SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



2002: BORLANGE IYO SOMALITALK.COM
 

2007: Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II


Goteborg-posten iyo Soomaalida Iswiidhan

Qore:

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 

Nov 14, 2007


Hordhac

Waxaan filayaa inay dad badan kawarhayaan maqaallo dhowr ah oo kusoo baxay bogga internetka ee jariiradda maalinlaha ah ee layidhaa Göterborgs-posten oo kasoo baxdo magaalada labaad ee ugu wayn iswiidhan, kuwaasoo billowday 28 kii bishii tagtay ee oktoober. Maqaalladaas waxaa looga hadlay soomaalida kunool magaaladaas iyo guud ahaan iswiidhan oo dhan. Wuxuu noqday maqaal ama maqaallo kaga argagixiyey siyaasiyiinta iswiidhan iyo soomaalida daggan dalkan intooda badan, sidoo kalena siiyey sawaariikh ay kor iyo hoos urridi karaan dadka ajnabiga aan jeclayn ee kunool dalkan. Labada qolo ee hore waa siyaasiyiinta dalkan maamulo iyo soomaalida cabsidooda iyo argagaxooda kuma salaysno inayna ogayn ama ay kadahsoon tahay dhibaatada banaanka lasoo dhigay oo aad bay uga dharagsanaayeenee waxay ka argagaxeen inay bannaanka usoo baxdo oy waliba jariirad cod dheer sida middan oo kale ay far waawayn kuqorto. 

Waxaa fursaddan oo kale kafaa’iidaysto xisbiyada ajnabiga neceb, marka hadday qolodaas awoodda siyaasadda dalka helaan soomaalida gaar ahaan iyo ajaanibta guud ahaanba dhibaato wayn ayaa soo foodsaari. Sidoo kale siyaasiyiinta aaminsan dimoqraadiyada iyo inuu dadku simmanyahay lana wada noolaan karo waxay waayi kuraastooda oo waxaa dhici karta in cod looga tuuro awoodda maamulka loona riyaaqo qolyahaas ajnabiga ugaadhsada.

Waxaan marka aniga qoraalkayga ugu talogalay oo qudha inaan uga hadlo sababta ay labada qolo ee ka argagaxday qoraallada ay wax uga qaban waayeen arrinta mar hore maadaama ay ogaayeen siday wax yihiin iyo dhibaatooyinka ay mustaqbalka sababi karto. 

Kulturkrock, cultural clash ama iskudhac laba dhaqan oo kala duwan

Su’aasha qisadan ay keentay ee ah maxaa ka dhaxtaagan soomalida iyo iswiidhishka ayaa lugusoo koobi karaa laba eray oo la’isku xidhay oo qudha, taana waa sida cinwaanka kamuuqato “iskudhaca labada dhaqan oon innaba hayaraatee is qaadan karin”. Mid wuxuu kasoo jeeda ummad asalkeeda Reer Guuraa ahayd aanan lahaan jirin nidaam iyo sharci lugu kala danbeeyo oo joogto ah oo u baratay xorriyad aan xuduud lahayn. Meesha iswiidhishka ay yihiin dad urursan oo laga adag yahay kuna hoos noolaa 500 oo sano sharciyo soo jireena oo joogto ah oo qofkii khilaafo laciqaabi jirey. Qiyaastii qarnigii 16 aad markuu Imaam Axmed Gurey rabay inuu muslimiinta Geeska Afrika mideeyo Xabashidana jabiyo, waxaa isagana hawlo udhow taas kawaday iswiidhan nin la odhan Gustav Vasa oo rabay inuu Danishka (Denmark) oo iyagu markaa ugu awood badnaa gobolkan Iskandinevia (Denmark, Norway, Finland, Iceland iyo Sweden) qas iyo dhibaatana kawaday inuu kasifeeyo Iswiidhan. Wixii kasoo billowday 1523 dii iswiidhan guud ahaan waxay lahayd hal dawlad hal qof ayaana taladu ka go’aysay. Shantaa boqol ee sano oo lugu jirey xukun joogto ayaa sababtay inay iswiidhishku noqdaan dalka adduunka ugu xukunka ballaadhan, oon ula jeedo wax walba oo qofka iswiidhishka noloshiisa khuseeya sida qaalibka ah sharci ayaa kayaalla. Haddaan tusaale ahaan usoo qaato dalkan qofka udhashay lama bixi karo magaca uu rabo wuxuuna kukhasbanyahay inuu raaco sharciga kajiro dalkan ee loo yaqaanno sharciga magacyada. Hadduu labaxo magac aan la’ogolayn waxaa loo diidii in loo diiwaan galiyo oo uu unoqdo magaca rasmiga ah ee qofka.

Halka qofka soomaaliga uusanba fahmi karin arrintaa ayna layaab kunoqoni. Qofka soomaaliga ah wuxuu shantaa boqol ee sano kujirey xorriyad taama oo xitaa hadduu rabo dad dhiiggooda daadiyo ama dhaco oo hantidoona bililiqaysto. Waxaa marka jira kala fogaansho xad dhaafa oo udhaxayso labada dhinac oy adagtahay in laga gudbo. 

Masruufka qoyska iyo halka ay mashaqadu kataagantahay:

Qof kasta oo kunool iswiidhan wuxuu xaq uleeyahay inuu helo masruuf kufilan. Dalkan iswiidhan waxaa kajira sharciyo badan oo dhammaantood jaangoynayo qaabka uu qof kasta oo u dhashay dalkan ama sharci kuleh uu masruuf kufilan uheli. Dawladda ayaana dusha uridato mas’uuliyaddaa inta badan meesha qofkii buuxin waayo shuruudaha ay dawladdu masruufka kubixiso oo bannaanka ugasoo dhaco uu sharcigu sheegayo inay dagmooyinka masruufaan si’uu nolol fiican uhelo. 

Sharciyadan ayaga ah waxay kusalaysanyihiin dhaqanka iyo qaab nololeedka dadka iswiidhishka ah, waxayna kasoo maaxeen qaabkii hore ee ay dhibaatooyinkooda dhaqaale kuxallin jireen intayna dawladda faraha lasoo galin oo ayna sharciyayn. Tusaale ahaan markay dalkan xukumayeen dawaladihii hantigoosiga ahaa qarnigii 18 aad iyo kii 19 aad, dadka saboolka ah iyo shaqaaluhu xuquuq badan malahaan jirin, markay dhacdo in qof shaqada laga caydhiyo waxaa qaaran kumeel gaadha ama mid joogto ah uqaadi jirey saaxiibadiisii ay wada shaqayn jireen, sidoo kale hadduu dhinto qof shaqaalaha kamida qoysna katagay waxaa bil walba qoyskiisii qaaraan joogto ah uqaadi jirey asxaabtisii ay wada shaqayn jireen. Markuu horaantii qarnigii tagay lawareegay awoodda dalka xisbiga shaqaalaha oo ah xisbi ay kumidoobeen ururada kala duwan ee shaqaalaha waxuu sammeeyey inuu sharciyeeyo dawladdana hoos keeno hawlihii ay isku taakulayn jireen urruradii shaqaalaha. Halkaas ayeyna kasoo jeeddaa isdaryeelka bulshada iswiidhan oo ay dawladdana lafdhabar ugu tahay. 1928 ayaa dood baarlamaanka dalkan kasocotay uu  Per Albin Hansson oo markaa ahaa hoggaamiyaha xisbigan muddo yar kadibna noqday Ra’iisulwassaraaha dalka sheegay inay Iswiidhan noqonayso (Folkhemmet) oo macnaheedu yahay “gurigii dadka” taas oo uu ula jeeday inuu dalku ushaqayn sidii qaab guri oo kale oo uusan qofna bannaanka kudhacayn oo la’iswada daryeeli.

Wixii muddadaa kadanbeeyey waxaa inyar inyar loo dhisay gurigii uu odaygu sheegay waxaana dhisay oo saldhig u ahaa xisbiigiisa. Qofka iswiidhishka ah marka waa arrin uu kuna qanacsanyahay sidoo kalena ladhacsanyahay. Meeshaa qofka soomaaliga ama ajnabiga ah ee yimmaado dalkan uu kuwaabariisto lacago kala duwan oo meelo kala duwan ka ga’imanayo ayna sababto inuusan qofku asagoonba wax iskawaydiin sida xaal yahay uu gurasho kubillaabo. 

Dhismaha qoyska iyo waajibaadka qofka:

Dalka iswiidhan xagga dhaqaalaha ninka iyo naagta isqaba waa inay ismasruufaan intuu guur kawada dhaxeeyo, sidoo kale waalidka waxaa waajib ku ah inuu masruufo ilmaha uu asaga dhalay inta ama ay dugsi sare kadhammaynayaan ama ay 21 sano kabuuxinayaan waa haddayna ilmaha shaqaysan oo ay wali iskuul dhiganayaan. Intaa wixii kasoo hadha qofku cidna sharci uguma ay laha inuu masruufo. Xitaa waalidkaa xaq kuguma leh inaad masruufto oo dawladda ayaa damaanad qaadi noloshooda. Qofka soomaaliga markaa inkastoo ay masuuliyadda ugu horrayso ay kasaarantahay carruurtiisa iyo xaaskiisa iyo waliba waalidkiisa haddana xaqiiqda marka loo hadlo mas’uuliyadda dhaqaale ee saaran qofka soomaaliga ah aad ayey uga ballaadhantahay intaas oo xitaa waxaa soo gali kara walaal iskabadhaafee ilma adeerta kore iyo ubadkooda. 

