SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasiirka Gaashaan Dhigga : “Cid kasta oo ku cadaata Inay Xiriir la leedahay Burcad Badeed Soomaalida, Waqtigee ahaataba waa la qaban doonaa, Waana Dembiilayaal Heer Caalami ah….” =Shir Jaraa'id=

Sawirada Halkan ka daawo...

Wasiirka Gashaandhiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Muxyadiin Maxmaed Xaaji Ibraahim ayaa maanta (Aug 16,2008) shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, wuxuuna si weyn u soo dhaweeyay dadaalka Dowladda Canada ay ugu jirto inay ku ilaaliso Shixnadaha gar gaar ee Hey’adaha Samafal gaar ahaan WFP ay ku keenayso gudaha dalka Soomaaliya iyo cid kasta oo danaynaysa inay gar gaarto shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka oo shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka waramay dhibaatooyinka ay Burcad badeeda ay ku hayaan maraakiibta sida Shixnadaha gar gaar, kuwa ganacsi iyo kuwa xamuul ee marinka u ah Biyaha caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Saameynta balaaran ee ay ku yeesheen shixnadahaasi inay gaaraan goobihii loogu tallogalay, wuxuuna sheegay in shirkadaha maraakiibta leh ay si weyn uga maagaan inay maraakiibtooda ay u soo diraan biyaha Soomaaliya cabsi ay ka qabaan Burcad badeeda Soomaliyeed ee qafaasha Maraakiibta.

“Dhibaatooyinkaasi ka dhashay Burcad badeeda wax qafaalata darteed, waxaa shacabka Soomaliyeed soo wajahay Macluul iyo sicir barar, waxaana Caalamku u aqoonsatay badaha Soomaliya inay tahay meesha ugu qatarsan ee afduubka loogu gaysto maraakiibta Caalamka, waxaana qal qal galay Mucaawinooyinkii imaan jiray dalka Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Muxudiin Maxamed Xaaji oo dhinaca kale sheegay in ay Dawladda federaalka soo dhaweyneyso Go’aankii ka soo baxay wasaaradda Gaashaan dhigga ee dawladda canadda ee ay Xeebaha soomaaliya ugu soo direyso Maraakiibta dagaalka si ay u ilaaliyaan shixnadaha gatrgaarka aadnimo iyadoo ka jawaabeysa Baaqyadii ka soo yeeray Hay’addea WFP iyo hay’addda Ilaaqlinta Badaha Caalan\miga ah ee sheegayay in ay doonaayaan in si deg deg ah loo helo dawladaha awoodda leh in ay u soo diraan ciidamo ilaaliya gargaarka loo soo waddo Dalka soomaaliya, waxaana uu wasiirku sheegay in ay taasi ka dambeeysay kadib markii ay soo bateen Burcad badeedka soomaaliya oo weerarom iyo qafaalasho had iyo jeer u geesta Maraakiibta soo sida gargaarka iyokuwa ganacsi eek u soo jeedda dalka soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ee dawladda federaalka Sooamaaliya, waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliyeed ay arintaasi si weyn u soo dhaweyneeyso waxaana uu intaas raaciyay in ay hambalyo iyo bogaadin u direyso wasaaradda Gaashaandhigga ee dawladda Canada wasiirkeedda gaashaandhigga oo uu sheegay in 6-dii bishaan uu soo saaray go’aankaasi ay xukuumadiisu Maraakiib dagaal oo ilaaliya xeebaha Soomaaliya islamarakaasna ka difaaca burcad badeedka Soomaaliya maraakibta gargaarka ay taasi wax badan ka tari doonto islamarkaasna ay yareyn doono sicir bararka baahay iyo macaluusha ku soo wajahan dalka Soomaaliya, iyadoo uu wasiirku sheegay in ay taasi markii hore uu shacbiga Soomaaliyeed haysatay abaabro ka dhashay roob yari sanooyinkii ugu dambeeyay waxaana carabka ku dhuftay in dawladda soomaaliyeed ay arintaasi si diiran u soo dhaweyntoonto.

Wasiirka Gaashaandhiga dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan baaritaano ay wadaan dawladdo , ururo caalamiga iyo shaqsiyaad kuwaasi oo lagu doonaayo in haddi ay jiraan shaqsiyaad gacan siiya Burcad badeedka Soomalaiyeed ay noqon doonto in shaqsiyaadkaasi loo aqoonsan doonno in uu yahay shaqsi ku kacay khiyaano qaran maxkamadna la soo taagi doono goor fog iyo goor dhaw intaba, wuxuuna wasiirku hadalkaasi kaga jawabayay su’aal aheyd in uu jiro tuhun ku aadan in ay burcad badeedkaasi wax gacan ah ka helaan shaqsiyaad qarsoon oo Soomalaiyeed iyo in kale

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  August 16, 2008

DFKMG ayaa ku dhawaqaday muddo sanad ah ka dib in ay dib u furtay wadada 30ka ee Muqdisho.. Akhri Aug 16

Warsaxaafadeed ku aadan xasuuqii arxandarrada ahaa ee ay Ciidamada Cadowgu u geysteen Shacabka.. Akhri Aug 16

Kor u kaca qiimaha Shidaalka oo yareeyay shilalka Wadamada reer galbeedka  - Aug 16

Guddoomiyaha Xisbiga HA NOOLAATO oo cambaarayn dusha uga tuuray ciidamada Ethiopia ee xasuuqa ka geystay Muqdisho iyo Shabeelada Hoose Akhri Aug 16

Batiyaanasiibkii Telcom oo maanta lagu qabtay Borama “Daawo Sawirada”  - Aug 16

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Aug 16

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS