SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MAQAAL

XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)


Abuu Ciisa iyo Umu Bakar alle u noqda!!!


Qore:C/raxman Cali Carabey
E_mail: baadiyow12@hotmail.com.
Seattle,WA

asalaamu calaykum waraxmatulahi,mahad oo dhan alle ayaa iska leh.

waxaan leeyahay dhamaan dadkii ka qeeb qaatay doodani sida diinta eey raali katahayna ooga hadlay oo uu ka mid yahay Max'ed Cismaan Abuuxazim Jazaakumulaahu qeeyral jazaaa.

aniga'se in aan diyada ka hadlo qorshahayga ma'ahan kaliya in aan alle idin xasuusiyo ayaan rabaa.

waxaan dhawr jeer wax ka aqriyay shabakada warbahinta somalitalk maqaalo looga fadwoonayay arima dhawr ah oo eey ka mid tahay qadarka diyada dumarka iyo raga,waxana soo bilowday fatwadaasi Umu bakar waxaana jawaab celisay sameyay rag badan uu ka mid yahay Abuu Ciisa.

doodina waxeey ku soo biyo shubatay ismaandhaaf dhanka diyada walina lama kala qancin qoraalada eey is dhaafsanayeen Umubakar iyo Abuuciisa waxeey soo socdeen in muda ah qoraalba qoraalkuu ka danbeyay ayuu ka xumaa qof kastana wuu garan karay aflagaadada daahson iyo mida banaanka taalo heerkii oogu danbeyay waxuu ahaa in la isku tilmaamo Mooryaan iyo in la iskugu magacdaro dadyoow gaalo ah taana waxaad ka garan karta heerka eey kamareeyso dadkani rabo in eey iska dhaadhiciyaan mas'alooyin diin ah qof kastana markuu danbiga sameenayo waa jaahil bini'aadam hadan nahayna waxaa nagu xariiro cadow weyn uu alle nooga digay kasoo ah sheeydaan.
alle waxauu yiri (hadaad ku doodan wax, u celiya alle iyo Rasuulkiisa) lama oran ha la iscaayo doodana hadeey u dhurato mid macnihii katagay isla markaana kuu keeneyso danbi waa laga cararaa waayo fitno ayey noqotay (alle waxuu yiri fitnada ayaa kaweeyn dilka)

wey wanaagsantahay  in laisku sheego xaqa la iskana dhaadhiciyo mas'alooyinka diiniga ah,balse dooda diiniga ah yeysan noqon mid alle looga fogaanayo waayo meesha hadeeyba aflagado soo gasho waxaa lala yimid macaasidii alle naga xaarantameeyay hadaad arinkaa la timaadaan Umubakar iyo Abuu Ciisa xaalkiina waxuu u ekaanaa diintaa qaarna waan qaadanay oo waan ka fatwooneynaa qaarna waan katagnaa sababtoo ah qof xaq sheegaayo ma'ahan in uu qof kale oo muslim ah caayo waadna garaneysaan in eeysan banaaneen,mar hadii aad wax kala qaadan la'dihiin doodiina noqtay mid aflagaado kubilaabato kuna dhamaato aflagaado waxaan idin oranayaa alle ka dhawrsada ogaadana afka in naar lagu kasbado xauusta alle iyo maalinka qiyaamaha hana iskugu noqonine aflagaado danbe,in ladoodo la iskuna sheego diinta waa waajib balse ma'ahan in loo doodo si maalayacni ah Nabiga salalaahu calayhi wasalim waxuu yiri(ninkii alle iyo maalinta qiyaama rumeyay ha dhaho wanaag mise ha iska aamusa).
 
waxaa dhacday xiligii u qilaafada hayay sayidinaa Cumar nin acraabi ahaa yacnii reer badiye ayaa u yimid wiil uu ader u ahaa la oran jiray xuri ibnu qays kana mid ah ragii xufaada ahaa waxuu ku yiri waxaad ii geeysa ninkani Cumar ah,saxaabigii Cumar ayuu u yimid waxu ku yiri waxaa ku rabo in uu kula kulmo nin aderkey ah Cumar wuu aqbalay, acraabigii ayaa u soo galay Cumar waxuu ku yiri  alle ayan ku dhartay cadaalad naguma xukuntid wax weyna nama siisid wa laba dhaliil oo weyn sayidinaa Cumar arinkaa aad ayuu ooga carooday ninkii saxabiga ahaa markuu arkay carada Cumar ayuu yiri yaa amiiral mu'miniin alle waxuu ku yiri rasuulkiisa(rasuulka sharafta lahoow waxaad qaadataa waxa fudud,waxaad fartaa waxa wanaagsan kana jeeso jaahiliinta.aayada 198 ad suuratul acraaf) Cumar marku maqlay ayada wuu dagay,run ahaanti ayada waxaan u soo qaatay waxeey ka hadleysa arima badan oo ey ka mid tahay hadaad xanaaqdo in aad alle si dhaqsa ah u xasuusato,qoraaladiina waxaa ka muuqda in aad isku carooteen ee alle kabaqa kana  dhawrsada iscafiyana hadii mar laidin xasusiyay.

waxaan ku soo gunaanudayaa qoralkani hadii aad dooneysaan in aad sii wadataan doodiina ha ahaato mid wadato anshax alle ha looga baqo qof kasto oo arinkani rabo in uu ka fatwoodo ha keeno daliil kitaabka iyo sunada (RSC).
 
Wabilaahi Tawfiiq.
 
Qore:C/raxman Cali Carabey
E_mail: baadiyow12@hotmail.com.
Seattle,WA

:::Abu Ciisow,Allaha xaqa ku tuso. | umubaka
:::Umubakar waxay fakarka kalamid tahay Condoleessa Rice | Abucisa
:::Jawaab: Umubakar oo ka hadashay magta dumarka | Abuuxaazim

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com