Qaybtii labaad:
Tallaabooyin istiraatiiji ah oo
uu ururku qaaday
Tallaabada koowaad; Waxay
ONLF kuguulaysatay inay
hirgaliso tallaabo aad umuhiim
ahayd oo ah inay ishortaagto
inay qadiyadda dhulkaa
lagumaysto ay gasho gacanto
siyaasiyiinta hadba markaa
mathala Jamahuuriyadda
Soomaaliya maadaama ay horeyna
ugu fashilmeen dadaalkoodii
sidoo kalena aaban lugu aamini
karin guud ahaan qadiyadda
xilligan lajoogo kadib markay
dad layaab leh oon aduunba
lasocon soo buuxiyeen masraxa
siyaasadda ee Jammahuuriyadii
Soomaaliya. Haddii ay jiraan dad
meel gaadhsiini qadiyadda
dhulkaas waa dadka udhashay
dhulkaas oo hurdada kakaca.
Hadday suurtogal tahay in
caalamka laga dhaadhiciyo
qadiyaddaana waa in loola tagaa
sidii qadiyad kamadax bannaan
Jamahuuriyadda Soomaaliya oo
lamuujiyo inay arrintu tahay dad
lagummaysto iyo dal gummayste
ah, hadafkuna yahay oo qudha
aayo katashiga dadkaa dulman
iyadoon cid kale aan
latixgalinayn. Shaki kuma jiro
inaan lagamaarmayn kaalmada iyo
taakulaynta dadwaynaha kale ee
Soomaaliyeed meel kasta oy
joogaan bal xoraynta dhulkan waa
inay saldhig unoqdaan una
guntadaan dadka gumasiga kuhoos
nool oo aanay cid kale wakiil
kanoqon maxaa yeelay arrin kasta
cidbaa buddhig u ah.
Tallaabada labaad; ee uu
ururku qaaday sanadihii ugu
daneeyey oodna mooddo inayba
barakaysay halganka ururka ayaa
ah isfahamkii uu lagalay
jabhadda OLF ama qawmiyadda
Oromada. Qof kasta oo rabo inuu
xoreeyo dhulkaa Soomaaliyeed ee
ay xabashidu gummaysato waxaa
jirto caqabad aad uculus oo
horistaagi oo haddaan laxallin
aan meella loo dhaqaaqi karin,
caqabaddaas oo layidhaa oromo.
Oromadu waa dadka itoobiya
ugu badan, waxaana laqiyaasaa
60% inay ugu yaraan ciidamada
Itoobiya yihiin Oromo, sidoo
kale xuduudka ugu dheer ayey
soomaalidu laleedahay oromada.
Intaa waxaa sii dheer inuu jiro
dhul balaadhan oo kadhaxeeyo
oromada iyo soomaalida oo
la’iskuhaysto, mana jiro xuduud
rasmi ah oo kala qaybiya oromada
iyo soomaalida. Waxaa jirto
markaa xiisad aan dhammaan oo
udhaxayso soomaalida iyo Oromada
kuna saabsan dhulkaa. Waxaa
arrintaana sii carqaladeeyo inay
qabiillo badan oo soomaali ah
kuhadlaan afka Oromada sidoo
kale kuwo Oromo ahna kuhadlaan
afka Soomaaliga oo marka qoloba
qowmiyadday rabto sheegato.
Si markaa 40 kaa malyuun ee
Oromada ah aan laguugu soofayn
oo meeshaad gumaysi kala diri
lahayd aadan kunafbixin dadkaa
muslimiinta ubadan ood daris
tihiin waa khasab inaad arrinta
oromada dhinac isaga riddo
haddaad kuguulaysato arrintaa
waxaad badbaadsatay naf, hanti
iyo tamar fara badan oo meel
cidla ah kaaga khasaari lahayd
kaana horistaagi lahayd
qaddiyadii aad uxaydatay. Ururka
marka waa guul aad u wayn oo
istiraatiiji ah oo usoo hoyatay
heshiiska saaxiibtinimada ee uu
lagalay oromada. Haddii ayna
oromada cadow kuu arag ciidanka
itoobiya dhib wayn kaaga iman
mayso sidoo kalena culays wayn
oo kale jiri maayo.
Onlf, Ururkii mawqifka
adkaa
Waxaan hore usoo xusay inuu
ururku soo maray marxalado aad u
adadag oo runtii dadka u
kuurgalo arrimaha dhulkaas ay
kusigteen inay yidhaahdaan onlf
way udhammaatay ama way
umdhammaani oo ururkaas kama
dabbaalan karo caqabadaha soo
foodsaaray ama hortaagan maanta.
Dhibaatooyinka ugu wayn ee
ururka soo foodsaaray ayaan inta
badan uga iman xagga gummaysiga
ee uga yimmid ama
Jammahuuriyadda Soomaaliya ama
dadka soomaaliyeed ee dhulkaas
kunool.
Mid kamida dhibaatooyinkii
ugu darraa ee ururka soo maray
ayaa ahayd markii xubnaha ururku
noqdeen dahab laga ganacsado oo
soomaaliyoo dhan isu sheegtay
ninkii madax Onlf keena nolol
iyo geeri Itoobiyana ugeeya inuu
hodmi markaasna ay soomaalida
kala daggan saddexda gobol een
soo xusnay ay billaabeen inay
kaganacsadaan dadka lugu tuhmo
inay xubno kayihiin ururkan
iyadoo waliba ay marar badan
dhacdo in laqaqabto dad shacab
ah oon ururka xubin ka’ahayn oo
markaas la’iskudayo in sumcad
iyo taageero ama lacag looga
raadsado dawladda Itoobiya.
Waxaa dhacday marar badan inay
itoobiyo soo daysay dadkii loo
geeyey maadaama ayna ahayn kuway
rabtay inay marjiso.
Tii ugu danbaysayna waxay
ahayd markuu Malez
kadhaadhiciyey ugaasyadii
gobolka inay kukhasbaan inuu
ururku hubka dhigo lana
heshiisyo dawladda Itoobiya
laakiin ururku arrintaa dhag
jalaq umasiin oo waa iska
indhotiray cadaadiskaas oo
hadafka Malez ahaa hadday
heshiis aqbalaanna gudaha soo
gali oo markaa katakhallus
(sidii billowgii
sagaashammeeyadii uu ugu dhagray
dimoqraadiyaa jirto, kadib
markay doorashadii
kuguulaysteenna xoog u
isticmaalay asagoo qiyaasayey in
mar hadduu ururku hubka dhigo ay
adkaani inuu dagaal danbe galo)
haddii kalena dadkooda kudir oo
utus inay ayaga yihiin waxa
horumarka kahortaagan.
Arrintaasna waa uu kufashilmay
Meles oo uma hirgalin.
Waxyaabaha ay dawladda Meles
iskudayday marar badan ayaa ah
inay laaluushto xubnaha iyo
madaxda ururka oo runtii dad aan
yarayn hunguri qaaday oo ay u
gacangaleen Meles, bal nasiib
wanaag wax saammayn ah dhinacay
rabtoba hanoqotee kuma yaalan
hawlaha ururka.
Soomaalida guud ahaan waxaa
jiro laba ceebood oo ay dhaqan
ahaan u leeyihiin oo lugu
yaqaanno, midda koowaad waa inay
unugul yihiin markii xagga
qabyaaladda lagasoo galo oo
danta larabo loo qabyaaladeeyo,
midda labaadna waa musuqmaasuq
oo ladhihi karo inyar oo ilaahay
ugargaaray mooyee dadka intooda
badan haddii lacag loo sheego
ama darajo uu lacag kuheli loo
sheego wax alla waxuu aaminsanaa
waa katagayaa sida haddaba
kadhacday Jammahuuriyadii
Soomaaliya oo rag ayan da’yari
iyo aqoon yari midna hayn qaybna
lacag caddaan ah dalkoodii looga
gatay qaybtii kursi kacararayna
kursi magac uyaal ah lugu
fadhiisiyey saasna dano fogfog
looga qunsaday.
