SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dowlad Goboleedka Puntland EE Soomaaliya                                                                                                                 

                                                                     Date: - 12/04/08  
 

Ku: - Madaxtooyada DGPL    Garowe

Ku: - Xeer ilaaliyaha Guud   Garowe 

Ku: - Gudoomiyaha Gobolka Nugaal    Garowe

Og: - Maxkamada Sare          Garowe

Og :-  Safaarada Faransiiska Djabuti    Djibouti

Og: - Madaxtooyada Dowlada Fadaraalka    Somali

Og: - haayadaha Xuquuqu insaanka     

Og: - Booliiska Aduunka  
 

Ujeeddo: - Cadayn Lahastayaasha Soomaalida ah ee lagu qabsaday Garacad inayna ahayn Afduuba yaasha... 

Anagoo ah Odoyaasha lahaystayaasha hoos ku taxan waxaan halkan ku cadaynaynaa inayn ahayn Burcadkii doonta qabsatay dadku Faransiisku haysto ayna ku sugnaayeen Puntland markii burcadka iyo Faransiisku gorgortamayeen iyo markay lacagta kala qaadanayeen ayna ahayn afduubayaal dabaashana aqoonba inta aana ognahay inta mitiraad kabadan aan gaarin 10 badna aysan ubareeri karin tankale oo aan ku cadeenayno waa layaqaan afduubayaasha manaqabsan faransiisku talafashinada aduunka ayaa laga soodaayey wajiyadooda kuwa uu haystana waxa ay kamid ahaayeen daawadayaasha burcadka ka daawatay talafishinada.

waxaa kale oo xusid mudan Puntland kama qarsoona burcadu qof-qofna bay utaqaan iyo waliba qabiil qabiil, hay’addo amnina waa leedahay haddii aysan iyadu raali ka ahayn dadka wadooyinka Puntland marayo layska qaato sabab la’aan waa inay noo cadaysaa sababta dadkaa loo qaatay, waxaan ka codsanaynaa dowlada faransiiska way yaqaanaan dadkii wax ka qabsaday oo qafaashay dadkooda iyagaa xiriir lahaa iyagaa wax kale qaatay, waa inay noo cadeeyaan sababta ay  ku qabsadeen dadkayaga damaanad qaadna ka bixiyaan, noloshooda iyo wixii ay ugeestaan jir ahaan iyo maskax ahaanba, laguna soo celiyaa Puntland haddii danbi leeyihiina lagu cadeeyaa, haddii aysan lahayna wax dambi ah laga bixiyaa magdhow, xuquuqdoodana la dhowraa . 

Magacyada Lahaystayaasha Beeshayada

1. Maxamed Siciid Maxamuud  (Reer Cumar)

2. C/daahir Guuleed Awsiciid  (Reer Cumar)

3. C/qaadir Guuleed Awsiciid  (Reer Cumar)  

F.G:- Magaranayno Reer miyigayagii goobtaa daganaa wax gaaray iyo wax ku dhacayba ee ciidamada Faransiisku ka duldageen dagaalkuna ku qaadeen, iyo dadka kale oo lala qaatay nimankaas oo aanu filayno inay sidooda oo kale yihiin oo ayna ahayn Burcad badeedkii, xoolaha iyo dadka iyo dhirta iyo badda  waxa gaaray, dib baanu ka soo sheegi doonaa iyada oo qasaaro balaaran naloo soo sheegayo, waxaan ka codsanaynaa mar-labaad meelaha ay warqadaan ku socoto iney naga soo siiyaan jawaab deg deg ah

Odoyaasha Beesha Dadku ka maqan yahay. ee qoraalka soo saaray  kala xiriir fahadnuur@hotmail.com  

NB: - Wixii intaa dheer Waxaa lagaga soo xiriirayaa Telephone-nada kala ah: - 

  1. 252-90-740816.
  2. 252-90-748078.
  3. Email: fahadnuur@hotmail.com  

Dood: Faransiiska iyo Dadka ay qabqabteen - Guddoomiyaha G/Mudug
Dhegeyso ama Halkan (mp3) - Codka Maraykanka

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2008

franceSawirro Muujinaya Diyaarad Faransiis ah oo Burcad ka taxaabeysa Puntland..
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com