SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidamada Itoobiya oo xasuuqii ug ba'naa ka geystey Muqdishoiyo hareeraheeda

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay labadii maalmood ee ugu dambeeyey somaaliya ka geysteen Xasuuq aan loo meel dayin wuxuuna xasuuqii ugu darnaa ay ka geysteen inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooyey .

Halka lagu magacaabo Carbiska oo u dhow Afgooyey ay ku dileen ilaa 48 qof oo saarnaa Laba gaari oo bas ah ka dib markii labadaas bas inta joojiyeen dadkii saarnaa ka soo dejiyeen ayey hareeraha kala istaageen Rasaas waxaana halkaas ku qudh baxay 40 qof waxaana xasuuqaas ka baxsadey sadex ruux oo looga tagey dhimasho sidoo kale waxaa ciidamada Itoobiya guryahooda kala soo baxeen dad ka dhawaa halka dadka lagu xasuuqey waxaana goobta lagu diley 10 qof oo u badnaa dad beero falanayey.

xasuuq kale ayey ciidamada Itoobiya ka geysteen halka lagu magacaabo KM 13 oo u dhaxeysa Muqdisaho iyo Afgooyey waxayna goobtaa iyana ku dileen 7 ruux oo ay ku jireen 3 caruur ah sidoo kale waxay boobeen Dukaamadii ay lahaayeen dadkii ka barakacay Muqdisho

Ciidamada Itoobiya waxay gaari kala degeen Shan ruux oo wadey qof dhaawac ah kuwaas oo ka yimid deegaanka Doondheere ee Degmada Afgooyey waxaana shantaas qof lagu hayey Xerad Asluubta oo fariisin ku leh ciidamada Itoobiyawaxaa dhacdey in dadkaas inta la gowracay ay soo dhigeeen meel ka dambeysa Xerada Asluubta waxayna ciidamada Itoobiya ay diideen in dadkaas halkaas laga qaado.

Dhacdo kale oo xanuun badan waxay ciidamada Itoobiya ka geysteen Jidka Maka almukarama ka dib markii ay si bareer ah u toogteen wiil iyo Aabihii waxay kaloo toogasho u geyteen laba wiil oo walaalo ah oo inta guryahoodii lagala soo baxay lagu toogtey wadada laamiga ah.

isku soo duuboo dadka muqdisho ayaa ku micneeyey xasuuqaas mid aargudasho ah ilaa iyo hada kama aysan hadlin Dowladda Federaalka dhibaatada iyo xasuuqa ay geysteen Ciidamada Itoobiya oo maalmahan lagu hayey weeraro joogto ah oo loogu geytey Khasaarooyin aan la soo koobi karin.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 16, 2008

DFKMG ayaa ku dhawaqaday muddo sanad ah ka dib in ay dib u furtay wadada 30ka ee Muqdisho.. Akhri Aug 16

Warsaxaafadeed ku aadan xasuuqii arxandarrada ahaa ee ay Ciidamada Cadowgu u geysteen Shacabka.. Akhri Aug 16

Kor u kaca qiimaha Shidaalka oo yareeyay shilalka Wadamada reer galbeedka  - Aug 16

Guddoomiyaha Xisbiga HA NOOLAATO oo cambaarayn dusha uga tuuray ciidamada Ethiopia ee xasuuqa ka geystay Muqdisho iyo Shabeelada Hoose Akhri Aug 16

Batiyaanasiibkii Telcom oo maanta lagu qabtay Borama “Daawo Sawirada”  - Aug 16

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Aug 16

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS