SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Booqashada Sh. Maxamed Idris ee Koonfur Afrika

masjidWaxaa Wadanka South Africa Booqasho Dacwadeed kusoo gaaray Sh. Maxamed Idris Axmed, isagoo kasoo degey Magaalada Johannesburg Maalintii Isniintii 14/4/2008, Waxaana sheekha soo casuumey Majlis Al Bayaan Al Islami, oo ah Urur ka Dacwada iyo Masaajidda Soomaalida Deggan South Afrika. Sheekha Waa Booqashadii Saddexaad ee uu Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan South Afrika ugu yimaado Isagoo horay usoo booqday dalkan 2006, 2007. 

Sheekha oo la filayo inuu ku sugnaado South Afrika muddo laba asbuuca, wuxuu booqashooyin dacwadeed ku kala bixin doonaa gobolada kala duwan ee dalka south afrika iyo goobaha ay ku dhaqan yihiin ama ku badanyihiin dadka soomaaliyeed sida gobolka Gauteng ee ay ku yaalaan Johannesburg iyo Pretoria, Isagoo ay barnaamijkiisa ka mid tahay inuu siyaarto magaalooyinka Johannesburg, Pretoria, Rostenburg, Nelsbret, Cape town iyo agagaarkeeda, sida Nyzna, George, iyo P. Elizabeth iyo agagaarkeeda. 

Muxaadaradii ugu horreysey wuxuu sheekhu ka jeediyey Masjidka Soomaalida ee Johannesburg maalintii isniinta bacdal maqrib, mawduuceeduna ahaa “ Wadajirka iyo Kala tagga – Asbaabaha iyo Xalka” . Halkaasoo sheekhu ku faah faahiyey Kala tagga (tafaraaruqa) iyo dhibaatooyinkiisa iyo asbaabaha keena, iyo wadajirka iyo faaiidooyinkiisa iyo asbaabaha lagu gaaro, wuxuuna sheekhu ugu dambayntiisii muxaadaradiisa ku soo qaatay mushkilada Ummadda Soomaaliyeed haysata, iyo cadawga dhow iyo kan fog ee ummada iney dabar go’do ka shaqaynaya, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in Itoobiya jeceshahay Ummad Soomaaliyeed oo dhan in la waayo, Taariikhda dheerna wexey kazoo shaqayneysey sidii ay u wiiqi lahayd ummadda soomaaliyeed ee Muslimka ah. 

Wuxuu sheekhu farta ku fiiqay, in Itoobiya iyo cadawga ummadda oo dhami ka faaiidaysanayo, kala taga iyo tafaraaruqa, iyo Dawlad la’aanta Ummadda Soomaaliyeed, waayo Soomaaliya Markey Dawlad lahayd Itoobiya kuma dhicin iney hawaysato iney cag soo dhigto. Sidaa darted kala taga iyo Tafaraaruqa iyo Dawlad la’aantu wexey Ummadda Soomaaliyeed ka dhigtay hilib bisil oo cid kastaa hunguriyayso. Wuxuuna ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed iney Cadawgooda u midoobaan, Ilaahayna wexey dulmi galeen uga tawbad keenaan, wada hadlaan oo wixii dhex yaal kitaabka iyo Sunnada ugu xukuntagaan, haddii ayan (culimada Soomaaliyeed) ku kalsoonayn, iney u yeertaan Culimada Muslimiinta Adduunka sida Carabaha iyo Aaasiya iyo Afrika, si Kitaabka iyo Sunnada loogu kala saaro. Wuxuu Sheekhu tilmaamay Itoobiya inaaney Saacad Joogi Karin dalka Soomaaliya, haddii ummadda soomaaliyeed iyo qabaailkooda iyo culimadooduba ay hal dhinac isu raacaan, ama maslaxadda guud ee ka dhexeysa u tanaazulaan.. 

Sheekhu wuxuu Muxaadaradii labaad galabtii arbacada u galay dumarka, maqribkiina raga, waxaa kaloo sheekhu halkaas ku ururshey tabarucaad lagu gadaya dhulka iyo dhismaha Masjidka Johannesburg, halkaasoow habeenkii xalay ay rag iyo dumarba ku tabaruceed lacag kor u dhaaftay 1 malyan oo Rand (ama 150,000 oo US$) ah. Maantana tabarucaadkii ayaa sii socday oo 450,000 oo Rand ama ( 60,000 US$) ayaa dadweynaha masjidku bacdal maqrib ilaa cishihii ku tabaruceen iyadoo weli ay socoto tabarucaadka masjidka uu sheekhu uga ururinayo dadweynaha, targetkuna yahay lacag 3 malyan oo rand ah inshallaah.

Waxaa sheekhu majaalistaas oo dhan ku soo khatimayey duco dadka iyo dalka soomaaliyeed in Ilaahay cadaabka iyo cadawga ka dul qaado, wixii dhagar la rabana dhabarka ka jebsho, Ummadana ilaahay qalbigooda isu soo jiido, dalkoodiina iyagoo nabada ku celiyo. 

Ahmed Dhere
Majlis Al Bayan Al Islami – Johannesburg
majlisalbayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com