WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah”
Qore: Mohamed Haji (Ingiriis)
Minneapolis, MN
Email: Ingiriis@yahoo.com
Professor Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu ka mid yahay aqoonyahannada waaweyn ee
Soomaalida kuwooda safka hore, hadduusanba ahayn kan koowaad. Waa indheergarad
maskax-maal ah oo si joogto ah isha ugu haya waxa ka socda Soomaaliya iyo
adduunkaba. Wuxuu aad u taxliiliyaa is-beddelka xaaladaha caalamka. Wuxuu wax ku
bartay dalka Mareykanka muddo hore. Wuxuu haddeer hormuud (Dean) ka yahay
Institute for Global Citizenship, Macalester College. Sidoo kale, waa James
Wallace Professor ee dhinaca culuunta caalamiga (International Studies). Wuxuu
shahaaddada B.A. ka qaatay University of Wisconsin (La Crosse) sannadkii
1978-kii. Saddex sano kaddib 1981-kii, wuxuu shahaaddada M.A. ka qaatay
University of Denver. Isla mar ahaantaas, wuxuu shahaaddada Ph.D. ku diyaariyey
isla jaamicaddaas sannadkii 1984-kii. Prof Samatar, wuxuu muxaadarooyin ka soo
jeediyey jaamicado iyo kulliyado dhowr ah oo ay ka mid yihiin; University of
Amsterdam, Cornell, Harvard, Iowa, London School of Economics and Political
Science, Oslo University, University of Pennsylvania, Jaamicaddii Ummadda
Soomaaliya, Toronto University, York University, School of Oriental and African
Studies (SOAS) ee Jaamicadda London iyo Wellesley College. Wuxuu wax ka qoray,
kana tifatiray dhowr buug - waxaa buugaagtiisaas ka mid ah; The Somali
Challenge: From Catastrophe to Renewal, Socialist Somalia; Rhetoric and Reality,
The State in Africa: Reconsiderations, Somalia: State Collapse, Multilateral
Intervention, and Strategies for Political Reconstruction iyo Literature, the
Creative Imagination and Globalization. Wuxuu qoray in ka badan soddon
maqaal-cilmiyeed. Wuxuu tifatire ka yahay journal-ka Bildhaan oo ah kii ugu
horreeyey ee caalami ah ee falanqeeya culuunta Soomaalida. Wuxuu kaloo tifatire
ka yahay 22 qaybood oo ka mid ah Macalester International oo ah warside
waxbarashada iyo caalamiyeynta. Prof Samatar oo ah Fulbright Fellow,
cilmi-baarista uu hadda ku dhex jiro waa hoggaaminta iyo khibradda Soomaalida.
Waxaa ii suura-gashay inaan dhawaan xafiiskiisa oo ku yaalla magaalada St Paul
ee gobolka Minnesota kula kulmo, kulana sheekeysto. Waxaa na dhex maray
is-wareysigan:
Su’aal: Dr Samatar, marka hore waxaan jecelahay inaad guud-martid taariikh
nololeedkaaga - halkii aad ku dhalatay, ku soo barbaartay iyo sidii aad ku timid
waddankan Mareykanka? Jawaab: Anigu waxaan ku dhashay magaalo la yiraahdo Gebiley oo ku taalla
woqooyiga Jamhuuriyadda Soomaalida, taas oo magaalada Hargeysa galbeed ka xigta
illaa 40ml. Waa dad badankood ay beeraleey yihiin oo deegaan ah, inkasta oo
xoolo dhaqato-na ay ku dhow dahay. Waa meel roobka ku wanaagsan oo aad u qurux
badan. Dadku iminka wuu ku soo batay. Halkaas ayaan school-ka hoose iyo
malcaamadda Qur’aanka labadaba ka galay. Aabbaheey wuxuu ahaa qofkii madaxda u
ahaa dhismaha school-kii ugu horreeyey ee magaalada laga dhiso ee xadaaradda
cusub ah oo xisaab, af-Ingiriisi iyo af-Carabi lagu dhigo. Dabadeed waxaan u
gudbay Camuud oo magaalada Boorame ka hooseysa 5ml oo iyaduna aad u qurux badan
oo meel beero iyo webiyo leh oo buuraha hoostooda ku taalla. Camuud waxaan ka
galay school-ka dhexe ee intermediate-ka. Afar sannadood ayaan ku jiray – waa
school la seexdo oo wax laga cuno oo boarding ah. Kaas markuu ii dhammaaday
waxaa Camuud laga dhisay school sare oo thanawi ah, halkaas ayaan dabeetana u
wareegay oo aan ku jiray afar sano dugsiga sare. Markaan dhammeeyey dugsiga sare
ee Camuud waxaa na laga qaaday imtixaan markaa lagu soo sixi jiray England.
Markii imtixaanku noo dhammaaday waxaan imid magaalada Hargeysa. Waxaa na lagu
soo rogay ciyaarsiis, in qof walba uu galo tababar xagga militariga ah oo ahaa
national service, ka hor inta aan la gelin scholarship iyo waxyaabahaa. Tii baan
ku jiray muddo saddex bilood ah. Dabadeed Xamar baan tagay oo qof walba isku
shubayey. Waxyaabaha kadeedka inoo keenay waxaa ka mid ah in wax walba meesha
xarunta ah laga sameeyo, taasoo ah waxyaabaha xagga horumarka wadammada Africa
ee soo koraya dhibaatada u keenaya in magaalo qura uu faynuusku ka daarnaado oo
wax walba laga sameeyo. Xamar baan nimid, gaar ahaan intii ka soo baxday
dugsiyadii sare – dhinaca woqooyiga laba dugsi sare baa ku tiillay (Camuud iyo
Sheekh) iyo mid Xamar ku yiillay. Imtixaan baa na laga qaaday xagga idaacadda.
