SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warsaxaafadeed ku aadan xasuuqii arxandarrada ahaa ee ay Ciidamada Cadowgu u geysteen Shacabka Soomaaliyeed

Ciidamada Itoobiya markii ay ku fashilantay taabo galinta damaceedii ahaa gumeysiga dulmiga ah ee ay dalka ku soo galeen waxa ay kala kulantay Muqaawamada geesinimada leh, laguna soo koobay joogitaankeeda xeryo yar yar oo fara ku tiris ah oo ku yaala Caasimada Muqdisho iyo labada magaalo ee kala ah Baydhabo iyo Baladweyne.

Ka dib markii loo diiday dhaqdhaqaaq lagana jaray wadooyinkii ay isaga qulquli jireen ilaa ay ku qasbanaadeen socod ay ku maraan inta u dhaxeysa baydhabo iyo Muqdisho cabsi ay ka qabaan inay miino la kacdo gawaarida ay sitaan.

Ka dib markii uu ku batay xanunka soo gaaray gaar ahaan maalmahan ayay bilaabeen ciidamada gumeysigu inay ka aargoostaan shacabka aan hubaysneyn oo markaa ay gacanta ku dhigto sidoo kalana waxay madaafiic la dhacdaa xaafadaha dadka rayidka ahi degan yihiin:
maalintii shalay oo kaliya waxay dileen cadowgu in ka badan100 qofood oo ay u kala dileen siyaabo kala duwan oo ka mid tahay:

· waxay laayeen dad ka yimid Afgooye oo 30 Km u jirtay Magaalada Muqdisho oo saarnaa gaari Bl ah dadkaas oo dhamaantood rayid ah tiradooduna gaareysay afartan iyo kow qof.
· agagaarka Xerada Asluubta waxay xasuuqeen dad saarnaa gaari yar oo wadada socday waxayna halkaas ku dileen shan qof oo rayid ah.
· Km 13 waxay ku dileen cadowgu in ka badan 20 qof oo rayid ah.
· wadada maka almukara waxay xoog ku galeen guryo rayid ah waxayna kala soo baxeen oo isla goobtii ku dileen lix qof oo rayid ah.

Arinkan oo dhan waxuu ku soo beegmayaa xilli ay kooxdii ka go'day Isbahaysiga wadahadal kula balameen wareegii sadexaad kaasoo ka dhacay dalka Jabuuti kuna aadan awood qeybsi taa oo lagu macneen karo qiil u helida xasuuqa shacabka iyo badbaadinta cadowga iyo dabadhilifkiisa.
sida xaalada ay hada u cakiran tahay awgeed waxaana shaki ku jirin in heshiiska Jabuuti uu yahay mid dhidibada loogu aasayo dhibaatada shacabka lagu hayo, xili ay dabadhilifyadii uu soo kala dhex galay khilaaf xoogan oo sababay in looga yeero dalka Itoobiya taas oo ku tusinaysa in talada ay gacanta ugu jirto Xukuumada Itoobiya cid wax laga weydiinayaana aysanba jirin hadii ay ahaadaan xukuumadan dabadhilifka ah iyo dadka kale ee wadahadalka la galaya.

Hadaba Isbahaysiga dibu xoreynta Soomaaliya isagoo cambaareynaya waxaayala foosha xun ee ay ku kacayaan cadowga dalka ku soo duulay iyo falalka arxan darrada ah ee uu kula kacay shacabka aan waxba galabsan ee isugu jira dilka iyo boobka hantidooda, wuxuu isweydiinayaa kaalintee ayay ugu maqan yihiin shacabka Soomaaliyeed Hay'adaha Xuquuqul Insaanka, UN ka, Dowladaha Islaamka iyo Jaamacada Carabta dhibaatada shacabka lagu hayo oo maalinba maalinta ka sii dambeysa sii kordha.


Isbahaysiga dibu xoreynta Soomaaliya

Asmara, 16,08,2008

Faafin: SomaliTalk.com |  August 16, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS