SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



2002: BORLANGE IYO SOMALITALK.COM
 

2007: Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II


Geeddi galbayee guumayskee galgalan doono?

Qore:

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 

Nov 1, 2007


Hordhac

Waxaa jirto maahmaah ay soomaalidu kumaahmaahdo oon aniga shakhsiyan jeclayn maadaama ay kusaabsan tahay durid ladurayo dummarka balse aan jeclaystay inaan usoo qaato xaaladda maanta taagan. Maahmaahdana waxay ahayd sidan; Habar dhali wayday aleelo kuwaalatay. Waa maahmaah ay runtii kamuuqato aflaggaaddo lugu durayo qof dumar ah oo baadigoobayso siday ilmo u heli lahayd. Anoon aaminsanayn inay maahmaahdaa sax tahay jecelna inayba bidhaan qarsoonto foolxumadeeda darteed ayaan haddana kammaarmi waayey maadaama aan arkay qolo ay ku habboontahay xilligan lajoogo in loogu yeedho. 

Cali Maxamed Geeddi

Asagoon dadku horey u aqoon ayuu halmar soo baxay, kadib markay Itoobiya soo sharaxday maadaama ay kukalsoonayd uuna ahaa wiil ay iyada soo barbaarsatay lana aragti iyo hadaf ahaa. Dad badan way ku’adkaatay inay wax kusheegaan markuu soo baxay maxaa yeelay wuxuu ahaa nin aan siyaasadda fadhiidka ah ee soomaaliya kajirtay muddadii burburka aanan lugu dhax arag. Sikasta oo uu qofku ufiicanyahay sikasta oo uu aqoon uleeyahay sikasta oo uu karti uleeyahay waxaa jira waxyaabo kahorimanayo oo uusan sinnaba uga gudbi karin. Qofkii caqli leh wuu qiyaasi karay inuusan Geeddi 1% oo wanaag ah soomaaliya kusoo kordhin karin waaba hadduu wanaag yaqaanno oo uu rabay inuu sammeeyo. Maxaa yeelay waxaa madax u ah Kornaylka oo hore uqirtay inuu asaga soomaaliya xiddidada usiibay, asagana waxaa madax usii ah Meles Zenawi oon illaa iyo hadda aan lacadayn karin wuxuu soomaaliya kamaagganyahay oo qudha waxaa lahubaa inuu doonayo inuu meel xun ugasoo hadho. Inuu Gummaysan rabo, inuu kala googayn rabo, inuu kufsan rabo ama inuu intuba rabo inuu kawada sammeeyo illaa iyo hadda makala cadda. 

Intaa waxaa usii dheerayd Geeddi waxaa ciidan u ahaa ciidamo Gumaysi oo loosoo carbiyey inay wax gummaystaan waxna gummaadaan iyo Mooryaan qaadku cunto uyahay oo ubadkooda mijin qaada kubadalani hadday doonaan looguna yeedhay magac khayaali ah oo ah inay yihiin ciidan qaran. Qaran jiro ayaa ciidan yeeshee aaway qaranka? Mase soomaaliyadii hore ee lagasoo gudbay bay ciidan u ahaayeen? Mise soomaaliya dhalan doonto oonnan war uhayn bay ciidan unoqon doonaan? 

Geeddi markuu xoogaa kursiga kufadhiyey ayay soo baxday shakhsiyaddiisa wuxuu galo iyo wuxuu gudo, la’ogaadayna wuxuu meesha uyimid oo ahayd inuu fuliyo siyaasadda madaxda Itoobiya asagana shakhsiyan hadduu wax uga baahdo uu suu rabo u cantuugo. Waxay ahayd marka hadduu caqli leeyahay inuu aqbalo mar haddii layidhi kadag jagada wakhtigaadii dhammaayee. Qofku hadduu qof wayn yahay waxna kala garanayo wuu garan karaa dagaalka uu ku guulaysan iyo kakale iyo waliba awooddiisa intay dhantahay. Intuusan af labadii dhawaaqin oo ayna erayo culculus kadhicin ayey ahayd inuu tabartiisa ogaado. Intuusan Reer Muqdisho oo uusan waligii waanag ugalin haddana usoo wadin uusan dhihin wax iskaceliya, intuusan kudoodin inuu ummadda xilka uu uhayo uusan kadagayn oo uusan been intaa la’eg lasoo shir tagin, intuusan kaga xanaajin adeerradii ayey ahayd inuu aqbalo taladooda asagoon dharka iska tuurin sidii hadda loo dulleeyeyna aanan loo dulaysan. 

Inkastoon soomaalida muslimka ah sidoo kalena xil kaska ah uusan qadarin dhaxdooda kamudanayn danbiyada uu galay dartood haddana darajada uu maanta kusugan yahay way dhaammi lahayd hadduu intaas kacaqli badnaan lahaa. Oo haduu si tartiiba xilka isaga dago hadhowna kudoodo qolodii meesha igaystaybaa i tidhi kadag oo hadalkooda madiidi karin aadbay udhaammi lahayd siduu maanta kutagay. Waxaan umalayn hadday jidhkiisa kujirto inyar oo xishood ah inuusan 10 sano oo soo socoto meel fagaare imanaynin. Maxaa yeelay haddallo waawayn ayaa kadhacay; Qowl waayeel waa qolof geedkeedii kadhacday ayaa horey loo yidhi. Dad badan ayaa uqaatay inuu Geeddi dagaal ooge noqoni oo uusan ciyaarciyaar kutagayn asaga iyo Kornaylkana ay meel fog kusoo kala hadhi. 

Kadib waxaa halmar laga warhelay Geeddiyoo looga yeedhay xaruntii soomaaliya laga xukumay mar labaad, xan yarna ay soo baxday laleeyahay labadii Waraabe haddana sucuudiga ayaa uyeedhay oo raba inuu heshiisiiyo iwm. Waxaa kuxigtay Geeddii oo katiinaydsan oo buusbuusan oo godkii ciidamada sirta ee Maraykanka uga furraa Addisaba lugusoo maraanmaray oo ay waardiye Tigree ah wadaan oo garoonka Baydhabo lagasoo dajiyey kadibna toos loogu geeyey Wiil balaayo halkaasna raalli galin kudhiibay rukuucna kudaray aflaggaaddadii uu aabihiis ugaystay iwm, kadibna iscasilay. Waxa la’iswaydiin hayo ayaa ah barafasarka mafahmi waayey meeshuu joogo iyo awooddiisa goor hore? Muxuu sidan isugu dulleeyey? Muxuu u aqbali waayey mar hore inuu xildhibaanno kusheegga is hor geeyo oo ay asaga iyo aabihiis halkaas kukala baxaan si ay xoogaa yara sharaf ugu noqoto oo ay ugu ekaadaan niman xeerkay dajisteen kukala baxayo intay sidii qamarjiyadii luuluuqa dhaxdooda feedh kudhammaysanayaan. 

Aan usoo noqdo ujeedadaydii qoraalkan

Waaxan sheeko kumqalay nin askari ah baa waa hore isku dayey inuu dajiyo xeer ciqaabeed oo ciidamada lugu maamulo. Markuu xeerar badan dajiyey ayaa layidhi wuxuu kawarhelay inuu asaga laftiisa mid kamid ah xeerarkii uu dajiyey uu jabiyey, ciqaabta xeerkaana uu yahay dil. Waxaa layidhi wuu is dilay, wuxuuna isu dilay si’uu xeerkiisa udhaqangalo oo loogu dhaqamo. Haddaad rabto inaad nidaam hirgaliso waa inaad adiga iska billowdo kuna dhaqanto. Odayga marka waxay ahayd inuusan aqbalin in Geeddi inta gafuurka laga garaaco lugu khabso inuu iscasilo ee waxaa uga fiicnayd in uu xildhibaanno kusheegga horkeeno halkaana cod loogu qaado oo lagu rido si’ay ugu ekaato inuu nidaam jiro. Ninkii shalay lalahaa waa Ra’iisalwasaare dhulkaa lugu jiiday oo xitaa gurigiisii waa labililiqaystay asagoo karbaashan oo madaxa foorarinayo ayuu Baydhabo yimid kadibna waxaa layidhi carar oo bidhaan qarsoon oo yaan lugu arkin mar danbe. Nasiib darradiisase waxaa soo ifbaxday Kornaylka siduu rabo inuu wax kumaamulo oo uu isu arko sharcigii ladajiyey, dalkii iyo dadkiiba. Waxa loogu yeedho DFKM ahna waxaa kamuuqdo caalamadihii uu Puntland kusuntay ee ahayd inuu xeerarkii uu asaga wax kadajiyey haddana baalmaro kana dhigo; cadyahow ama kucunay ama ku ciideeyey. 

