SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Guddoomiyaha Xisbiga HA NOOLAATO oo cambaarayn dusha uga tuuray ciidamada Ethiopia ee xasuuqa ka geystay Muqdisho iyo Shabeelada Hoose

Guddoomiyaha Xisbiga HA NOOLAATO Mudane Cismaan Abokor ayaa si kulul ugu cambaareeyey weerarkii ba’naa ee ay shalay ciidamada Ethiopia ka geysteen magaalada Muqdisho iyo degaanka Carbiska ee gobolka Shabeelada Hoose. 
 

“Aniga oo ka hadlaya magaca Xisbiga HANOOLAATO waxa aan si buuxda u cambaaraynayaa xasuuqa loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed ee deggan Muqdisho iyo Shabeelada Hoose. Ma’ aha wax la aqbali karo xasuuqan aan kala sooca lahayn ee lagu hayo dadkayaga” ayuu si caro leh guddoomiyuhu ugu sheegay saxaafadda madaxabannaan.  

“Waxa dhacayaa waa dembiyo ka dhan ah aadaminimada, dembiyo dagaal, iyo xasuuq, kuwaas oo caalamku ka dhigtay sharciyo, una samaystay maxkamado caalami ah. Sidaa darteed waxa aan xusuusinayaa kuwa geysanaya gumaadka in maalin maalmaha ka mid ah la soo taagi doono maxkamad si looga abaal mariyo waxa ay maanta ku samaynayaan dadkayaga”. 

Guddoome Cismaan Abokor waxa kale oo uu tacsi u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaanna qoysaskii uu sida gaarka ah u saameeyey xasuuqani.

Gudoomiyaha Xisbiga HANOOLAATO wuxu ugu baaqay xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Adduunka (International Criminal Court Persecutor) Mr Luis Moreno-Ocampo in aanu indhaha ka qarsan ee uu fiiro gaar ah u yeesho dembiyadan ka dhanka aadaminimada ee ka dhacaya Soomaaliya ee ay gaysanayaan ciidamada Ethiopia. 

Waxa kale oo Guddoomiyuhu sheegay in sida ugu dhakhso badan xisbiga HANOOLAATO qoraallo ku saabsan xasuuqan loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed uu ugu kala diri doono hay’adaha caalamiga ah ee ay arintani khusayso sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Maxkamadda Adduunka, Hay’adaha u dooda xuquuqal insaanka sida Amnesty International iyo Human Rights Watch.

Dhawaaqan kulul ee Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xilli laba maalmood xasuuq ba’ani ka socday magaalada Muqdisho iyo degaanka Carmiska oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose oo ay geysanayeen ciidamada Ethiopia, kaasoo sahayday in ka badan 70 ruux oo u badan dumar iyo carruur. 

Xisbiga HA NOOLAATO oo dhowaan la’ aasaasay ayaa hadda u muuqda mid shacabka u buuxinaya kaalin weyn oo ku bannaanayd oo ah cid codkooda gaarsiisa caalamka uguna hiilisa si sharci ah. 

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin ku saabsan xisbiga HA NOOLAATO fadlan kala xiriir:   hannoolaato@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 16, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS