SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAXAA SABABAY DHIBAATADA SOOMAALIYA 

WQ     cali maxamed diini ( calidhuux)   Nairobi Kenya.

calidhuux20@hotmail.com


 Dadka somaalidu waa hal qoys dhamaantood haldiin haysta hal af kuhadla hal meel    daga  oo ( qaaruumo kale udhaxayn) laga bilaabo cirifka koofureed ilaa jabuuti ilaa  garisa. Dadka somaalidu waayihii hore waxay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah oo aan  magaalooyinka kubadnayn. Laakin wixii kadambeeyay 1900 soomaalidu siweyn  ayay ugalen magaalooyinka,  waxaana abuurmay dhaqdhaqaaq gobonimodoon ah taas  oo sababtay dagaal kharaar oo lalagalay  gumaystayaashii Italy iyo Uk. Laga  soobilaabo kacdoonkii sayid maxamed cabdulle xasan waxay dagaal kharaar   lagaleen gumaystayaasha dalka joogay ilaa markii dambe xoriyada laga qaatay       

         1960kii.  
DHAGARTII GUMAYSTAHA

gumaystayaashii soomaali gumaystay labadii uugu waaweynaa ee Italy iyo Uk waxay ahaayeen kuwii sababay in soomaalida lakala qaybiyo. Talyaaniga oo ah wadanka intabadan soomaaliya gumaystay soomaalida dhagar badan ayuu kusameeyay, dagaallo badan ayuu ka abuuray qabaa’ilka soomaaliyeed dhexdooda, xuduudo ayuu usameeyay. Dagaalkii labaad ee aduunka markii Talyaaniga laga adkaaday soomaaliya oo dhanna ay gacanta ugashay ingiriska. Ingiriisku waxa uu soo diyaariyay qaraar  sheegayay in soomaali oo dhan lamideeyo ingiriisna xornimo gaarsiiyo, laakiin talyaaniga kaadiriin ayuu kasamystay soomaaliya wuxuuna kadhaadhiciyay in Talyaani dib loogu celiyo soomaaliya xornimana uu gaarsiiyo qaramada midoobayna ay saas kacodsadaan. Wayna dhacday aakhirkii taas oo sababtay in Ingiriisku si toos ah xabashida ugu wareejiyo dhulka soomaali galbeed.

DAGAALADII KADHICIJARAY SOOMAALIDA DHEDOODA.

Inkastoo aan korkusoo xusnay in soomaalidu ay yihiin hal qoys, hadana soomaalidu waligood maheshiin waxayna isdagaali jireen qabiil-qabiil wxaana dhici jiray dagaallo lagu hoobto. Tusaale ahaan gobolka mudug ee kuyaalla bartamaha soomaaliya wxaa kadhacay dagaallo aad ufarabadan kuwaas oo dhexmaray qabaa’il soomaaliyeed oo halkaas daga. Waxaana dagaaldaas kamid ahaa,

1:GOLOL BUUXSHE

2: DIILLIN BALO

3: GABAL QARIYE

4: HOOBAAQ

5: INA-DIINLLE  IYO kuwo kale oo aad ufarabadan. Aabbahay oo xilligaa nin dhalin yaro ah ayaan waydiiyay waxa laga wado magaca diillin balo wuxuuna iigu jawaabay. “ diillin balo waxa uu ahaa dagaal aad ukharaar oo lagu dagaalamayay warmo, tooreeyo, seeffo iyo waliba qoryo uu talyaanigu siiyay beel kamid beelha dagaalmayay, dagaalkaas waxa uu ahaa dagaal saf balaaran ah oo laisga horyimid labo saf oo midkastaa ahaa lane dheer ama diiillin  waxaana halkaas kadhacay khasaare lixaad leh. Dagaaladaasi kuma koobnayn mudug oo kali ah ee waxay kadhicijireen meelkas oo soomaali dagto waliba qaar ayaa waxay dhceen intii soomaaliya xornimada haysatay gaar ahaan xilligii dawladihii rayidka ahaa. 