Ururka onlf imtixaankaasna
waa kabadbaaday intii kamid
ahaan jirtay ee kudhiiqatayna
wax raad ah ururka kuma reebin.
Marka siwalba oo layeelay ururka
waa laga tirtiri waayey
qadiyadda uu qoriga uqaatay
waana kasidiisii 1984 tii illaa
iyo maanta aynu joogno.
Ururku wuxuu kugabyi karaa
maanta oo u bannaan (aniga
aragtidayda) kaligii marka laga
reebo ururka Shabaabka ee kajiro
koonfurta Soomaaliya tixdan aan
kasoo bixiyey gabaygii Dardaaran
ee caanka noqday ee Sayid
Maxamed tiriyey intaanu
geeriyoon madaama uu wali kujiro
halganka hadda boqol jirsaday ee
uu asaga waa Sayidkee billaabay
loogana soo horjeedo/horjeeday
gumaystaha kala duwan:
Dagaalkii nasaarada anaa,
daalib ku ahaaye
Dalka malihid anigaa ku idhi,
doora weynaha’e
Daliilkii Rasuulkii anaa,
doonayoo helaye
Anaa diiday maantuu lahaa,
deeqdan iga hooye
Diinkayga anigaan ku gadan,
dabaqii naareede
Anaan labada daarood tan hore,
darajo moodayne
Markay duushay gaaladu, anaan
daabbadda u rarine
Goortay dareeraan anaan,
diiradda u qabane
Anigaan dariiqiyo waddada, dowga
sii marine
Anaan doora weynow kufriga,
daacadna u galine
Ferenjiga dirayska leh anaan,
duudxamaal u noqone
Doofaarka ayga ah, anaan
daarihiis galine
Anigaan dilaalkiyo ardiga,
duubiga u xidhane
Anigaan dariiqada Aliyo, diinta
caasiyine
ofkii kudoodo ururku urur
dineedna ma’aha diinna uma
dirirayo ee maxaad leedahay
waxaa jawaab ugu filan maadaama
uu dad 100% muslimiin ah
udirirayo inuu gaalo kahoos
bixiyo aniga waxaan u arkaa
inuusan waxbadan kaduwanayn qof
diinta udirirayo. Maxaa yeelay
hadday dadkaas xoroobaan waxaa
usahlanaan inay diintooda macaan
bartaan kuna dhaqmaan.
Labadaasba hadda waa kamamnuuc
rajona kama qabaan intay gumaysi
kufri ah kuhoos jiraan.
Ururkii cimriga dheeraa
Ururrada ay Somaalidu
dhistaan macimri dheera sida
qaalibka ah ayadoo sababta ugu
wayn lugu sheego aragtida dadka
oo inta badan guurguurto oo
aanay saldhig iyo udubbo midna
lahayn. Qofka soomaaliga ah
wanaagga iyo xaqa waa hadba
meesha ay dantiisa kujirto,
xumman iyo baadilna waa
meeshuusan dantiisa ku’arag.
Ururkan ayaa 23 jirsaday
asagoo ayna waxba iskabadalin
aragtidiisa kusaabsan hawshii
loo aasaasay taasoo kadhigayso
ururkii ugu cimriga dheera ee
kahawlgala dhulalka Soomaalidu
ay degto ee Geeska Afrika
qarniyadii ugu danbeeyey marka
la’eego hawsha uu dusha uritay
culayskeeda. Way dhici kartaa
inay jiraan ururro cimri
dheeraaday bal waa ururro aan
masuuliyad wayn isasaarin inta
badanna aan siyaasad luguha
lagalin.
Marka la eego cadaadiska iyo
culayska horayna usaarraa walina
saaran majiro urur lamida
taariikhdan casriga ah. Waliba
waxaa ladhihi karaa ururrada
asaga labarbardhigi karo ee ahaa
ururro siyaasadeed ama jabhadeed
dhammaan cimrigoodu magaadhin 10
sano. Waxaa miithaal kuugu filan
ururradii xarafka S da kabillaan
jirey ee lasammeeyey billowgii
dagaalladii sokeeye iyo
burburkii dawladii dhexe ee
Soomaaliya. Ururradaa maanta way
wada godgaleen oo hal mid kama
noola maxaa yeelay dabeecadda
dadka aasaastay ayaa wajiyo
badnayd aadna usalfududayd.
Waxaa dhici kartaa in qaar
kamida urruradaas aan idhi way
god galen markii dhowr sano
lajoogaba qaar magacooda lakeeno
saaxadda sidii ayagoo jiro,
xaqiiqduse waa in lalulayo
gandaal raqdooda laga sammeeyey.
Ururradaa siyaasadeed ama
jabhadeed ee kale waxay
kukhasbanaayeen inta badan ama
inay sanado kooban guul ku
gaadhaan ama ay burburaan
maadaama qalbiga
taageerayaashooda uusan sidii
la’isku ‘ogaa ahaanayn wakhti
dheer. Ururka onlf xitaa hadduu
aflibaax galay oo laga
argagixiyey waa kasoo baxay
asagoon waliba dhutinayn.
Shock therapy (argagixin
nafsi ah)
Meles qabsashada uu qabsaday
Soomaaliya inkastooy kadanbaysay
arrimo badan oo isu tagay
haddana kama madhanayn inuu kaga
argagixiyo ururka Onlf iyo
ururada kale ee ladagaalamayo si
ay xubnihiisa uniyadjabaan oo
uyidhaahdaan mar hadii kuwii 40
ka sano xorta ahaa qabsasho iyo
xasuuq la’isugu daray annaga
rajo malihin ee aan madaxa
gacmaha saaranno oon isdhiibno.
Nasiib wanaag arrintaa bil caksi
ayeyba isu rogtay maxaa yeelay
xubnaha ururka ayaa kamurugooday
kana cadhooday xadgudubka iyo
dulmiga uu gummaysigu kukacay
ayagoo haddana isu diyaariyeen
inay kafaa’iidaystaan dhiiqada
uu cadowga madax lagalay iyagoo
ogaa goor ay noqotoba inay
kaqabsani mashaqo afka ciidda
udarto nidaamkan Meles ee
jahawareersan.
Meles markuu waa kubaryay oo
qorshihiisii bilcaksi isu
badalay ayuu billaabay inuu
cadaadin iyo gummaad kubillaabo
shacabka aan hubaysnayn. Taas
lafteeda waxay keentay inay
xeryihii ururka kusoo qulqulaan
boqollaal dhallinyaro ah oo
kunoolaan waayey magaalooyinka
halkaasna uu uruku kahelay
ciidan hor leh oo xoojin ah.
Tallaabo kasta oo cadaadin
shacabka lugu qaado waxay
xoogaynaysaa ururka oo
hadalkiisa rummoobahayaa. Intaas
oo ay udheertahay caalamka oo
ogaaday habdhaqanka
ban’iiaadamnimada kabaxsan ee
Meles Zenawi. Marka halkaas
waxaa 100% caksi isu badalay
tallaabadii aragagixinta
kusalaysnayd ee Meles Zenawi.
Qabsashadii Soomaaliyana waxay
kufurtay jabhad hor leh oo ah
Joornaalistayaal raadinaya
macluumad kusaabsan ficilllada
dawladda Itoobiya ay kula kacdo
dadka kuhoos nool.
