SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Xafladda furitaan Taleefishinka Raad International oo London ka dhacaysa

  • Musharax Soomaaliyed oo u taagan doorashooyinka Stateka Neuchâtel ee Switzerland

Xafladda furitaan Taleefishinka Raad International oo London ka dhacaysa

Dad badan oo Soomaali ah waxaa ay in mudo ah hadal hayeen furitaanka Taleefishin ku hadla afka Soomaaliga, barnaamijyadiisana gaarsiin kara dhamaan daahafaha dunida iyo deegaanadda ay ku dhaqan yihiin dadka ku hadla afka Soomaaliga. 

Ayadoo ay dhici karto in Taleefishino badan la furi karo ayaa haddana dadka Soomaaliyeed waxaa ay u baahi qabeen taleefishin tayeysan kuna shaqeeya, hufnaan, dhex-dhexaadnimo, run iyo u adeega dannaha ummdda Soomaaliyeed.  

Maalinta jimcaha oo ku beegan 25/4/2008 waxaa lagu qabanayaa galbeedka London xafaladii furtitaanka Taleefishinka cusub ee Raad-International, xafladdaan oo siweyn loosoo agaasimay waxaa lagu martiqaaday, ganacsato,siyaasiyiin, aqoonyahano, iyo dadka laf-dhabarka u ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingriiska, waxaana looga soo qeybgalayaa hab martiqaad ah.     

Haddaba taleefishinka Raad-Intenational oo ah taleefishin ay fikiradiisa leeyhiin aqoonyahanno iyo ganacsato Soomaaliyeed ayaa in mudo ah oo kor u dhaafaysa afar-sanadood, waxaa laga shaqeynayey sidoo loo taabo gallin lahaa, asagoo la jaanqaadi kara baahida ay dadka Soomaaliyeed u qabaan taleefishin tayeysan. Taleefishinka ayaa hadda waxaa uu gudbay marxaladdii uu hawada gali lahaa wuxuuna si toos ah hawada u galayaa 2-da bisha May oo ka dhimantay maalmo qura, taleefishinkaan ayaa waxaa ka hawlgali doona weriyeyaal sumcadd iyo qadarin ku dhex leh ummdda Soomaaliyeed, sifiican u garanaya xirfadda iyo mihnnada saaxaafadda, waxaana illaa iyo hadda la hubaa inay la jaanqaadi doonaan furitaankiisa weriyeyaasha ka ah, Axmed Xasan Cuuke, C/salaan Hareeri, Maxamed Ducale, Maxamud Dalmar, C/shakuur Cali Mire, Cali Axmed Rabi, C/xaafid iyo Amran. 

Barnaamijyadda uu ummadda Soomaaliyeed ugu talagalay ayaa waxaa ay ka kooban yihiin,diin, siyaasadd, suugaan, wacyigalin,taariikh,warar,imw. Ayadoo taleefishinku yeelanayo hab faafreeb oo lagu illaaliyo tayadda iyo sumacada Taleefishinka.   

Haddab Taleefishinka oo hawada galaya labada bisha May ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Afrika iyo carabaha waxa ay ka daawan doonaan. Frequency: 3551 Horizontal Symbol rate: 1333 FEC: 3/4 Transponder:4GL. Waxaa sidoo kale maamulka taleefishink xaqiijiyey inay bisha June hawda galin doonaan qeybta Yurub oo markaas laga daawan doonno dalalka Yurub oo dhan. balse bisha may laga daawan doonaa dalalka kuyaal Afrkara, Carabaha, Australia. 


Musharax Soomaaliyed oo u taagan doorashooyinka Stateka Neuchâtel ee Switzerland 

Bishan April 27keeda waxa ka dhacaya Stateka  Neuchâtel ee Switzerland doorasho heer dagmo ah. Musharixiinta u tartamaysa in loo darto jagadan ayaa  waxa ka mid ah C/llaahi Maxamed oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee magangalyada siyaasadeed ka helay wadankan Switzerland dagaalkii sokeeye ee soomaaliya ka qarxay ka dib. Musharuxu wuxuu ka  tirsan xisbiga lagu magacaabo Solidarités oo isagu u ololeeya sidii dadka soo haajiray u heli lahaayeen xuquuqda shuruucda wadankan u ogoshahay. 

Hadaba hadii aad dagan tahay magaalada Neuchâtel is la markaana leedahay xaqa codeeynta fadlan taageer musharaxan matalaya dadka madoow iyo Soomaalidaba. 

Candidates et candidats de Solidarités pour l’élection au Conseil Général en Ville de Neuchâtel/ Switzerland

La xiriir: Cali Dhagax Mohamed | dhaga01@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2008

masjidBooqashada Sh. Maxamed Idris ee Koonfur Afrika: Waxaa Wadanka South Africa Booqasho Dacwadeed kusoo gaaray.. Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com