SOOTAAN XABAALNAY QABIILKA

Markii soomaaliya xornimada qaadatay dawladihii ladhisay waxay kudhisnaayeen qaab qabiil oo daahsoon ma ahayn sida maanta midka xishood darrada ah. Tusaale ahaan madaxweynaha wadanka waxa uu ahaa Hawiye, Ra’iisul wasaaruhu daarood . arin layaab leh hogaamiyihii gobolada waqooyi waxaa laga dhigay wasiir, miyuusan mudnayn in waqooyiga ra’iisul wasaare lasiiyo ama madaxweyne maadaama aysan markii hore kamid ahayn koofurta oo ayagu isku koobay maamulkii wadanka. Laakiin taas oo dhan waxaa laqay markii dambe Taliskii millatariga ahaa ee uu madaxda u ahaa GEN maxamed siyaad barre  waxa uu baabi’iyay maamulkii kudhisnaa tastuurkii qabiilka. Wxaana uu daaqda kasaaray wax u eg qabiil, waa lawaayay qabiil qabiil kale dagaal lagala markii dambana waxaa qabillkii lagu aasay dagmo kanid Muqdisho.

GOORMUU DIB USOO DHASHAY QABIILKU

Qabiilku waligii madhiman  xabaaliduna waxay ahayd maqaarsaar been ah, maxaa yeelay majirin tastuur ama sharci  u dagsan  wadanka  oo siyaasadiisa lagu maamulo  amarkuna waxa uu ahaa amar millatari oo waliba hal nin kasoo baxayay  soomaaliyana laguma maamuli karo hal nin amarkiis ee waxay ubaahantay sharci uyo cadaalad.

GABANGABO.

Ummada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa kudhacay virus-kaan khatarta ah sababna unoqday in qarankii soomaaliyeed uu gacanta ugalo cadawga Ethiopia oo maanta xasuuq kuhaya soomaali oo dhan. Sheeko ayaan kumaqlay markii soomaaliya xornimada qaadatay 1960kii calanka buluuga ahna laga taagay Villa soomaaliya ee heesta loogu qaaday, { soomaalaay kulligaa kulmiyaa lasuree kadabaa dhaha’ee}

Arintaas ayaa waxaa maqlay boqorkii itoobiya xayle selase markaas ayuu mid kamid lataliyayashiisi kuyiri “waryaa ma maqashay in nimankii soomaali maryooley ahayd ay dawladnimo heleen ayna yeesheen calan aykumidaysanyihiin, markaas ayuu uugu jawaabay oo maxaad uugu diidaysaa hadii ilaahay siiyay, xayle selase ayaa kujawaabay sikasta calan ha uyeesheen  aakhirka ayagaa kuukeenaya ayagoo gacmohooda kusida.

Hadaba maanta in taangiyada itoobiya ay Muqdisho kasameeyaan waxay doonaan wax lagu sheegay safaarada itoobiyana laga furo gurigii madaxweyne kuxigeenkii soomaaliya ismaaciil cali abokor waxa nagaarsiiyay waan ognahay waa qabiil,. Sidaas daraadeed waxaa ummada soomaaliyeed lagud boon inay qabiilka ilaawaan ayna kashaqeeyaan sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen cadawga.

WQ     cali maxamed diini ( calidhuux)   Nairobi Kenya.

calidhuux20@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

:::Abuu Xaazimow,Allaha kuu denbi dhaafo | Umubakar

:::Umu Bakar,wax naga dahsoonaa bay daaha nooga qaadday
:::Jawaab labaad oo ku socota Umubakar | ABuu Xaazim

:::Jawaab ku socoto Abuu Xaazim | Umubakar

:::Jawaab ku socoto Abuu Xaazim | Umubakar

:::Abuu Ciisa iyo Umu Bakar alle u noqda!!! | C/raxmaan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2007

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Booraama

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay... Akhri..


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com