SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



2002: BORLANGE IYO SOMALITALK.COM
 

2007: Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II


Oday Dhaqameedyadii gummaystaha

Qore:

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 


 
Bismillaahi wassalaatu wassalaamu calaa rasuulilaahi 

Hordhac

Banii’aadamka uu ilaahay abuuray ee adduunkan kunool waxaa lagu kala hormaray laguna kala orod badiyey aqoonta, haddii marka aan aqoonta ukala qaadno labo; mid aad kukasbatay buugaag ama aad adigu isu dhigtay ama luguu dhigay iyo mid aad kadhaxashay waayaha. Haddii la’isbarbardhigay labadooda waxaad mooddaa inay midda danbe ay aad uga muhiimsan tahay tahore maxaa yeelay ta hore la’aanteed waad noolaan kartaa waliba adoo nolol fiican sammaysan karo, laakiin waayo aragnimo la’aan meella gaadhi maysid. Haddii soomaali ahaan aanan nalugu xaman jirin  aqoon diineed iyo mid adduunyo oo dadkeenna inta aan waxna qorin waxna akhrin kabadan yihiin kuwa waxna qora  waxna akhriya, maxaad umalayn marka haddaan kudarsannay waayo aragnimo xumo oo ay maanta niman odayo iyo cuqalo sheeganayo 40 illaa iyo 50 sanona kor udhaafay boqolaalna kabadan uu gumaysigu isugu geeyey garaash oo ay shinbirayahow heesaa hees wanaagsan heesaa uqaadayaan asagana mustaqbalkooda iyo siduu usilcin lahaa dushooda kushaxayo, caqligooda ama waayo aragnimadoodana ay tusin wayday dhibaatada iyo dhagarta lugu hayo lalana maagan yahay diintooda, dalkooda iyo dadkooda. 

Odayada madasha soo xaadiray

Waxaa meesha kujirto inaad ogaato intaadanba shir laleeyahay waa lugu heshiini kaqaybgalin qofka ay talo ka go’do iyo kayna kago’in, qofka heshiis gali karo iyo kaan gali karin. Haddaan ku hormaro odayada sheeganaya duubabka ee shirka fadeexo soo xaadiray talo maka go’daa horta ayaga?  Jawaabtu macuslo oo waa maya! oo hadday talo ka go’do maxay mar hore ugoyn waayeen oo bulshada ay dhibaatada uga saari waayeen? Waxaa macruufa oo aan muran kujirin in soomaalida ayna ilbaxnimada aduunka kubaahday wada gaadhin. Yayna wada gaadhin hadday rabtee waxaa nagarab maray ilbaxnimo lakala qaato ta ugu faa’iidada badan oo ah is’ururinta iyo is’abaabulidda. Waxaa saldhig inoo ah maanta nidaam lagasoo gudbay oo lugu dhaqmi jirey xilligii noloshii dhagaxa lugu jirey.

Haddaad damacdo inaad aduun hallayso waxaad uyeedhani casuumaadna ufidin afartameeyo sheeganayo inay odayo waaya araga yihiin oo ay mathalaan qabiillo kala duwan qalinkana kuduugi karaan heshiiskii la’isku’afgarto. Intaad danbiyada ta ugu xun gasho ayaad ii sharciyeeya dhihi, sidoo kale intaad la’immaato ficil ka ugu xun sida kan maanta taagan ayaad dhihi i karaameeya. Odayadan marka isasoo xaadiriyey si Meles oo baryahan rafaadsan ay hawsha ugu fududeeyaan lama oga meel lugu doortay, cid soo wakiilatay iyo meel hawl loogu dhiibtay.

Talow ma ciidamdii sirta ee cadowga oo duubab loosoo xidhxidhaybaa sida saraakiishii cadowga madax maqaar saar ah loogusoo magacaabay oo loo yidhi qaran latirtiraybay mathalaan? Xittaa way dhihi waayeen war meesha yayna cuqubo innaga raacin, meesha masaajidii lanijaaseeyey, mu’miniintii inay ciibadystaan loo diiday, dadkii jirranaa isbitaalladii looga dhaartay in lugu daweeyo, ilmihii yaryaraa xitaa dugsigii quraanka laga kaxaysanayo colaad loo qabo lafdigaa quraanka ee ay baranayaan darteed, ayaa lasoo dangiigaa oo laleeyahay nabad, barako iyo khayr baan keenaynaa. Iskadhaaf wax kale ee culumadii Tabliiqa oo caalamka oo dhan carro gaalo iyo mid muslinba macruufka ka ah inayna aduunyo shaqo kulahayn dadkana cabsida alle ugu yeedhaan ayaa laysmo xadhig iyo dhibaatayn la’isugu darayaa nacayb diinta ay aaminsan yihiin loo qabo awgeed.

Dhac boob, kufsi iyo dil maydka la’isu diidi inaan xitaa laduugin waa sida layeelo soomaalida ay xabashidu hore u gumaysanaysaye ayaa ah waaqica kajira muqdisho cid Tigreega iyo askarta ukidhaysan dhihi karta war maxaad maaggan tihiinna majirto. Qabridaharre oo ah hooyadii kahortagga gumaysiga iyo Muqdisho mafarqibaa maanta udhaxeeyo aan ka’ahayn in ta horena wakhti sii horeeyey lakufsaday tan danbana hadda lugu billaabay iyo inuu midna ingiriiska hadiyad ubixiyey midna dadkii lahaa ay hadiyad ubixiyeen oo hadda kuwo sheeganayo duubab leeyihiin taxliishii baaban kutufaynnaa inuu gumaysigu kuliibaano. 