Waxaa la doonayey saddex qof in la qaato. Imtixaankii baan galay, oo lagaa
qaadayo beddelaadda Soomaali iyo Ingiriisi, iyo Ingiriisi iyo Soomaali, codkaaga
la eegayo, qorniinkaagana la eegayo. Toddobaad in ku dhow buu imtixaankaasi
socday. Markaa anigu waxaan noqday kii koowaad, waxaana galay Radio Mogadishu.
Waxaan ka shaqeeyey waxaan sannad ahayn, dabadeedna BBC-da ayaa doonaysay dad
kale oo Soomaali ah oo dhallinyaro ah inay qaadato. Markaa imtixaankii baan
galay oo aan isna kii koowaad noqday, halkaas ayaana laygu tababaray oo aan
BBC-da ka shaqeeyey afar sannadood in ku dhow. Markaan muddo England joogay oo
aan Jaamacadda London-na fasallo ka qaatay, waan ka daalay howshii, waxayna ila
noqotay inaan u baahanahay inaan tacliinteyda sii kordhiyo. Waxaan imid waddanka
Mareykanka oo markaa ahaa waddan cajiib ah oo dhallinyarada adduunkoo dhami ay
eegayeen. 1974-kii ayaan imid waddanka Mareykanka oo aan waxbarashada sare ka
billaabay.
S: Sidaad ka war-qabto, waxaa jira cabsi ku saabsan in Soomaaliya uu ka socdo
gumaad iyo barakicin ay dadka rayidka ah u geysanayaan ciidammada Itoobiya ee ku
duulay dalkii. Maxay dagaallada socda kuula muuqdaan? Shaqsiyan, ma kula tahay
in xasuuq (genocide) ama isir-sifeyn (ethnic cleansing) lagu sheegi karo
madaafiicda ay ciidanka Itoobiya maalin kasta ku ridayaan goobaha rayidka? J: Waa su’aal ballaaran. Anigu in badan baan ka hadlay, wax badanna waan ka
qoray. Horta dadka Soomaalidu iyagaa is gabay oo halkaan is dhigay. Itoobiya
kuma aysan soo duusheen haddii aanay jirin dowlad iyo madax dhab ah. Maanta
waxay ugu soo dhacday inay soo duusho waxaan jirin cid albaabka ilaalinaysa.
Aniga waxay ila tahay saddex arrimood ayaa u sabab ah soo gelidda Itoobiya ee
waddanka ay qabsatay; 1. Itoobiya oo weligeedba doonaysay inay Soomaaliya ka
dhigato meel ay xukunto ama dad u xukuma ay u joogaan, waayo dhul bey naga
haysataa iyo iyadoo badda hunguri ka hayo oo doonaysa meel ay saani xoolaheeda
uga soo dejisato. 2. Dowladda ku meel gaarka dadka hoggaamiya oo iyaguna saaxiib
la ah Itoobiya, muddo dheerna halkaa joogay oo heshiis ku yeeshay inay
madaxtinimada ay heleen ay Itoobiya u adkeyso. Shirkii Nairobi ka dhacay,
dowladda Itoobiya gacanta aad bey ugula jirtay, waxayna ku guuleysatay in dadkii
ay doonaysay ay shirkaa ku soo baxaan. 3. Dadkii Soomaaliyeed ee waddanka
deggenaa oo qaasatan ay ugu horreeyaan nimankii wadaaddada ee Maxkamadaha
Islaamiga oo intii gaabnayd ee ay waddanka hayeen shaqa wanaagsan ka qabtay,
haddana qashiinnimo, badownimo, degdeg iyo hanjabaad aan loo baahnayn ay ka
timid. Meel la doonayey in dab laga shido ayay batrool ku shubeen, Itoobiyana
marmarsiinyo ayay ka dhigatay. Qasaaraha ay keentay Itoobiya waa mid aan weli
sheekadiisa la gelin. Dad badan oo Soomaali ah ayaa lagu baa bi’iyey. Aniga
tirada i soo gaartay waa 6,000 inay ku dhinteen, 20,000 in ku dhowna ay ku
dhaawacmeen, malyuun in ku dhowna inay xoolahoodii ku baa be’een oo ay cidla iyo
cadceed iyo haraad ay is haystaan. Markaa dowladda Itoobiya mas’uuliyad weyn
ayay ku leedahay, xisaabteedana markaan madax dhab ah yeelanno oo aanu dad
noqonno ayaa la geli doonaa.
S: Waxaa taariikhyahannada iyo culumada cilmiga Anthropology ee ay ka midka
yihiin; Dr Saadia Touval, Dr Maxamed Cabdi (Gaandi) iyo Dr Ioan M. Lewis ay isku
wada raacsan yihiin in markii ugu horreysay ee la maqlo magaca 'Soomaali' laga
dhex maqlay gabay-digasho ah oo uu tiriyey nin boqor ka ahaa Itoobiya qarnigii
14-aad, kaddib markii uu dagaal kaga guuleystay dad Soomaali ahaa. Markaa ka
hor, magacyadii Soomaalida loogu yeeri jiray waxay ahaayeen Zinji iyo Berber,
sida ku cad qoraalladii ay ka tageen sahmiyeyaashii Carbeed, Ibni Batuuta iyo
Ibni Saciid. Haddaba, sidee lagu soo afjari karaa colaadda hakan weyday ee
Soomaaliya iyo Itoobiya u dhexeysa toddobada qarni? Ma kula tahay aragti
dhaxalgal ah in Soomaaliya ay la saxiixato Itoobiya heshiis 100 sano oo colaad
joojin ah? J: Colaadda Soomaaliya iyo Itoobiya u dhexeysa waa laga heshiin karaa, boqol
sannadoodna uma baahna. Waqti gaaban oo aad u gaaban ayaa lagu dhammeyn karaa,
laakiin xagga Soomaalida markaad ka eegtid waa in la helaa ummad dhisan oo madax
karti leh oo dooddeeda meel marisa, oo ilaalisa Soomaalinnimada waxay tahay.
Inta aynaan taa helin ma dhaqaaqi karno. 1960-1990, dowladda Itoobiya kuma ay
dhacdeen inay Xamar soo gasho, waana wax cusub waxani. Waajibka ina saarani waa
in la helo dad madax ah oo karti leh oo xalaal ah oo ummadda hadalkeeda
adduunyada gaarsiiya, isla markaana daafaci kara marka shirarka adduunyada la
isugu yimaado oo waxgarad ah. Tan labaad waa in Itoobiya laga helo dowlad
garanaysa ku duulitaanka derisku inay xaaraan tahay, inay dadka Soomaalida iyo
dadka reer Itoobiya waxyaabo badan oo wanaag ah ay wadaagaan, dantooduna ay isku
xiran tahay, biyo ha noqoto, doog ha noqoto, energy ha noqoto, caafimaad iyo
aqoon ha noqoto. Waxaa lagama maarmaan ah in la iska gaashaameysto oo la iska
baheysto dhibaatooyinka adduunka ka taagan, oo dhan looga soo wada jeesto.
Itoobiya waxaa laga raadinayaa in laga helo madax aaminsan oo maskaxdoodu tahay
Pan-Africanism. Soomaaliduna waa in laga helaa geedo dhaadheer oo u taliya oo
adduunyada fahamsan oo aqoon iyo karti leh. Labadaas haddii la isla helo wax waa
la isla fahmayaa, cadaawaduna ma noqonayso mid boqolaal sano sii jirta, hadda
ayaa la dhammeyn karaa. Haddii intaa la waayo, colaaddu ma dhammaanayso.
Professor Axmed Ismaaciil Samatar iyo Mohamed Haji (Ingiriis)
| Minneapolis, MN
S: Muddadii ay Maxkamadaha Islaamigu xukunka Soomaaliya hayeen waxay soo
bandhigeen maamul aan dowli ahayn. Markaan aqoon ahaan u eegno, maamulkoodu
wuxuu u ekaa maamul ay xukunkiisa wadaan dad xaakimiin ah (Theocratic
Krystocracy). Haddii taariikhda dunida dib loo qooraansado (historically
speaking), maamulka noocan ah waa mid ku cusub taariikhda casriga ah. Sidaa
awgeed, ma kula tahay in erey-bixinta ay qaadan kareen ay ahayd Kritarchy
(maamul ay xukunka hayaan xaakimiin)? J: Anigu taa wax baan ka qoray sannadkii la soo dhaafay 2007-dii, gaar ahaan
buug ku saabsan safarka is beddelka ee waddanka Soomaalidu ku jiro oo
dhaqaalaha, nabadgelyada, siyaasadda iyo xukunka dowladeed, caafimaadka iyo
tacliinta aan kaga hadlayno. Anigu waxaan qoray chapter buugga ku yaalla oo ku
saabsan su’aashan. Nimankii is urursaday ee Maxkamadaha Islaamiga, horta ra’yiga
ay la yimaaddeen markaad guntiisa eegto mid wanaagsan buu ahaa. Wuxuu ahaa dadka
Soomaaliyeed diintoodii inay tiigsadaan oo caqiidadoodii la soo noqdaan iyagoo
markaa isku duuban oo Ilaah ka baqii isku duubay iyo diin walaaleysay inay
markaa u soo jeestaan sidii ay waddankooda wax uga qaban lahaayeen. Taa wey ku
hagaagsan yihiin, mana laga maarmayo. Laakiin siyaasadda dowladda dhismaheeda
iyo xukunka dowladeed wuxuu u baahan yahay dad xukunka yaqaanna, shaqadeedana
yaqaanna. Taasi iyagu howsheeda ma garanayaan sida iiga muuqatay. Waxyaabaha
cusufka ee markiiba gaaray waxaa ka mid ahaa iyaga oo aan kala saari karin
waanadii sare ee ummadda (in diinta Islaamka iyo Ilaah ka baqii iyo
akhlaaqdeedii la soo celiyo) iyo dowlad casri ah oo karti leh sida loo dhisayo.
Markaa waxay xitaa awoodi waayeen inay helaan dad u wada dekeddii Muqdisho
markii ay fureen.
S: Sidaad ka warhaysid, waxaa Soomaaliya soo maray sagaal sano oo xukun rayid ah
oo ku socday dimoqraadiyad la qabyaaladeeyey iyo (rampant corruption)
musuqmaasuq baahay (1960-1969). Waxaa kaloo maray 21 sano oo xukun military oo
macangag ah (1969-1991) iyo 18 sannadood oo lagu jiro xaalad jilbaha la dhigay
dhulka (hobessian exodus). Xaggee baad is leedahay waa ka soo unkamay (the cause
root) mashaakilka maanta taagan ee uu dalkii la degi kari la’ yahay iyo
faragelinta ajnabiga ee joogtada noqotay? Mushkiladda iyo musiibada Soomaalida
galaafatay, xaggee ka soo askuntay? J: Anigu horta kulama qabo 1960-1969-kii in sagaalkaas sannadood inta la isku
jumladeeyo inay yihiin tuugo, corruption, been iyo xoolaha dowladda oo la cuno.
Waa in la kala qaybiyaa. Anigu buug weyn oo ah kii ugu horreeyey ayaan ka qoray.
Sannadihii 1960-1967-kii anigu waxaan qabaa inuu ahaa waqtigii waddanku uu sida
wanaagsan u socday. Wey jireen dad musuqmaasuq ku jira oo waa la kala qeybsanaa
markii la soo galayey xukunka oo laga hoos baxayey Talyaaniga iyo Ingiriiska.
Waxaa jiray dad musuqmaasuq u fahamsan dowladnimada, gaar ahaan jeeb ay iyagu
iska yeeshaan oo ay cunaan. SYL laf ahaanteeda ayaa dad caynkaas ah ay ku jireen
markii dambe. Laakiin waxaa jiray dad fara badan oo Aadan Cabdulle iyo
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ay ugu horreeyaan oo xariir ah oo shaqadoodu iyo
hamadoodu ay ahayd inay waddankooda dhisaan, in kaydka yar ee ummaddu leedahay
iyo wixii sadaqo lagu siiyana si wanaagsan loo maamulo. Musuqmaasuqu wuxuu
qarixiisa yimid 1967-1969-kii. Saddexdaa sannadood ayuu dillaacay. Waa tii
Madaxweynihii waddanka lagu dilay. Ninkii police-ka haystay, Maxamed Abshir waa
tii lagu kallifay waa inaad ciidammada amar ku siisaa inay dhulkaa tagaan oo ay
dowladda ugu shubaan codka dadka. Wuu diiday, waa tii jagada laga qaaday.
Laakiin in dad badan oo siyaasadda Soomaalida ku jira ay musuqmaasuqa ku
dheereeyaan, taasi taariikhda ayaa dhigaysa. Haddaad i weydiisay waxani xaggee
ka yimaaddeen? Wey fara badan tahay. Horta dad sabool ah beynu nahay, oo
weligeed iyo allahood gaajo iyo abaar ay wejiga ka saaran tahay. Dadka sidaa
qarka ugu nool, in yar haddey arrintu ka xumaato, waa in wixii u dhow ay gacanta
geliyaan illeyn badbaado ayaa kugu waajib ah. Dadka wax badan haysta oo xooluhu
ku badan yihiin, musuqmaasuqa ka dhex jira wey qarsan karaan, laakiin ma qarsan
karaan dadka jeebkoodu maran yahay. Marka dad sabool ah oo weligoodba roobkaa
yar ee Ilaaheey keenay iyo beer yar oo wax lagu rido ku nool beynu nahay.
Gumeysigu isagana wuxuu ina baray xukun haddaad yeelato inaad adigu waxaad
doonto sameyn karto, qofkii kugu diidana aad afka jebiso ama si kale u kadeedo,
qaasatan Talyaanigu taas wuu ina baray.
S: Soomaaliya, waxaa muuqata inay simbiriiraxatay oo ay ka dhacday haadaan
dheer, welina ay suurta geli la’ dahay in laga soo bixiyo godka ay gashay.
Waxaad, haddaba, mooddaa inuu nagu dhaboobay hadalkii ninkii gabyaaga ahaa
(Saciid Gacamey) ee yiri "haddaan nabadda tiirkaan ku xiro loogu tegi waayin, oo
toobiyahaan anigu maro maydku tira-beelin." Sidee u maleynaysaa in nabadda
Soomaaliya tiirka looga furi karo? Xaggee kula tahay in wax laga billaabo? J: Aqalku saldhigga ayuu ka billaabmaa. Saldhigga Soomaalida dhaqankeedu muxuu
yahay? Dadka badankood waxay ku oranayaan waa qabiil. Anigu taa ma oggoli.
Qabiilku waa wasaq meel kale ka timid. Anigu waxaan qabaa in sheyga ugu horreeya
waxa weeye in maamuuskii, sharafkii iyo edebtii diineed akhlaaqdeedii la soo
celiyo. Diinteenna keliya kuma koobna ee diimaha kale, sida Masiixiga iyo
Yuhuudduna wey dhigayaan. Diin waxaa loo soo dejiyey Ilaah ka baq iyo edeb
adduunyadan lagu yeesho. Markaa waa in edebtaasi soo noqoto oo la helo dulqaad,
daacadnimo, run-sheeg, nabadgelyo iyo deeqsinimo. Taa qof walba guriga uu joogo
waa inuu ka billaabaa. Tan labaadi waxa weeye; inaynu fahanno siyaasaddu inay
tahay markey macaan tahay mid ku dhisan distoor iyo dood xalaal ah, oo aad
garato in qofka dooddaada ka soo horjeeda inaad dhegeysato, qaasatan xaq inuu u
leeyahay in diidmada uu kuu qabo uu sheegto. Tan saddexaad waa inaynu garanno;
in rasaas, toorri, waran, bud iyo dhagax la tuuro, wax allaale waxay dhisaysaa
inaysan jirin. Haddii gurigaaga laguugu yimaado oo naftaada keen lagu yiraahdo
waa inaad is daafacdaa, laakiin ummad inaan lagu dhisi karin violence waxaa noo
macneeyey Nelson Mandela, waana inaan taa fahannaa haddaan Soomaali nahay. Midda
afraad; waa inaynu yeelanno karti aan dadka madax noo noqonaya ku kala saarno oo
criteria loo sameeyo. Anigu waan dejiyey intii kartideyda ahayd, waxaana ka
dhigay afar: 1. Qofku inuu leeyahay legitimacy oo halka uu yimid markuu doonayo
inuu madax noqdo taariikhdiisa/taariikhdeeda waa in la baaraa, oo markaa la
ogaadaa in qofkani uu xalaal ku soo koray oo uu halkaan ku yimid. 2. Qofku inuu
la yimaaddo karti, haddaanu karti lahayn cirbad dun ma gelin karo. 3. Qofku inuu
leeyahay vision iyo wax aanay dad kale arkeyn. 4. Qofku inuu leeyahay akhlaaq
(ethics) oo iyadoon cidi ku ilaalinayn aad adigu is ilaalinayso. Mid baan ku sii
shaneynayaa oo ah in qofku uu isku-keene yahay iyo mideeye, waayo kan qabiilka
wata waa kala qeybiye.
S: Khubarada cilmiga siyaasadda, marka ay faaqidayaan ama falanqeynayaan
dowladaha camiilka ama satellite-ka u ah dowladaha kale, waxay ku lamaaniyaan
dowladdii Vichy ee Faransiiska ka dhisnayd 1940-kii illaa 1944-kii. Haddaba,
dowlad-ku-sheegta ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, ma la siin karaa magaca
'Vichy Regime'? J: Wallaahi anigu waxaan oran karaa dadka mutacallimiinta ah ee taariikhda
Yurub, gaar ahaan France iyo Germany dhiga waa laga yaabaa in kelmaddaas intay
soo amaaneystaan inay taa yiraahdaan. Inta waddanka la qabsado, dowladda
waddanka qabsatay tu iyada u maamusha inay dhisato weeye macnaha aad u jeedaa,
waana ay suura geli kartaa in kelmaddaa la geliyo waxa maanta waddankii ka
taagan. Laakiin anigu waxaan qabaa inaan sidaa loo sii fogaan. Shirkii ka dhacay
Nairobi, dadkii halkaa tagay Xabashi uun keliya ma aaney keenin oo haddii ay
Xabashi wada keeni lahayd ayaa la oran lahaa Vichy. Dad badan oo waxaa jira
aanay Xabashidu keenin oo qaarkood ay mucaaradka ku jiraan. Unkudka hore, gacan
weyn Xabashidu ha kula jirto, si baas ha u baarato oo ha kala soo baxdo wixii ay
doonaysay, laakiin dad badan oo nooc walba leh ayaa shirka yimid. Laakiin soo
gelidda waddanka iyo fasaxa la siiyey inay ku kallifto dowlad ummaddu aanay
doonayn inay qasab kaga dhigto, taasi waa mid xaaraan ah oo ummadda Soomaaliyeed
aanay aqbali karin.
S: Dr Samatar, waxaa jirta in aqoonyahannada ajnabiga ah ee daraaseeya
taariikhda Soomaaliya qaarkood ay rumeysan yihiin in ummadda Soomaaliyeed ay
ahayd weligeedba ummad colaad u joog ah (divisive) oo u kala fadhida
qabiil-qabiil (clan-oriented), oo aan marnaba yeelan maamul dhexe (central
authority). Ma lagu murmi karaa, haddaba, dadkeennu uma bisla nidaam dowladeed
la jaanqaadi kara oo wax la qabsan kara tan dunida casriga ah? J: Anigu taa ma oggoli, dooddaas horeyna waan uga soo horjeestay. Ma dafirayo
inaynu nahay ummad aqoonteedu aad u gaaban tahay. Ma dafirayo inaynu nahay dad
caafimaadkooda iyo dhaqaalahoodu aad u liito oo daciif ah. Laakiin dad
geed-adagna weynu nahayoo, ugu yaraan kun sannadood iyo in ka badan ayaanu
Soomaaliya ku noolayn iyadoo dhuuniga halkaa la mariyo uu ciriiri ku jiro, oo
haddana biyo la raadinayo ayaan soo nooleyn. Waxaanu nahay dad jeeni-adag oo
mintid ah. Xukun haddey noqoto, haddii la eego taariikhda Soomaalida, ma aynaan
ahayn dad had iyo jeer kala daadsan, oo gobanimada lama heleen haddaanu jirin
xisbigii SYL oo meel kasta ka furnaa, xitaa Itoobiya gudaheeda wuxuu ka furnaa
Diridhabe. Kismaayo illaa Seylac ayuu ka furnaa. Dad Soomaaliyeed bey ahaayeen
wixii waxaa furay iyo xisbi qura. 1960-kii markii dadka woqooyiga ee Somaliland
deggan ay xorriyadda heleen, ma aanay oran gobanimadeennii waxaan helnay June
26, marka halkaan ayaan iska fariisanaynaa, cid kale shaqo kuma lihin ee iyagoo
dowladnimadii wada ayay Xamar keeneen oo ay yiraahdeen waan isku biirinaynaa,
taasi waxay ku tusaysaa inay taariikhdu noocyo badan leedahay. Markaa wey na soo
martay waqti wanaagsan. Haddaad jaraa’idka adduunka eegtid wixii laga qoray
lixdamadii, waxaa la oran jiray Africa ma jirto dimoqraadiyad la mid ahi tan
Soomaaliya. Maxaa naga celinaya in berri la yiraahdo, wey soo noqdeenoo iyagaa
ah Africa dimoqraadiyadda number 1.
S: Ku xigeenka Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka ee u qeybsanaa
Africa, Ambassador Herman Cohen oo ka qayb galay waa dhexdaas ahayd dood ku
saabsanayd Soomaaliya ee barnaamijka Straight Talk Africa ee VOA, waxa uu ku
taliyey in la aqoonsado Somaliland, isagoo ku sababeynaya inay ka taariikh duwan
tahay koonfurta inteeda kale. Waxaan wada ognahay inaad adigu mar walba diiddo
fekradda gooni-u-goosiga (theory of secession). Markaan microscope-ka ku eegno -
si weliba theoretical ah, maxaa faa’iido ah, maxaase khasaare ah oo ku jira in
Somaliland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale? J: Anigu gobolka woqooyiga ee British Somaliland la oran jiray, iminkana la
baxay Somaliland ayaan ka imid. Awowgey, awowgii, awowgii wuxuu ku aasan yahay
meel aan magaalada Hargeysa u jirin 40ml. Mocoydeey, mocoydeed, mocoydeedii
kalena waa la mid. I am proud inaan degmadaa u dhashay oo ka imid. Laakiin
waxaan weligey aaminsanaa, iminkana aaminsanahay in degmadaas ay ka mid tahay
dhulkaa weyn ee Soomaalida, jamhuuriyadduna ay tahay tallaabo wanaagsan oo aynu
qaadnay, weyna naga dheeliday oo dib baa loo dhisi karaa. Markaa anigu kuma
raacsani dadka kale ee qoray ee leh gobolkaa Somaliland wuu ka duwan yahay
Soomaalida kale. Waxaan qabaa inaynu nahay dad isku mid ah. Haa, magaalada
Hargeysi ma ahan Laas Caanood, Laas Caanoodna Boorame ma ahan, Booramena ma ahan
Kismaayo, Kismaayana ma ahan Buulo Burde, Muqdishana ma ahan Baraawe. Wey kala
duduwan yihiin, laakiin waxa isku xira ee gunta dheer ee xididka dheer ayaa
waxay ku kala duwan yihiin ee dusha sare ka weyn. Markaa howshu ma ahan weynu
kala duwannahay ee aanu kala soconno ee howshu waxa weeye war weynu is
leennahay, dad waxaynu nahay walaalo ah oo meel ka wada yimid, oo dantoodu isku
mid tahay, wey naga kala daadatay, sidee baa loo toosiyaa, yaa toosin kara,
waddadeenu mari karnaa weeye su’aashu.
