Barnaamijkii Radio
Xoriyo
Dagaallo badan oo ciidammada cadowga lagu jabiyay.
Kulan uu yeeshay taliska Qaybta Hanqadh ee CWXO.
Shir odayaal reer Ogaadeenya ah uu gumaysigu ugu qabtay Jigjiga.
N/Hure Sheekh Ibrahim Cabdalla oo waraysi siiyey Radio Sweden.
======================
Dagaallo badan oo ciidammada cadowga lagu jabiyay.
Wariyaha RX uga soo warrama xarunta dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si wayn loogu jabiyay
ciidammada saama la-luudka ah ee gumayisga Itoobiya. Dagaalladaas ayaa ka
dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan gobollada Nogob, Jarar iyo Qorraxey.
29/09/07 waxaa magaalada Dig lagu weeraray ciidammo gumaysiga leeyahay oo
halkaas hawlgal u tagay, waxaana lagaga dilay 4 askari, 6 kalana waa lagaga
dhaawacay. 30/09/07 ayaa cutub ka tirsan CWXO wuxuu haddana weerar mir ah ku
qaaday ciidammada gumaysiga, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa
la haynin. Isla 30/09/07 waxaa ciidammada gumaysiga lagu weeraray meel Dig
duleedkeeda ah, iyadoo weerarkan denbe lagaga dilay 4 askari, 7 kalana
lagaga dhaawacay.
28/09/07 dagaal ka dhacay Lo’-boobka, oo Awaare ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 28/09/07 dagaal isaguna ka dhacay Ananu, oo Awaare ka tirsan, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 28/09/07 waxaa Laku-qotomaley, oo Awaare ka tirsan, lagu weeraray
ciidammo gumaysiga ka tirsan oo hawlgal halkaas u tagay, waxaana lagaga
dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
28 iyo 29/09/07 waxaa ciidammada gumaysiga lagu miray Malqaqa, oo Galaalshe
ka tirsan, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
27/09/07 Waxaa weerar gaadmo ah lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay
oo marayay Jugle iyo Daris, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxaana lagaga
dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
24/09/07 dagaal ayaa CWXO iyo kuwa gumayisga Itoobiya ku dhex maray
Sallax-khaliifo, oo degmada Xamaro ka tirsan. Khasaaraha dagaalkaas
ciidammada gumaysiga ka soo gaadhay wax faahfaahin ah lagama hayo.
23/09/07 weerar lala beegsaday ciidammo gumayigu leeyaha oo hawlgal u joogay
meesha lagu magacaabo Janno-tuban, oo ka tirsan degmada Xamaro, waxaa lagaga
dilay 5 askari. Mar kale ayaa isla ciidammadan lala beegsaday weerar kale,
waxaana lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.
20/09/07 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex maray Bidhiiqa, oo
Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 27 askari.
Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd 29/09/07 waxay ciidammada gumaysigu
gubeen Tuulada Kooraceliska-Dharkaynley, oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur.
Kulan uu yeeshay taliska Qaybta Hanqadh ee CWXO.
Taliska Qaybta Hanqadh ee CWXO ayaa toddobaadkii hore isugu yimid kulan lagu
qiimaynayay hawlgalladii la xidhiidhay ka hortagga ololihii xasuuqa ee
ciidammada gumaysigu ka wadeen dalka Ogaadeenya. Kulankan waxaa Taliska
Qaybta kala qayb gashay Xarunta Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya.
Kulankan ayaa lagu qiimeeyay waxaqabadkii Qaybta ee shantii bilood ee la soo
dhaafay iyo sida ay u gudatay waajibaadkeedii la xidhiidhay hawlaha difaaca
dalka iyo dadka. Talisku wuxuu madaxdii kulanka isugu timid u soo bandhigay
dagaalladii ay Qaybtu cadowga la gashay shantii bilood ee tagay, iyadoo
Qaybtu ay 75 dagaal cadowga la gashay, isla markaana 4 baabuur oo Uuraal
ahna ka gubtay.
Kulanku wuxuu hawlgalladii cadowga ku qiimeeyay mid uu ku fashilmay oo uuna
ka gaadhin natiijadii uu ka sugayay, isla markaana muddadii hawlgalkani
socday cadowga la gaadhsiiyay jab millatari iyo mid siyaasadeed labadaba.
Kulanka waxaa lagu dajiyay qorshe cusub oo Qaybtu ku hawlgali doonto
xilliyada soo socda.
Shir odayaal reer Ogaadeenya ah uu gumaysigu ugu qabtay Jigjiga.
