SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Umu Bakar,wax naga dahsoonaa bay daaha nooga qaadday

Waxaan si aada ula socday wararka lays dhaafsanayay oo lagu soo qoraayay somalitalk oo ku lug lahaa diyada.. runta hadii aanan ka baqaynin gabadha Umu Bakar la yiraahdo khayr Ilaahay siiyo waxay ifisay arin mugdi ku jiray oo xataa dad badan ay ka baqayeen in ay ka hadlaan oo raguba u badan

Anigu waxaan ula yaabay gesinimada Umu Bakar sida ay ugu dhiiran tahay arimaha diinta.. anigu koley maanan arag gabar gesinimadan oo kale u hadlaysa oo waliba diin ka hadlaysa waayo dumarku in ay aamusaan iyo in ay  ka hadlaan siyaasad waxa u dhexeeyo ma jidho.. waayo anagu hadii aanu nahay dumar inta badan waxaan diinta ka dhegaysana raga,oo raga intooda badan maba aaminsana umana haystaan in dumarku ay diinta ka hadli karaan.

Anigu waxaan indhaha saaray gabdho aan saaxiibo nahay oo meel wax ku baranay oo waliba iyagu ku takhasusay dacwada iyo usuusha fiqiga hadana markii aan ka wada hadalnay in aan diinta ka hadalno oo aan faafino qoraalo arintaasi ku saabsan aan soo bandhigno meelaha Soomaalidu ay isku yimaadaana sida paal talka aan ka hadalno waxay iigu jawaabeen:in ay xishoonayaan..waxaan markaasi ku iri war xaqa in la sheego lagama xishoodo markii danbana wey igu diideen aniguna cabsidaas baa i gashay oo xataa hadii aan hal mas´alo garanayo kuma dhiirani in aan sheego..kuma dhici in aan iraahdo war waxaasi waa khalad waxaaba igu dhacda afkii baa juuqda gabay.

Laakiin aanu u wada ducayno bal  Umu Bakar waxay maanta na tustay in dumarka ay hadli karaan diintooda islaamkana ay ka hadli karaan waxaana filayaa Allaha u saaidiyo in Umu Bakar ay si fiican diinta u soo baratay siiba cilmiga xadiiska waayo waxaan arkaya sida ay u kala dhigdhigayso darajada xadiiska iyo cidii soo werisay,mowduuca laga munaaqashoodayna in ay si wacan uga hadashay waxaana qabaa in dumarka aysan xishoon oo qofkii wax garanaysaba oo waliba diinta ku saabsaan in ay hadasho ileen diiinta lama kala xigo rag iyo dumar.

Waxaa ka xumaaday oon ka naxay in ninkii haweenay mushrikad ah Condoleezza Rice uu la simay gabar muslimad ah oo diinta si fiican u garanayso oo xaqana si hagaagsan u cadeenaysa waxaana rajeynaya in qofka ka qeeb galaya munaaqashada uu hadalkiisa ku soo koobo Ilaahay ayaa sidaan yiri Rusuulkana sidaan ayuu yiri.

Waxaan kaloo rajeynaya in raga aysan cuqdad qaadin oo aysan wax kale u arkin haddii ay arkaan in dumarka Soomaaliyeed ay ka hadlaan diinta waayo diinta waa loo siman yahay,Umu Bakarey halkaa ka sii wad wax badan baad noo faa’idaysay waliba axaadiista ku saabsan,kheyr badan Ilaahay ha ku siiyo..baarakalahu fiiki

Ukhtakum almuslima

Nuura Farax Cismaan.

somaliwomenfree@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

:::Jawaab ku socoto Abuu Xaazim | Umubakar

:::Jawaab ku socoto Abuu Xaazim | Umubakar

:::Abuu Ciisa iyo Umu Bakar alle u noqda!!! | C/raxmaan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2007

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Booraama

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay... Akhri..


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com