S: Dr Samatar, illaa markii uu guuldarreystay howlgalkii Mareykanku
hoggaaminayey ee Qaramada Midoobay oo askar Mareykan ah lagu laayey Muqdisho,
waxaa dadka qaar rumeysan yihiin in Mareykanku uu ka aargudanayo Soomaalida.
Haddii Washington ay sii wado go’aankeeda ah in Soomaaliya lagu sii hayo qufulka
lagu xiray, miyaaney kuu muuqan in arrintu sii suta-dheeraanayso? J: Soomaaliya iyadaa quful isku xidhay. Dad badan oo adduunyada ku nool oo
Mareykanka madaxdoodu ay ka mid tahay ayaa waxay ka jecel yihiin aanay jirin dad
Soomaali ah oo karti leh oo adduunyada fahamsan oo adduunyada la hadli kara oo
dadkoodii meel u wada. Maalin walba ayay na weydiiyaan, sidaas si la eg
wadammada Yurub iyo kuwa Africa. Haddaad adigu sidaa isu caga-goyso, cadowga aad
leedahay ee ku neceb markaad quful isku xirtid, mid labaad ayay kugu sii
dhejinayaan. Adduunyada dadka ina jecel ee wax inala doonaya, oohintii baa ka
dhammaatay, kuwa ku neceb ee doonaya inay Soomaali burburtana mar kasta sacabka
ayay tumayaan oo waxay oranayaan waa kuwaa saaqidiintii Soomaalida.
S: Maamulka Mareykanku wuxuu ku jiraa wadammada loo tiriyo inay wax ka huriyaan
mushkiladda ka oogan Geeska Afrika, siyaasaddoodii ku wajahnayd Soomaaliyana
waxaa sutiga u qabtay dad mayal-adag oo xagjiriin ah oo ku socda cinwaanka
buuggii Dr Robert Kaplan ee ahaa "Surrender or Starve" (Is dhiib ama macluul u
dhimo). Sidaad arki kartid, waxa ay ku cadaadinayaan Soomaalida inay isu
dhiibaan Itoobiya. Maxay tahay macaashka Mareykanku uu ku qabo in dagaalka
sokeeye ee Soomaaliya uu sii socdo, iyadoo daleesha kale lagu andacoonayo inuu
jiro welwel ku saabsan inaysan argagixisadu xididada ku aasan dalka? Ma waxay
doonayaan inay Itoobiya u sii ceejiso Soomaalida? J: Dowladda Mareykanka ee George Bush madaxda ka yahay inaaney dan weyn Soomaali
u hayn weynu ognahay oo ay u sanqatay Itoobiya inay gasho Soomaaliya. Sannadkan
iyo sannadka soo socda, 900 oo malyuun oo dollar baa Itoobiya loogu tala-galay
mucaawinada Mareykanka. Qeyb libaax waxay galaysaa waxa la yiraahdo nabadgelyada
Geeska Africa ee dowladda Itoobiya ay mas’uulka ka tahay. Laakiin dowladda
Mareykanka iyada laf ahaanteeda waxay in badan raadisay, intuu Clinton madaxda
ka ahaa iyo intuu George Bush aabbihii madaxda ahaaba, dad Soomaali ah oo karti
leh oo ummaddoodii wada oo wax loo dhiibto oo wax la isku darsado ayaa la
waayey. Maanta mustaqbal cusub ayaa na soo galaya, waayo George Bush waqtigiisii
wuu soo dhammaanayaa, waxaana ka haray waxaan shan bilood ka badneyn. Marka ay
timaado January 2009, madax cusub iyo dowlad cusub ayaa waddankan Mareykanka ka
soo baxaysa. Weli waxay u eg tahay nin madow oo aabbihii African uu yahay,
hooyadiina Mareykan caddaan ah ay tahay oo la yiraahdo Senator Obama inuu
madaxweyne ka noqdo. Markaa Soomaalidu xisaab cusub ma la imaanaysaa, madax
cusub, hadal cusub, haybad cusub ma keeni kartaa, mise wixii saddex madaxweyne
oo Mareykan ah ay uga quusteen ayaa meesha yaalla? Haddii sidan la yahay la
ahaado, dowladda Itoobiya waxaa loo qorayaa jeeg cusub oo la leeyahay kuwaa
waraabayaasha ah ee Soomaalida ee Geeska Africa deggan ee qasaare, dil, dhac,
been iyo baa bi’iska ka shaqeynaya idinkaa mas’uul ka ah ee ilaaliya, qufulna ku
xira, wixii aad u baahan tihiinna dowladda Mareykanka wey idin siinaysaa inaad
xoog arrintaa wax kaga qabataan haddaad tihiin Itoobiya.
