SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



2002: BORLANGE IYO SOMALITALK.COM
 

2007: Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II


Buush oo baqay baalaxgurdo dheer kadib

Qore:

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 

Dec 25, 2007


Bismillaahi wassalaatu wassalaamu calaa rasuulilaahi 

Hordhac

Waxaa suurtogal ah inay dad badan lasocdaan inuu Buush kudhawaaqay bishii jannaayo sanadkii 2002 da, bilo uun kadib markii laga qarxiyey daarihii dhaahdeeraa, inuu tallaabo adag kaqaadi doono dalal saddex ah oo uu ugu waqlalay “Axis of Evil”. Dalalkaas saddexda ah waa; Ciraaq oo uu hadda kurafaadsan yahay, Waqooyiga Kuuriya ood mooddo inuu iska cafiyey kadib markay ku adkaatay xilligan lajoogo iyo Iiraan oon wali dhinac udhicin. Wuxuu sheegay inay dalalkaa ama taageeraan argagixisada ama ay doonayaan inay sammaystaan hubka halista ah ee loo yaqaanno qunbulatu durriyaha ama Niyuukleerka. Buush asagoo ay dabada kariixayaan niman kibir badan oo ay qaarna lataliyayaal u’ahaayeen qarna wasiirro aaminsanna fikrad ah in wax walba laga hormariyo baahida Maraykan, sidoo kalena aan loo jixin jixin cidii aan Marykan u rukuucin ayuu Ciraaq daf yidhi oo dagaal aan loo meel dayin kuqaaday. Jabinta Saddaam Xuseen ma’ahayn wax dhib badan maxaa yeelay Qaran dhan oo uu xukumo nin maskaxda kaxanuunsan aananna lahayn nidaam salballaadhan kutaagan waalla qiyaasi karaa siduu isu difaaco inay adkayd.  

Buush markuu Ciraaq qabsaday waxaa kusoo baxday laba ceebood oo kala daran; 1- waxaa caddaatay 100% wixii uu sheegay oo uu Ciraaq kuweeraray inay been ahaayeen oo wuxuu innaba hayaraatee caddayn uwaayey wixii uu ku eedaynayey oo xitaa waxaa ku’adkaatay inuu calaamka lahor yimmaaddo wuxuu gacantiisa kusammeeyey. 2- Waxaa iyana caddaatay aqoon yari iyo tabar yari haysay awgeed inay usuuroobi la’dahay inuu xasiliyo Ciraaq oo ay noqoto meel ay si nabada ah kubililiqaystaan, maxaa yeelay waxaa la’isku waafaqay inay ahayd bililiqo arrinta dhabta ah ee Buush iyo lataliyayaashiisa dabada kawadday ayagoo isu sheegay inuu jiro dal barwaaqo ah oon dad lahayn hal nin iyo labadiisa wiil oo maskaxda looga jirana ay iskahaystaan oo ay markaa ayaga ooga xaq leeyihiin inay boobaan maadaama ay dimuqraadiyiinna yihiin sidoo kalena ilbax yihiin. 

Ujeedada qoraalkayga waxay kusaabsan tahay inuu Buush dib uga gurtay asagoo aad mooddo inuu kacabsooday inuu weeraro Iraan sidii Ciraaq oo kale oo ay dad badan qiyaasayeen inay Maraykan iyo Israel si un uweerari doonaan. 

National Intelligence Estimate, (NIE) Qiimaynta Sirdoonka Qaranka

Madaxda dalalka hore umaray waxaa jira laba hay’adood uu aad usaameeyo lafdhabarna u ah hadba go’aanka ay qaadanayaan oo ay adagtahay inay iska indhotiraan aragtidooda, waxayna kala yihiin labadaas hay’adood; Hay’adda Sirdoonka iyo Ha’adda Xisaabaadka iyo Tirakoobka. Halka midda hore ay saldhig utahay go’aanka uu dalku kaqaadanayo sida dalka laweerari, dalka la’aamini iyo dalka lala saaxiibi ayey midda danbe iyana dhinaceeda go’aamini habka ay dawladdu miisaaniyadda sanadka u qaybini si ay u noqoto mid isu dheellitiran, sidoo kalena qaybaha bulshada ee kala duwan ay uhesho qolo walba saammigeedii ay kulahayd qaranka. 

Markuu amrayey Buush duullaankii uu Ciraaq kuqaaday wuxuu haystay akhbaartii ugu danbaysay ee ay sirdoonkiisu soo ururiyeen ayagoo usheegay inay Ciraaq halis noqotay lagamamaarmaanna tahay in laweeraro. Waxaa jiro qaab ay madaxda Maraykanka ucodsadaan in loosoo diyaariyo baadhis kusaabsan dal uu Maraykanku danaynayo arrimo kuwiis ah, arrimahaas oo raad kuyeelan karo danaha ama nabadgalyada Maraykanka. Waxaana laga codsadaa baadhistaa inay soo sammeeyaan Guddiga Sirdoonka Qaranka oo ah guddi kulmiya 16 ka qaybood ee Sirdoonka Maraykanka kakooban yahay oo markaas baadhis dheer oo dhowr bilood ama kabadan qaadata kadib soo saara qoraalka loo yaqaanno National Intelligence Estimate (NIE) Qiimaynta Sirdoonka Qaranka, taasoo laga wado soo ururin wixii macluumaad ah ee ay hay’adaha sirdoonka Maraykanku ka ogyihiin arrinta markaa lagasoo codsaday inay soo baadhaan.  

NIE, waxay katidhi Ciraaq weerarkii 2003 da kahor sidan;

“Ciraaq waxay dib udhisaysaa hubkeeda niyuukleerka, midka sunta iyo midka jeermiskaba, sidoo kale waxay dib u hawlgalisay cilmibaadhista iyo horumarinta saddexdaas hub iyadoo u diyaarinayso sidii hab duulaan ahaan ah loogu dagaal gali lahaa oo kale. Waxay intaa kusii dartay in saddexdaa hub ee halista ah ee ay Ciraaq haysato uu kabadan yahay kana horumarsan yahay heerkuu joogay kahor dagaalkii khaliijka. Waxaa kaloo lasii raaciyey inay Ciraaq billowday sammaynta dayuurado aan duuliye lahayn oo ah nooca loo yaqaanno Unmanned aerial vehicle (UAV) ooy ugu talogashay inay u adeegsato ama kuqaaddo hubkeeda halista ah ooy kugayso ama kufirdhiiso meeshii ay markaa larabto. 

Markuu Maraykanku Ciraaq qabsaday wuxuu ilaahay xukumay in wax alla wixii ay NIE ay sheegtay 100% ay been noqdeen oo helid lahelo iskadhaafee xitaa raad yar laga waayey. Gadaal danbe ayaa baadhis uu sammeeyey aqalka odayaasha ee Maraykan ku caddeeyey in macluumaadkaas uu xaqiida kafogaa hadafkiisuna ahaa in Buush lasiiyo fursad uu kuweeraro Ciraaq. 

NIE iyo Iraan

Bishii November ee sanadkan 2007 da ayey soo saartay NIE waraaq kakooban 9 bog oo loogu magac daray Irans Nuclear Intensions and Capabilities (ujeedada Iiraan ee hubka niyuuleerka iyo awoodda ay leedahay) kaasoo looga hadlayo Iiraan iyo sammaysashadeeda hubka halista ah. Meeshii laga sugayey inay uxagliso Bush iyo dareenkiisa oy kudhiirrigaliso arrintuu sanadaha kucelcelinayey ayey kaboodh kicisay carro kale oon maskaxda dad badan soo galin aadna loola yaabay noqotayna arrin faallooyin badan laga bixiyey.  

