Wararkii: Oct 3, 2007
-
Warar ku saabsan dabkii xalay ka dhacay suqqa weyn ee
Bakaaraha..
-
Dagaal xalay ka dhacay xaruntii hore ee Guulwadayaasha ..
-
Madaafiic la sheegay in xalay ay ku dhaceen Suqa Bakaaraha..
-
Maamulka Somaliland oo iska diiday in uu wada hadal..
-
Puntland oo beenisay in laga qabsaday magaaladda Laascaanod…
Warar ku saabsan dabkii xalay ka dhacay suqqa weyn ee Bakaaraha..
Dab xoogan ayaa xalay fiidkii waxa uu qabsaday suuqa Bakaaraha oo ah suuqa
ugu weyn Afrikada Bari.
Dabkaan ayaa waxa uu ka bilowday qaybta lagu gado Rinjinga iyo digaaga, waxa
uuna ku faafay qaybihii kale ee ku dheganaa ee bacadlaha.
Dabkaan oo ku socday hawli ayaa markii ay dadku maqleen waxay isaga yimaadeen
dhamaan degmooyinka Gobalka Banaadir, kuwaas oo ku socday lug, maadaama aysan
jirin wax gaadiid ah.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxay dabka ka kacay suuqa Bakaaraha, qaar waxay
sheegayaan in dabku uu ka bilowday meel maqaayad ahayd, halka warar kale ay
sheegayaan in rasaas nooca loo yaqaano tareesada ay qabsatay bakaaraha ku yaala
suuqa kadibna halkaasi uu qarax ka dhashay.
Waxaa goor dambe suuqa soo gaaray madaxda ka socotay Dowladda Federaalka gaar
ahaan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Max’ed Dheere, Taliyaha Ciidanka Booliiska
Gobalka Banaadir Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) iyo waliba Ciidanka Dowladda
Federaalka oo iyagu si weyn ammaanka u sugayey, waxayna mas’uuliyiinta gobalka
Banadir ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay ka qayb-qaataan daminta dabka,
isla markaana ay ganacsatadu ku tabarucdo boobayadaha dab damiska si loo
badbaadiyo hantida ku gubaneysay suuqa Bakaaraha xalay, waxayna ka codsadeen
shacabka in ay dhowraan xasiloonada, waxaana dadka loogu baaqay in ay cid waliba
waxa ay gacan uga gaysan karto dambinta dabka la timaado, xitaa baaldi biyo ah
kii keeni kara.
Dabkaan ka kacay Bakaaraha oo aad u xooganaa ayaa markii dambe daciifay
gurmad xoog leh oo loo sameeyey kadib, waxaana halkaasi xalay ku hanti belay dad
fara badan oo Soomaaliyeed.
Dagaal xalay ka dhacay xaruntii hore ee Guulwadayaasha ..
Dagaal aad u xooganaa oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa
xalay intii lagu guda jiray afurkii waxa uu ka dhacay Wasaaraddii Gaashaandhiga
iyo Xeradii Kuulwadayaasha oo ay degan yihiin ciidamo ka tirsan Dowladda
Federaalka yo kuwo Itoobiyaan ah, waxaana dagaalkaan oo la isku adeegsaday hub
culus la ogeyn khasaaraha uu gaystay.
Warar ayaa waxay sheegayaan in gaari ay lahaayeen ciidamada Dowladda ay
waxyeelo ka soo gaartay dagaalka.
Madaafiicdii la isweydaarsanayey ayaa waxaa la sheegay in dad rayid ah ay wax
ku noqdeen, kuwaas oo dhaawacooda lagu hayo guryaha, maadaama aan la bixi Karin,
gaadiidkuna uu socon Karin.
Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar lagu soo qaado xeryaha ciidamada,
iyadoo dagaaladii ugu dambeeyey ay ka dhaceen saldhiga Booliiska Hodan oo ay
khasaaro ka soo gaartay ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka.
Madaafiic la sheegay in xalay ay ku dhaceen Suqa Bakaaraha..
Markii uu bilowday dabka ka kacay suuqa Bakaaraha oo mudo yar socday ayaa
waxaa soo gaaray dadweyne dhowr ah oo doonayey in ay dabka halkaasi ku damiyaa,
hase yeeshee waxaa madaafiic ku soo dhacday suuqa gaar ahaan goobtii uu ka
bilowday dabka, waxayna tasi keentay dadkii damin lahaa dabka ay dib uga
cararaan, waxa uuna dabkii uu bilaabay in u usii xoogeysto meelo baddana uu
gaaro.
Ilaa iyo hadda cid caddeyn karta ma jirto halka uu ka yimaadeen
madaafiicdaasi, iyadoo intii uusan bilaaban dabku uu dagaal xoogan ka dhacay
Wasaaraddii Gaashaandhiga iyo Xeradii Guulwadayaasha, waxaana halkaasi ka soo
baxay dhowr madfac oo la sheegay in ay ku dhaceen Suuqa Bakaaraha, kuwas oo loo
maleynayo in ay sababeen dabka Bakaaraha ka dhashay.
Dhinaca kale waxaa xalay la arkayey dad bililiqeysana suuqa Bakaaraha gaar
ahaan qaybta Maacuunta, waxaana la arkayey dad sita maacuun fara badan, oo ka
soo bililiqeystay goobtii uu dabku ka kacay, waxaana la kala garan waayey dadkii
hantida lahaa iyo kuwa bililiqo doonka ahaa.
Maamulka Somaliland oo iska diiday in uu wada hadal..
