DFKMG ayaa ku dhawaqaday muddo sanad ah ka dib in ay dib u furtay
wadada 30ka ee magaalada Muqdisho
Sawirada Jidka 30ka Halkan Ka Daawo
Dhegeyso:
Codkii
Dhagaxtuur iyo Dadkii ka soo qayb galay....
Mar maanta (AUG 16,2008) aan gaarnay wadada 30-ka gaar ahaan agagaarka
Cali kamiin ayaa waxa ka muuqanayey Hareeraha wadada cali kabiin burbur
lixaad leh, qashin ,geedo ka soo baxay jidka dhexdiisa , qabuuro cusub
oo laga yaabo in ay ka badan yihiin inta aan aragnay , cidlo baahsan
waxaana si aad ah halkaasi loo arkayey dhufeysyo ay qoteen iyo
taangiyada ciidamada Ethiopia iyo ciidamadooda , inkasta oo uu sheegay
gudoomiyaha cusubi in la qaadi doono ciidamada iyo qalabkooda lana geyn
doono meel uu ku shegay in ay u tahay munaasib ,
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee uu dhawaan Magacabay Ra’isul wasare
Nuur cadde Cusmaan Cali dhagaxtuur ayaa shaaca ka qaaday maanta isagoo
saxafaadda kula hadlayay wadada Isgoyska Cali Kamin ee Wadaada 30ka in
Maanta iyo wixii ka danbeeya ay furan tahay oo ay gaadiidka iyo dadkaba
isticmaali karaan wadadasi oo fariisin u ah Ciidamka Ethipia
Guddoomiye Dhagax tuur oo ay la socdeen Masuuliyiin Maamulkiisa ee
gobolka banaadir sida guddoomiyeyasha degmoyinka wardhiigleey,
yaaqshiid, wadajir dharkeenleey iyo guddoomiye kuxigeenka gobolka
banaadir xagga arrimaha amaanka C/fitaax Ibarhim Cumar (shaaweeye) iyo
dad weyne kale oo aad u fara badnaa waxaa ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee
gudinta qabto ee qaada qashinka iyo howsha baaxadda leh ee nadaafada
deegankaas lagu sugayo.
Guddoomiyaha Maamulka KMG ee gobolka Banaadir Max’ed Cusmaan Cali
(Dhagax
Mr Dhagaxtuur ayaa waxaa uu sheegay in wadadaasi ay gaadiid saari
doonaan isla markaana ay 1 ka tahay furitaanka Wadooyinka ka xiran
magaalada Muqdisho,isla markaana ay dib u furi doonaan dhamaan
wadooyinka xiran.
“Wixii maanta ka bilowdo waan isku fureenaa wadooyinka dhan shaqooyin
aaan abuurno dadkii barakacayna anaga ayaaa gacanteena ku soo celineyno
ciidanka waaan ka fogeyneynaa meelaha Rayidka oo dhan ” ayuuu yiri Mr
Dhaxag tuur isagoo saxaafada la hadlyay, waxaanna mudanhaas u sheegay in
halkaas la saaro dooono baabuurta dadka ay raaceen ee looyaqaano
BL-Ka,waxaa kale oo uu ka codsaday dadka degaankaas in ay dib ugu soo
laabtaan guryahoodii, oo qoys waliba ay xooga saaraan ka qayb qaadashada
nadaafadda,
Intaas kadib waxaa uu u mahadceliyey dadkii isgoo ku aamaanay furista
wadadaas oo sida u sheegay xirneyd muddo fara badan, taasoo uu sheegay
inuu ku faraxsan yahay furista wadaa oo iskaa wax u qabso lagu dhisan
haddana la rabo in iskaa wax u qabso lagu nadiifiyo, oo lagu soo
gabagabeeyo wax ka yar hal todobaad.
Wadada 30ka oo ah meel ay ka dheceen dagaalo xoogan oo u dhexeeyay
Ciidamada Ethiopia iyo Kuwa dowalada KMG Soomaaliya oo isku dhan ah iyo
Xoogaga ka soo hor jeeda ayaa waxaa ay noqotay meel aad u burbursan
waxaa lagu arkayay ciidamo aad u farabadan oo ka mid ah ciidamada
Ethiopia ee fariisinka ku leh garoonka Muqdisho Stadium iyo ciidamo ka
tirsan kuwa dowlada KMG Soomaaliya.
Iyadoo maamulka KMG ee gobolka Banaadir uu maanta shaaciyay in uu dib u
furay wadada 30ka ee magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa jira shakiyo
muujinaya sida wadadaasi ay shacabka u isticmaali doonaan maadaama ay
weli ku sugan yihiin qeybo ka mid ah wadadaasi ciidamada Ethiopia iyo
kuwa dowlada KMG Soomaaliya.
Dib u furmida wadadani ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa xili dhawaana
dibadbax ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kaasi oo lagu
taageerayay sii hayaha duqa magaalada Muqdisho oo uu ku sheegay in
maamulka gobolka Banaadir uu ku dadaali doono dib u furida wadooyinka ku
xirmay dagaalada ee magaalada Muqdisho.
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666