
WARSAXAAFADEED KU SAABSAN BAM KU
QARXAY HAWEEN KU GUDA JIRAY
HAWL NADAAFAD
Isbahaysiga Dib U
Xoreynta Soomaaliya waxaa uu
tacsi tiiraanyo leh u dirayaa
guud ahaan shacabka
Soomaaliyeed, gaar ahaan
eheladii ay ka geeriyoodeen
haweenkii uu maanta bamku ku
qarxay iyagoo ku guda jira hawl
nadaafadeed mid ka mid ah
waddooyinka magaalada Muqdisho,
waxa uuna Allah ugu baryayaa
intii geeriyotay in uu
jannadiisa ka waraabiyo, inta
dhaawacantayna caafimaad degdeg
ah siiyo, eheladoodiina samir
iyo iimaan ka siiyo aamin.
Dhanka kale Isbahaysiga waxa uu
ugu baaqayaa shacabka
Soomaaliyeed qeybahiisa kala
duwan inay garagaar deg deg ah
la gaaraan dadka ku waxyeeloobay
dhacdadaasi murugada leh.
Masuuliyadda dhacadan
waxay dusha ka saaran tahay
ciidamada gumeysiga iyo inta ku
gacansiisa gumaadka shacabka
Soomaaliyeed, waxaana lagu soo
afjari karaa amaan darrada
baahsan ee shacabka Soomaaliyeed
haysatay in meel looga soo wada
jeesto sidii dalka looga xoreyn
lahaa ciidamada gumeysiga
Ethiopia ee dalka ku soo duulay.
Isbahaysiga waxa uu
ururada caalamiga ah, kuwa
goboleed iyo beesha caalamkaba
ugu baaqayaa inay gutaan
masuuliyadda ka saaran sidii
ciidamda cadawga looga soori
lahaa dalka guud ahaan, gaar
ahaanna magaalooyinka iyo
degaanda dadka rayidka ah degen
yihiin.
Isbahaysiga waxa uu
hay’adaha samafalka ugu baaqayaa
inay gargaar degdeg ah la soo
gaaraan shacabka Soomaaliyeed ee
ku waxyeeloobay barakicinta
ciidamada Ethiopia oo ay u dheer
tahay abaaro, sicir barar, biyo
la’aan, shaqo la’aan iyo weliba
gaabiska ku yimid hay’adaha
samafalka, sidoo kale waxa uu
shacabka Soomaaliyeed ugu
baaqayaa inay is kaalmeeyaan
iyadoo ay foodda nagu soo hayso
bishii soonka ee barakeysnayd ee
shacabka Soomaaliyeed
is-taageeri jireen.
Ugu dambeyntii
Isbahaysigu waxa uu shacabka
Soomaaliyeed iyo bulshada
caalamkaba ugu baaqaya in meel
looga soo wada jeesti sidii
dalka looga saari lahaa dhibaata
kala gedisan ee bulshada haysata
loona ambaqaadii tubta nabadda,
iyadoo diiradda la saarayo sidii
madaxbanaanidii dalka Soomaaliya
ee luntay loo soo celin lahaa.
Xafiiska Warfaafinta ee ARS
Djibouti, 3/08/2008