Wanaataa riyadii reer Puntland la’isla arko meeshay kudanbaysay kadib markuu marin habaabiyey kana dhigay maqaaxi asaga ushidan oon ujeeddo intaa kadheer lahayn. Cadna waa go’ay oo wuxuu labaxay Maakhir kadib markuu kujaho wareeray maamul xumada meesha taallo, cad kalana Somalilandbaa meel cidla ah kaheshay oo cantuugtay. 

Gabogabadii

Waxaa aad la’isu waydiinayaa waa kuma miskiinka maangaabka ah ee haddana sida Geeddiyoo kale intii la’aakharo seejiyo haddana inta ladulleeyo dabada laga haraantini markuu guto waajibaadka gumaysigu higgaadinayo. Ugu yaraan Geeddi wuxuu kufaani karaa waa hadday faan noqon karto xoogaa mukhallisnimona waan kushaqaystay oo waxka aruursaday, wiilkaygiina sifiican ayaan u aroosiyey oo malaayiin doollar oon dhacay kubixiyey, sidoo kale odayga shilin waan uga dhaartay intaan meesha joogay oo gaajo ayaan udilay uu gaadhay heer uu dakaddii muqdisho oo marayso; qabri wax laga qaado malaha wax lugu kordhiyo mooyee inuu luluf udoonto oo qashinka yaallo gurto. Ninka Geeddi uga danbayn doono jagadii laga qadanqootiyey wuu kasii tabar yaraan kana sii hoosayn intuu Geeddi haystay oo xitaa loo malayn mahayo in loo oggolaan inuu xitaa mukhallas noqdo iskaba dhaaf inuu kaalmada caalamka ee laaluushka ah afka iskamariyo e. Midda kale muxuu kabadali ama kabadali karaa siyaasadda soomaaliya nin hadda lugu magacaabay Ra’iisulwasaare?  Waxaa hore loo yidhi; quraan alif kaqalloocday albaqara kama tooso. See wax lugu hagaajin waddadeediiba lama hayee! Goormuuse weer adhi meel cidla kahelay noqoni wanaag doone? 

Kooxda soomaaliya afduubatayna sida Maraykan iyo Itoobiya wax ugusoo kordhi maayaan nin kale oo lamagacaabay kadib markii laqadanqootiyey kii kahorreeyey, maxaa yeelay dhibaatada salkeedii mataabanayaan mana ay fiirinayaan inay silcinayaan ummad dhan oo 10 milyan kabadan. Ilaa ay u ogalaadaan inay ummaddaa aayaheeda katashato oo ay askartooda kala baxayaanna wax isbadali malaha wax kadara mooye hadday rabaan xitaa kun aleelood hakeensadeen bal inay horumar yara sammeeyaan oo ay wax uhirgalaan. 

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

Raad ba’ay iyo reer ba’ay:: Dawladnimadii oo sayn lagasoo rifi waayey,... Akhri...

O.N.L.F Ururkii Gobonimada Doonayey - Qaybtii Labaad... Akhri

Oday Dhaqameedyadii gummaystaha: Odayada madasha soo xaadiray, Yay nabadda  gacanta ugu jirtaa?

Afar boqol iyo afartan malyuun oo doollar: maqaal kusoo baxay jariidada göteborgs-posten.... Akhri...

Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com