MAS’UULIYIIN KA TIRSAN ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA OO LA KULMEY SARAAKIIL
KA TIRSAN ICRC
Xubno sar-sare oo ka tirsan Isbahaysiga Dib u xoreynta iyo Dib u soo
noolaynta ayaa shalay magaalada Birmingham ee dalka Britain kula kulmey wafdi ka
soo socdey Gudiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ICRC oo uu hoggaaminayey madaxa
hawlgalka ICRC-da ee Bariga Afrika Daniel Duvillard. Ujeedada kulanka labada
dhinac ayaa ahaa sidii ICRC-da loogu gacan siin lahaa hawlgallo gargaar ah oo ay
ka fulinayso gobollada & degmooyinka dalka.
Dr. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, guddoomiye ku xigeenka Isbahaysiga Dib u
Xoreynta oo hoggaaminayey xubnihii la kulmey wafdiga ICRC-da, ayaa sheegey inay
ICRC-da ka dalbadeen inay gargaar bani’aadannimo oo isugu jira cunno iyo daawoba
gaarsiiso goobaha ay dadka Soomaaliyeed ku dhibaateysan yihiin ee hareeraha
magaalada Muqdisho iyo gobollada dalkaba, waxaana uu si gaar ah u xusey abaaro
ku dhuftey deegaanno ka tirsan gobollada Dhexe ee dalka.
Dhinaca kale mas’uuliyiinta ICRC-da ayaa shaaca ka qaadey inay haatan
diyaarinayaan hawlgallo ka ballaaraan kii ay hore uga wadeen Soomaaliya waxayna
wadeen xirriiro ay la kala sameynayeen dhinacyada isku haya Soomaaliya si gacan
loogu siiyo hawlgalladooda ay gargaarka ku gaarsiinayaan dadka dhibaataysan.
Zakariye ayaa sheegey inuu jirey kulan hore oo isaga iyo ICRC-du ay hore ugu
yeesheen magaalada Geneva ee dalka Switzerland, shirkanina uu daba socdey kaas,
waxaana uu sheegey inay dhinacooda u ballan qaadeen wada shaqeyn. Xubnaha kale
ee Isbahaysiga ee wafdigan la kulmey waxaa ka mid ahaa Maxamuud Cabdi Gaab oo ah
guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gargaarka ee Golaha Dhexe ee Isbahaysiga Dib u
xoreynta.
Isha: Wargal
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2008
|