Dad aan yarayn ayaa markay ogaadeen in hadday wax farsammeeyaan oo musuqmaasuq kukacaan loo masruufi carruurtooda iyo xaasaskooda si ay fursad ugu helaan qaraabadaas farada badan ee ayaga sugayso. Qaar kalena balwada ay lahabsaameen si ay wakhti ugu helaan oon looga dhabqin, ayey sheegtaan inay katageen xaasaskooda oo markaa sidaa wuxuu rabay ugu hrigalaan. Dhibka marka taagan ayaa wuxuu yahay in ixtiraamka sharciyada masruufka qowska loo dajiyey aynanba fahamsanayn dadka intooda badan ee dunida saddexaad kayimmaado soomaalidana ay kamid tahay. Qaar badan ayaan musuqmaasuq iyo wax isdabamrin aan kadhammaan, qaarna maba fahamsana waxa dalka yaallo oo waxay uhaystaan iska guro nimcadan ilaahay keenay adoon cidna abaal ugu hayn. Waxaa markaa meesha kamaqan wadajirkii ay dadka dalkan kusoo dhiseen dalkooda. Dadka dalkan yimid intooda badan wali ma’ayna dareemin inuu dalkan dalkoodii yahay sidoo kale aqoon yari hayso darteed maba fahamsana waxa laga rabo iyo waxa uyaallo midna. Sharciyada dalkanna intooda badan kuma habboona dadyowga qaarkood maxaa yeelay markii lasoo rogayey baadhisdheer kadib waxaa laga tusaale qaatay iswiidhsihka dhaladka ah ee lama fiirin ajaanibta, sidaa awgeed waxaa jiro dad aad ufara badan oo sharciyada kajiro dalkan qaar badan oo kamida aan tixgalin danna kagalin haba ugu darraadeen sharciyada dhaqaalaha lugu bixiyo. 

Hoo iyo isii:

Adduunyada majirto meel ay kajirto isii oo qudha ama hoo qudha ee waxay kudhisantahay hoo iyo isii ama isii iyo hoo, inaad adna markaada wax bixiso adna markaada lugu siiyo. Haddaan si kale udhigo inaad wax hesho markaad ubaahan tahay sidoo kalena markii lagaaga bahdo lagaa helo. Taasoon kufasiri karro inuu qofku shaqeeyo markuu caafimaad qabo shaqaynna karo oo uu sidaa canshuur ugu bixiyo, si asagana markuu ama duqoobo ama xanuunsado loo garab qabto. Soomaalida maadaama ay wakhti badan joogaan dalkan oon ladhihi karin laba sano kahor ayey intooda badan yimmaadeen haddii uu tirakoobku sheegay inay qiyaastii 12% shaqeeyaan ayadoo la’ogyahay inay aqlabiyadda soomaalida Iswiidhan joogto kakooban yihiin dad da’ yara, sidoo kalena farta lugu fiiqo oo lyidhaahdo intooda yar ee shaqayso xitaa waxay ubadan yihiin kuwo xaasaskooda sheegtay inay kalatageen bal ay wali isqabaan oo ay si joogto ah ilmo ugu dhashaan, waa dhibaato foolxun oo muujinayso inaynu nahay jinsi rafaadsan, waxaana run noqon hadalkuu qoraaga cinwaanka uga dhigay qoraalkiisa oo ahaa inay soomaalidu burbur kusocdaan. 

Maxaa lagudboon Soomaalida kunool dalkan:

Dhibaatada kadhaxtaagan iswiidhishka iyo ajaanibta dalkan timmaaddo lamasoo koobi karo kumana koobna soomaalida oo qudha ee waa wax lawada wadaago haba loo kala badnaado e. Haddii marka Soomaalida si gaara ah farta loogu fiiqay iyadoo lugu eedaynayo musuqmaasuq baahsan oo ay waliba sida caado oo kale kadhigtaan inay sammayaan, runtiina ay tahay arrin aan la’inkiri karin oo bannaanka taallo waxaa ugu wacan dhaqanka ay soomaalidu leedahay iyo qaabka ay umacaamaloodaan. 