NIE waxay tidhi Iiraan waxay joojisay sammaynta niyuukleerka sanadkii 2003 da bilo kadib dagalkii Ciraaq lugu qaaday. Waxaa kalooy kudartay in hadday dhacdo inay Iiraan dib ubillowdo sammaynta hubkaas ayna usuurtoobayn inay sammayso kahor 2015 ka, dhibaato kahaysato xagga farsamada iyo khibradda awgeed. Sidoo kalena ay kudartay Iiraan inayna ahayn sida lamoodi mid si indho la’aan madaxa kolba meel ula gasho ee ay tahay mid xisaabtanto oon faraha lagalayn wixii dhibka kasoo gaadhi uu kabadani faa’iidada kasoo gali.  Halkaa waxaad mooddaa inay kamuuqato inuu Bush dib ugurtay kuna dhici waayey inuu weeraro Iiraan. 

Hal shay isaga wuu cadyahay, sirdoonka Maraykanka wax saa ubadan kama ogaan karaan Iiraan marka hadday yidhaahdaan hubka halista ayay sammaysatay iyo hadday sida haddoo kale dhahaan way joojisayba waa qiyaas qudha ee way ku’adagtahay inay si dhab ah u ogaadaan. Iiraan, Ciraaq iyo dalalka carabta oo kale ma’aha, inkastoo ay tahay dal soo korayo oo dunida saddexaad kamida haddana waa dal ay hoggaamiso dawlad sal ballaadhan oo leh shacbiyad sal ballaadhan oo ay kutiirsato meesha dalalka carabta inta badan ay utaliyaan qoys iyo qaraabadooda oo kale. 

Yaa dabada kawada in loo diido Iiraan inay hubka halista ah sammaysato

Marka laga reebo Maraykan waxaa jiro dalal dhowra oo kutaageersan qorshaha Marykanka iyo Israel ay doonayaan inay kuweeraraan Iiraan kuna wiiqaan awooddeeda ciidan sidoo kalena laga horistaago inay Iiraan sammaysato Hubka Halista, Dalalkaana waa dalalka Carabta siiba kuwa Khaliijka iyo Masar oo ay colaaddoodu inta badan salka kuhayso cadaawad kusalaysan labada madhabood ee Shiiciga iyo Sunniga iyo cabsi ay kaqabaan inay dhiirrigaliso Iiraan kacdoon diini ah oo dalalkooda kadhaca dabadana urogo nidaamyada diinta kafog ee dalalkooda kajiro. 

Durba waxaa billowday isbadal qoraalkii NIE kadib, inuu Maraykan u baaqo dalalkaa uu asaga dabada kariixayey inay umuujiyaan dabacsanaan Iiraan. Durba waxaa lasoo wariyey inay Masar oon xidhiidh diblumaasi lalahayn Iiraan inay udirtay wafdi heer sare ah Iiraan, sidoo kale Sucuudigana uuba ku casummay Madaxwayne Axmedinajad inuu sanadkan soo xajiyo oo kacbada barakaysan soo dawaafo, waxaa iyana dhaqdhaqaaq kaa lamida billowday Qatar. Dalalkaas dhammaan waxaa lugu tiriyaa dalalka gacanta ugu jiro Maryakan oon qaadin tallaabo muhiima inay ogolaasho Maraykan kahaystaan mooyee. 

Maxaa keenay dib ugurashada Buush

Waxaa loo badinayaa inuu Buusha garwaaqsaday haduu Ciraaq xasilin waayey, Ciraaqoo ah dal kana dad yar kana jilicsan Iiraan ay adkaan inuu si dhibyar uga takhuluso dalkaas iyo dadkiisa mitidka ah. Sidoo kale in hadduu dagaal kuqaado Iiraan ay dalal badan musiibo kasoo gaadhi karto haba ugu darraadeen dalalka khaliijka oon iyagu aan lahayn awood ay iskood ugu istaagaan, waxaase sidoo kale loo baqay Israel oo laqiyaasay inuu dhib aan laqiyaasi karin kasoo gaadhi karo gardarro loola tago Iiraan. Waxaa laqiyaasay markay saraakiisha Maraykanka udajiyo istiraatiiyadda dagaalka ay kashawrayeen sidii Iiraan loo weerari lahaa iyo waxa ka’iman karo, inay miiska soo saarteen qorhsayaal kala duwan; 

A-Sida in dagaal baahsan lugu qaado Iiraan oo iyadoo dhan oo inta cagta lamariyo difaaceeda sida Ciraaq laga yeelay oo kale markaa dawlad Maraykan raacsan ladhiso. Arrintaas waxay ugu muuqatay wax mustaxiil ah, maxaa yeelay haddii Ciraaqoo ah dal kana yar kana maamul xun Iiraan hadduu Maraykan ciidan, hub iyo dhaqaaleba uwaayey oo afar sano kadib markuu qabsaday uu garan la’yahay si uu waxyeelo maxaad umalayn Iiraan? Waxaa laqiyaasay inuu wadnaha giriiray oo ay qorshahaas jeexjeexeen. 

B- In hawada iyo badda oo qudha laga duqeeyo oo kumannaan dayuuradood oo dagaal iyo sawaariikh maalin walba lugu kiciyo lana burburiyo warshadahooda hubka ee muhiimka ah iyo kuwa lugu tuhunsanyahay in lugu baadho hubka niyuukleerka sida Arak, Isfahan, Nantanz iyo Busheher si markaa cabsidii inay hubkaas sammaysato uu meesha uga baxo. Qodobkan isna way kuqanci waayeen maxaa yeelay waxaa laqiyaasay inaanay Shiicadu ahayn dad caqli yar oyna sidii Saddam mashaariicdooda hubka teendho hoos galinaynin sidoo kalena ayna kuhaynaynin meelaha la’isla yaqaanno ee caanka noqday sida kuwa kor lugu xusay oo waxayba ubadan tahay in meelahaas iyaga ah riwaayad lugu dhigayo oy mashruucooda urareen meelo kale oo sira oon cidina ogayn. Haddii marka hawada laga duqeeyo oo warshadahaas iyo kuwa kaleba lagubo waxaa dhici karta inaan waxba lagaadhsiin nidaamka xag dawlad ahaan iyo mashruucii hubka halista ah ee la’iskuhaystaba kaliya in laga cadhaysiiyo nidaamka aadka uxagjiro awoodana inuu dhibaatooyin ba’an gaysto. 

Dhibaatooyinka laga baqay inay Iiraan gaysato haddii laweeraro 

  1. Shidaalka oo u u qiimahiisu cirka isku shareeri iyadoo ay suurtogal tahay inuu shidaalku halkii foosto gaadho boqollaal doollar mar haddii dagaal lugu qaado Iiraan waayo shidaalkeeda wuu istaagi iyadana waa wax lahubo inay dhabqin wixii kale ee shidaala ee caalamka loo iibgeeyo iyadoo kabillaabi inay goyso Marinka Hormuz oo ay maalin walba marto 20% shidaalka caalamka loo iibgeeyo. Waxaa kaloo suurtagal ah inay Iiraan qasto ama jartaba Bab al Mandab oo kamida waddooyinka badda ee aduunka ugu waawayn ee ay maraakiibta badeecadaha maraan iyadoo u adeegsanayso shiicada Yaman iwm. Arrintaasna ay halis wayn ugaysan hufnaanta dhaqaalaha Reer Galbeedka.
  2. Shiicada Ciraaq oo la’aaminsanyahay inay Iiraan dagaal galini hadday u baahato Maraykankana ay qabsan dhibaato uusan maarayn karin Ciraaq gudaheeda.
  3. Bulshooyinka Shiicada ah ee kukala nool dalalka khaliijka oo malaayiin kabadan toosna ugu xidhan Iiraan in ayagana ay Iiraan hawlgalini oo ay abuuri karaan khalkhal iyo argagax saammeeyo jasiiradda carabta iyo Bariga Dhexe oo dhan yoolkooduna uu noqdo dalalka Maraykanka lajiro amma uu saldhigyo kuleeyahay.
  4. Nidaamyada aan awoodda lahayn ee kutiirsan Maraykanka ee khaliijka kajiro oo laga yaabo inay kala daataan dhibaatadan awgeed.

