Dibu-heshiisiin dibu-heshiisiin dhasha !!
Waxaa la filayaa in maalinta sabtida ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay
16/08/2008 uu shirkii dibu heshiisiinta wajigiisa labaad ee TFG-da iyo ARS-ta uu
uga furmo Guriga Ummadda ee dalka Jabuuti.
Dowlada Jabuuti oo Qaban qaabadii ugu xooga badneyd maal mahaan ku jirtey sidii
wajiga labaad ee shirka dibu-heshiisiinta ARS-ta iyo TFG-da ee hore ay ugu
balansanaayeen loogu qaban lahaa ayaa waxaa maalinimadii Jimacaha soo garey
Wufuud kala duwan oo isugu jirey xubno uu hogaaminayo Ergeyga gaarka ah ee
Qaramada midoobey ee Soomaaliya Amp :- Ahmedou Ould-abdallah, Wafdi kale oo uu
hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada TFG-da ahna Wasiirka
Warfaafinta Axmed Cabdi Salaan iyo xubno xildhibaano ah, sidoo kale waxaa soo
gaarey xubno kale oo ka socda Besha Caalamka, iyadoo hore ay ugu sugnaayeen
Caasimada dalka Jabuuti xubnihii ugu qaybgali lahaa shirka dibu-heshiisiinta
wajigiisa labaad inta badan xubnaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta.
Xildhibaanada iyo Wasiirada yimid waxaa safarkooda ku wehliyey qaar ka tirsan
saraakiisha ciidamada Qalabka sida ee DFKMG, kuwaasoo dhamaantood la doonayo in
ay ka mid noqdaan gudiyada siyaasada iyo kan nabadgelyada.
Gudiyadan labad dhinac ee ARS-ta iyo TFG-da ayaa warar hor dhac oo aan ka heley
ilo kala duwan oo ku dhow dhow labad dhinac ayaa guud ahaan la iigu sheegey in
tirada guud ay gaareyso, 42 xubnood, kuwaasoo labada gudi mid kasta laga doonayo
21 xubnood, gudiga siyaasada labada dhinac waxaa la iigu sheegey in tiraoodu ay
gaareyso ilaa 22 xubnood, halka gudiga nabadgelyaduna la iigu sheegey in
tiradoodu ay gaareyso 20 xubnood.
Warar hoose oo aan helney ayaa waxay sheegeyaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo
hada ku suagan dalka Ethobia, isaga iyo Ra’iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen,
islamarkaana lagu lagu xalinayo khilaafkoodii Magaalada Adis Ababa, in isaga iyo
xubno uu hogaaminayo ay shirka ka soo qaybgalidoonaan, islamarkaana uu isagu
qoraal u soo direy UN-ku , taasoo uu ku sheegeyo wax Xukuumad TFG la yiraahdo oo
shaqeynaya in aysan jirin,, islamarkaana xukuumadu ay is casishey, sidaas
darteedna xubnihii shirka uga qaybgeli lahaa uu ka dalbadey in isaga laga sugo,
shirkana dib loo yara dhigo waqti cayiman.
Halka Baarlamaanka DFKMG uu isaguna maalinta sabtida uu fadhi kaga yeelanayo in
Xukuumada Co/Nuur Cade codka kalsoonida loo qaado, hase ahaatee in badan oo ka
tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku doodaya, maadaama Dowladu mudo 4-sano
ay ku jirtey dagaal lagu riiqdey, dhumiseyna waqtigeeda inta badan, sidaas
darteed ay heleyso Xukuumadu Nuur Cade codka kalsoonida Baarlamaanka.
Dhinaca kale heshiiskan lagu sixiixey dalka Jabuuti 09/06/2008-da ayaa wuxuu ka
abuurey dowlado kala duwan oo Gobolka ka tirsan khilaaf, marka laga reebo labada
dhinac ee heshiiska kala sixiixdey, sida waxaa xurguf dagaal ka dhex dhacay
Dowlada Jabuuti oo Soomaaliya dhinac kasta ay wadaagaan iyo Dowlada Asmara,
taasoo wali xalinteeda lagu jiro, inkastoo lagu sheegey dagaalka labada dhinac
sababo kala duwan oo aan wali si rasmi ah loo shaacin, hadana waxaa muuqata in
Dowlada Asmara ay kusoo duushey dhul aysan lahayn, laakiin Dowalda Jabuuti
iyadoo kaashaneysa khibrad iyo siyaasada cusub ayaa waxay ku hawlan tahay, in
rainta lagu dhameeyo wada hadal, inkastoo maamulka Asmara uu yahay maamul ay
madax martey hal adeyg aan xiligan dunida looga baahneyn, halka maamulka ugu
sareeya Adis iyo Wasiiradiisa heshiiskan uu isaguna ku dhaliyey is aaminaad
la’aan weyn, is aamin deridan ayaa markii dambe waxay gaartey in qaybo ka tirsan
Wasiiradda ugu muhiisan maamulka Adis, ay xilkii ku waayaan, horaantii Usbuucii
aynu ka soo gudubney, islamarkaana buuxinta xilkaasna loo la’yahay cidii lagu
buuxin lahaa, sida aan ka soo xiganayey dadd ku dhow dhow maamulka Adis.
