Culimada Soomaaliyeed oo tacsi u diray qaraabada dadkii lagu
xasuuqay Muqdisho
بسم الله الرحمن الرحيم
إنا لله وإنا إليه راجعون
اللهم اأجرنا في مصيبتنا واخلفنا خيرا منها
Tacsi
Qalbigu wuu murugaysan yahay, ishuna way ilmaynaysaa, mana oranayno
wax Alle raalligalinaya mooyee wax kale.
Waxaan ka murugaysanahay dadkayaga cadawgu ku xasuuqay magaalada
Muqdisho gaar ahaan culimada iyo xercilmiga lagu xasuuqay masjidka
Al-hidaaya ee xaafadda Waxaracadde.
Waxaan annaga oo la murugaysan halkaan tacsi uga diraynaa qaraabada,
ehelada, saaxiibada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen
gacalkoodu.
Waxaan si gaar ah tacsi ugu diraynaa qaraabada, eheleda, saaxiibada
iyo ardayda Sh. C/laahi Maxamuud Ciise oo ka mid ahaa culimada ugu
waaweyn dalka Soomaaliyeed iyo Sh. Siciid Yaxye oo ka mid ahaa
ducaadda ugu waaweyn gobolada koonfureed.
Waxaan Ilaahay uga baryaynaa dhammaantood in uu ka dhigo SHUHADAA’,
dambigoodana dhaafo, uuna koryeelo darajadooda, dadkii ay ka
geeriyoodeena uu ka siiyo sabir iyo iimaan … Aamiin.
1. Sh. Cali Warsame Xasan
2. Sh. Bashiir Axmed Salaad
3. Sh. C/qaadir Nuur Faarax
4. Sh. Yuusuf Aadan Maxamed
5. Sh. C/naasir Xaaji Axmed
6. Sh. Maxamuud Ciise maxamuud
7. Sh. C/laahi Cabdi Cali (Makawi)
8. Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan
9. Sh. C/laahi Sh. Nuur
10. Dr. C/qaadir Max’ed C/laahi (Garre)
11. Sh. Maxamed Idriis Axmed
12. Sh. Xasan Maxamed Ibraahim
13. Sh. Axmed C/samad
14. Sh. C/fattaax Xasan Axmed (Shimbirow
La xiriir: dacwah@hotmail.com