SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Sh. Cabdillaahi Max’ud Ciise oo Faraska ka degey! 

Innaa lilaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. 

Allaha casiiskaa ayaan weydiisanayaa inuu Sh. Cabdillaahi Maxamuud Ciise, iyo Sh. Saciid Yaxye iyo Culimadii iyo dadkii kale ee lagu Xasuuqay Masjid Al Hidaaya, u Naxariisto, Shahaado u Aqbalo, Jannaatul Firdawsna hoygooda ka dhigo. Eheladoodi, bahda dacwada, iyo muslimiintana, samir iyo iimaan Allah ka siiyo. 

Sh. Cabdillaahi Maxamuud Ciise, ayaa xabashidu ku dishey Masjid, isaga iyo rag kale, waxaa igu salaamay, walaalihii igu soo dhoweeyey airportiga magaalada PE ee dalka South afrika galabta markii aan kasoo degey, anoo shalay dhan safar ahaa. Wuxuu khabarku igu noqday fajac, waxaanan soo xusuustay Sh. Cabdillaahi, iyo Muddada dheer ee aan wadada dacwada ee dheer ku walaalowney, xeshu milix noqonay, oo gurigiisa imaaraad aan wax badan booqday, isna makka gurigayga wax badan ila soo degey. 

Sheekhu wuxuu ahaa, daaci weyn, faqiih cilmi badan, jaamacadda Madiina casrigeedii dahabiga ahaana wax ku soo bartay, xilligii ay Joogeen Culimadii waaweynayd ee Sh. Ibnu Baaz iyo Sh. Shinqiidi Raxmatullaahi Calayhim ajmaciin iyo culima kaloo fara badnayd. 

Sh. Cabdilaahi waxaanu is baranay, dhawr iyo labaatan sano muddo laga joogo, intii ka dambeysana dacwada islaamka ayaanu ku walaalowney, waxbadan waxaanu ku rafiiqnay, sucuudiga, imaaraadka iyo soomaaliya intaba.  

Sh. Cabdillaahi waxaanu isla wadaagney waqtiyaal badan hawla dacwadeed, wax badan ayuu nagu soo dhoweeyey gurigiisi imaaraadka intaan laga soo musaafurin, marxalada adag oo dacwadu soo martayna waan isla soo marnay, rag lays qabto iyo rag la heshiiyo, intaba waan isla soo aragnay, mar kasta, waxaanu lahayn xiriir walaaltinimo oo wanaagsan, waxaana isugu kaaya dambeysey xilliyadii maxaakimtu muqdisha joogtey. 

Sh. Cabdillaahi, Allaha u naxariistee, astaanta ugu weyn ee aan ku bartay mudadaas dheer, wexey ahayd, Qalbiga wanaagsan, (salaamatu sadriga). Wuxuu ahaa nin aad u qalbi fayow, waji furan oo bashbaasha leh, soo dhoweyn fiican, deeqsiya, nin kastoo ay fikrad isku qabtaanna u qalbi san, waana mid aan qof walbaa heli Karin. 

Sh. Cabdillaahi, Wuxuu kaloo ahaa, nin aad ugu adeega walaalihiisa muslimiinta, oo kii baahan, kii shafaaca u baahda, kii dhibaatu ku jira, kii in wax lala furdaamiyo raba, intaba u jajaban, oo u adeega, oo wax la qabta. 

Allaha weyn ee casiiska ah waxaan ka baryayaa inuu Sh. Cabdillaahi Jannaatul Firdows geeyo, Annaga iyo Eheladiisiina samir iyo iimaan naga siiyo. 

Cadowga Xabashida ee ummadda Muslimkaa ee Soomaaliyeed Masaajidda iyo Magaalooyinka ku gummaadeysana Ilaahay dhabarka haka jebiyo, iyaga iyo inta u adeegta ee Muslimka dhibkiisa gacan ku siisa.

Waxaa waajib ku ah, ummadda soomaaliyeed iney cadowgaas foosha xun meel uga soo wada jeestaan, tafaraaruqana ka tagaan, si Ilaahay ugu naxariisto, guushana u haleelsiiyo, Inshallaahu goorey ahaataba Xabashi waa tii jabta, munaafiqna naxdin u dhinta! 

Maxamed Idris Axmed 
Port Elizabeth, South Afrika  21-4-2008

Ciidamada Itoobiya oo Gowracay 20-qof oo Culimo u Badan oo uu ku jiro Macallin Dugsi Quraan....
Meydkii dadkaas ay ciidamada Itoobiya gawraceen ayaa isniintii oolaa afafka hore ee masjidka Al Hidaaya ee xaafada Waxara-Cadde ee magaalada Muqdisho Akhri... Apr 22

Culimada oo tacsi u diray qaraabada dadkii lagu xasuuqay Muqdisho...

Faafin: SomaliTalk.com | April 23, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com