Wararkii: Oct 4, 2007
-
Guddi loo saaray dabkii baabi’iyey suuqa Bakaaraha
-
Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay
xerada Guulwadayaasha
-
Dadweynaha Soomaaliyeed oo walwal ka muujiyey hadalkii ka
soo yeeray Abuu-Mansuur
-
C/llaahi Yuusuf oo sheegay in uu diyaar u yahay in wada
hadal lagu dhameeyo khilaafka Somaliland iyo Puntland ka dhex jira
-
Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya oo sheegay in ay u fariisan
doonaan sidii ay khilaafka madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha loo dhameyn
lahaa
-
Xaaladda nabadgelyo ee gobalka Sh/hoose oo laga dayrinayo
-
-
''Somalia's President Yusuf Loses His Grip on Power'' PINR
Guddi loo saaray dabkii baabi’iyey suuqa
Bakaaraha
Guddi ka tirsan ganacsatada
suuqa Bakaaraha ayaa loo saaray bal in ay qiimeyn ku sameeyaan dabkii
habeen hore baabi’iyey qaybo ka tirsan Suuqa Bakaaraha.
Guddigaan oo shalay bilaabay
hawshiisa ayaa waxay qiimeynayeen khasaaraha gaaray suuqa Bakaaraha.
Suuqa Bakaaraha marka saddex
meelood loo dhigo waxaa la qiyaasay in ay qayb gubatay, mana ahan markii
ugu horeysay oo suuqaasi uu dab qabsado.
1995-tii ayay ahayd markii
Suuqa Bakaaraha uu dab qabsaday, waxaana xiligaasi joogay General Max’ed
Faarax Caydiid, markii ay timid Dowladdii Carta ee uu C/qaasim
hogaaminayay ayaa mar kale suuqa dab qabsaday, waxayna xiligaasi ahayd
2002-dii, sidoo kale waqtigii maxaakiimta ayaa dab aan sidaasi u
balaarneen waxa uu qabsaday qaybo ka mid ah daawada, haatan uu C/llaahi
Yuusuf madaxweyne ka yahayna waxa uu dab baabi’iyey qayb suuqa ka
tirsan.
Dadka qaar ayaa waxay
sheegayaan in malaayiin Doolar ay ku gubatay suuqa, waxaana la filayaa
in dadkii khasaaruhu ka soo gaaro loo uruuriyo lacago tabarucaad ah, si
ay meheradahooda dib ugu soo laabtaan.
Ilaa iyo hadda Dowladda
Federaalka ayaan caddeynin wixii gargaar ahaa ee ay ugu talagashay
dadkaasi, marka laga reebo Max’ed Dheere oo dabkaasi ku tilmaamay
masiibo qaran.
“Ganacsatada suuqa bakaaraha
ayaa laga rabay in ay ku waayo aragnimo qaataa, afartii jeer ee uu
suuqaasi gubtay oo ay la yimaadaan sidii ay dabkaasi mar kale uga
hortagi lahaayeen, balse taasi ka dhicin” ayuu yiri nin odey ah oo
sheegay in suuqa Bakaaraha looga baahan yahay in ay qayb kasta
diyaarsato dab damis gaar ah u ah, suuqana loo yeelo wadooyin.
Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan
dagaalkii ka dhacay xerada Guulwadayaasha
Waxaa isa soo taraya
qasaaraha uu keenay dagaalkii habeen hore ka dhacay xerada
Guulwadayaasha iyo wasaaradda Gaashaandhiga.
Dagaalkaan oo socday mudo
daqiiqado ah, ayaa waxaa la sheegay in kooxaha ka soo horjeeda ciidamada
Dowladda ay galeen xarunta guulwadayaasha, waxaana sidoo kale lagu
warmayaa in ciidamada Dowladda laga dilay ilaa iyo shan askari.
Kooxaha muqaawamada ayaa
waxaa la sheegay in ay dagaal miidaamin ah ku qaadeen ciidamada Itoobiya
ee ku sugan Shiirkole, kuwaas oo bartanka u galay ciidamada Itoobiya,
waxaana la sheegay in ciidamada Itoobiya uu halkaasi khasaare ka soo
gaaray, sidoo kale kooxihii weerarka soo qaaday ayaa labo ka mid ah ay
halkaasi ku dhinteen, iyadoo shalay galab laga soo bixiyey maydadkoodii
halkaasi.
Ciidamada Itoobiya ee k.u
sugan Wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga iyo xerada Shiirkole ayaa waxay
galeen feejignaan dheeraad ah dagaalkaasi kadib.
Dadweynaha Soomaaliyeed oo walwal ka muujiyey
hadalkii ka soo yeeray Abuu-Mansuur
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo uu qaabilsanaa
Maxaakiimta dhinaca gaashaandhiga oo u waramayey mid ka idaacadda muqdisho
ayaa waxa uu sheegay in ay ka madax banana yihii kooxihii Isbahaysiga ku
dhistay Magaalada Asmara. Hadalkaan waxaa walwal ka muujiyey dadweynaha
Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in arrintaani ay keeni karto khilaaf soo kala
dhex gala kooxaha dagaalka kula jira Ciidamada Itoobiya. “waxay ahayd in ay
ku waayo aragnimo qaataan, dagaaladii ay galeen sida kii ka dhacay Marka,
Gedo, Boosaaso iyo midkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalad Muqdisho” ayuu
yiri nin odey ah oo si weyn walwal uga muujiyey hadalkaasi, kadib markii
Abuu-Mansuur uu sheegay in iyagu ururkoodu yahay Al-Shabaab, dagaalkana ay
ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya. “Kooxaha ku sugan Asmara waa dad dibadda
iska jooga, waxay ahayd in ay yimaadaan dalka oo ay la dagaalamaan gaalada”
ayuu yiri Abuu-Mansuur oo sheegay in ay dhowr weerar ku qaadeen ciidamada
Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.
“mar kasta oo u khilaaf soo kala dhex galo
ururadasi diiniga ah way sii kala jajabaan, oo qaarkood halkaasi ayay ku
haraan, kuwana horey ayay hawshooda u sii wataan” ayuu yiri mid ka mid ah
dadweynaha Soomaaliyeed, oo soo jeediyey in aysan waqtigaan habooneyn in
qolo si gaar ah u sheegato urur dagaal kula jira ciidamada Itoobiya iyo kuwa
dowladda Federaalka, balse waxa uu tilmaamay dhamaan ummadda Soomaaliyeed
yihiin kuwo ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya, oo aysan
habooneyn cidi keligeed guusha yeelato “Fiiri dagaalkii ka dhacay qabuuraha
Barakaa, waxa dagaalamay waxay ahaayeen shacabka oo jid gooyo xoog leh ku
dhigay ciidanka Dowladda” ayuu yiri ninkaasi oo diiday in magiciisa la
sheego.
C/llaahi Yuusuf oo sheegay in uu diyaar u
yahay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka Somaliland iyo Puntland ka dhex
jira
Iyadoo dagaal
gacan ka hadal u dhexeeyo maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa haddana
madaxweyne C/llaalhi Yuusuf Axmed waxa uu shalay ku dhawaaqay in uu diyaar
u yahay in uu wada hadal la galo maamulka Somaliland si loo dhameeyo muranka
xuduuda ee u dhexeeya labada maamul.
Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay inuu meel kasta kula
kulmo maamulka Somaliland si loo dhameeyo xurguftaasi, isagoo sheegay in
labada shacab ee Somaliland iyo Puntland ay yihii labo shacab oo walaalo ah
oo aan sinaba ku kala maarmin.
Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay ama uu ku tilmaamay in ay nasiib daro tahay
dagaalka soo noq noqday ee u dhexeeya labda dhinac, waxa uuna soo jeediyey
in labada shacab u hawlgalaan sidii loo soo afjari lahaa khilaafkaasi.
Labada maamul
ayaa haatan ciidamo hor leh ku sii uruurinaya goobta dagaalka, waxaana laga
cabsi qabaa in dagaal aad u culus uu dhexe maro labada maalmood haddii aan
xal deg deg ah loo helin.
Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya oo sheegay in
ay u fariisan doonaan sidii ay khilaafka madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha
loo dhameyn lahaa
Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya
ayaa ka hadlay xurgufta u dhexeysa maamulada Somaliland iyo Puntland waxa
uuna sheegay baarlamaanku in waqtigaan loo baahneen in labada dhinac dagaal
dhex maro, iyagoo sheegay in wax faa’iido ah aysan ugu jrin labada shacab.