Xukkuumadda gumaysatada Itoobiya ayaa, markii ay ku fashalintay hawlgalladii
gumaadka ahaa ee dalka Ogaadeenya ay ka waday, waxay hadda isku dayaysaa
inay adeegsato qaabab cusub oo ay ku meelmarinayso danaheeda gumaysi.
Sida uu ku soo warramayo wariyaha noo jooga magaalada Jigjiga, waxaa
magaaladaas maalmahan ku sugnaa odayaal laga soo ururiyay gobollada kala
duwan ee Ogaadeenya.
Odayaashan waxaa laga soo ururiyay gobollada Afdheer, Shabeelle, Nogob,
Qorraxey, Doollo iyo Jarar, waxaana shir loogu qabtay magaalada Jigjiga
intii u dhaxaysay 29/09 – 01/10/07.
Shirkan, oo xukuumadda guamysigu ugu talagashay in ku kala qaybiso bulshada
Ogaadeeya, waxaa goobjoog ka ahaa Abay Sahay, oo qabiil walba gaar
ahaantiisa ula shiray, isla markaana kala xisaabtamay sida ay ciidammada
gumaysiga gacan ugu siiyeen hawlgalladii ay ku jireen.
Ninkan ayaa odayaasha qolo walba goonideeda ugu hanjabay, kuna dhalliilay in
beeshoodu ayna taageeradii loo baahnaa ciidammada u fidinin.
Shirkan odayaasha loo qabtay ayaa ujeeddadiisa ugu wayn waxay tahay sidii
loo kordhin lahaa cadaadiska iyo caga-juglaynta uu gumayisgu ku hayo
bulshada, isla markaana dhexdooda shaki looga abuuri lahaa. Waxaa kaloo ka
mid ahaa ujeeddooyinka uu gumaysigu ka lahaa;
1- In bulshada Ogaadeenya jifo-jifo loo kala
qaybiyo
2- In la sameeyo malleeshiyooyin Dabaqoodhi ah
oo JWXO laga horgeeyo iyo
3- In la sameeyo dad gumaysiga kala shaqeeya
waxa ay ugu yeedheen nabadgelyada iyo wardoonka.
Kulankan waxaa odayaasha loo qabtay, ka dib markii toddobaadkii in dhaafay
ay saraakiisha ciidammada gumaysigu kulan ku yeesheen magaalada Dhagaxbuur,
kaasoo ay ku qiimaynayeen ololihii millatari ee dalka ay ka wadeen in ka
badan seddex bilood. Warar aan ka helnay ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in
saraakiishani ay isla qiimeeyeen in ololahaas lagu fashilmay, waxayna
fashilaada sabab uga dhigeen iyadoo shacabku uu si aan kala-hadh lahayn uga
soo horjeestay ololahaas.
Kulankaas ayaana lagu go’aamiyay in odayaashan la soo shiriyo, isla markaana
lagu qasbo inay fuliyaan hawlaha ay xukuumadda gumaysigu ka doonayso.
Dhinaca kale waxaa odayaashaas lagu amray inay dadwaynaha ka dalbaan in dib
loogu noqdo tuulooyinkii laga qaxay, isla markaana dib loo dhiso
tuulooyinkii ay ciidammadu gubeen. Arrintan ayay xukuumadda gumaysatadu uga
jeeddaa inay ugu raad-gaddo denbiyadii ay dadwaynaha ka gashay, iyadoo ka
cabsi qabta in denbiyadaas la arko haddii ay dhacdo in guddi caalami ah mar
kale Ogaadeenya loo soo diro.
Radio Xoriyo waxaad ka
dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo
internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari.
SomaliTalk.com | Oct 3, 2007
C/llaahi
Yuusuf oo u diyaar garoobaya saddex sano guuradii ka soo wareegatay
doorashadiisii
.Itoobiya oo xulanaysa ciidamada kala qayb qaadanaya..
.Xasan Turki “Intaan la xaajoon laheyn Yuusuf iyo Geedi..
.Weriye C/Xakiim C. Jimcaale oo xaaladdiisa caafimaad laga..
.Iska hor imaadyo dhex maray Somaliland iyo Puntland..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 2
Qoraal lagu burinayo xariga Gudoomiyaha Maxkada sare oo loo
Akhriyey Baarlamaanka DF
iyo Af-hayeenka Baarlamaanka oo waqti kama dambeys u qabtey Wasiiradda
ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka..
Akhri Oct
1
Midowga Ganacsatada
G/Banaadir oo Axadii Bilaabay inay Lacag deeq ah u qaybiyaan Dadka
waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada Muqdisho iyo barakaca..
Akhri Oct 1
Khilaafka
C/laahi Yuusuf iyo Geedi oo ku salaysan arrimaha batroolka, lacago laga soo
qaaday sucuudiga
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|