SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

AMNI XUMIDA NAIROBI KA JIRTA

Inkastoo qulqulatooyinkii iyo rabshadihii ku habsatay dalka Kenya billooyin kahor ay ka soo roonaanayso marba marka ka danbeeya, haddana waxaa si weyn loo dareemayaa inay reebeen raadad xun oo abuurtay inay dad badani u soo gacan galeen hubab aan sharciyaysan.

Haddaba, fajarkii habeen hore ayay ahayd markii annigoo salaadda fajarka ka soo baxny, lana taagan dad masjidka ku yaala waddada lixaad ee xaafadda Islii hortiisa ayaan aragnay nin ordaya oo gacanta ku sita bistoolad, uuna eryanayo ninkale oo gacanta ku sitay fooneeyaha ay booliiska ku xiriiraan, wuxuuna ku dhawaaqayay ‘war ninka ii qabta, waa tuuge’.

Markii ay gudbeen meeshii aan taagnayn ee majidka hortiisa ahayd qiyaastii meel u jirta 80 tallaabadood ayaa ninkii ordaya isku duubay ninkaloo soomaaliyeed oo isna waddada dhinaceeda taagnaa.

Ninkii booliiska ahaa ee eryanayay tuugga ayay u suurtagashay inuu gacanta ku dhigo tuuggii, isagoo bistoollad uu watay oo rasaasta ka dhammaatay kaga garaacayay madaxiisa. Qiyaastii kama soo wareegan daqiiqado yar jeer ay goobtii uu ninkii jiifay ay dul-yimaadeen 2 nin oo kale oo ka mid ahaa saraakiisha shibilka ah, mid ka mid ah labadii nin ayaa bistoollad uu watay intuu soo baxsaday ku tiriyay ninkii tuugga wadnihiisa ilaa 2 xabbadood, halkii ayuu ninkii tuugga ahaa durbadiiba ku naf-baxay, askartii shibilka ahaydna way isaga dhaqaaqeen goobtaas, iyagoo u sheegay dadkii isugu soo aruuray meesha inay jiraan tuugo kale oo ay sidan oo kale loo toogtay.

Waa arrin aan anniga goobjoog u ahaa. Waa markii iigu horeysay ee aan indhaha saaro nin hortayda lagu dilayo, waxaan marwalba Allaah uga mahadiyaa inuusan i tusin fidnadii iyo leyntii ba’nayd ee dhex dhacday walaalaaha soomaaliyeed, oo waxaan ka mid ahaa dadkii nasiibka u yeeshay inayan indhahooda saarin meyd soomaaliyeed oo dulmi lagu dilay.

Dareen argagax iyo naxdin ayaa saaqay dhammaan jirkayga. Dadkii soomaalida ahaa ee aan masjidka ka soo wada baxnay ayaa iyagu muujiyay dareen farxadeed, waxayna qaarkood ii sheegeen in ninka la dilay uu dhowr jeer ka dhacay moobiilo iyo lacago ay wateen, wuxuuna xaafadda Islii ee ay Soomaalida ku badan tahay ku hayay argagax iyo dhibaato weyn.

Dabcan qofka tuugga ah wuu mudan yahay in la ciqaabo, hase ahaatee waxaa igu cusbaa xeerkan ay nidaamka Kenya qaateen ee ah in tuugga ah goobta lagu qabto lagu dilo ee aan la soo gaarsiin xarumaha booliiska dalka.

Waxyaabihii aan aad u ula sii yaabay ayaa ahaa in ninka isku duubay tuugga ee soomaaliga ahaa, uu laftiisu ahaa sarkaal la shaqeeya CID-da Kenya. Waa ninkii cimaamadda qabay ee aan u badinayo inaan iskala soo baxnay masjidka. Goobjoogayaal aan isla fadhinay masjidka hortiisa ayaa gadaal danbe ii sheegay in ninka soomaaliga ee tuugga qabtay ay la soo xiriireen booliiska, kadib markii uu ninka u soo cararay jihada shaarica lixaad ee xaafadda Islii, sidaasna uu heeggan ugu galay siduu u qaban lahaa ninkan tuugga ahaa ee u dhashay dalka Kenya.

Ninkii daqiiqado yar kahor agteena ordayay isagoo qaylinaya, wuxuu jiifay waddada isagoo meyd ah. Qiyaastii isagoo nus saac goobtaas yaala ayaan ka galay hoteelkii aan degganaa.

Nabadgelyo xumadan waxay si weyn uga jirtaa xilliyada habeenka, iyagoo tuugada dadka baarata ay u badan yihiin xaafadda ay tobaneeyada kun ee soomaaliyeed ay deggan yihiin. Waxaa caan ah in soomaalida ay markay qoraxda dhacdo soo qaadan wax hanti ah ama waxay iska dhigaan taleefanada gacanta ee qaaliga ah.

Gabar soomaaliyeed oo xijaaban ayaa dorraad ii sheegtay in iyadoo maraysa mid ka mid ah waddooyinka xaafadda Islii uu u soo dhacay moobiilkii ay sidatay, dabadeedna ay iyadoo la hadlaysa qofkii sii wacay ay ka warheshay nin bistoollad la dul-istaagan oo leh keen moobiil, wuxuuna intaa kadib gabadhii soomaaliyeed kula dhaqaaqay inuu jirkeeda baarto oo uu qaato lacago ay wadatay. Markay intaasi ii sheegtay, waxaan hoosta ka iri “Alxamdulillaah, marba hadduusan kufsan”.

Waxaa dhacda tuuggada qaarkood markii ay wax ka waayaan inay ku dilaan ama ku gaarsiiyaan dhaawac weyn, iyadoo dhacdadani ay tahay mid aa n badnayn sida ay soomaalida igu wargeliyeen.

Qoraaladii Hore ee Ibraahim Saalax... Akhri

ONYANGO: XALKA SOOMAALIYA SANNADO BADAN AYAY QAADANAYSAA
Abubakar Onyango oo u dhashay dalka Kenya, si wacanna ugu hadla afka soomaaliga. Akhri July 22

Ibraahim Saalax
Email: ibra88@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 4, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.