SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

XAQ UMALAHAN IN LAGALA HADLO UMUBAKAR DIIN XAGEED

C/risaaq Wiilcade Abu Ciisa

Tirmidi1@hotmail.com 

Asalaamu calaykum ww

Allaha xaqa nawada fahamsiiyo hase ahaatee wali gabadhaas lagamahayo waan khaldanahay oo waan kukhaldanahay in aan magta dumarka iraahdo waa 100 wali hadalkaa lagamahayo ,

Waxaanu ognahay in insaanku dhamaantiis gafo  siwalba ama xaaladwaba uu ku jiro , marka aan sidas leeyahay anigu iskama aanan maagin gabadha ,kaliya waxaan iri fakarka ayad kalamid tahay islaanta gaasha ah oo aan shegay  waayo waxaan ognahay rer galbeedka in ay wadaan hawsha ah gender balance  taasoo qofwalba ogyahay, siminaaro badana ay qabtaan , sideedana kitaabka waxaa daliishada dumarka muslimadka qaarkamid ah oo yiraahdo kitaabka lagamahelayo in aanay naagi madax noqon ayagoo markaa la’arkayo in ay inkirayaan inbadan oo kamid ah diinta ama addillooyinka kale , waxaana inbadan hawshaas kudhiirrigaliya dadkaas reergalbeedka ah ,

Hadaba hadii aan iri umubakar fakarka ayay kala midtahay  condoleessa rice waxana uga jeeda sida ay utahay ayadu madax ama ay u aragto in anu ninka waxba dheerayn si lamid ah oo uu noqday lisaanuxaalka umubakar , hadalkaasna iskamaanan  oran ,

Hawshaana waa hawl inbadan soosocotay walina maanay garqaadan dad badan ayaa horay usoogalay oo rag ah run ahaantii waxaan filayaa in ay hawshaas kagarqaateen , waxay kacabatay in aan kushegay in ay tahay qof indha adag , waxayna iigubadashay in aanan dumarka u ogayn in ay sheegaan waxa xaqa ah , walaal xaq maadan sheegin inta uu kugu jiro fakarka ah in magta dumarku tahay 100 , hadder ayaan sidaas taagnahay aniga iyo inta ilagarashada ah  ,

Markale aan kugu cesho ereyga kale ee ah dumarka xaqa sheega ayaad kaxuntahay , walaal dumarka in ay xaqa sheegaan waa sax waa hadii ay sheegaan xaq, laakin adigu maadan sheegin sida sawaabka ah ama uu yahay xaqu , inta aad taagantahay magta dumarka ayaa ah 100 ,

Waxaan ahaa qofkii ugu horeeyay ee arka khaladkeeda umubakar hase ahaatee markii aan sheegay in qoraalkeedu khalad wayn kamuuqdo xaga magta oo aan ucaddeyay  oo aan ukeenay ijmaacul culimaa oo ay arrintani kuba xoogbadatahay ,igamaanay qaadan , in ay qaadato iskadaayee waxay iigusoojawaabtay , fahamxumida abuu ciise ee diinta islaamka ,

 Hadaba yaa sixun wax ufahamsan , jawaabtu waa waadix ,

waxaana  meesha kamuuqata in umubakar udallacday in ay tahay daahiriya , anigoo filaya xataa in aanay aqoon badan ulahayn hadana aan faahfaahiyo dahiryada waxa layiraahdaa firqo kutagtay kitaabka iyo sunnada oo aan aqbalayn wax kasoohoray ,

waxaana sheikh u ah daa’uudi aldaahiri ninka layiraahdo oo ay ugu tacasubaan sida mad-habka shaafici oo kale , waxaa kale oo jira , nin layiraahdo ibnu xazmi  oo leh kitaabka layiraahdo  ALMAXLI oo aan filayo in laga heli karo maktabado badan , waxaa uu kahadlayaa kaliya aayad iyo xadiis kaliya wax kale shaqo kuma lahan,

 balse koodu waxaa uu xambaarsanyahay cilmi , umubakarna hadii ay qowl ahaan tahay daahirya malahan aqoonteeda sida ay ugu xeeldheeryihiin daliilkoodana noogama muuqato arrimaha aykahadlayso  , balse waxaa ay kala mid tahay waxaan labadas ahayn lay marsiin mayo ,

