XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY:
Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan
sano (1936-1941)
Jawaab ku socoto Abuu
Xaazim
Zahra Abdi Hersi -Holland
umubakar@hotmail.com
Walaalka
isku dayay in uu raddiyo ama uu
ka soo horbaxo,maqaalkii aan uga hadlay diyada kuna caddeeyay arrinkaasi in
aysan jirin hal aayad oo hadalka Allah ka mid ah ama xadiis saxiix ah oo ka
sugnaaday nebiga sallalaahu calayhi wasallama oo sheegaysa in diyada naagta ay
50 tahay ninkuna uu 100 yahay,waana arrin lagu farxo dadaalka uu Abuu Xaazim
sameeyay iskuna dayay in uu wax ka ogaado arrintaasi, isagoo arrinkaasi jawaab
lagu qanci karo uga raadiyay dhinaca fuqahada, halkii laga rabay in uu uga
raadiyo kitaabka iyo sunnaha rasuulka sallallaahu calayhi wasallama, waxaanse ku
dhiiraggelinaya sidii asluubta lahayd ee uu ra’yigiisa u soo bandhigay, haddana
waxaa lagama maarmaan ah in wax laga yiraahdo khaladaadka maqaalkiisa ku jiray
si uu uga faa’idaysto annaguna uga faa’idaysano,Rabbina naga dhigo kuwa khayrka
sheegaya oo haddana asiibaya,macnaha toosinaya.
Xadiis
saxiix ah ayaa sheegaya in nebi Muxammad sallallaahu calayhi wasallama uu yiri:
xaakinku haddii uu xukmiyo ee uu dadaalo,isla markaana uu asiibo wuxuu helaya
labo ajar, haddii uu xukmiyana ee uu dadaalo,dabadeedna uu gafo wuxuu leeyahay
hal ajar, xadiiskan waxaa soo weriyeen Bukhari,Muslim,Abii Daawuud,Tirmidi,Ibnu
Maaja iyo Nasaa’i waxaana saxiixiyeen culumo badan oo ay ka mid yihiin:Ibnu
Taymiya,Albani,Showkaani iyo culumo kaloo badan,labada sheekh saxiixooduna waxaa
ku xusan in nebiga sallallaahu calayhi wasallama uu yiri:Rabbi qofkii khayr la
doono diinta ayuu fahamsiya,Allaha naga dhigo kuwa diinta u fahma sida ay tahay.
Abuu Xaazim
wuxuu arrinka diyada oo lagu kala saarayo ninka iyo naagta u soo daliilsaday
hadallo loo nisbeeyay Cumar iyo Cusmaan Allaha ka raalli noqdee,labadaas
saxaabina waxaa loo saaray Athar sheegaya in ninka iyo naagta aysan u wada
sinnayn xagga diyada,Atharna sida aanu ognahay ma ahan qur’aan mana ahan xadiis,
haddana waxaaba jira oo sharci ah in Atharada qudhoodu loo baahan yahay in la
baaro loona baaro sida loo baarayo axaadiista nebiga sallallaahu calayhi
wasallama,iyadoo Atharka laga baarayo in uu saxiix yahay iyo in uu daciif
yahay,maxaa yeelay Atharadu waxay noqon karaan saxiix waxayna noqon karaan
daciif,Ibnu Xajar wuxuu kitaabkiisa Talkhiis Al-Xabiir uu ku sheegay in Atharka
Cusmaan aanan helin Atharka Cumarna aanan arag sidoo kalena Atharka Ibnu
Cabbaas,sidaas daradeed buu Ibnu Xajar u daciifiyay Atharka Cumar iyo Cusmaan
iyo Ibnu Cabbaas oo uu walaalkeen Abuu Xaazim daliil ka dhigtay Atharka Cumar
iyo Cusmaan,waxaa kaloo jira Athar kale oo laga soo weriyay Cumar iyo Cali
Allaha ka raalli noqdee oo sheegaya in diyada naagta ay tahay barka diyada ninka
wuxuuna Bayhaqi Atharkaasi uu ku sheegay in uu kala go’ ku jiro.
Sideedaba
ka hadalka diyada oo naagtana in bar la siinayo ninkuna uu hal qaadanayo waxay
soo bilaabatay qarnigii 4aad ee hijrada,aayadda 92aadna ee suuradda Annisaa’
sheegi mayso oo kalama saarayso diyada ninka iyo naagta,kaasaana noogu
filan,mana jiro xadiis saxiix ah sidii aan horay u soo sheegnay oo kala saaraysa
diyada ninka iyo naagta,xadiiska sheegayo: diyada naagta waa barka diyada
ninka,wuxuu sheekh Albani kitaabkiisa Irwa’ Al-Ghaliil uu ku sheegay in uu
daciif yahay,Bayhaqi qudhiisana wuxuu sheegay in sanadka xadiiska aanu
sugnayn,sidaasoo kale buu u jiraa axaadiis fara badan oo wada daciif ah iyo
Atharo badan oo daciif ah oo ninka iyo naagta kala saaraysa xagga diyada lana
soo daliilsan karin.