Iiraan oo horumar wayn kasammaysay xagga hubka

Iiraan intii ay kula jirtay dagaalka ciraaq amaba kasoo billoow intuu Khummayni qabsaday waxaa xagga Reer Galbeedka kasaarraa cunaqabatayn xagga hubka ah. Iiraanidu marka waxay sammeeyeen dadaal adag kadib horumar aad uballaadhan oo xagga hubka iyadoo maanta laba dhihi karo Iiraan xagga hubka way isaga fillaatay marka laga reebo meelo yar yar. Hubka ay soo saarto waxaa kamida dayuuaradaha dagaalka noocyadooda kala duwan, kuwa aan duuliyaha lahayn ee wax basaasa, Sawaariikhda ka goosho masaafooyinka dhaadheer oo qaarkood lasheegay inay gaadhi karaan masaafo dhan 3000 km, madaafiic taangiga lugula diriro oo aad casri ah u ah, Sawaariikhda lidka dayuuradaha oo kolba meesha larabo lagayn karo, sawaariikhda maraakiibta lugala diriro ee badda quusa, doomaha dheereeya ee dagaalka, gujisyada dagaalka ee badda quusa, gawaarida gaashaaman, madaafiicda goobta, taangiyo iyo hubka fudfudud noocyadiisa kala duwan. Inkastoo laqiyaasayo hubkeeda inuusan xagga tayada latartartami karin kuwa dalalka hore umaray haddana waa horumar wayn oo dal duni saddexaad ah gaadhay marka la’eego noocyada hubka ee ay soo saaraan iyo cunoqabataynta lugu hayey. 

Ilaalada kacaanka islaamka ee Iiraan (IRGC)

Iiraan inkastooy sida dalalka caalamka ay leedahay ciidan qaran oo qiyaastii gaadhayo lix boqol oo kun, kaasoo uqaybsama; ciidanka cirka, dhulka iyo baddaba ayey haddana Iiraan leedahay ciidan kale oo loo yaqaanno Ciidanka Ilaalada kacaanka Islaamka (IRGC) oo asaga uqaybsama shan qaybood; Ciidanka cirka, dhulka, badda, sirdoonka iyo Sahanka ama Kommaadoos. Labada qaybood ee danbe waxaa shaqadooda caadiga ah kasokow hoos yimmaado jaaliyadaha shiicada ee caalamka kajiro iyo waliba ururada kale ee ay Iiraan teegeerto sida Xizbullah oo kale. Ciidankankan marka laga tago ciidamadiisa rasmiga ah waxaa uwehliyo inuu gacanta kuhayo mallayshiyaadka loo yaqanno Basij oo la aaminsan yahay inay haystaan ciidan kayd ah oo gaadhayo 11 malyuun oo nafar oo rag iyo haween leh. Ciidankan Ilaalada kacaanka waa ciidanka ugu hubka casriyeysan uguna tababarka fiican Iiraan marka labarbardhigo ciidanka qaranka ee rasmiga ah, waxaa kale oo uwehliya inuu yahay ciidanka uu nidaamku kudhaarto lana hubo caqiidadiisa iyo hoggaansanaantiisa labadaba. Waxaa muuqato in ciidankan loogu talo galay haddii ciidanka qaranka lajabiyo Iiraanna laqabsado inuu dagaallamo illaa uu cadawoga kajabinayo maadaama uu yahay ciidan la’iskuhubo. Waxaan aaminsahay inay iyana qayb katahay cabsida Bush ciidankan oo ay umuuqatay xitaa hadday Iiraan weeraraan ooy qabsadaan dal baaxaddiisu tahay hal milyan, afar boqol, lixdan iyo siddeed kun oo km oo laba jibbaaran ooy kunool yihiin dad gaadhayo 70 malyuun oo nafar oo haddana ay dhax daadsan yihiin mallayshiyaad naftood hurayaal ah sifiican una hubaysan una tababaran oo tiradoodu gaadhayso 11 malyuun oo nafar inay mustaxiil kunoqoni inay dalkaa ama siiba joogaan ama wax kaqabsadaan illeen la’isbarayoo Marykan inuu wax dhacana wuu rabaa inuu dhintana diyaar uma ahee. Bal adiga sheeg dawlad ladiriri karto jabhad dhan 11 malyuun oo nafar. 

