SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaab labaad oo ku socota Umubakar 

Maxamed Cismaan

Abuuxaazim@hotmail.com 

Jawaabtii ay ka bixisay, umubakar, maqaalkii aan ku radinayey waxaa ka muuqata inaysan aaminsanayn ijmaacu inuu ka mid yahay maraajicda islaamka, iyadoo igu tilmaantay inaan fuqahada xagooda wax ka raadiyey meeshaan kitaabka iyo sunnada wax ka raadin lahaa.

Waxaan taas ka leeyahay kitaabka iyo sunnada hadii aadan awrka ku kacsanaynin iyagaa ku faraya in ijmaacu xujo yahay, sida quraanku kuu farayo in sunnadu xujo tahay. 

Arinta ay ka tiri umubakar, mujtahidku wuu gefi karaa wuuna saxmi karaa iyadoo soo qaadatay xadiiskii saxiixa ahaa ee arintas ka hadlayey, waxaan leeyahay waa sax inuu mujtahidku saxmi karo khaldamina karo, labada jeerna uu ajar helayo, balse ma haysaa cid Cumar iyo Cismaan ku gef xukuntay oo yiri arintaas way ku khaldanaayeen ama ijtihaad bay ka ahayd.

Halka ay isku dayday umubakar inay daciif ku sheegto aathaarta saxaabada ma aysan asiibin, ee Irwaaga sheikh Albaani ee dhowr jeer ay kusoo celclisay bay  ku yaallaan iyagoo saxiix ah, bal fiiri mujalladka 7aad bogga 310. balse horaa loo yiri qof meeli u caddahay meeli ka madow.

Hadaad saas ogaatay sunnada khulafada raashidiintu way ka duwan tahay aathaarta kale ee saxaabada, sababtoo ah nabiga sallalaahu calayhi wasallama ayaa si gaar ah uga dardaarmay in la qabsado, cumar iyo abubakarna si gaar ah ayuu u yiri nabigu sallalaahu calayhi wa sallama “Haddii ay Abubakar iyo cumar adeecaan way hanuunayaan”.

Waxaana laazim ku ah qof kasta inuu raaco hadii saxaabo kale aysan khilaafin. 

Waxaan horay maqaalkii hore ugu sheegnay in culimadu arintaas diyada dumarka ah ku ijmaaceen inay bar tahay, soona rareen ijmaaca saxaabada, waxa Allaah mahadiis ah in umubakar aysan keenin hal saxaabi ama hal taabici oo fikirkeeda qabay, waxayse ka dhawaajisay in aan mas’alada lagu ijmaacin ee ay khilaafeen laba nin oo la kala oran jiray ibnu Culayyata, iyo Abubakar Al-assam, waxay kaloo sheegtay culimada casrigan qayb ka mid ah inay mas’alada siday u wadato u fadwoodeen. 

Jawaab kooban anoo ka bixinaya arintaas, waxaa iswaydiin leh, cid kastaa ijmaaca ma burin kartaa, mase la burin karaa, yaase burin kara, labadan ninse miizaan intee le’eg bay leeyihiin, dad culimo ah miyaa oo fiqhiga laga qaato?

Ijmaaca haduu guntamo oo fariisto, horta cidna ma burin karto sida lagu daraaseeyo Usuulka xitaa casriga xigaa ma burin karaan, sababtoo ah waa xujo goan.

Hadaan ha hadlo labadan nin midka koowaad waxaa la yiraahdaa: Ibraahiim bin Ismaaciil bin Ibraahim bin Miqsam, waxayna isaga iyo aabihii ku caanbaxeen “bin culayyata” oo ah ayeydiis aabihiis dhashay.

Waxaan ka digaya in la isku khaldo isaga iyo aabihii, aabihiis waa imaam weyn oo ka mid ah muxadithiinta iyo fuqada islaamka, kana mid ah silsiladda ay maraan laba sheikh ee saxiixaynka iska leh iyo culimo fara badan oo kale, wuxuuna ka mid ahaa culimada sunnada mana qabin mas’aladan.

Ibraahim oo wiilka ah ayaa qabay mas’aladan, mana ahanyn nin caalim ah ee wuxuu ahaa in faylasoof ah oo doodyahan ah, imaamu Dahabi wuxuu ku tilmaamay wiilkan “Shaydaan Jahmi ah, oo aaminsanaa inuu quraanku makhluuq yahay, doodina jiray” fiiri Siyar Aclaam An-nubala mujalladka 9aad bogga 113.

Waxaa halkaas ka cad in umubakar fikirkeedii uu kasoo fulay nin shaydaan ah. 

Aan usoo noqonno Al asam, isna wuxuu ka mid ahaa doodyahannadii muctazilada ee qarnigii labaad, mana ahayn nin faqiih ah oo cilmi laga qaato, ee wuxuu ahaa dadka u ololeeya quraanku inuu makhluuq yahay, oo ah arin gaalnimo ah, loona laayey darteed culimo badan oo muslimiin ah, loona xiray oo loo jirdilay Imaamu Axmed Bin Xanbal, waana mixnaddii uu ku mutaystay Abaalmarinta ah Imaamu Ahlu sunnah.

Ninkan Asam ah ka fiiiri Siyarka dahabi ee aan soo sheegnay 9/402. 
 

Aan usoo noqdo culimada casrigan ee ay cuskatay, kulligood waa culimada Azhar ee qarnigan, laga soo bilaabo Rashiid Rida ilaa Qardaawi, mana khilaafi karaan ijmaaca culimada, hadii ay khilaafaanna wax kasoo qaad ma noqonayo, nimankan qaarkood sida Shaltuut iyo Qazaali waxay inkireen arimo cadcad oo quraan iyo sunnaba ku sugnaaday, sida Qazaali uu fatwooday haweenayda markhaatigeedu inuu la mid yahay midka ninka, isagoo quraanku sheegay inay bar tahay, isagoo Qazaali xujo ka dhigtay in haweenayda casrigan ay aqoonyahanad tahay.

Waa arin la yaab leh, oo Caaisha iyo ummahaatkii mu’miniinta ka dhigaysa in jaahilnimadooda darteed markhaatigooda bar looga dhigay, ee haddii ay wax baran lahaayeen ay raga la mid noqon lahaayeen.

Waxay kaloo Umubakar sheegtay, in diyada dumarka in bar laga dhigo ay bilaabatay qarnigii afaraad, arintaan caddaynteeda iyo maraajicda ay kasoo xigatay iyadaa laga rabaa? Waxaan filayaa marka xiga inay xujo ka dhigan doonto Xasan Turaabi iyo Maxamed Cammaara.

Sidaa darteed waxaan leeyahay walaasheen waxba xumbo ha cuskan, adigoo jaballo waaweyn heli kara, xaquna waa baadida qofka muslimka ah meeshuu ka helana wuu qaataa, kibirkana xaqaa lagu seegaa waa wixii Ibliis lumiyey, mas’aladaanna waa mid horay looga faraxashay, ee waxba wakhti ha isaga lumin, diintaadana haku seegin, isna daba qabo, intaadan marin halkii ay mareen Qudubi Iyo Dusuuqi

Wabillaahi at-tawfiiq

Maxamed Cismaan

Abuuxaazim@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

:::Jawaab ku socoto Abuu Xaazim | Umubakar

:::Jawaab ku socoto Abuu Xaazim | Umubakar

:::Abuu Ciisa iyo Umu Bakar alle u noqda!!! | C/raxmaan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2007

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Booraama

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay... Akhri..


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com