Dadd socoto ah oo ka yimid Ethobia oo aan kula kulmey Caasimada dalka Jabuuti
ayaa waxay ii sheegeen « in Degmooyin fara badan oo ka tirsan Gobolka Soomaalidu
ay degto ee Ethobia, islamarkaana ay Gumeysato Ethobia in ay soo faaruqiyeen
ciidamadii joogi jirey halkaas, taasoo ay ku sheegeen dhibaatada ka soo gaartey
dagaalka sii daba dheeraadey ee ay kula jirta kooxaha ka soo horjeeda DSFKMG.
Dowlada Ethobia oo ah garabka ugu muhiimsan ee ay ku tiirsan DFKMG ayaa waxay
daddkaan ku sheegayaan, in maamulka Ethobia maalinba maalinta ka dambeysa uu sii
tabar beelayo.
DFKMG ayaa iyaduna heshiiskan waxaa uu ku abuurey khilaf xoogan intii ay jirtey
abid, dadka arimaha siyaasada ku xeel dheer waxay carabka ku adkeynayaan, in
dowladu ay ku socoto wadadii ay ku kala tegi lahayd ama ay xilkooda ku
waayidoonaan xubno in badan loogu hamuun qabey in booska ay baneeyaan, halka
Is-baysiga dibu-xoreyntuna uu isaguna uu ahaa kooxdii ugu horeysey oo ku kala
tagta mabda’ii ay wada degsadeen, iyadoo kooxba kooxda kale ku eedeyneysa in
Axdigii ay ku balameen ay ka leexdeen, sidoo kale waxay kuwaayey saaxiibkii ay
ku mideysnaayeen oo lagu dhisey hoostiisa Is-bahaysiga, waxayna keentey in ay ku
kala xirmaan Asmara iyo Jabuuti, inkastoo kooxda qaarkeed la sheegey in aysan
safar ku aadi karin wadamada caalamka arimo fara badan oo jira awgeed.
Dowladaha Jabuti, Ethobia iyo Eriteria ayaa ah kuwo dowladii hore ee Soomaaliya
siisey fursado kala duwan, islamarkaan gelisey Abaal aan la gudikarin, inkastoo
Dowlada Jabuuti isku dey kasta oo ay sameyso in arinta Soomaaliya laga gaaro xal
waara ay, uu lug jiidayey Maamulka Adis Ababa ee Zanawi, wuxuuna abaalkii ku
gudey Zanawi madaafiic lagu garaaco dadka maatida ah iyo in uu mar walba u yeero
kuwo isaga shaatiga ka fiiqaya, islamarkaana ka luminaya kalsoonidii
shacabkiisa, wuxuuna u sheegaa shacabkiisa in uu la dagaalamayo koox Islaamiyiin
ah, taasoo bedelkeedana uu u geeyo dersin maydadd iyo dhaawac ah oo aan la ogeyn
waxa ay ku dhimanayaan, halka dowalada Eriteriya oo ah Dowlad xili dhow
xornimada qaadatey, iyaduna laga rabey ay hada diyaarsatey in ay abuurto
Hogaamiye Kooxeed cusub oo hada ku sugan Soomaaliya sida aan ka helney ilo
wareedyo hoose, taasoo u muuqata in iyaduna markeeda ay shacabka Soomaaliyeed
madaafiic ka dul rido, dhamaan marka aad eegto arimahaan, waxaa muuaneysa in
arinta Soomaaliya dadkii laga rabey inay ilaaliyaan ay sii dhabqinayaan.
Shirkii dibu-heshiisiinta ee la sixiixey 09//06/2008 dhamaan xubnihii ka soo
qaybgaley, marka aad eegto mid kasta waxaa uu dabada ku watey ruux shisheeye ah
oo aan la garaneyn Ujeedadda uu leeyahay, waxaadna moodaa in ay ka badnaayeen
Soomaalida heshiiska laga doonayey iyada dhexdeeda, hawshuna waxay kusoo
gebagebowdey, in laba bilood iyo 10- maalin kadib shir laysugu yimaado, taasoo
aan la ogeyn waxa uu kusoo gebageboobidoono gunaanadkiisa.
Dhamaan arimahaan is guraya, marka laysku soo duubo waxaad moodaa in khilaafku
uusan ku ekaandoonin dhinacyada iska soo horjeeda ee Soomaalida, islamarkaana uu
saameyn kale ku yeelandoono dowlado kale oo isugu jira kuwa Gobolka iyo
Caalamka, taasina waxay sii murjineysaa xalka Ummadda Soomaaliyeed, Ehobia-na
waxaa u bilaaban doona dibu-heshiisiin dibu heshiisiin dhasha
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com