S: Dadka u ololeeya xuquuqda bini’aadamku, waxay waayadan si aan leexleexad
lahayn ugu daraan Mareykanka inuu ku jiro wadammada ku tunta xuquuqul insaanka,
iyagoo tusaale u soo qaata xabsiga Guantanamo Bay oo noqday meel hannaanka
caddaaladda iyo garsoorku ay ka yihiin 'la-jiifiyaana bannaan, la joojiyaanna
bannaan.' Haddaba, sow taasi kuma xusuusinayso xikmaddii Martin Luther King ee
ahayd in Mareykanku uu yahay ‘the greatest purveyor of violence on the planet’
(qaybiyaha ugu weyn ee qalalaasaha caalamka)? J: Mareykanku laba weji buu leeyahay, mid qura uun ma ahan. Waddankani waxa
weeye waddan dimoqraadi ah, adduunyada casriga ahna kan ugu da’ weyn weeye
1776-kii illaa iyo maanta, weliba xagga distoorka. Waa waddan bini’aadamka soo
dhoweeya. Labadaan magaalo ee aan degennahay (twin cities) ee Minnesota waxaa
ugu yaraan deggan illaa 30,000 oo Soomaali ah. Waa halka ugu badan Soomaalidu
dhulka ay ka deggan tahay Mareykanka. Anigu waxaan ahay nin madow oo jaamacaddan
qeyb weyn oo ka mid ah xukuma oo shalay Africa ka yimid oo Soomaali ah. Waddan
kale oo taa ay ka dhacday anigu ma garanayo oo England waa anigii joogi jiray.
Wejiga wanaagsan ee Mareykanku leeyahay waa distoor, naxariis, fursado badan
xagga dhaqaalaha, siyaasadda, baayacmushtariga, tacliinta, teknoolejiga iyo
noocaad doonaysid inaad gasho. Wejiga kale ee Mareykanku leeyahay waa inuu yahay
waddan xoog leh, cunsuri ah, qaasatan nacayb dadka madow oo dhiiggooda ku jira,
oo markaa sidey doonayaan ma ahane aan si kale oggolaan karin. Labadaas weji
ayaa is barbar yaalla. Laakiin in badan waxaa laga soo shaqeynayey in wejigaa
wanaagsan ee Mareykanku uu noqdo kan had iyo jeer la arki karo gudaha iyo
dibadaba.
S: Dr Samatar, sida ay dad yar la socdaan, ururkan la yiraahdo al Qaeda waxaa
sameyntiisa hal-abuuray Zalmay Khalilzad oo hadda Mareykanka u jooga New York.
Waxaa kaloo jirta in Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Ronald Reagan uu ku
aaminay Usama Bin Laden qoryihii halista ahaa ee la oran jiray stingers, sida ay
daabacday New York Times. Markaad dhuuxdid howlgallada al Qaeda, sow lama oran
karo waa aalad (tool) uu Mareykanku u isticmaalo inuu cudurdaar ugu helo
gumaadka uu ku hayo caalamka Islaamka? Maxay kula tahay in Saadaam Xuseen lagu
soo qabto sagaal bilood, Bin Laadin-na lagu ceyrsanayo laba iyo toban sannadood?
J: Taa waad qaldan tahay. Mareykanku muu abuurin al Qaeda. Mareykanku wuxuu
gacan siiyey dad is urursaday oo Islaam baanu nahay leh oo la dagaallamayey
Ruushkii qabsaday ee soo galay Afghanistan. Weliba Ruushku muu qabsan ee wuxuu
gacan siinayey dowlad shuuci ah oo meesha ka dhalatay. Sidii loola dagaallamayey
in laga saaro illeyn waxaa la isku hayey wixii la oran jiray dagaalkii qaboobaa
(cold war) ayaa Mareykanku gacan siiyey dad yiri waxaan ka qayb galaynaa jihaad
lagu saaro Ruushka. Halkaas ayay markaa ka soo bexeen dad dagaalkaa wax ku
bartay lagula dagaallamayey Ruushka, kagana adkaaday, oo dabeetana dib isku
urursaday oo siyaasad kale galay. Mareykanka haddii eed la saarayo, dadkii uu
ururiyey ee uu hubka siiyey, lacagtana uu siiyey inay Ruushka kula dagaallamaan
inay isagii dib kula soo jeestaan wey suura geli karaysaa. Laakiin Mareykanka
wuxuu abuuray al Qaeda, markaasuu ku yiri kaalayoo intaad diyaaradaha afduubtaan
soo gala world trade center, taasi caqliga ma geli karayso, wax lagu sheekeysan
karana aniga xaggeyga ma ahan. Maanta dadka al Qaeda isku sheegaya qasaare uun
bey dadkii Muslimka ahaa u keeneen. Haddii aad Saddaam Xuseen galayso, in
waddanka Ciraaq la galo oo lagu duulo anigu ma aan oggoleyn, dadkii diiddanaa
baan ka mid ahaa, qawaaniinta adduunka u taalla ee international law-na ma
dhigayso arrintaas. Laakiin waa inaan annaguna ogaannaa, Saddaam Xuseen wuxuu
ahaa dhiigyacab, waddankiisii iyo dadkiisii si baas u burburiyey. Iiraan oo aan
cadaawad kala dhexeyn ayuu iska galay, Mareykankuna uu yiri haddii aad galayso
adiga ayay ku jirtaa ee soco oo taageero buu siiyey. Malyuun qof ayaa ku dhintay
dagaalkaas, wuxuuna socday toban sannadood. Waxay ahayd gardarro ka timid
Saddaam Xuseen. Dadkiisii gaas buu ku furay. Laba wiil oo uu dhalay oo waraabe
ah ayuu doonayey inuu waddanka u dhiibo markuu dhinto. Markaa Saddaam Xuseen
inay dadka ku nool Ciraaq iska qabtaan mar hore ayay u ahayd. Haddii gacan lagu
siiyey inay iska qabtaanna anigu waxba kama qabo, laakiin in waddanka Ciraaq
lagu duulo oo ciidamo Mareykan ah la geeyo oo ummadda lagu baa bi’iyo, oo
dhaqaalahoodii iyo adduunyadoodii lagu baa bi’iyo, lagana dhigo in ka badan
saddex malyuun inay haajiraan, lana gaarsiiyo jugta caynkaas ah waxaa dambigeeda
iska leh Mareykanka, xisaabta adduunyadana wey sugeysaa.
S: Dr Samatar, waxaa muddo dheer adiga iyo walaalkaa Professor Abdi Samatar aad
ku howlanaydeen buug ku saabsan dhaxalkii ay reebeen Aaden Cadde iyo Cabdirisaaq
Xaaji Xuseen (Somalis as Africa's First Democrats). Mufakir Giriig ah ayuu ahaa
ninkii yiri, "Behind each written history, there is an unwritten history" oo
macnaheedu noqonayo, "Taariikh kasta oo qoran gadaasheeda waxaa taalla mid aan
qornayn." Sidaa darteed, waxaa jirta inaan la iska indha tiri karin in nimankii
u horreeyey Africa ee xukunka kaga dega qaab dimoqraadi ah inay ahaayeen
Cabdullaahi Ciise iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Maxay kula tahay? J: Taa waxba kama jiraan. Waayo 1960-kii wixii ka horreeyey dowladi ma aanay
jirin Soomaaliya. 1960-kii July 1st ayaa Jamhuuriyadda Soomaalida la aasaasay.
Halkaas ayay taariikhda dowladnimo iyo doorasho ay ka billaabatay, oo Baarlamaan
ay dadka Soomaalidu soo doortaan ay ka yimaaddeen. Aaden Cabdulle Cusmaan wuxuu
ahaa Madaxweynihii Soomaalida uun ma ahane, Afrikada gumeysigu ka tagay ee
gobanimada qaadatay, Madaxweynihii ugu horreeyey ee inta doorasho lagaga adkaado
xafiiska si nabadgelyo ah uga dhaqaaqa ayuu ahaa. Cabdirisaaqna waa looga
horreeyey Ra’iisal Wasaaraha oo Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa kaga
horreeyey. Buugga haddii aad su’aal iga weydiisay, buuggani waa buug adag, howl
badan buu u baahan yahay, research badan buu u baahan yahay, weli waan ku
jirnaa, laakiin laba sano oo dambe wey qaadanaysaa sida loo dhammeynayo.
S: Waxaad dhowr mar daraasado cilmi-baariseed ka soo sameysay wadamada Africa ee
soo koraya ee sameeyey horumar dhaqaale oo xowli ku socda. Waxaa wadammadaas ka
mid ah wadammo horukaca dhaqaalahoodu ku xiran yahay dalxiiska iyo xoolaha.
Sidaa awgeed, waa maxay casharka ay ka baran karto Soomaaliya marka ay u
qalab-qaadato horumar dhanka dhaqaalaha ah? J: Horta dhaqaalaha waxaa miftaax u ah siyaasadda. Siyaasaddu haddii ay kaa
murugto, oo ay markaa dagaal, xagasho, burbur, guryihii dowladda iyo wixii oo
dhan la baa bi’inayo, dhaqaalihii ma dhaqaaqayo, lacagtiina wey baxsanaysaa.
Adduunyada oo dhan bal eeg, meeshii ay nabadgelyo jirto oo dowladdu ay
shaqeynayso ayay lacagtuna tagtaa oo ay joogtaa in badan. Lacagta tagta dhulka
dagaalladu ay ka dhacayaan ee burburka ahi waa lacag doonaysa inay degdeg wax u
qabsato oo ay ka baxsato meesha oo xoogaa ay ka gurato, amba lacag si madow ku
soo galaysa oo lacag xaaraan ah, ama drugs ha noqoto ama si kale ha ku timaado.
Siyaasadda deggan ayaa miftaax u ah in dhaqaale la abuuro. Waayo dhaqaaluhu
muddo dheer buu qaataa. Haddii aad warshad dhisayso muddo dheer bey qaadanaysaa
inaad muhandasadii aad sameyso, dadkii aad keento, suuqii sameysato. Wadammada
deggan ee xasiloon Africa gudaheeda haddaad eegto waa waddanka Botswana.
Waddankaas xasiloonida iyo dimoqraadiyadda ka taagan qof tagay uun baa garan
kara. Markaa derisku waxa weeye war Soomaaliyeey waa inaad siyaasaddii dejisaa.
S: Dr Samatar, gabagabadii maxaad jeclaan lahayd inaad la qaybsatid dadka arki
doona wareysigaaga? J: Anigu dadka Soomaalida waxaan leeyahay waad salaaman tihiin meel aad
joogtaanba. Waxaan leeyahay saddex amuurood aanu isla ogaanno qof walbow meel
alla iyo meeshaad joogtid. 1. Rajo. 2. Geesinimo iyo 3. Adkeysi. Saddexdaas
haddaan isla ogaanno wax uun baa meel inoo mari, kuna adkeysta inaad raadsataan
madax idiin qalanta oo waqtiga kadartaa adag u qalanta oo waddanka godka ka
saarta, aadna is baartaan sidii aad ku heli lahaydeen. Doodda iyo hadalka
wadistiisu ha inoo noqoto ballan xoog leh. Dagaal iyo dil waa in meel la iska
dhigaa oo laga ilbaxaa.
Qore: Mohamed Haji (Ingiriis)
Minneapolis, MN
Email: Ingiriis@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | August 13, 2008
|