Iyadoo xurguf xoogan u dhexeyso, dhawaana uu dagaal gacan ka hadal ah uu dhex
maray Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa maamulka Somaliland waxaa la
sheegayaa in uu ku gacansayrey dhex dhexaadin ay soo jeedisay Dowladda Itoobiya
oo la xiriira sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya labada maamula. Ergay
ka socda Itoobiya oo la filayey inuu gaaro Magaalada Hargeysa si uu maamulka
Somaliland ugala hadlo khilaafka u dhexeeya iyada iyo Puntland ayaa Somaliland
uu soo gaaro Magaalada Hargeysa. Ergaygaan ayaa doonayey in uu isku soo maro
labada maamul. Bishii Agoosto ayay ahayd markii madaxweynaha maamulka Somaliland
Daahir Riyaale Kaahin uu diiday casuumaad uu ka helay Ra’siul Wasaaraha dalka
Itoobiya Meles Zenawi oo ku saabsaneed in uu kulansiiyo isaga iyo C/llaahi
Yuusuf, waxayna taasi keentay in Dowladda itoobiya ay si weyn uga carooto.
Maamulka Somaliland iyo Dolwadda Itoobiya ayaa waayadan dambe waxaa soo kala
dhex galay xurguf la xiriira khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, kadib
markii Somaliland ay ku eedeeyey Dowladda Itoobiya in ay u xaklineyso dhanka
Puntland, hase yeeshee Dowladda Itoobiya way beenisay, waxayna sheegtay in
xurgufta u dhexeysa Somaliland iyo Puntland ay dhex dhexaad ka tahay.
Puntland oo beenisay in laga qabsaday magaaladda Laascaanod…
Maamul Gobaleedka Puntland ayaa si kulul u beeniyey in laga qabsaday
magaalada Laascaanood, waxayna wararkaasi ku tilmaameen kuwo aan sal iyo raad
toona laheyn.
“Ciidankeenu waxay joogaan duleedka Magaalada Laascaanood” ayuu yiri Afhayeen
u hadlay maamul gobaleedka Puntland oo sheegay in ciidamada Puntland ay haatan
gacanta ku hayaan Magaalada Laascaanood, hase yeeshee wararka ka imaanaya
Magaalada Laascaanood waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Somaliland ay
haatan ku sugan yihiin Magaalada Laascaanood, iyadoo ka yimid maamul gobaleedka
Puntland ay haatan isku ruuursnayaan duleedka Magalada Laascaanood, waxaana laga
cabsi qabaa in dagaal kale uu ka qarxo Magaalada, waxaana la arkayey dadka ka
qaxaya Magaaladaasi.
Lada dhinac ayaa waxaa soo gaaraa baaqyo ka kala imaanaya caalamka, waxa
uuna baaqii ugu dambeeyey ka soo gaaray Qaramada Midoobey oo iyadu u soo
jeedisay in ay labada dhinac kala qaadaan ciidamada, oo ay wixii khilaaf ah ku
xaliyaan wada hadal iyo is afgarad.
Dowladda Mareykanka oo ku hanjabtay in ay Cunaqaateyn hor leh ku soo
rogi..
Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in Dalka Suudaan cunaqabateyn
dheeraad ah lagu soo rogi doono, iyadoo Mareykanku uu ku hanjabay in Xukumadda
Suudaan keliya aysan aheyn midda cunaqabateynta la saarayo, balse sidoo kale la
saari doono hogaamiyaasha kooxda Janjawiit ee iyagu dagaalada ka wada gobalka
Dahfur ee koonfurta dalka Suudaan, waxa uuna mareykanku ku eedeeyey Dowladda
Suudaan iyo madaxda Janjawiitka in ay xadgudubyo bini’aadannimada ka dhan ah
gaysteen.
Dowladda Suudaan ayaa warkaasi dalka Mareykanka ka soo yeeray waxay ku
timaantay kuwo gef ku ah sharafteeda, isla markaana waxay sheegtay in warkaasi
uu yahay mid la iska yiri oo aan ku saleysan qiiq dhab ah oo jirta, waxayna
Xukuumadda Suudaan u soo jeedisay dalka Mareykanka uu joojiyo qabweynida uu
wado, isla markaana waxay tilmaantay in Mareykanku uu yahay haatan dalka gaysta
xadgudubyada ugu badan ee Bini’aadannimada ka dhanka ah ee ka dhaca daafaha
caalamka.
W/D Amiin Yuusuf khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
SomaliTalk.com | Oct 3, 2007
C/llaahi
Yuusuf oo u diyaar garoobaya saddex sano guuradii ka soo wareegatay
doorashadiisii
.Itoobiya oo xulanaysa ciidamada kala qayb qaadanaya..
.Xasan Turki “Intaan la xaajoon laheyn Yuusuf iyo Geedi..
.Weriye C/Xakiim C. Jimcaale oo xaaladdiisa caafimaad laga..
.Iska hor imaadyo dhex maray Somaliland iyo Puntland..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 2
Qoraal lagu burinayo xariga Gudoomiyaha Maxkada sare oo loo
Akhriyey Baarlamaanka DF
iyo Af-hayeenka Baarlamaanka oo waqti kama dambeys u qabtey Wasiiradda
ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka..
Akhri Oct
1
Midowga Ganacsatada
G/Banaadir oo Axadii Bilaabay inay Lacag deeq ah u qaybiyaan Dadka
waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada Muqdisho iyo barakaca..
Akhri Oct 1
Khilaafka
C/laahi Yuusuf iyo Geedi oo ku salaysan arrimaha batroolka, lacago laga soo
qaaday sucuudiga
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|