Kutubada
uu soo qaatay walaalkeen Abuu Xaazim sida Musannafka Ibnu Abii Shayba iyo sunan
Al-Kubra ee uu qoray Bayhaqi iyo Musannafka Cabdirizaaq iyo kutubada Al-Mughni
ee uu qoray Ibnu Qudaama iyo kutubada qaarkood ee ay qoreen Ibnu Mundir iyo Ibnu
Cabdil Barri iyo kitaabka fiqhusunna ee uu qoray Sayid Saabiq waxaa ku jira
Atharo iyo axaadiis badan oo wada daciif ah oo aan la soo daliilsan
karin,axaadiis badan iyo Atharo badan oo ay soo qaateen Ibnul Mundir iyo Ibnu
Cabdil Barri baa la daciifiyay,kitaabka fiqhisunnana ee uu qoray Sayid Saabiq
waxaa lagu raddiyay oo lagu naqdiyay kitaab qayim ah ee uu qoray sheekh caanka
ah ee Albani uguna magacdaray Tamaamul Minnah,waxaana loo baahan yahay in qofka
daaciga ah oo arrin diin ah ka hadlayo in uu marka hore iska soo hubiyo waxa uu
soo bandhigayo iyo meesha uu wax ka soo qaadanaayo, xadiiskana uu iska soo
hubiyo inta uusan soo bandhigin in uu saxiix yahay iyo in uu daciif
yahay,sidaasoo kalena uu ku sameeyo Atharada,xataa qofku markuu aayad soo
qaadanayo waa in uu kala og yahay Naasikh iyo Mansuukh,maxaa yeelay wuxuu
daliilsan karaa aayad mansuukh ah.
Lama oran
karo fuqahadu waxay isku raaceen in diyada naagta ay bar tahay halka uu ninku
yahay hal,maxaa yeelay waxaa kaloo jira fuqahaa’ kale iyo mufasiriin kale oo
iyaguna aaminsan in diyada ninka iyo naagta ay isku mid yihiin,waxaana
fuqahadaasi ka mid ah:Ibnu Culayyata iyo Abuubakar Al-Asammu,culumada casrigana
waxaa ka hadlay arrinka diyada ninka iyo naagta,sheekhii Al-Az-har ee Muxamuud
Shaltuut wuxuuna kitaabkiisa:Al-Islaamu caqiidatun washariica,qayb ka mid ahi
cinwaan uga dhigay:diyada ninka iyo naagta waa isku mid,waxaa kaloo ka hadlay
arrinkaasi sheekh Muxammad Rashiid Rida kuna soo qaatay tafsiirkiisa Al-Mannaar
iyo sheekh Muxamuud Abuu Zahra oo kitaabkiisa Al-Jariima wal Cuquuba fil
Shariica Al-islaamiya uu ku soo qaatay arrinkaas iyada ah iyo sheekh Muxammad
Al-Ghazaali oo arrinkaasi kaga hadlay labadiisa kitaab ee kala ah:asunna bayna
ahul fiqhi wa ahlu xadiis iyo turaathuna baynalcaql washarc,dhammaantoodna waxay
sugeen in diyada ninka iyo naagta ay isku mid yihiin.
Shirkii
lagu qabtayna dalka Qadar 22kii bishii Desember sannadkii 2004 waxaa looga
hadlayay arrinka diyada ninka iyo naagta waxaana ka soo qaybgaleen culumo iyo
shuyuukh badan,waxaana halkaasi ka dhex muuqday sheekha caanka ah ee Yuusuf
Al-Qardawi wuxuuna xusay sheekhu in aysan jirin qur’aan iyo sunne midna oo
sheegaysa in diyada naagta ay tahay bar halka uu ninku yahay hal,waana isku mid
buu sheekh Al-Qardawi caddeeyay diyada ninka iyo naagta,mana jiro buu yiri wax
farqi ah ee u dhexeeya arrinkaasi.
A’imada
afarta ah ee
Shaafici,Maaliki,Xanbali iyo Axmed dhammaantood Allaha u naxariiste waxay
sheegeen in qowlkoodu la tuurayo haddii la arko qowlka rasuulka sallallaahu
calayhi wasallama,Abuu Xaniifa wuxuu yiri:hadduu xadiisku sax yahay waa
mad-habkayga,Maalikna wuxuu yiri:waxaan ahay bashar gefayo haddana
saxayo,ra’yigayga fiiriya,wixii ka waafaqo kitaabka iyo sunnaha qaata,wixii aan
ka waafiqina meesha ugu taga,Shaaficina wuxuu yiri:haddii aad ku aragtaan
kitaabkayga wax khilaafaya sunnaha rasuulka sallallaahu calayhi wasallama,dhaha
wixii sunnaha ah wixii aan sheegayna ka taga, Axmedna wuxuu yiri:ha igu
dayanina,hana ku dayanina Maalikna,Shaafici,Awzaaci iyo Thawri,ka qaado meesha
ay ka qaateen,kaasoo kitaabka iyo sunnaha.
Zahra Abdi Hersi -Holland
umubakar@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
:::Abuu
Ciisa iyo Umu Bakar alle u noqda!!! | C/raxmaan
:::Abu Ciisow,Allaha
xaqa ku tuso. | umubaka
:::Umubakar
waxay fakarka kalamid tahay Condoleessa Rice | Abucisa
:::Jawaab: Umubakar
oo ka hadashay magta dumarka | Abuuxaazim
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 26, 2007


|