Culimada islaamku waxay aysheegaan In ladaliilsado ,

  • 1-Alkitaab
  • 2- Sannada Rasuulka SCW
  • 3- Ijmaaca
  • 4- Qiyaaska Saxiixa ah
  • 5- Qowl Saxaabi
  • 6- Masaalix Almursalah
  • 7- Alistixsaab
  • 8-Al istixsaan
  • 9-Saddu Aldara’ic
  • 10-Sharcigii Innaga horreeyay
  • 11-Al Curfi

Waxaan filayaa in ay iga maqanyihiin kuwa kale illaa waxaa lagaarsiiyaa 14 Intaasba waaladaliilsadaa ayagoo kala horreya  labarka 10aad ee ah sharcigii inaga horreyay waxaan ognahay inuu yahay mansuukh xaga sharcigeena hadana meelo badan aya laga qaataa , sida ninkii iyo naagtii larrajmiyay ee ahaa yahuuda markii lawaydiyay oo layiri muxuu shariciginu qaba falkaan aadsamayseen, oo ay markaa inxiraafiyeen , hadana waxaa uu qabay sharcigoodi in ladilo hadii ay xaas horay usoomareen dariiqii ayaana lamariyay oo waalarajmiyay , waana sharcigii inaga horreyay culimada way daliishadaan , ayadoo ay sax kutahay sharcigeenuna uu qabo sidaa hadana inbadan oo culmaa'ul islaam kamid ah ayaa qaadata sharcigii inaga horreeyay markaa qiyaas hakutaagnaado ama hanoqdoo kan kahorreya ee ah ijmaaca

Markaa umubakar waxaan filayaa hawsha ay kudoodayso meel sax ah kumaanay salayn wax kasta oo lokeenana waxaa muuqata in ay laad kukicisay , ayadoo hadana heshay atbaac horleh oo ay kamid tahay gabadha siidhiirrigalisay oo tiri halkaa kasiiwad wax naga qarsoonaa ayaad noo iftiimisaye , ayadoo loo'arko in ay tahay  qof aan waxba kagaranayn diin ,

Anigu waxana kusookoobayaa maadama aysan gabadhu lahayn wax culima ah ama sheikh ah oo ay waxkabarato oo ay diiday culimadii islaamka daliil badana lookeenay meeshaasna ay kacaddahay in aanayba lahayn sheekh,in aan lagu fidnoobin wixii intaa kadambeeya , fadwo ahaan culimada loogu kalsoonaan badanyahayna mas’aladan ayagoo si faahfaasan uga fadwoonaya lakeeno webkasta oo kamid ah weebabka soomaalida si hadalkuna u yaraado fidnada gabadhasna looga badbaado ,inta ay masaladaasi kadaahsoontahayna u ogaato , isagana jiraan dadka kallunsan dariiqa , taas ayaan kutalinayaa insha allaah waxana noqonayaa qofka ugu horkaca hawshaas ,

Wabillaahi tawfiiq ,

C/risaaq Wiilcade Abu Ciisa

Tirmidi1@hotmail.com Tirmidi1@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

:::Abuu Xaazimow,Allaha kuu denbi dhaafo | Umubakar

:::Umu Bakar,wax naga dahsoonaa bay daaha nooga qaadday
:::Jawaab labaad oo ku socota Umubakar | ABuu Xaazim

:::Jawaab ku socoto Abuu Xaazim | Umubakar

:::Jawaab ku socoto Abuu Xaazim | Umubakar

:::Abuu Ciisa iyo Umu Bakar alle u noqda!!! | C/raxmaan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2007

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Booraama

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay... Akhri..


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com