MUDAHARAAD AY SAMEEYEEN SOOMAALI QAXOOTI KU AH WADDANKA THAILAND
BANGKOK!!!!
Waxaa maanta (Aug 2, 2008) mudaharaad wayn ka
dhacey Waddanka Thailand Bangkok waxaan soo diyaariyey kooxo
somali ah, iyaga oo kacabanaya in aanan waxba loo qaban. Qaxootiga Somaliyeed Oo dhan 80 qof oo isugu jirah Dumar iyo Rag, Ayaa
Sabtidii
lagu arkayey He'ada waxqabad ee UNHCR iyo JRC oo ah he'add kalle oo ka howl
gasha gudaha Bangkok, waxeena ka cabaneeyeen iyaga oo aanan lasiin Guryo ee
dagaan Qaxootiga, Caafimaad Darro Soo Wajahday oo aan waxba laga qaban, iyo In
xabsi lagu gurro qaxootiga oo aan baddanaa heesan sharci ama inta ugu badanba
sharcigu ka dhacsanyahey, waxeena he'adda UNHCR iyo JRC, ee kagala hadleen in
laga caawiyo Dhibta ee sheegteen.
Haddaba Hey'addaha oo qiil ka dhiganaya in
eesan shuqul ku laheen wax African ah eena Qaabilaan Qaxootiga Asia, Ayaa
Sabtidii
U sheegay, somalida kusoo baddaneesa, in ee ugu danbeeso intaan oo aan markalle
la aqbaleen diiwaan gelin ama regestration- cusub, "waayo waxaanu ku shuqul leenahey waa ASIA mana
ahan in Africa aan qaabilno, "waxaa yiri Madaxa UNCHR ee Bangkok Thailand .
Waddankaan Oo ah waddan maciishadiisu qaali tahey, siddee somali qaxooti ah ugu
nolaan gartaa? haddaba somalida oo ah dad aad rayid ugu ah marka loo eego
qaxootiga kalle, inta ugu baddan ma ahan kuwo dibadda wax loogu soo dirro
waxaana mushahar siin jirrey waa He'adda, inkastoo ee siiyaan Qaxootiga lacag ka
yar inta ee ku noolaan garaan. Majirraan Hey'addo Caalami ah oo kalle oo wax u
qabta Somalida aan ka aheyn UNHCR iyo JRC oo ah labaduba kuwo ka howl galla
waddankaan..
Bangkok waa xarrunta ugu wayn ee qaxootiga laga maamulo guud ahaan
Qaarada Asia, Waxaana ku nool Qaxooti aad u baddan kana kalla yimid waddama
Combodia, Loas, Sri Langa, Bangladesh iyo India, inkastoo ee jirraan africaan
baddan sita Liberia, South Africa, Somalia, siraleon iyo waddamo kalle oo
Africa ah, Somalida Oo ka cabaneesa in Africanka Kalle ama Qaxootiga kalle lagu
qaado mudo ka yar sanad, Somaliduna aanan waxba loo qaban, beryahaan,
Haddaba
Somalida Lagu Soo khaldaayo Waddankaan, in eey marka horre iska
hubiyaan meesha ee imanayaan, waayo ma ahan meel maciishada uu
la qabsan karro qof u yimid halkaan Qaxootinimo balse waa ka jirtaa wax barasho waxaana ka dhigta
arday baddan oo somali ah, waxaana kalle oo ku nool ganacsato baddan, Somalidu
waxeey dhahdaa "Hubsiimo Hal Baa Lasiistaa" mana ahan in nafta lagu haligo meel
aadan Akhbaarteeda, Iskana Hubiya Marka Horre meesha Aad aadeysid..
Khadar Musse Mohamed
E-mail:- profkhadar@hotmail.com