Waxaan maqlay ama akhriyey meelo lugusoo qoray aan kadhiidhinno xummaanta nalugu sheegay oon tallaabo qaadno. Su’aasha markaa immanayso ayaa ah maxaa lasammayn karaa?

Dadbaa yidhi aan dacwayno qoraaga joornaalka qoray ee soomaalida daba dhigtay!

Runtii mamuuqato wax laga qaban karo arrintan iyada ah waa haddaan lahayn caddyn burinayso hadalkii qoraaga oo odhanayso been buu sheegay xaalkuna siduu sheegay wuu kabadalanyahay oo annagaa haynno caddayn caksigeeda sheegayso.

Midda kale haddii lugu eedeeyo munaasab ma’aha inaad inkirid lasoo booddo adoonba hubsan waxa lasheegayo inuu jiro iyo inkale. Sidoo kale haddii laga hadlahayo dad kor udhaafayo 40 000 oo qof way adag tahay in ama layidhaahdo waa run ninku wuxuu qoray ama waa been maxaa yeelay arrintu waxay kahadlaysaa dad aad ufara badan. 

Xalku wuxuu isugu biyoshuban inuu qof walba naftiisa hoos ula hadlo waydiiyona waxay sammayso, inay khayaanto oy dhacdo ummaddii sida wanaagsan usoo dhawaysay iyo inkale. Midda kale maadaama aanan lahayn urur soomaali ah oon dhisannay oo nahoggaamin karo talooyinkiisana aan raaci karo oo qof kasta oo soomaali ah xorriyad qoorta loo sudhay aanan noloshiisa lagalaba hadli karin, waa inay intii iskumeel deggan ama istaqanno ay kawada hadlaan arrintan culus ee nalugu eedeeyey oo marka la’iska dhaadhiciyo siday u xuntahay iyo in laga tanaazulo hadday jirto. 

Haddaynan Soomalidu dalkan noloshooda wax kabadalin oyna xaqdhowrin bulshada ay lanool yihiin waxaa imanayso in latakooro oo shabbad guud lagu wado dhufto. Waxaa hadda muddo dhowr sano laga joogo kabillowday magaalada Örebro xeer ay magaaladaa ay soo saartay oo markay qoys soomaali ah sheegtaan inay isfureen layidhaahdo maxkamadda dalka warqad furriin kakeensada sidoo kalena mid islaami ah kakeensada imaamkiinna. Arrinta hadda dalkoo dhan way kufidaysaa magaalooyin kale ayaa ayagana ubogay oo kaqaatay, waxaana 99% lugu qaadaa xeerkaa Soomaalida maadaama 99% furriinka soomaalida loo arko mid uu musuqmaasuq keenay ee uusan dhab ahayn. Soo dhibaato wayn ma’aha marka in kaligeen la’inaga sooco dadka intooda kale oo naloo sammaysto xeer kaligeen la’inagu qaadi. Waxaa jiro kuwo kale oo iyana dhaxda kusoo jiro soomaalida kaligoodna aad mooddo in loo sammeeyey. Wax kalena ma’aha ee waa isaga dayashada ay xummaanta isaga daydaan si’aadana u faafiyaan sidoo kale musuqmaasuq aad ubaahsan oo dadka intooda badan lagaba yaabo inay kagaadhi inayba kufaanaan oynanba u’arag xummaan iyo danbi xag aakharo iyo xag adduunba la galay. 

Ninka qoraalka qoray oo soomaaliyoo dhan aflagaadeeyey kuma raaci karo wuxuu qoray iyo siduu uqorayba laakiin waxaa jirto hal qodob ood mooddo inuu isha kariday taasoo ah inuu jinsiga soomaaliga halis ugu jiro inuu tirtirmo ama dhaqan guuro hadduusan isdabaqaban.

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2007

Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II

Geeddi galbayee guumayskee galgalan doono?: Waxaa aad la’isu waydiinayaa waa kuma... Akhri

Raad ba’ay iyo reer ba’ay:: Dawladnimadii oo sayn lagasoo rifi waayey,... Akhri...

O.N.L.F Ururkii Gobonimada Doonayey - Qaybtii Labaad... Akhri

Oday Dhaqameedyadii gummaystaha: Odayada madasha soo xaadiray, Yay nabadda  gacanta ugu jirtaa?

Afar boqol iyo afartan malyuun oo doollar: maqaal kusoo baxay jariidada göteborgs-posten.... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com