sahro
alle ka
cabso
Bismillaahi
Raxmaani
Raxiim
Asalaamu
Calaykum ww
salaan kadib marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada
islaamka intaas kadib waxaan rabaa inaan u mahad celiyo asxaabta somali talk
hadaan usoo dhaadhaco ujeedkeyga waxaan rabaa haduu allaah
subxaanahu watacaalaa ii suurto geliyo in aan wax ka iraahdo gabadha la
yiraahdo sahro oo ku owr kacsaneysa in naagta iyo ninka ay siman yihiin
inaysan sineyn waxa kuu cadeyneysa in haweenayda markhaatigeedu inuusan la
mid aheyn midka ninka, isagoo quraanku sheegay inay bar tahay, taasi waa
mida koowaad oo cadeyneysa inuusan ninka iyo naagta sineyn tan labaad waxaa
cadeeyay illaah kheyr haka siiyo walaalkeena abu xaazim oo daliilo cad
meesha keenay anigana baaritaan ayaan ku sameyay kitaabada uu sheegay marka
waxaa cad ineysan daliil heynin sahro oo ay ku doodeyso meel cidla ah marka
waxaan ugu nasteexeenaa in ay baaritaan ku sameyso diinta islaamka mida hore
waa sax ineysan quraanka ku jirin meel dhaheysa in ninka yahay boqol
gabadhuna tahay bar laakiin waxaa jira ugu jirin
Waa inaan aadnaa tallaabada xigta sunnadii khulafada
raashidiinta, iyo ijmaacii saxaabada, markaan kutubta islaamka soo rogno oo
mas’aladaan baarno waxaan helaynaa in uu arintaas xukmiyey Cumar Bin
khaddaab iyo cuthmaan bin caffaan, sida ku cad musannafka ibnu abii shaybah
mujalladka 11aad bogga 22aad. Iyo Irwaa Al-qaliil uu qoray Sheekh Albaani
7/310. As-sunan Al-kubraa uu qoray Imaam Al-bayhaqi 8/71
saxaabada rasuulkuna sidaas ayey ku midoobeen in magta
haweenaydu tahay kala bar inta ninka, waxaana ijmaacaas soo guuriyey culimo
badan oo uu ka mid yahay: Imaamu shaafici, Abubakar Bin abii shaybah sida ku
sugan kitaabkiisa Musannafka ah, waxaa sidoo kale soo guuriyey dhammaan
fuqahada islaamka sida ku cad: Al-muqnii uu qoray Imaam Ibnu qudaamah 9/531,
iyo Ijmaaca ibnu Mundir iyo Ibnu C/barr, iyo fiqhi sunnah Sayid Saabiq
2/377.
intaasi ayaa kugu filan daliil sida uu u sheegay walaalkeena
abu xaazim anigana tixraac ku sameeyay sahro waxa kaloo ka rabnaa i
saxaabada rasuulkuna sidaas ayey ku midoobeen in magta
haweenaydu tahay kala bar inta ninka, waxaana ijmaacaas soo guuriyey culimo
badan oo uu ka mid yahay: Imaamu shaafici, Abubakar Bin abii shaybah sida ku
sugan kitaabkiisa Musannafka ah, waxaa sidoo kale soo guuriyey dhammaan
fuqahada islaamka sida ku cad: Al-muqnii uu qoray Imaam Ibnu qudaamah 9/531,
iyo Ijmaaca ibnu Mundir iyo Ibnu C/barr, iyo fiqhi sunnah Sayid Saabiq
2/377.
waxa kaloo jira in ay tiraahday waxay bilaabatay qarniga
afaraad arintqan diyada oo ninkana 100 yahay naagtuna 50 tahay marka waxaan
ka rabnaa meesha ay kasoo xigatay arintaas
tan kale arinta qabiilka wax jira oo jira jira doono waaye
mahan wax ey reebi karto ma ahan
Allena isagaa nooga ogaalbadan qabiilka , marnaba dhici
mayso in
qabiil meesha kamarnaado waayo ilaahba ugumatalagalin , alle marka uu
lahaa , dadyohow waxaanu idinka yeelnay shucuubyaal iyo Qabiillo
Suuratul xujuraat Ayadda 13aad,
(yaa ayuhalnaasu inaa khalqnaakum min dakarin wa un tha wa jacalnaakum
shucuuban wa qabaa ilaa litacaarafuu) marka arinta ay ka hadleyso waa
qabyaalad waa wax xun oo waxa soomaalidu heysato laakiin hadaad dhahdid
qabiil ma jiro waa adiga oo dhahdo rixim ma jirta tusaale qureysh yaa waaye
waa dadka uu ka dhashay nabi muxamed salawaatullaahi calayhi wasalim qureysh
waa qabiil ka mid ah qabiilada carabta hadaad dhahdo qabiil majiro waa adiga
oo beeniyeysay aayadaas tan kale qabiilku kama jirto soomaaliya oo kaliya
waxay ka jirtaa caalamka tan soomaaliya ka jirto oo cudurka ah waa qabyaalad
taasi waa tan nakala geysay oo na dhigtay meesha hada yaalno marka waxaan ku
talin lahaa in illah loo noqdo oo doodaan meesha lagu joojiyo waxaan allah
ka baryayaa inuu xaqa na waafajiyo
wabillaahi tow fiiq
maxamed cismaan (muqaawama)
mcbuulle@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku
saxiixan
:::Abuu
Xaazimow,Allaha
kuu denbi dhaafo
| Umubakar
:::Umu Bakar,wax naga dahsoonaa bay daaha
nooga qaadday
:::Jawaab labaad oo ku socota Umubakar
| ABuu Xaazim
:::Jawaab ku socoto Abuu Xaazim |
Umubakar
:::Jawaab ku socoto Abuu Xaazim |
Umubakar
:::Abuu Ciisa iyo Umu Bakar alle u noqda!!!
| C/raxmaan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2007
Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta
Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay...
Akhri..
XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY:
Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan
sano (1936-1941)
|