Baarlamaanku
waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ergo nabadeed u diraan maamulada
Somaliland iyo Puntland si ay u soo afjaraan khilaafkaadka u dhexeeya ee ku
aadan dhanka xuduuda.
Baaqyada soo
gaaraya labda dhinac waa ay fara badan, waxa uuna baaqii ugu xooganaa ka
yimid Qar amada Midoobey oo ka dalbatay labada dhinac ay in ay wada hadal ku
soo gebagabeeyaan wixii khilaaf ah ee u dhexeeya, iyagoo sheegay in dagaal
wiil uu ku dhinto balse uusan wiil ku dhalan, sidaa darteedna loo baahan
yahay in laga waantoobo.
Xaaladda nabadgelyo ee gobalka Sh/hoose oo
laga dayrinayo
Wararka naga
soo gaaraya Magaalada Marka waxay sheegayaan in xaaladda nabadgelyo ee
gobalka Sh/hoose ka sii dareyso, gaar ahaan magaalooyinka Marka iyo Afgooye,
waxaana ciidamada ka tirsan Dowladda dhowr mar dhex maray iska hor imaadyo,
iyadoo mas’uuliyiinta gobalkaasi dhowr jeer ka badbaadeen isku dayo dil.
Maalintii
shalay ahayd ayaa magaalada Afgooye, waxa uu iska hor imaad ku dhexmaray
labo maleeshiyo oo ka wada tirsan Dowladda oo isku qabsaday suuqa xoolaha
degmada Afgooye, iyadoo midba midka kale doonayey in uu gacanta ku hayo
lacagaha suuqaasi laga qaado.
Isku soo wada duuboo waxaa gobalka Sh/hoose ku
soo badanaya kooxaha maleeshi-yaadka ee dhigana isbaarooyinka, waxayna
sheegeen dadka halkaasi ku dhaqan in haddii xaaladdu sidaan ku sii socoto ay
keeni karo nabadgelyo xumo baahsan oo ku sii fida gobalka Banaadir.
Dadkii ka barakacay agagaarka Carafaat oo dib
qaarkood ugu soo laabtay guryahoodii
Labadii maalmood ee la soo
dhaafay waxaa deegaanka Carafaat, xaafadda Tawakal, iyo Gubta ayaa waxaa dib
ugu soo labanaya dadkii ku barakacay dadkii ka barakacay kadib markii
ciidamadii Dowladda Federaalka eek u sugnaa Qabuuraha Barakaat ay halkaasi
isaga soo barakaceen.
Dadweynaha oo raxan raxan u
socda ayaa la arkayey iyagoo guryahooda ku soo laabanaya, waxaana dib u
furmay ganacsigii iyo isku socodkii gaadiidka.
Saddexdaa xaafadooda ayaa waxaa
deganaa boqolaal kuln oo qof, kuwaas oo ka firxaday dagaaladii dhawaan ka
dhacay goobahaasi, inkastoo qaar ka mid ah dadkaani aysan weli soo laaban,
ayaa waxaa la sheegay in ay ka cabsi qabaan in dib u soo laabtaan ciidamad
Dowladda oo iyagu horey deegaanadaasi fariisimo ugu lahaayeen, waxayna
dadkaasi isaga nagaadeen goobihii ay u qaxeen.
Suuqa Xoolaha ayaa isna waxaa la
arkayey dad dib ugu soo laabanaya guryahoodii kadib markii Ciidamada
Dowladda ay ka baxeen halkaasi, waxaana la arkayey dad guryahooda dib u
dayactirinaya, maadaama deegaankaasi ay ka dhaceen dhowr dagaal oo soo noq
noqday.
Naadiga Elman oo bixiyey
qalab Isboorti oo u badan Kubado
Naadiga K/cagta Elman ee
dalkeena Soomaaliya ayaa maalintii shalay ahayd xaflad ku qabtay xarunta
naadiga ee magaalada Muqdisho, waxayna xafladdaasi ku saabsaneed bixinta
qalab Isboorti oo u badneed Kubbaddo oo uu naadigu ugu talagalay in lagu
horumariyo tartamada ka socda garoomada yar yar ee ku yaala Magaalada
Muqdihso.
