysigu ay dadwaynaha ka
dhaceen lacag gaadhaysa 60.000 oo Bir, ka hor intii ayna tuulada gubin.
23/01/08 magaalada Dhuxun waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala
ah;
1- Maxamuud Dhag-jar iyo
2- Muuse Macalin Maxamed
20/12/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dhagax-madow ku xidheen odayaasha
kala ah;
1- Suldaan Maxamed Yuusuf-cadde iyo
2- Maxamuud Faarax oo ka mid ah oday-dhaqameedyada deegaankaas kuwooda ugu
caansan.
30/01/08 ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya dab qabadsiiyeen oo gubeen
guud ahaanba tuulada Wadhanle, oo ka tirsan degmada Dhanaan.
Dhinaca kale laga soo billaabo 30/01/08 waxay ciidammada gumaysigu xayiraad
qallafsan ku soo rogeen magaalada Qabridaharre, iyagoo diiday in gabi ahaanba
cidi dibada uga baxdo magaalada Qabridaharre. Ciidammada gumaysigu waxay oggol
yihiin oo kaliya in magaalada galo. Waxay sidoo kale magaalada ka gooyeen
Biyihii la isticmaalayay.
Gumaysiga oo suxufiyiin Ogaadeenya tegay u hanjabay
Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa wali sii wadda xadgudubyadii ay kula kacaysay
suxufiyiinta caalamiga ah ee doonaya in wax ka qoraan xaqiiqada ka jirta dalka
Ogaadeenya iyo tacaddiyada ay ciidammadeedu u gaysataan dadwaynaha rayadka ah ee
Ogaadeenya.
Toddobaadkii hore waxay ciidammada sirdoonka gumaysiga Itoobiya u hanjabeen mid
ka mid ah suxufiyiin caalami ah oo tegay qaybo ka mid ah Ogaadeenya, si ay wax
uga ogaadaan dhibaatooyinka ka jira Ogaadeenya. Suxufiyiintan waxaa gadh-wadeen
u ahaa oo u turjumayay shaqaale ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo xukuumadda
gumaysigu ku dartay. Suxufiyiintan waxaa loo oggolaa inay la hadlaan qofka ay
sirdoonku u diyaariyaan oo kaliya.
Hase yeeshee suxufi ka socda xarun warbaahineeda ah Christan Science Monitor oo
lagu magacaabo Nicholas Benquista ayaa isku dayay inuu waraysto dad ayna
sirdoonku u diyaarinin, si uu xaqiiqada dhabta ah u ogaado. Ninkan ayay markiiba
ciidammada sirdoonku isku wareejiyeen, waxaana lagu amray inuu waddanka 48
saacadood gudohood kaga baxo.
Go’aankan ayay xukuumadda gumaysigu markii denbe ka noqotay, hase yeeshee waxaa
suxufigan la siiyay digniin kama denbays ah, waxaana loo yeelay ciidammo si gaar
ah u daba-gala.
Ururka isku xidhka Dhalinyarada Ogadenya(Ogaden Youth Network ) oo kulan ku
yeeshay magalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota
Jan 30, 2008 Ururka isku xidhka Dhalinyarada Ogadenya(Ogaden Youth Network) ee
Gobolka Minnesota ayaa isugu yimid kulan ay ku yeesheen goobta madasha shiraraka
ee loo yaqano Sabatheni Community Center ee Magaalada Minneapolis, shirkan oo
ahaa mid si heer sara ah ay u soo agaasimeen Ururka isku xidhka Dhalinyarada
Ogadenya (O.Y.N) ee Gobolka Minnesota ayay si gaar ah ugu casuumeen dhalinyarada
u dhalatay Ogadenya.
Shirkan oo ay si aad ah usoo xaadireen dhalintii lagu casuumay ayaa waxaa lagu
soo bandhigey;
1. Abaabulka Bulshada (outreach)
2. Saxaafada iyo sida loo soo jiidan karo ( Media attention)
3. Ka qaybqadashada siyasada (Political Participation)
4. Doorka dhalinyarada ay ku ledahay Halganka Ogadenya (Role of the Ogaden youth
In the struggle)
Warbixinadii ay dhalinyaradaasi halkas ka soo jeediyeen ayaa ahaa kuwo si qoda
dheer oo cilmiyaysan loo soo diyaariyey.
Dhinaca kale, Simanaarada ayaa aha kuwo si aad ah looga soo shaqeyay
dhalinyaradiina ay si wayn uga faaiidaysteen, Siminarada ayaa loo kala saarey in
xubnuhu si koox-koox ah uga doodaan afarta qodob ee kor ku xusan.
Siminaarada oo ayagu inta badan ayna dhalinyaradu helin ayaa mar aan waxa ka
waydiiyay dhalinyaradii nasiibka u yeeshay ay ii sheegeen inay ahay fursad
dahabi ah oo mudan in laga faaiidaysto.
Sidoo kale, waxay dhalinyaradu halkaas ku soo bandhigeen sugaan halgameed,
waxaana maalintaas abaal marin halkaas lagu siiyey Gabadh da'yar oo maalintaas
halkaas ka muujisay suugaan qiiro gelisay ka soo qayb galayaashii kulankaas.
Qaar badan oo kamid ahaa kazoo qayb galayaashii kulankaas ayaa halkaas ku
saxiixay in ay xubno ka noqdaan Ururka Isku Xidhka Dahlinyarada Ogadeniya
(Ogaden Youth Network O.Y.N) una guntanayaan garab istagida halganka muqadaska
ah ee shacabka Ogadeniya ugu jiro aayokatashigiisa.
Maamulka (O.Y.N) ayaa iayguna dhinacooda balan qaadey in ay bil kasta shirar
joogta ah u diyaarin doonaan dhalinyarada Ogadenya, arintan oo dhamaan
dhalinyaradu si wada jir ah u soo dhaweeyeen.
02 February 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560
KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida
5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2008
|