Ninka markaa nimankaa soo urursaday ee heshiisbay keenayaan leh kolba soomaali way aragtaayoo been uma sheegi karee ma caalamkuu rabaa inuu been usheego, mise musuqmaasuqii soomaali qayrkeed kareebay ee lalahaa mashruuc wax lugu cuno ayaa larabaa ayaa meesha yaallo. Adigu odayoow ama laaluush qaado ama afminshaarayn iyo wakhti lumin utag meesha, waase inaad ogaataa inaad dulmi iyo dhiibaatayn dalkaadii, diintaadii iyo dadkaadii aad kaqayb qaadanayso. Waxaa laga yaabaa sida dadka qaar igu yidhaahdeen meeshan inayna waxba kasoo naasacaddayn waa la’ogyahay ee xoogaa jeebka lagashto ayaa loo doontay iwm. Xaqiiqda jirtase waxay tahay inuu cadow uyahay diintiisa iyo dalkiisa iyo dadkiisa ninkii kaqaybgalo shirkaa foosha xun sidoo kale in lugu dari liiska madow ee lugu qoro kuwa wadankooda khayaanay askarna unoqday qabiilka Tigreega. 

Yay nabadda soomaaliya gacanta ugu jirtaa?

Mr. Bush iyo wakiilkiisa uu soo kidhaystay ee Geeska Afrika ujoogo Meles Zenawi ayey nabad soomaaliya kadhacdaa oyna kag’odaa. Waa khalad marka in nabad loo raadiyo Muqdisho iyadoon horta la’iska hubsan labada nin waxay rabaan, maxaa yeelay Xamar askar ay ayaga soo tababarteen caqiido iyo manhaj ah in lasuuliyo diinta islaamka ee toosan iyo ehelkeeda oo ay kusoo shubeen ayaa haysto waxaan kharbudaad ahaynna uma joogaan illaa amar xaggaas uga yimmaadana joojin maayaan foolxumada iyo dhibaatada ay kuhayaan dalka, diinta iyo dadka. Marka ninkii heshiis rabo muxuu minjo kadooni asagoo madaxii dhabta ahaa yaqaanno meesha uu joogo. Soomaaliya waxaa udiiday inay cagodhigato Itoobiya ayey ahayd haddana waxaa kusoo biiray nin Bush layidhaahdo oo uu kudhacay cudur islaam nacayb layidhaahdo. Waa foolxumo marka in been la’isu sheego oo xal aanba loo socon layidhaahdo waa laraadinayaa oo wuxuu kujiraa garaash wayn oo kuyaallo koonfur bari muqdisho gadhwadeenna looga dhigo kuwii soomaali horey uluggooyey haddana rabo inay nolosha kuduugaan. Haddii mooryaanta muqayilsan hubka laga dhigo lana dhaqan celiyo sidoo kalena ay Itoobiya joojiso faragalinta iyo hubka ay soomaaliya kusoo gurayso, ciidamadeedana ay dalka kala baxdo xalku meel dheer majiro sida horeba aan u aragnay. Haddii kale waa shinbiryahow heesaa hees wanaagsan heesaa iyo oday dhaqameed aan adduun meel uu marayo lasocon oo burburinta qaranimada iyo jiritaanka dadkiisa, dalkiisa iyo diinta uu sheeganayo qayb ka’ah. 

Gabogabadii

Xalka Soomaaliya wuxuu kujiraa in odayadan aan cid xil udhiibatay jirin ee mar alla markii dalka laminjo xaabinayo soo fagxanayo laqabto. Qolo walba way taaqaanna kuwa magacooda sheeganayo ee inay diintii iyo dalkii dillaalaan rabo, marka wixii lasugo waa dullinimo. Maxaa qabiilka iyo jilbihiisa hoose udiiday inay dad diin leh oo akhlaaq leh oon iib ahayn ay mathalaan? Maxaa udiiday dad mabaadii’ leh oo xummaanta ladiriro, wanaaggana xoojiyo inuu hormood unoqdo tolka? Maxaa keenay mar alla markii umadda lashirqooli odayo baas oo sidii roob ladhacdii soo daadaani ayagoon la’aqoon meel ay kayimmaadeen inay miis walba soo fadhiistaan!. Qabiil walba waa inuu liis sammaysto uu kuqoro kuwa aan la’isku hallayn karin, kuwa aan mabaadii’da lahayn ee maalinka loo baahan yahay in garab laga  helo xerada cadowga kasoo jeedsan.

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

Afar boqol iyo afartan malyuun oo doollar: maqaal kusoo baxay jariidada göteborgs-posten.... Akhri...

Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II

Gunnimo doon : Askari gumaysi tababaray, Askari shuuci soo tababaray, Akhri

Argagixii loo ooyayey oo irridaha kasoo galay: Siyaasiyiin argagax baadigoobayo si ay hanti uga.. Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com