Xafladdaan waxaa ka gaybgalay
guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Siciid Max’ed Nuur
(Mugaanbe), agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga
Mudane Gacal, guddoomiye xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Cali
Siciid Guuleed, guddoomiye ku xigeenka Olombikada Gobalka banadir ahna arimo
hawlfuliyaha guud iyo xubno ka socday guddiga fulinta Xiriirka Soomaaliyeed
K/cagta, iyo waliba guddiyo ka socday Garoomada ay ka socdaan tartamada
Ramadaanka, waxaa kaloo xafladdaasi ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Hay’adda
Xaquuqda Aadanaha ee Elman Eng. Suudaani Cali Axmed, waxaana 30 garoon oo ay
ka socdaan Tartamada Ramadaaanka la guddoonsiiyey min saddex kubbaddood. Ma
ahan marii ugu horeysay oo naadiga Elman uu bixiyo qalab noocaan oo kale ah,
waxayna sheegeen in xubnihii ka qaybgalay xafladdaasi sheegeen in Naadiga
Elman uu yahay naadi u taagan horumarinta Isboortiga dalka
3-da October: maalin aysan hilmaami doonin
shacabka Soomaaliyeed
Taasina waxay sii dedejisay in
mareykanku uu si halhaleel ah uga baxo dalka Soomaaliya, Isla markaana uu
mareykanku joojiyo raadintii uu Caydiid raadinayey, waxaana ciidamada
Mareykanka laga soo riday saddex diyaarood oo ah nooca loo yaqaano Black
Hock, waxaana laga dilay ilaa 18 askari, waxaana laga qabsaday duuliye
Mareykan ahaa oo lagu magacaabi jiray Michael Duran, hase yeeshee
Taageerayaasha General Caydiid ayaa dagaalkaasi kaga dhintay ilaa iyo kun
qofood oo u badnaa dad rayid ah oo la xasuuqay.
Kartoonkii ugu yaabka badnaa ayaa xiligaasi
waxaa soo bandhigay wargeyska Aaqiro Saaca ee k soo baxa dalka Masar, waxa
uuna Kartoonku ahaa, Janaraalkii Mareykanka hogaaminayey oo dhejinaya
tabeele oo leh, waxaana madaxa caydiid dul dhignay 25-kun oo Doolar, iyadoo
dhinaca kale lag arkayey Janaraal Caydiid oo isna dhejinaya tabeele ay ku
qoran tahay General Haw waxaan ku dul dhignay 100 kun oo Doolar.
W/D Amiin Yuusuf khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
SomaliTalk.com | Oct 4, 2007
Dagaal ka
dhacay xaruntii hore ee Guulwadayaasha
.Warar ku saabsan dabkii xalay ka dhacay suqa Bakaaraha..
.Somaliland oo diiday wada hadal ay Itoobiya soo jeedisey...
.Puntland oo beenisay in laga qabsaday Laascaanod…
Wararka oo dhan ka akhri halkan...
Oct 3
Dadka
ka
soo barakacay Muqdisho ee ku jira xeryaha xaqootiga oo ay soo wajaheen
dhibaatooyin aad u daran iyo injineer lagu diley xamar...
iyo warar GoosGoos ah... Oct 3
Dagaallo badan oo ciidammada cadowga lagu jabiyay.
Kulan uu yeeshay taliska Qaybta Hanqadh ee CWXO.
C/llaahi
Yuusuf oo u diyaar garoobaya saddex sano guuradii ka soo wareegatay
doorashadiisii
.Itoobiya oo xulanaysa ciidamada kala qayb qaadanaya..
.Xasan Turki “Intaan la xaajoon laheyn Yuusuf iyo Geedi..
.Weriye C/Xakiim C. Jimcaale oo xaaladdiisa caafimaad laga..
.Iska hor imaadyo dhex maray Somaliland iyo Puntland..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 2
Qoraal lagu burinayo xariga Gudoomiyaha Maxkada sare oo loo
Akhriyey Baarlamaanka DF
iyo Af-hayeenka Baarlamaanka oo waqti kama dambeys u qabtey Wasiiradda
ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka..
Akhri Oct
1
Midowga Ganacsatada
G/Banaadir oo Axadii Bilaabay inay Lacag deeq ah u qaybiyaan Dadka
waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada Muqdisho iyo barakaca..
Akhri Oct 1
Khilaafka
C/laahi Yuusuf iyo Geedi oo ku salaysan arrimaha batroolka, lacago laga soo
qaaday sucuudiga
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|