Ugu danbayntii 

Marykan dib udhacyo badan ayaa soo food saaray waayadan danbe, ta ugu daranna ay tahay xagga dhaqaalaha oo Maraykan intii muddo ahba badeecadiisii sidii hore suuq umalaha oo wuxuu kujirey waxa afka qalaad lugu yidhaa (trade deficit) lagana wado marka waxa aad soo dajisato ay kabataan waxa aad dhoofiso ama aad iib gayso. Caalamka wuxuu sida muuqato helay badeeco uga fiican ta Maraykanka, sidoo kale waxaa baryahan laga xiiso dhacay dollarkii Maraykan ee caalamkoo dhan ka’ahaa lacagta ugu horrayso ee lacag adag ahaan loo kaydsado ama loo isticmaalo. Dalal badan oo ayagu kaydinta ay kaydsadaan lacagta Maraykanka ay qiimo uyeeli jirtay Doollarka ayaa hadda bilaabay inay isticmaalaan lacago kale siiba EURO da oy dhaheen waa la’isku hallayn karaa. Dalalka Khaliijka, Shiinaha iyo Japan oo ahaa dalalka lacagta ugu badan kukaydsado Doollar ayaa shaki wayn kaqaaday tayada Doollarka iyo iskuhallayntiisaba maadaama Maraykan u ekaaday bay dhaheen Rah qaamaysan oo kale oo inuu wax kharashgareeyo daynna kubixiyo mooyee uusanba waxkale haynin. 

Haddii marka dhaqaale xumiidaa ay ugu darsanto cabsi ciidan, dadkiisii oon dagaal inay wax ooga dhintaan aan ogolayn iyo mukhaabaraadkiisii oon aduunba war u hayn, taloow maxaa usoo hadhay. 

Intaa waxaa usii dheer inay dad badani aaminsan yihiin in Maraykan qabsashada uu qabasaday Ciraaq inkastooy ahayd waxay kuriyoonayeen haddana haadaanta kutuurtay Iiraan kadib markay u adeegsatay ururkii uu madaxda u ahaa Axmed Jalabi ee loo yaqaannay INC ururkaas oo Maraykan aad u aaminsanaa sirta Ciraaqna kaheli jirey. Iiraan waxaa lasheegay saraakiil ciidankeeda sirta katirsan inay dhaxgashatay urururkaa sidaasna ay waxay rabtay ugu qufi jirtay Maraykan illaa uu madax madax isugu tuuray Ciraaq ooy iyadana waa Iiraanee uga takhalustay libaax cabsi ba’an kuhayey. Dalka kaliyah oo ka faa’iiday qabsashadii uu Maraykan qabsaday Ciraaqna wuxuu noqday Iiraan oo libaaxii shiiciga ahaa ee sidii asagoo carbisan daaraha dhaxdooda lugu qarin jirey siduu libaaxii Tikriit udhacay bannaanka ayuu kahinraagayaa asagoon walwal iyo cabsi midna kamuuqan aadna uhubaysan Ciraaqna ayba unoqotay meel uu asaga leeyahay oon laga horistaagi karin markuu raba eelada ka ugaadhsado.

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

Dagaalkii Diimaha: Geeskii Afrika oo cidhiidhi noqday - Wanaaggii oo soo iftiimay iyo xumihii oo is daldalid kudhow... Akhri...

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2007

Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com