Ciidamada Itoobiya oo Gowracay 20-qof oo ay ka
mid yihiin Culimo
uu ku jiro Macallin Dugsi Quraan....
- Ciidamo Ethiopian ah ayaa Isniintii
saarnaa dusha sare ee masaajidka Al Hidaaya ee
xafada waxaracade oo inta badan ay ku
cibadaystaa culumada tabliiqa ah iyada oo
hareeraha afafka hore ee maajidkana laga
sheegayo in ay yaalaan ilaa 20 meyd oo ay shalay
gowraceen ciidamada Ethiopia ee halkaasi ku
sugnaa welina aan la aasin waxayna isugu jiraan
rag culumo ahaa iyo dad deegaanka ka mid ahaa
waxaana ku jira macalin dugsi quraan dhigi jiray
kaas oo xaafada caan ka ahaa -
- Ciidamada Itoobiya waxay Talaada April 22,
2008 u tahay maalintii 482aad inta ay
haystaan magaalada Muqdiosho... Intaas oo
maalmood oo tacaddi iyo ciqaab ay ku hayeen
shacabka deggan Muqdisho...
Dagaalkii Muqdisho oo ay ka dhaceen falal gabood
falyo ayaan hadana aysan dhamaan wixii dhacayey sida
ay sheegayaan dadka odorasa xaalada dagaalada
somaliya waxayna ka dayrinayaa soo noqnoqshada
dagaalada iyaga oo qiyaas ku bixiyey in xaaladu
bilow tahay ,
Dagaaladii ugu danbeeyey ee maamaahaan ka dhacay
qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho oo ay isaga soo
horjeedeen ciidamada Ethiopia oo garabsiinaya
cidamada dowlada FKMGiyo kooxaha ka soo
horjeedo joogitaanka ciidamada shisheeye ee gudaha
somaliya waxaana ka dhashay qasaare dhimasho iyo
dhaawacba leh oo soo gaaray labada dhinac iyo dadkii
rayidka ahaa ee ka agdhawaa halka dirirtu ka socotay
,
Dagaalkaa intii uu socday waxaa la isku ridayey
madaafiic xoogan ,PM. Qoriga lidka diyaradaha ,
hoobiyeyal, qoriga taangiga ku rakiban iyo kuwo kale
oo dad iyo duunyaba baabi.ya waxaana dhacday in dad
Somali ah la gowraco sida ay sheegayaan
goobjoogayaal indhahooda ku soo arkay wixii dhacay
waxayna sababatay in ay isaga barakacaan intii
awooday Xaafadaha gubta , towfiiq, heliwaa ,suuqa
xolaha ,waxaracade, agaagarka shaneemop cabdi
waayeel iyo meelo kale ayaa noqday goob dagaal
sadaxdii maamood ee ugu danbeysay ,
Wararka imaanayaa isniintii goobaha dagaaladu ka
socdaan ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah ay
saaran yihiin dusha sare ee masaajidka Al Hiyaaya ee
xafada waxaracade oo inta badan ay ku cibadaystaa
culumada tabliiqa ah iyada oo hareeraha afafka hore
ee maajidkana laga sheegayo in ay yaalaan ilaa 20
meyd oo ay shalay gowraceen ciidamada Ethiopia ee
halkaasi ku sugnaa welina aan la aasin waxayna isugu
jiraan rag culumo ahaa iyo dad deegaanka ka mid ahaa
waxaana ku jira macalin dugsi quraan dhigi jiray
kaas oo xaafada caan ka ahaa.
Xaalada gobihii Axaddii ayaa kacsan ka dib markii ay
soo buuxiyeen cidamo Ethiopian ah waxaana hadkii
xaafada u barakaceen geedaha hoostooda halka ay iska
galaan duurka iyo magalada waxayna sitaan dadka
cusub ee barakacaya wixii ay qaadan karaan. mid ka
mid ah oo saxafada ay wareysatay ayaa sheegay in
qoysas badani ay bilaabeen in ay barakaceen iyada oo
dareenka dadkana aan la qiyaasi Karin.
Dhimashada dadkii ku dhintay dagaalada ugu
dambeeyey waxaa lagu qiyaasay in ay gaartey ilaa 85
qof.
Dhanka kale, sida ay werisey hay'adda reuters,
isniintii waxaa xooggaga ka soo horjeeda joogitaanka
Ciidamada Itoobiya ay la wareegeen gacan ku haynta
magaalada Diinsoor iyo magaalada Guda oo ku taal
dhanka xeebta koonfureed, halka ay Axadii la
wareegeen magaalada Waajid.
Zenawi oo Xiriirka u jaray dalka Qadar.
Qoraal ay faafisay (April 21, 2008) wakaaladda
wararka u faafisa xukuumada Zenawi ayaa sheegay in
ay xiriirka u jareen dalka Qadar iyagoo arrintaas
sabab uga dhigay waxa ay ugu yeereen in Qadar ay
taageerto "Argaggaxisada" Soomaaliya, waa sida ay
hadalka u dhegeen'e, iyo in Qadar ay xiriir la
leedahay Eriteriya.
Dooni kaluumeysi reer Spain ah oo ay
afduubteen burcada badeed Somali ah
Dooni kaluumeysi oo sida 26 shaqaalo lagana leeyahay
dalka Spain ayaa lagu afduubtay meel u dhow halkii
laga afduubtay markabkii faransiiska laga haa ee
dhawaan afduubayashii laga sii daayey qaarna la
qabqabtay laguna maxkamadeeynayo magalada baris ee
dalka faransiiska ,
Arintaan ayaa saxafda u xaqiijiyey wasiirka arimaha
dibada ee dalka Spain in weerer gaadmo ah lagu
qaaday doonidasi oo maraysay xeebaha wadanka
somaliya ma jiraan wax dhimasho iyo dhawac ah o ka
soo gaaray shaqaalaha doonta saran
13 ka mid ah shaqaaha doanta saaran ayaa ah
muwaadiniin u kala dhashay wadamo africaan ah halka
13 kale ay yihiin muwadiniin reer Spain waxaana ay
gacanta u gashay 4 burcad badeed Somali ah oo ku
hubeysan qoryahay fudud iyo bambaanooyinka gacanta
laga tuuro ay gudaha u galeen doonidaas ,
Doontaan ayaa markii ay burcad badeedu qabsanaysay
waxay ku fureen rasaas taasoo dhawac gaarsiisay
markabka balse hada uu socon karo
Wasaarada gaashin dhiga ee dalka Spain ayaa daboolka
ka qaaday in qaar ka mid ah milatariga dalka Spain
ay ku sugan yihiin bada cas
in uu u soo dhaqaajiyeen qar ka mid ah
maraakiibteeda dagaalka halka lagu heysto doonida
laga leeyahay dalkooda waxaana lag acodsaday in ay
gacan u fidiyaan markabkooda la heysto
Sidoo kale wasaarada arimaha gudah ayaa la sheegayaa
in ay xiriir la sameysay markabka laguna war galiyey
in la heysto doonta
Arintaan ayaa ku beegmaysa xili lix burcad baded
somali ah dorad la horgeeyey maxkamad ku taal
magaalda bariis ee dalka faransiiska kuwaas oo loo
heysto afduubashada marka uu dalkaasi leeyahay
WARSAAAFADEED KU SAABSAN XASUUQA IYO BARKICINTA CUSUB AY CIIDAMADA CADWGA
ETHIOPIA KA WADAAN MUQDISHOGen.
Jaamac Maxamed Qaalib oo faallo ka qoray waraysigii
Zenawi
C/laahi
Yuusuf oo la kulmay Aqoonyahanada Northland Sate of Soomaaliya