Inkastoo ay itoobiya
iskudaydo inay qariso xasuuqa ay
dadka soomaaliyeed ee ay
gummaysato ay kuhayso haddana
waa laga gudbay xilligii ay
qarin kari lahayd. Maxaa yeelay
haddaad shay maro kuddado dadkoo
dhanbaa xiisayn inay ogaadaan.
Haddaad ufasaxdo dadka ood
marada kaqaaddo wixii aad
qarinaysaybaa la’arki oo waad
fashilmi haddaad diiddo in
lugula arkana waxay sheekadu
noqoni “wax laqariyaa qudhunbaa
kujiro”. Meles marka meel xunbay
kamaraysaa meesha ururka Onlf uu
marayo caaddaas maalinba
maalinta kadanbaysana sii
xoogaysanayo.
Mustaqbalka dhow iyo kan
fog
Waxaad moodaa in ururku uu
maanta marayo meeshii ugu
fiicnayd xag awood, xag
siyaasad, xag niyad iyo xag
taageeroba. Nidaamka Itoobiya
kajirana uusan saas usii cimri
dheerayn (kadib markay dal aad
uwayn afduubteen hal qabiil oo
aad utiro yar) oo uu isbadal
wayn kusoo fool leeyahay,
isbadalkaasoo ay sababtiisa ay
noqon karto ama Tplf ta oo
iskeed xukunka Itoobiya uga
dagta quusasho ay kaquusato sii
haynta awoodda Itoobiya kaligeed
sidoo kalena ay ku’adkaato
aaminidda qowmiyadaha kale inay
xukunka kushirkoobaan oo markaa
ay xukunka katanaasusho iyadoo
goosanayso gobolkeeda ugaarka
ah.
Ama in si xoog ah xukunka
looga rido oo afka ciidda loo
daro iyadoo wali rajo kaqabto
inay xukunka sii haysato taas oo
iyada lafteeda keenayso burbur
guud oo kudhaco Itoobiya
waligeedna ayna kasoo
waaqsanayn, maxaa yeelay
tigreega uguma ayna tali galin
inay Itoobiya danbe sii jirto
hadday xukunka waayaan, waayo
waxay kabaqayaan inay ayaga
uxoog sheegato maadaama ayna
ubabac dhigi karin itoobiyada
kale oo iswadato Tigreeda
kaligood.
Ururku Onlf markaa wuu ka
faa’iidaysan karaa labadaa
fursadoodba hadday soo baxaan
maadaama uu leeyahay maamul
siyasadeed iyo mid millatari oo
qotomo, sidoo kalena dhulka
intiisa badan taageero wayn
kuleeyahay. Ururku wuxuu
muujiyey inuu yahay ururka ay
kago’do talada dhulka
soomaaliyeed ee ay xabashidu
gummaysato.
Gabogabadii
Dad isaga dhashay in
la’addoonsado majiraan, sidoo
kalena la’isuma xoog sheegan
karo had iyo goor wakhti
xaddidan mooyee. Haddii marka
Tigreega dulmi loo gaystay ay
kakaceen oo ay halkudhag
kadhigteen Cacdoonkii
Beeralaydooda, sidoo kalena
ayagoo saddex Malyuun ah ay
Itoobiya oo dhan qabsadeen balse
ay layimmaadeen dulmi kadaran
kii ayaga lugu qabtay waxaan
iyana shaki kujirin inay ayagana
mari halkii ay mareen qolyihii
foolxumada baray. Waxaan marka
shaki iiga jirin inay gummaysiga
kabixi dadkaa dulman goor aan
dheerayn, xorayntaas ooy hurmuud
katahay Onlf iyo xoogagga kale
ee hadda jira ama kuwo ayagana
soo bixi doono goor aan
dheerayn, sidaa awgeed su’aashu
ma’aha mala guulaysan ee waa
sidee guushaa loo hanan loogana
dhigi mid midha dhasha oo ayna
udhicin sidii kudhacday
soomaalidii xorta qaadatay ee
kadibna kaba shallayday inay
maalin xorowday jahowareer
qabsaday awgii.